Home » Sports, Warar »

Todobaadka Sportiga iyo soo Nooleynta Naadiyadii hore oo Xariga laga jarey


— Muqdisho: Todobaadka Sportiga iyo soo Nooleynta Naadiyadii hore oo maanta (Oct 17) Xariga laga jarey
— London, UK: Kooxda Heegan oo faro marnaan dhigtey kooxda Betroolka koobka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Cayarahaan loogu magaca daray todobaadka nabada iyo soo nooleynta naadiyadii hore waxaa ay ka socdaan Garoonka dugisga bolice –ka

Waxaa ka soo qeb galay madax ka tirsan dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo uu hormuud u ahaa raiisal was are ku xigeenka Prof ibbi, wasiirka sportiga iyo dhalainyarada saleemaan colaad rooble ,wasiirka wasarada dib uheshiisiinta iyo nabadaynta Cabdirashiid derow ,ku simaha taliyaha ciidanka bolice ka somaliyeed ,ku xigeenka duqaMagaalda Muqdisho ahna ku xigeenka Mamulka gobolka banadir C/fataax ibraahin Cumar Sabriye Shaaweye ,qaar ka mid ah mas.uuliyiinta gudiyada olompicada somaliyeed iyo kuwa xiriirada kala kala duwan ee sportiga somaliyed bahda saxaafada iyo madax iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada kooxaha kala duwan ee sportiga dalkeena .

Wasiirka wasaarada sportiga iyo dhalainyarada oo ka hadlayey munaasibada xariga looga jarayey furitaanka cayaradaha kooha heerka koowaad ee qaranka cayaartaan oo loogu magacday todobaadka nada iyo soo nooleyna naadiyadii hore ayaa sheegay in ay wasaaridiisu ku faraxsan tahay furitaanka iyo soo nooleynta xiriirarii dalka la burburey .

Saleemaan colaad roble “wasaarada waxaa farxad weyn u ah in ay suurta galiso qabanqaabada cayartaan oo runtii la dhihi karo waa talaabo loo baahnaa oo horey loo qaaday ujeedadiisuna waa sidii sportiga sare loogu qaadi lahaa loona abuuri lahaa jawi nabadeed oo wax tar uleh bulshada qeybna ka qaadan kara arimaha dib u heshisiinta “

Wasiirka ayaa intaa kudaray in ay manta cayartaan ka qeyb qaadan doonaan 5 naadi oo wasaaradisu ay dib u soo nooleysay

Wuxuuna amaan uga jeediyey mas.uuliyiinta wasaradaha ay ka socdaan naadiyana sida wasiirka wasaarada gaashaandhiga ,wasiirka wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta ,wasiirka wasarada badroolka umadda ,taliyaha ciidanka bolice-ka somaliyeed ,mas.uuliyiinta maamulka G/banadir
Wasaradahaan ayuu ku tilamaamay wasiirka soprtiga in ay ahaayeen kuwo si dhaqso ah uga so jawaabay baaqii wasarada sportiga iyo dhalinyarada waxayna soo unkeen 5 naadi oo ka mid 10 kii naadi ee uu lahaa qaranka somaliyeed .

ciyaaaraha1

Cayartaan ayaa lagu qabtay xarunta Akedeemiyada bolice-ka xarunta tababarka bolice-ka waxaana si hagar la.aan ah uga dhex muuqday kooxda baanbeyda Ciidanka boloce_ka somaliyeed
Cayartaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay 5 kooxood oo ka mid ah naadiyadii hore oo kala ahaa

1. Jeenyo wasarada howlaha guud iyo guriyeynta LLBB
2. Horsed ciidamada qalabka sida
3. Ciidamada bolice ka
4. D/hoose ee xamar
5. Badroolka

Kooxaha aan weli ku so darmin balse laga warsugayo in ay ku soo biiridonaan horeyna u jirijirey ayaa kala ah

1. Gaadiidka
2. MBc Madbadcada
3. Waxool
4. Bada
5. Isnaay biyasa Jowhar

Cayaaraha kubada Cagta ayaa lagu tilmaamaa in ay qeyb ka yihiin howlaha babada iyo isbarasahda bulshada dhexdeeda ah waxaana ka si aad ah uga dhax muuqda dhalinyarada

Waxaa loo mahad celiyey inta soo abaabushay iyo inta ka qeyb qaadatay iyada oo bahda sportigana si gaar ah looga codsaday in ay nabada ku dadaalaan

Amiin Yuusuf
Muqdisho

….

