Home » Idris, Warar »

“Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay?” Muxamad Idris

بسم الله الرحمن الرحيم

Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay?

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Innaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaa maanta xagga aakhiro inooka guurey Sheekh Cabdulqaadir Muxammad Cabdullaahi, Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu Jannaatul Firdoos ka waraabiyo, Eheladiisii iyo Asxaabtiisi iyo Muslimoontoo dhanna samir ilaahay ka siiyo.

Shekh Cabdulqaadir Allaha u Naxariistee, waxaan is naqaaney muddo 30 sano ka badan, Waxaanu 1978 ku kulanay carriga xijaas, oo berigaas dhalinyara badan ee dacwadu usoo carartay, markii cadaadisku kaga yimi dawladdii kacaanka ahayd, si gaarana waxaanu ugu rafiiqnay, Ilaahay dartiisna ugu walaalowney isuguna jeclaannay, dariiqa dacwada, ayaama bandanna waa usoo wada joogney iyo dhacdooyin dhul gariir oo kale ahaa, haba ugu darnaato ayaamihii ay dhacday Dawladdii Soomaaliya 1991, dabadeedna dalku galay dagaalada ehliga ah, safkii ducaaddana ay soo food saartay maayad culus oo dabaylo iyo duufaan wadata, taasoo bur bur iyo dil dillaac xooggan u geysatey saxwadii Islaamka ee heerka sare markaa mareysey, tasoo leh taariikhdeeda mar uun la qori doono haddii Rabbi Idmo. Mudda dheer ayaanu deris ku ahayn Sheekha Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukkarramah, waxaanan ka mid ahaa dadka ay aadka isugu dhowaayeen waqti dheerna wada shaqaynayeen.

Haddaan Isku dayo inaan faalla kooban ka bixiyo sheikh Cabdulqadir Allaha u naxariistee, waxaa aad maskaxdayda isugu herdinaya fikradaha iyo xusuusaha aan isla soo marnay, laakiin waxaan jeclahay maanta inaan usoo koobo akhristayaasha, gaar ahaan barbaarta dacwada Islaamka, qayb ka mida waxaan ku bartay Daacigaan fariidka ahaa, ee maanta innaga baxay.

Laab Xaadhnaan : Sheekh Cabdulqaadir sifooyinka ugu weyn ee aan ku bartay waxaa ka mida lab xaadhnaan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay ku manaystay qalbi waasica oo aan xume iyo xasad aqoon. Wuxuu ahaa mid kulmiya dadka kala duwan, ama afkaarta ku kala fog, ama arrimaha iskaga hor yimaada, oo inta badan ay isugu yimaadaan, ama ayan waxba u wada qabin. Wuxuu ahaa nin khayrka iyo wanaagga la jecel dadka oo idil, kuna dadaala inuu wada deeqo, isagoo ay kasoo horrayso farxad iyo dhoolla cadadayn. Ma garanayo muddadaas dheer oo axdaas badan laysla soo maray Cabdulqadir iney dad wax uurka isugu qaadeen, balse xitaa dadka isaga maaga ama wax geysta wuxuu ahaa nin aan waxba u qaadin oo wanaag kula dhaqma, waana sifo Ilaahay bixiyo cid walbaana heli Karin.

Hufnaan & Xishood : Sifooyinka uu aadka ugu caan baxay Sh. Cabdulqadir Allaha u naxariistee, cid walba oo la dhaqantaana dareemi kartey, waxaa ka mid ahaa, xishoodka iyo hufnaanta af iyo gacanba uu lahaa. Hadduu Cabdul qadir damco inuu wax ku weydiiyo, ama arrin kaala hadlo, ama fikrad uu kugu khilaafsan yahay kuu sheego, si toosa hakuula hadlo ama telefoon hakuu soo diro, waxaad dareemeysaa xishoodka siyaadada ah, iyo qaddarinta xad dhaafka ah ee uu qofka u muujinayo, iyadoo ay hadalkiisa mar walba ku dheehantahay tawaaduc iyo debecsanaan. Sh. Cabdul qadir wuxuu ahaa nin aad u gacan hufan oo qanaaca badan, si kasta oo ummuuruhu ugu adkaadaan, wuxuu ku qaabili jirey sabir iyo qanacsanaan. Waxaan ku baranay Cabdulqaadir – Allaha u naxariistee – nin aad u hadal macaan, waji furan, dhoolacaddayntu mar walba kasoo horrayso markuu walaalihiis la kulmo, bashaasha oo soo dhowaynta iyo xilkasnimada aan lagu gaarin. Waxaan xusuustaa ayaamihii dagaalada ehligaayi Soomaaliya ka bilawdeen, imtixaanada faraha badanina dacwada iyo ducaadda soo waajeheen, in ay dhici jirtey, dooda aad u kulul oo raggii asxaabta ahaa dhex marta, ayna dhici jirtey kolalka qaarkood in ragga qaarkood sheekha hadala kulul oo aan habboonayn ku yiraahdaan, weligayna ma maqal Cabdul qadir oo afkiisa kelimad xumi kasoo bexeyso, wuxuuna ku qaabili jirey, degganaan iyo hufnaan.

