Home » Siyaasad »

Puntland, Labo lagu gabood falay Dekedda Boosaaso iyo Garoonka Gaalkacayo|Qays

Waxaa markhaati ma doonto ah shakina aanu ku jirin in labada meelood ee aan kor ku xusay ay yihiin ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee shacabweynaha reer Puntland ay haysteen tan iyo markii burburku ku yimid qaranimadii sida weyn loogu darsaday ee soomaliya. Labadan meelood waxay saldhig si dhab ah ugu ahaayeen adeegyada rasmiga ah ee ay dadka reer puntland u baahnaayeen. Waxaan xusuustayda ka go,in marar badan oo aan ka dhoofay ama aan ka soo degay garoonka gaalkacayo ama aan booqday dekedda boosaaso inkasta oo aanan marna wax ka dhoofin ama ka soo dejin dekadda.

Garoonka, waxaa ka muuqda baahi, dacdaro iyo daryeel la,aan baahsan oo indhaha dadka xusuus xanuun leh kaga tegaysa. Garoonku waxa weeye weligiisna uu ahaa meel banaan ah oo aan oo bacaw (qorax) ah oo xoogaa jabad (ood) ahi ku wareegsan yahay, markaad ka dhoofayso ama aad ka degayso waxaa kuu muuqanaya dad xoonsan meesha diyaarada la soo istaajinayo oo si aan nidaamsanayn u yaacaya garoonka dhexdiisa. Waxa aad hab dhaqanka dadka markaba ka dheehanaysaa maamul la,aanta haysata garoonka iyada oo ay kuu dheertahay inaanay garoonka bilicdiisu ku soo jiidanayn, tan ugu daranina waxay tahay halka diyaaraduhu caga dhigtaan oo aad u burburtay aana waxba laga qaban labaatankii sano ee u danbaysay ama tan iyo markii la dhisay garoonka ah xili aad u fog.

Dekedda boosaaso oo iyadu wax weyn kaga duwan garoonka wax soo saarkeeduna kun jeer ka badan yahay ayaan iyana haysan dhaqaalayn u qalanta wax soosaarkeeda waxayna ku joogtaa halkii ay joogtay maalintii burburka inkasta oo marar dhowr ah dhismayaal ama bakhaaro lagu kordhiyay, iyada laftigeeda way taalaa nidaam xumo weyn oo aan ku koobnayn hadba inta ishaadu qaban karto.

Nidaam xumada aan ka hadlayo waxay u kala baxaysaa labo qaybood mid waa mida dadka adeeg maalmeedka haya oo ay ugu horeeyaan ciidanka ilaalada ah oo iridaha labada meeloodba jooga iyaga oo haysta qoryo(Ak 47) ay dadka ku horeeyaan. Nimankaas dadka kuugu soo hormaraya ee amaanka loo saantay waxaad markaba kala kulmaysaa ixtiraam la, aan iyo handadaad iyo weliba hadaad dhaliisho macaamilkooda caga juglayn, waxaa iska cad inaan la siin tababar lana barin cilmi ay dadka ugu adeegaan ee nin walbaa sidii hooyadii ku dhashay uu yahay.

Mida labaadna waa tan maamulka dawliga ah oo runtii ah halka arrintu ka dhimatay maxaa yeelay puntland wuxuu maamulkii ugu horeeyey kii SSDFta ee horaantii sagaashamaadkii ka bilawday dhulkaas isagii ayaana u xuubsiibtay Maamul gobileedka puntland. Maamuladii hawsha kala dhaxlay si rasmi ah ayay u gacan bidixeeyeen labadda dekedda iyo garoonkaba marnabana kama aysan qaban hawshii iyo dayactirkii loo baahnaa ee weligoodba shilinka ayay ka guran jireen dib uma eegi jirin baahida labadda naas ee u irmaanaa.

Arrintii xanuunka lahayd ee dhacday markii ay gubatay doon ku xirnayd dekedda boosaaso waxay ahayd markii boggaga wararka ee reer puntland soo daabaceen sawiro muujinaya dab-demiska rasmiga ah ee magaaladda boosaaso oo u soo gurmaday doontii oo ololaysa, maxay ahaayeen dabdemisku? Booyado yar yar oo ah kuwa u dhaamiya dadweynaha ah oo labaatan fuusto qaado ah, naxdin bay taasu ahayd waxaa ka darnaa wiilal aad u diifaysan oo iyana haamo yaryar oo cas cas haysta oo doontii oo ololaysa iska farfadhiya markay daniba tiri. Waxa la yaab nagu noqotay dad cashuur loogu fadhiyo kiishkii ay soo dejiyaanba oo aan hadana la badbaadin karayn hantidooda markii dhibahan oo kale yimaadaan, soow wax laga gubto maaha oo aan gar ku ahayn hanka maamulka puntland. Waxaa xusid mudan inay ganacsatadu laf ahaantoodu eeda wax ku leeyihiin maxaa yeelay shirkadaha waaweyn ee puntland way soo gadan kareen babbur dab-demis ah oo waawayn oo meel fog biyaha kaga tuurikara hadba meeshii gubanaysa. Waxay ila tahay inay tani cibro idiin noqonayso oo maamulka iyo ganacsataduba ku baaraarugi doonaan dhacdadaan u danbaysay.

Nuxurka iyo haatan maamulka cusub ee puntland waxaa loo doortay loona igmaday in lagaga bogsado xanuunadii ummada soo maray ayna dhayaan boogihii wada damqanayey ee bulshadeena, hadaba si ay taasi u suuro gasho waa in la abaal mariyaa labadaas meelood oo muhiimka u ah puntland uuna ka muuqdaa isbedel dhab ah oo la taaban karo hadii aysan taasi dhicin waxba kaga duwanaan maysaan nimankii idinka horeeyey ee idinka iyo anaguba aan wada dhaliilnay. Tan labaad waxaa haboon in maamulka cusubi bilaabo sidii bulshada looga baabi’in lahaa habka jabad jabad u fekerka ah lana beeraa sinaan iyo walaalnimo u dhexaysa deegaanada puntland oo dhan si simana mashaariicda loo siiyaa gobolada oo dhan iyadoo la eegayo oo keliya baahida.

Gunaanadkii madaxweyne faroole waa inuu kaga dhabeeyaa hadalkii uu ka yiri garoonka diyaaradaha ee boosaaso markii uu furayay ee ahaa “ garoonkan oo kale ayaa laga dhisi doonaa garoowe, gaalkacayo iyo laascaanoodba”.

Qalinkii Mohamed Nuh (qays)
qeysnuh01@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Puntland, Labo lagu gabood falay Dekedda Boosaaso iyo Garoonka Gaalkacayo|Qays "

  1. Mohamoud Naagadoon says:

    hadalka qoraagu waa hadal sax ah fikradayda, si fiican ayuu ula socda xaaladaha dhaqaale dayaca ah ee ka jira puntland, waana mid ay ku guuldaraysteen maamuladii soo maray puntland in ay arintaas wax ka qabtaan, hadaba sida uu sheegay Qoraagu waxaan ka codsanaynaa maamulka cusub ee puntland in la daryeelo ilaha dhaqaalaha ee bulshada isla markaasna gacan aamin ah loo dhiibo.