Home » Siyaasad »

Ma anaa waalan mise cadan baa laga heesi ?!Abdulrazak

Mahad dhamaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato rasuulkeenii Suubanaa Muxamed Ibnu C/laahi..

Intaadabadeed :-

Malaha Soomaalidu berigii hore reer cadmeed bay u badnayd, markaa ninkii reer cadmeed ee intuu xamar yimi ku arkay wax ka fajaciyay oo uusan filayn, buu ku hadaaqay ereygan ah ”ma anaa waalan mise cadan baa laga heesi”. Waayaha qofkii noolina wuxuu arkayaa maalinba ta ka danbaysa ax ka cajabiya,.. Xaaladda Soomaaliyeed qofkii u kuurgalaana waxay ku sii siqaysaa meel daran iyo reero muskood, maalinba ta ka danbaysaa waxaa kuu soo baxaya in umaddani ay marayso imtixaan adag, taasoo ku salaysan dunuubtii aanu ka galnay Allaah xagiis, waliba Alle intuu noo cafiyay ayaa ka badan, oo waxaan isleeyahay qofkii dhexjoogay ama garanaya wixii Soomaali dhexdeeda gaysatay in haddii aanay Alle naxariistiisa iyo dulqaadkiisa weyn jirin in sidii qowmamkii Nuux, Huud, saalix iyo Luud ( NNKH) loo rogay naloo rogi lahaa.

Arartaasi kadib, waxaan qalinka kor u qaaday markii aan dhagaystay khudbadii Shariif ee uu jaaliyada Maraykanka u jeediyay, waxaanan aad ula yaabay qaybtii uu kaga hadlay Masaajida iyo sidii ay u qalafsanayd. Runtii waan rumaysan kari waayay illaa aan dhowr goor ku noq-noqday, balse la yaab ma leh qofkii nusuusta diinta dul istaaga, waxaan u qaatay uun in xilligii Nabigu (NNKH) sheegayay la joogo ee uu lahaa ” u degdega samaynta acmaasha Saalixa ah, intaanay fitantu qofkiin ku soo degin ama uusan ku dhicin, sida habeen gudcur ah oo kale,qofkuu wuxuu waabariisan isagoo Muslim ah, wuxuuna galabaysan isagoo gaal ah, ama galabtii waa mu’min, subaxiina waa gaal”..Markii la weydiiyay Rasuulka (NNKH) sababtana wuxuu ku jawaabay: ” Diintiisuu siisan wax xoogaa adduunyo ah ”, waxaa kaloo uu isla xadiiskaas nabigu (NNKH) ku sheegay in ay iman doonaan ” Rag quluubtoodu ay tahay quluub Shayaadiin,laakiin jir bani’aadam ku dhexjirta”.. waxaan aad ula yaabay maxaa wadaadka ku kalifay ,koleey in ay rag is hayaan waa cadahaye , inuu masaajidda afkiisa ku kala bixiyo, oo hadhoow nimankii cadowga Allaah ahaa ee Magacyada badnaa oo awalba ul booc ah ugu tukubaayay masaajidka iyo waxa gala ay u helaan daliil ay cuskadaan oo ah ” in madaxweynahoodiiba uu qiray khatarta masjidka”.

wax kaleba yeelkeedee waxaa aad iiga yaabisay maxaa daroogo iyo masjid iska galay ?!!!.. Shariifse ma wuusan ogayn in umadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool rajada kaliya ee maanta u hadhay in ay tahay Xarumahaas islaamiga ah ee ay waliba dhiigooda iyo lafahooda ku socodsiiyaan taasoo ay ku ilaashadaan islaanimadooda iyo ubadkooda.

Anigakan maqaalka qoraaya waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta markazka ugu weyn Finland, waxaanan howlaha dacwada wadnaa illaa 15 sano, walina ma aanaan arag dhalinyaro daroogo lagu siiyo masjid iyo dacwo gudaheed, walina ma aanan arag cid inta timid dhalinyaro abaabusha oo Soomaaliya u kaxaysa. Haddii uu Shariifku isagu og yahay arintaas, koleey waxay noqonaysaa bay ila tahay sidii lagu yiqiin dowladaha daaqutka ah ee caalamka islaamka ka jira ” in markii ay doonaana ay arintu xalaal tahay, markii aysan iyaga ku socona ay xaaran tahay, oo Talibaankuba waa bay dowladaha islaamka agtooda ka ahaayeen Mujaahidiin, haddana waa argagaxiso ”, taasoo aan ula jeedo ” Sheekh Shariif markii uu hogaaminayay halgankii loo dhamaa ee gumaysi-diidka ahaa, koleey raggu way u iman jireen iyagoo meel walba ka yimid oo waa la dagaal galeen, marka haddii uu isagu haatan ka leexday mabda’ii uu hore u aaminsanaa , waxay ila tahay in ay u haboonayd inuu dacaayada iyo dagaalka ku ekeeyo ragga ay is hayaan, laakiin aanay u gudbin xarumaha dacwada ee muslimiinta.

