Home » Siyaasad »

Burburkii Qoys ilaa Qaran|Q-5aad|Mingiste

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).

Sababihii keenay burburka:-

Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.
Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,waxaa ka mid ah:-

1. Gumaysigii reerYurub iyo kan Africaanka ah:-

Sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya waxaa ka mid ah gumaysigii reer Yurub,kaasoo Soomaaliya u kala qaybiyey shan qaybood oo kala duwan,waxaana cadaan ah in burburka Soomaaliya uu aasaaskeeda dhigay gumaysigii u kala qaybiyey shanta qaybood.

Soomaaliya waxaa si weyn u burburiyey gumaysiga madow,gumaysiga Afrikaanka ah ee la derisk ah,kaas oo ilaa maanta gumaysta dal iyo dad Soomaaliyeed,waxaana wax lala yaabo ah in maanta Soomaalidu u kala dheerayso Kenya iyo Itoobiya,waxaa wax lala yaabo in shirarka nabada ee Soomaaliya lagu qabto,oo weliba ay maamulaan ,Dowladna u soo dhisaa Kenya iyo Itoobiya “EELKA KII DHIGAY U ERGOOTOOY”.

Waxaa iyana ka qayb qaatay burburka Soomaaliya ururo loo yaqaan ururada caalamiga ah,kuwaas noqday qaar loo adeegsado,loona soo dhexmaro,sidii Soomaaliya aaayn marnaba cagaheeda isugu taagi lahayn,waxaana Muqdisho xilligan aad looga isticmaalaa hadalka ah “DAAHA GADAASHIISAA LOOGU JIRAA”.

2. Isfahanka Dowlada iyo shicibka
Marka laga soo bilaabo xilligii xoriyada ee1960kii ilaa maanta Shcabka Soomaaliyeed may fahmin waxa loola jeedo Dowlad,cida Dowlada loo yahay iyo shaqada Dowladu waxay tahay.Inta badan Dowladihii soo maray may ahayn qaar ay ka maqan tahay QABYAALAD iyo KELI TALIS,waana sababaha keenay in ilaa maanta ay shacabku liqi kari waayaan waxa loola jeedo Dowladnimo .

Dowladuna ma fahansana waxaa loola jeedo shacabka,cida ay Dowlada u tahay,waajibaadka ka saran shacabka ay xukunka u hayso iyo wixii laga rabay in ay u qabato dalka iyo dadka.

Haddii shacabku fahmi lahaa in ay Dowladu iyaga Dowlad u tahay ,Dowladuna Fahmi lahayd in ay shacabka Dowlad u tahay waxaa yaraan lahaa dhibka jira,ilaa labadaasi ay is fahmaana ,waxay ila tahay in burburku sii socon doono.

ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-
Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .

— la soco Q6aad iyo weli sababahii keenay burburka—

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.