Isagoo sidaa u xishood badan haddana sheekhu wuxuu ahaa geesi aan kelmadiisa iyo mawqifkiisa la gabban, waxaanuna marar badan iska xejin jirney goobta u baahan geesinimo iyo diricnimo.

gae1

Deeqsinimo & Urursanaan: Waxyaabaha aan ku barannay Sh. Cabdulqadir Allaha u naxariistee waxaa ka mid ahaa deeqsinimo, iyo Urursanaan uu adduunyada ka urursanaa oo aaney qiima weyn ugu fadhiyin. Waxaan dhihi karnaa, adduunyada iyo dhal dhalaalkeeda isna ma doonin, iyana masoo doonan, ilaa Rabbigiis ka oofsaday isagoon ku wasakhoobin. Waxaan ogahay Sh. Cabdulqadir iney gacantiisa soo mari jirtey boqollaal kun iyo malaayiin, dacwadu leedahay, sidiisi ayuuna ka ahaa. Wuxuu ahaa nin aan waxba meel dhigan, ardada iyo walaalihiisa ducaaddaana u gacan furan, haddaanu wax haynna, u shafaaca qaad badan, oo ku dadaala in wax la taro.

Adeegga Dadka: Sifooyinka Sh. Cabdulqaadir ku caan baxay waxaa ka mid ahaa, adeegga dadka waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu soo galo dadka xadiisku tilmaamay ( Dadka Ilaahay ugu Jecelyahay Waa kuwa dadka ugu waxtar badan). Waxaan dhihi karnaa waqtigiisa ugu badani wuxuu geli jirey u adeegga walaalihiisa Muslimiintaa gaar ahaan ardayda cilmiga iyo ducaadda, miduu tazkiya la raadiyo, mid uu sheikh ula tago oo shafaaca u qaado, mid uu shaqa dacwadeed la raadiyo gaar ahaan hay’addii Iftaha ee Sheekh Bin Baaz madaxda ka ahaa, sheekhuna wuxuu ka mid ahaa raggi Sheekh Binbaaz Tazkiyadooda aqbali jirey, iyo miduu cisbitaal u wado, iyo marti uu soo dhowaynayo. Waxaan xasuustaa berigii 1986 rag culima ah oo 10 ah dil lagu xukumay, sheekhu inaanu maalmahaas nasan, taasoo dhalisay in isaga iyo culima kaleba la hadlaan Sh. Cabdulcaziz Bin Baz, Shekh Binbazna la hadlay Ku xigeenka Boqorka Sucuudiga, Haatanna ah Boqorka Jooga, kaasoo la hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, dabadeedna saan ognahay xukunkii loo bedeley xabsi daa,im, kadibna la sii daayey.

Sh. Cabdulqadir wuxuu ahaa nin har iyo habeen ku mashquulsan waxtarka iyo u adeegga dacwada iyo ducaadda, heer arrinkaasu raad weyn ku yeeshay iney dayacmaan danihiisi gaarka ahaa, sida Risaaladii Masterka iyo phD uu samaynayey, waana midda keentay inuu waqti aad u badan ay ku qaadato 2da risaalo inuu dhameeyo, waayo waqtigiisa ugu badan oo dacwada iyo dadkeeda geli jirey.

Ayaamihii u dambeeyey Noloshiisa

Waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu dhowaa ayaamihii ugu dambeeyey noloshiisa, waxaanan ku wadacay habeenkii khamiista ee subaxdeeda 15/10/2009 u u dhoofayey Djibouti gurigii uu ka degganaa magaalada Jeddah. Sheekha habeenkaa iyo malintii ka horreysey codkiisu wuu xirmay. Waqtigaa ka horna wuxuu sheekhu 11 cisho ku jirey Cisbitaalka weyn ee Malik Faisal, halkaasoo aanu dhignay habeenkii 30/9/2009 uuna kasoo baxay 11/10/2009.

Sheekh Cabdulqaadir oo aan ku naqaaney adkaysi iyo dulqaad badan, habeenkaa markii aan cisbitaalka kasoo qaadeyney wuxuu aad isugu dayayey inuu keligiis gaariga fuulo, inkasta oo ay aad ugu adkayd. Taleefanadana wuu ka jawaabayey, dalkii iyo dadkiina akhbaartooda ayuu warsanayey.