Kooxda Heegan oo faro marnaan dhigtey kooxda Betroolka koobka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore.

London 17/10/2009.

Halkan ka daawo sawirada ciyaaraha London

Waxaa magaalada Muqdisho garoonka iskoolka Booliska si habsima ah uga socda koobka loogu magacdarey koobka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore ee dalka Soomaaliya magaca iyo taariikhda ku lahaa sida Jeenyo ( LLPP), Horseed ( Cawo iyo Maalin), Muqdisho ( Minishiibiyo) Betroolka iyo kooxda Heegan.

Koobkaan oo ka furmay maalintii shalayto ahayd islamarkaana kooxaha Horseed iyo Jeenyo ay fooda isku dareen ciyaartii kowaad ayaa waxaa galabta lagu qabtey garoonka Iskoolka Booliska ciyaaartii labaad, waxayna ku dhaxmartey kooxaha kale ah:

Kooxda Betroolka oo hoos tagta Wasaarada Betroolka iyo Tamarta & Kooxda Heegaan oo hoos tagta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiisa badan islamarkaana ay soo buux dhaafiyeen garoonka dadwayne Soomaaliyeed oo xiiseeya ciyaarta kubadda cagta ayaa waxaa kale goob joog ka haa madax sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo horkacaayo Wasiirka Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya halyeey mudane Saleebaan Colaad Rooble iyo xubno kale oo ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya sida Shaarkeey, Siciid Qorsheel, Abdalle Quuq iyo Juuma.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey weerar iyo weerar celis, iyadoo dadka u soo daawasho tagayna ay sacab iyo farxad ay ka muuqatey wajiyadooda, iyadoo garoonka nabadgalyadiisa ay aad u sugayeen ciidanka Booliska Dowlada Soomaaliya.

Waxaana xusid mudan in garoonka ay ka dhax muuqdeen calaamadihii ama astaamihii lagu yaqiin kooxihii hore ee dalka Soomaaliya iyo ciyaartooy da’yar oo xiisa u qaba inay muujiyaan xirfadahooda ciyaaryahanimo islamarkaana koox walbo oo ka mid ah shanta naadi ayaa waxaa macalimiin u ah iyo la taliyayaal qaar ka mid ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya.
Dadkii hore Muqdisho ku noolaa oo ahaa taageerayaasha kooxaha noocyadiisa kale duwan ayaa si weyn uga dhax muuqday garoonka iskoolo Boolisiyo.

Labada naadi ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag iyo farsamo aad u wanaagsan, waxaana kooxaha ka muuqatey sida weyn ay ugu soo diyaar garoobeen ciyaraahan koobka loogu magacdarey koobka Nabada iyo dib boor uga jafida kooxihii hore.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatey in kooxda Heegan ay labo Goal iyo waxbo ay kaga adkaato kooxda Betroolka oo dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaanay sanadihii ugu dambeeyay garoomada islamarkaana ay u soo dheeli jireen ciyaaryahano caan ah sida Laacibkii xulka Qaranka iyo kooxda Betroolka Muqtaar Cuti oo aan ku tilmaami karo laacibkii ugu caan sanaa ee soomara kooxda Betroolka islamarkaana ay jeclaayeen dadka daawada ciyaarta kubada cagta iyo ciyaaryahano kale oo caan ahaa sida Cabdalla quuq, Biriq, Senegal, Shabeel, Oday Mursal ,Amaan Guuleed iyo Daysane .