Hore waxaan uga maqalnay rag badan oo madaxda islaamka ka tirsam erayada soo socda :-

1.” Ii keena qalin cas aan khaladaadka quraanka ku jiraa saxee!!

mid kale waxaa laga qoray :-

2.-“ Xitaa towxiidku wuxuu dulmiyay dumarkii oo xuquuqdooda wuu garabmaray, waayo kalimada towxiidka ee “Laa ilaaha Illa Huwa “ maxaa loo oran waayay “ Laa ilaaha illaa HIYA”, taasoo uu ula jeedo meesha laga isticmaalay magac u yaalka “HUWA” oo ah macnaha “Isaga” , maxaa loo isticmaali waayay “Hiya” oo ah “Iyada”

Mid kale wuxuu yiri :-

3. Maadaama Mujtamaca Saxaabadu ay ahyeen rag ku mashquulsan arimaha Jinsiga (Sex), oo nolol-maalmeedkooduba ahaa ama ku salaysnaa in dusha la iska saarnaado habeen iyo maalin, ayaa Muxamed (oo uu la jeedo NabaigeenaNNKH).. waxay dantu ku khasabtay inuu asxaabtiisa u fasaxo in iyagoo janaabo qabaa ay masjidka dhex maraan.

Mid kalena waxaa laga sheegay :-

4. “Alle dooran mayo, Shaydaana dooran mayo , labadooduba waa darbi, indhahayga xiraya oo iga daboolaya, marka ma gidaar baan gidaar kale ku bedeshaa?”

Shariifna saanuu u hadalay oo taariikhda u gashay :-

5.- “Dadka yaryar oo caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la doonateen waa fiicantahay, laakiin masaajidkii waa la soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan, maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”

“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota, marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo.”.. xigasho www.Somalitalk.com

Waa cajiibe, bal aanu Shariifka weydiinee. haddii dhalinta daroogo la siiyo ma waxaa la siin jiray xilligii aad adigu muqaawamada hogaaminaysay, haday jawaabtu haa tahay. hadde maxaa markaas fiicneeyay oo hadda xumeeyay.

Mise daroogada uu wadaadku sheegayo waa Aayadihii iyo Axaadith-tii uu Nabigu(NNKH) ku dul akhrin jiray saxaabada marka ay jihaadka u socdaan ama goobta Jihaadka la joogo,, taasoo ah arin maragmadoonto ah in qofkii lagu dul akhriyaaba uu caqligiisu tagayo janadii, mana ahan wax ceeb ah, balse waxaa u baahan jawaab , ma nusuustiibaa daroogo lagala mid dhigay?!!!

Alloow naga dulqaad caradaada iyo ciqaabtaada, oo ha noo qaban waxay sufahada naga mid ahi ku hadaaqeen.

Gabagabdii waxaan leeyahay, horay ayay Soomaali u tiri :- ” Rag iska dhici iyo rabi ka cabso meel ma wada galaan ” ee ragga saaxada Soomaaliya isku hardinaya oo ku lagdamaya waxaan leeyahay, hadalo malab la mood korka laga mariyay oo meelaha laga akhriyaa ama laga jeediyaa cidna idinku soo raacimayso, ummaduna way kala taqaan maanta cidda wax sax ah wadaa iyo cida khaldan, ee Ilaahay ha laga baqo oo afkiinu yuusan gaalnimo idiin soo jeedin, ummaddii gudaha ayaad cunteene, kuwan gaalada u soo cararay ee meel ay ciirsadaan oo aan ka ahayn maraakiztaas ay dhiigooda ku bixiyaan oo awalba cunsuriyad ay maara uga la’ yihiin oo xitaa gaaladii dersiaka la ahyd maraakizta ay amaan ka heli la’ yihiin ha ugu darsamina idinku oo afkiina yaan loo daliishan .

Aragnay oo dhegeysanay qoraalada cajiibka leh ee meelaha qaarkood la soo geliayay ee ah: Ibbi 2007 iyo Ibbi 2009.. ama Shariif 2007 iyo Shariif 2009, koleey 2011-kuna way soo socotaa , maxaad la iman doontaan oo aanu idinka aqbali doonaa?!!! iyadana xisaabta ha lagu darsado oo waxaan leenahay cid kastaa oo hadlaysaa dhinacay doonto ha ahaatee hadaladaas duuban ha lagu waana qaato oo yaanay mar qura afkiina ka soo wada bixin “waa fiican tahay, waa xun tahay”.. “HAA, Maya “ .. Mujaahid, Aragagxiso… Itopia cadow Itobiya saaxiib.

abdirazak sugulle
abdirazaks@hotmail.com
Finland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.