Sheekhu wuxuu Sucuudiga noogu yimi horraantii bisha Ramadaan isaga iyo Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan, iyagoo labaduba baaritaan caafimaad u yimi. Maalintii iigu horraysey ee aan Jeddah kasoo qaaday, waxaa dareen culusi I galay markaan taleefanka codkiisa ku maqlay. Waxaa dhegtayda ku dhacay cod ka bedelan codkii aan ku aqoon jirey Cabdulqadir. Waxaan dareemayaa, ruuxdu waa tiisii, hase yeeshee jirku waa mid ka bedelan. Markaan Gaarigayga kusoo qaadayna wuxuu sheekhu fadhiyey dhinacayga, gurigaannna kawada afurnay isaga iyo Dr., Axmad. Waxaan aad usii arkay xaaladda sheekha saacadahaas kooban, wexeyna igu beertay hammi iyo murugo aanan koobi Karin. Sheekh Cabdulqaadirka hortayda fadhiyaa waa isagii ruux ahaan, qosol ahaan, xishoodkiisi iyo adkaysigiisi xad dhaafka ahaa, ixtiraamki iyo qaddarintii, laakiinse jirkiisa wax badan ayaa iska bedeley, qofkii arki jireyna naxdin iyo calool xumo ku dhalineysa. Waxaanse imtixaanka ugu sabreynaa Allaah Subxaanahu wa tacaalaa oo aan uga rajayneyno inuu dembi dhaaf uga dhigo, daraja sare oo jannada ahna lagu gaarsiiyo.

Isla habeenkaas waxaanu booqannay dhakhtar ku takhasusay cudurada jirka intiisa qarsoon. Markuu baaritaan kooban ku sameeyeyna wuxuu noo sheegay, in sheekha beerkiisu dhamaad yahay ama ku dhowyahay, daawada keliya ee uu leeyahayna ay tahay inta aanu ka naqaano in beerka laga bedelo, taasoo kharash fara badan u baahan. Wuxuuna noo diray baaritaano in la sameeyo dhiig iyo raajooyin ah. Wixii ayaamahaa ka dambeeyey, markii raggii meesha joogey la tashaday waxaa talo ku dhammaatay in sheekha baaritaanadan loo dhamaystiro, wixii baxnaanina oo lasiin karana lagula tacaalo, deg degna loogu hawl galo, sidii loo heli lahaa meeshii arrinkaa lagaga gun gaari lahaa iyo kharashkeediiba.

Ilaahay fadligiis, maadaama sheekhu ahaa, nin qiima badan oo sidaa dadku u jecel yihiin, makaano iyo maqaam weynna ku leh dacwada iyo dadkeeda, waxaa suurta gashay in lagu guulaysto in ballan laga soo qabto mid ka mida cisbitaalada adduunka ugu caansan xagga beerka, oo ku yaalla London, lana yidhaahdo Cromwell Hospital, kharashkiina meel la saaro ilahay fadligiis.

Markii fiisihii in laga qaado Jeddah ay adkaatayna waxaa sheekha la geeyey Djibouti si ballanta 12 Nov. uu u haleelo oo fiisaha halkaas looga qaado maadaama baasaboorkiisu ahaa DJibouti.

Hase yeeshee khamiis hadduu tegey wuxuu noolaa oo qudha jimce iyo sabti, wubaxnimadii axadda 18/10/2008 saacaddu markey ahayd 8.00 am ayaa sheekha amarkii Ilaahay u yimi oo la oofsaday. Wuxuuna geeriyoodey sida la ii sheegay isagoo kelimadda tawxiidka ku dhawaaqaya.

Kulan gaara

Waxaan jeclahay inaan halkan ku xuso sheekhu wuxuu ii yeeray intaanu cisbitaalka Jeddah kasoo bixin habeen ka hor, anagoo ku jirna qaban qaabadii safarta. Taleefan ayuu iisoo diray wuxuuna yiri: Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaara isu aragno oo arrima xoogaa ka tashanno. Waxaan ugu tegey Cisbitaalka, wuu fiicnaa markaa xoogaa, oo sariirta ayuu ku fadhiyey, dhiniciisa ayaan fariistay. Wuxuu asluubkiisi edebta badnaa, xishoodka lahaa, iigu muujiyey dareenkiisa ku aadan cariga gaalada, wuxuuna ii sheegay inuu waxbadan is tikhaaraystay, oo fekerey, niyaddiisuna marna ku degi la’dahay inuu aado dhulkaas gaalada. Haddii la heli karo wax ka bedelan ayaan door bidi lahaa ayuu yiri. Waxaan ku iri waa sidii laga filayey Profasoorka caqiidada, arrinkuna mid aynu hadda doorasho iyo jeclaan ugu socono, waase sabab qaadasho, meela ka fiican haddeynu helnana weynu qaadan, wixii tabarteenna ah ayeynu samayneynaa, arrintana Ilaahay ayeynu u deyneynaa, sidaas ayaanuna markii dambe isku waafaqnay.

