Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey oo wada olole uu ku doonayo in magdhaw lagu siiyo dadkii ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacey NFD-dii todobaatameeyadii.

Halkan ka dhegeyso warka oo uu akhrinayo Saciid Anteeno (mp3)

Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa wada olole uu ku doonayo in magdhaw lagu siiyo dadkii ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacey NFD todobaatameeyadii.

Xildhibaanka oo u waramayey Star FM ayaa sheegay iney doonayaan baarlamaanka iney hor geeyaan sharci xad gudub ku ah ummadda gobolka ku nool iyo ummadda ku nool deegaanka Tana River, Mar sabad iyo Lamu District oo waagii hore loo yaqaaney NFD districts.

Ololaha mudanaha ayaa waxaa saldhig u ah badalidda sharci uu waa hore baarlamaanka Kenya ansixiyey, kaasoo dhigayey in ciidanka Kenya ay fasax buuxa u heystaan iney wax alaale iyo wixii ay rabaan ay ku geystaan NFD, maadaama uu waagaas ka socdey dhaq dhaqaaqyo dadka halkaasi ku dhaqan ay ku doonayeen in Soomaaliya ay dib ula midoobaan.

Waxaa dhacey xasuuq loo geystay dadka halkaasi kunool iyadoo ilaa iyo haatana aan waxba laga qaban, maadaama uu jiro wali sharcigii waagaas la ansixiyey oo aan wax xuquuq ah siineyn dadka Soomaalida ah ee ku nool waqooyi bari Kenya.

Sharcigan ayaa ka hortagaya iney helaan dadka ku nool NFD magdhaw dalbadaan maadaama dhibaatooyin waa weyn loo geystay. Sharcigan waxaa la yiraahdaa Indemnity Act, wuxuuna ka reebaya dadka reer NFD iyo dadka ku dhaqan degmooyinka Lamu, Tana River iyo Marsabed iney kamid noqdaan dadka xasuuqa uu saameeyey.

Sharcigan ayaa sidoo kale dadka ku dhaqan degmooyinka la isku oran jirey NFD ka reebaya in badan kood ay cabashooyin u gudbiyaan guddiga runta iyo cadaalada oo loo abuurey inuu baaro cadaalad daradii horey Kenya uga dhacdey. Degmooyinka Tana River, Marsabad iyo Lamu district iyo gobolka waqooyi bari ee haatan ayaa waagii hore loo yiqiiney NFD districts.

afey

Dhanka kale xildhibaan Maxamed Cabdi Afey ayaa difaacay ololaha doorashada 2012 ee madaxweyne ku xigeenka kalonso Musyoka oo lagu eedeynayo inuu waqti hore bilaabey ololihiisa dhanka doorashada. Waxaana uu ku tilmaamey Mr. Afey kuwa Kalonso ku eedeynaya in ololihiisa uu waqti hore bilaabey iney kuwa baqdin ka qaba ololihiisa, isagoo ku nuux nuxsaday madaxweyne ku xigeenku inuu xaq u leeyahay in waqtiga uu rabo uu olole sameyn karo.

Rayi ururin ay sameysay kooxda “Stead man” oo dadka lagu weeydiiyey qofka ay rabaan iney u doortaan madaxweyne doorashada 2012-ka ayaa muujisey inuu ku horeeyo ra’iisal wasaare Raila Odinga.

Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ah gobol dhanka horumarka ka danbeeya gobolada kale ee Keyna, taas oo muujineysa sida aan daacad loogu aheyn wax u qabashadiisa.

Halkan ka dhegeyso warka oo uu akhrinayo Saciid Anteeno (mp3)

Kulan danbe oo xiisa leh, cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban.

Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
Mobile Phone: – 00254-711 919 -302

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey oo wada olole uu ku doonayo in magdhaw lagu siiyo dadkii ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacey NFD-dii todobaatameeyadii. "

  1. dholay dhagacade. says:

    maxamed abdi afey,waa nin somali ah oo muhim ah waxaase laron in uu san kahor imaan waxii somali danaheda lagu horumarinyo,cidmada infdhig lsgu horumarayanayo yusan didin usan uarkin dano shisheye wana mahsan yahay.

  2. cade says:

    Arintaas waa muhiim waa aan ku taageereynaa laakiin xildhibaanka waxaan ka codsaneynaa in uu inoo cadeeyo lacagta waxa lagu sameynayo hadii magdhawda lahelo
    talo waxaan ku soojeedin lahaa
    in uu biyo nadiif ah iyo caafimaad iyo wado uu ku sameeyo
    guuleyso afey musuq maasuq ha kufakarin
    dhibkaa waa hore ayuu ahaaye midkale hanoo keenin