Halka Kooxda Heegan ay soo shaac baxday burburka dalka kadib laakinse aan ku tilmaami karo koox aad u wanaagsan oo leh maamul iyo nidaam.

Waxaan qadka telefoonka kula hadlay mid ka mid ah ciyaaryahanadii kooxda Betroolka oo degan magaalada London islamarkaana barnaamijka cayaraaha TV Universal kale sameeyo suxufiga Cabdi Naasir Solo faalooyinka ciyaaraha dalka England mudane C/qaadir Mohamed Farah ‘’ Biriq’’ waxana u iisheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in kooxda Betroolka inay maanta ku arkaan iyagoo garoonka ku jiro dhalinyaro Soomaaliyeed 20 sanadood kadib iyagoo ku dheelaya magacii kooxda Betroolka, islamarkaana waxa u hadalkiisa raaciyay inay og yihiin hadii ay yihiin ciyaaryahanadii kooxda Betroolka meel kasto ay joogaan in kooxda Betroolka dib boorka looga jafay mudo laga joogo 3 bilood.

Run ahaantii markii hore waxay nala ahayd riyo ayuu yiri mudane C/qadir Biriq laakinse waxaan rabaa inaa halkaan kaga soo gudbiyo hambalyo aan direyno anagoo ah ciyaartooydii kooxda Betroolka ee dibadaha ka soo taageeray soo noolaynta kooxda Betroolka, waxaana hambalyo u direynaa dhamaan ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Betroolka, taageerayaasha ugu horeyn waxaana sidoo kale hambalyo u direynaa Wasiirka Betroolka iyo Tamarta ahna raisal wasaare ku xigeenka Dowlada mudane C/wali Goonjeex iyo Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad
Kooxda Betroolka Qurba joogta: Shaacir Shiikhow,Cabdulqadir Biriq, Mohamed Daysane, Cabdalla Saleeban,Muqtaar Cuti, Oday Mursal, Nur Itop, Axmed Weli.C/raxmaan Amaan,Nuune.Cabdi Cali.C/risaq Marshaale,Cabdulahi Coonka, Cabdicasiis Dabagure.

Kooxda Heegan ayaa sidoo kale waxaa dhibada u taagay General Bashiir Mohamed Jama Kaynaan ‘’ Bashiir Goobe’’ oo ka mid ah ku xigeenada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, islamarkaana aan oran karo nin Sports ah horeyna u soo noqday Gudoomiyaha XSKC.
Qormadayda waxaan ku soo gunaanadayaa kooxda Heegan oo ku figaysay garoonka iskoola Booliska kooxda Betroolka oo aad moodo inaysan shidaalka sheelaraha si fiican lugta ugu qaadanin.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee qurbajoogta kuwooda jecel Sports ayay xiiso badan iyo hadalhayntoodu noqotey inay ka faaloodaan tartanka islamarkaana ay dhagaha u tagaan yaa kulanka galabta badin doono, halka dadka caadiga ah ee aan Sports xiisaha u qabin ay leeyihiin waa alxamdulilaahi hadii dhalinyaro Soomaaliyeed oo garoon ku wada jira oo wada dheelaya ay arkayaan islamarkaana waxay bogaadiyeen howsha ay wado wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada ee lagu turxan bixinaayo Sports dalkeena iyo ka boor jafida magacyadii taariikhda Sports lagu yaqiin.

Jaaliyada dibada waxaan ka codsanayaa inay taageero weyn u fidiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tartanka ugu furmay magaalada Muqdisho hadii ay ahaan lahayd qalab Sports iyo wixii kale ee loo heli, madaama aysan jirin cid u maqan aan idinka ahayn .

Waxa ka socda garoonka iskoolo Booliska waxaan ku tilmaami karaa ‘’waa la tartamayaa maxaa taqaan waana dhamaatey koox cid loo raacdo aan la aqoon’’Waxaan dib idin kaga soo qori doonaa jadwalka ciyaaraha ka socda magaalada Muqdisho.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.