Waxaan rajaynayaa inuu Ilaahay niyaddiisa u qaaday, ayna khayr u ahayd inuu Rabbi u fududeeyey isaga oon dhib iyo rafaad iyo qal qalliin badan marin iyo gacan shisheeye.

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii janno geeyo Sh. Cabdulqaadir, Jannaatul firdowsna nagu kulmiyo annagoo walaala is hor fadhiya ah. Eheladiisi iyo asxaabtiisiina ilaahay sabir iyo iimaan ugu bedelo. Muslimiintana wax ka khayrbadan u dhaafiyo.

Waxaan rajaynayaa in isaga iyo rag kale oo naga tegeyba ay ardaydooda iyo ducaaddu noloshoodi wax ka qoraan.

W/Q Muxamad Idris Axmed
hayaan@gmail.com

Malaga yaabaa inay garwaaqsadaan? Malaga yaabaa inay garwaaqsadaan? “Ma dhici Kartaa ragga qaarki iney garwaaqsadaan – anaa keligay talinaya – mashaqa aan maara loo helayn iney tahay, sida ay sax u tahay in Ilaahay dartiis loo dhintana, iney sax u tahay in Ilaahay dartiis loo noolaado? Dawlad iyo nidaam iyo kala danbayn in… ” Sh. Maxamed (GUJI)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " “Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay?” Muxamad Idris "

  1. husni mohamed says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicun alaha haa u naxaristo walalkena muslimka ah ilaah waxaan ugu baryeynaa inuu ka dhigo kuwa gacanta midig lagu siiyo kitaab janatul firtosna alaha haa ka waraabiyo amiin

  2. Urur Ismaaciil Xasan says:

    AAD IYO AAD AYAAN UGA NAXAY GEERIDA SHEEKH C/QAADIR, ALLE WAXAAN KA BARYAYAA IN JANNAADIISA KA WARAABIYO: AAMIIIN.

    SHEEKH C/QAADIR WAXAA UU AHAA MACALLINKAYGA JAAMACADDA BARIGA AFRIKA IYO HORMUUDKA JAAMACADDA.

    QOF WALBA HA OGAADO IN WADADA UU MARAY SHEEKH C/QAADIR QOF WALBA UU MARI DOONO.

  3. bosaso says:

    ilaahay janatu firdowza haku abaal mariyo, sheekh maxamed irdirs adigana ilaahay miisaan ka xasanaad ka hakuugu daro, ha ku xifdiyo , cimri dheerna haku siiyo aamiin yaa rabi

  4. assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.salaan ka bacdi innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,waxa uu ahaa sheekhu macallinkaygii qaaliga ahaa oo aanan noloshayda marnaba illaawaynin sidii hagar la,aanta ahayd ee uu cilmiga sharciga ah ugu gudbin jirey cidda uu wax barayo,waxa aaan leeyahay ALLAAH ha nooga dhigo cilmigii lagu intifaaco,sheekhana miisaankiisa kheyrka ha ugu cusleyo.AAMIIN AAMIIN.

  5. sakariye Isticmaar says:

    Xaqiiqdii qormadan waa mid Taariikhi ah

    Allah ha u naxriisto shekh Abdulqaadir waxa uu lahaa taariikh qiime leh sheikh Mohamed Idris waxaan adna ku leeyahay Allah ha ku xafido waxaad nasiisey cashar lama ilaawan ah xaqiiqdii maqaalkan waxa ii iga keenay ilmo waxan uu igu beeryay caloolyow waayo sheekha waxa uu ka tagey howlo khyeri ah in maanta la helaa isagoo kale waa wax aad u adag dadka fahmaya qiimacada u shaqeynta bulshada waxa uu gorowsanayaa in geerida sheekha ey boos-weyn baneysay Alle shekha abaal-marin ha uuga dhigu Janadiisa Fardowsa inagana hanagu kulmiyo

  6. Mohamed says:

    ilaahay ha u naxarıısto walaalkeyga muslimka ah ee kheyrba faraha badan lagu tılmaamey.ilaahow u naxarııso uu ku sug qolka xaqa ah qabrıga gudıhıısa