Home » Warar »

GAROOWE: Roobab ma hiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal.

Roobab xoogan oo mahiigaan ah ayaa waxa ay xaleytoole ka da’een magaalada Garoowe ee caasumada dowlada puntland iyo degmooyinka kale oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Roobabkan ayaa waxa ay saacado si xiriir ah uga da’ayeen magaalada garoowe iyo deegaanada ku xeyndaaban.

Roobabkan mahiigaanka ah ayaa ka mid ah roobabka dayrta waxa ayna khasaaro u geysteen aan aad u buurneyn dad ku dhaqan qeybo ka mid ah xaafada magaalada Garowe, gaar ahaan xarumaha IDPs –yada ee ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee kasoo barakacey koonfurta Dalka Somalia.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ahna caasumada Puntland ayaa waxa waran biyo aad u faro badan kuwaas oo ay dadka iyo gaadiidku si dirqi ah ku marayaan.

Dhanka kale biyaha uu dhigey roobkii xaleytoole ka da’ay magaalada garowe aya waxa uu sababey in la fasaxo qeybo ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya shaqooyinka kale gedisan ee Garoowe.

Gebi ahaan roobabka deyrta ayaa waxa ay si siman uga da’een gobollada puntlanda sida Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, waxaana ku diirsadey dadka reer miyiga ah.

Roobabkan ayaa waxa ay kusoo beegmeen xilli cabashooyin ay kasoo baxayeeen dadka reer guuraaga ah iyadoo wasaarada daaqa iyo beeraha Puntland ay dhowr bayaan oo ku saabsan cabashooyinka biyo la’aan u gudbisey ha’ada u qaabilsan maareynta arimaha musiibooyinka Puntland ee HADMA.

cabdiyare cumar bille
somalitalk.com, Garoowe
Cabdiyare

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " GAROOWE: Roobab ma hiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal. "

  1. Moustafa says:

    asalamucalaykum. walalayal dhaman wadsalamatihin cabdalla xusen sxb roob waxay ku xirantahay nolosha magaalo iyo baadiye ba hadii lawaayo noloshu way ay adkanesaa marka wax badali karo maleh roob Alle na waxan ka baryey naa inuu roob meelkasto oo islamku dago siyo.

  2. cabdalla xusen nur dirir says:

    masha allah allaw adaa qabojiyay waa udub dhexaadka nolosha reer baadiyaha roobku marka waxan jeclaan lahaa si xeel dheer inay uga fakaran wax badal noqon kara oo haddii rooblawaayo lagu badali kari lahaa