Home » Warar »

Shirkii Qurba Joogta Puntland oo ku soo Gabagaboobay Minneapolis

Warbixin: Shirkii Qurba Joogta Puntland oo ku soo Gabagaboobay Minneapolis

Minneapolis,Oct 12, 2009: Shirkaan ayaa waxuu socday mudo saddex bari, dad ka shirkaan ka qayb galay ayaa waxay ka kala yimaadeen Gobalada Maraykanka iyo Yurubta iyo Canada iyo Somaliya iyo Kenya.

Waxaa kaloo ka qayb galay Marti ka socota Safaaradda Maraykanka ee kenya, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ahmed Walad Cabdallah iyo UNDP iyo Madax ka socota Dalka Maraykanka iyo Gobalkaan Minnesota sida Senotar iyo Speaker (state).

Aqoon yahanada Puntland iyo Wax garadka ayaa Su,aalo weydiiyey Qaramada Midoobay, waxayna muujiyeen in dhibaatada ay sii galayso 20 sano isla markaana Puntland ay ku dadaalayso hor mar nabad galyo ,waxayna ka dhawaajiyeen in ay loo baahan yahay in Gobalada soomaliya ay soo dhistaan Maamulka la mida kan Puntland ka jira.

Shirkaan ayaa wale oo ka qayb galay culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada iyo Ganacsatada. Waxaana Xoog iyo xowli ku socda Maamulka Cusub ee Puntland ee uu madaxda ka yahay Dr C/raxmaan Faroole. Ururka Shirkaan soo qaban qaabiyey oo dhisan mudo ka yar  2 sano, waxaana Madaxweyne u ah Ururkaan C/qaadir Hashi.

   crash

Wasiirada ka socday Dowladda Puntland ayaa la kulmay Senator Amy iyo Madax kale waxayna wada qaateen kulan ayaga oo is dhaafsaday Su,aalo iyo  warbixino, Shirka kan xiga ayaa lagu qaban doonaa sida goobta shirka laga sheegay Cariga Ingiriiska Magaalada London Sanadka soo socda.

 
Labadii Wasiir ee Ka socday Puntland iyo Senator Amy oo warbixin is dhaafsaday


Mohamed Dalmar (bidix) waa Nin ka ku saxiixnaa Lacagtii Shiling Soomaliga iyo Saaxiibkiis Bankiga Soomaliya

Waxaa goobta buraanbur ka tirisay Marwo Xaawo Ayeeyo Halkan ka Dhagayso

Hadalkii Senator Amy Klobuchar Halkan Ka Dhagayso

Mark Zimmer oo ka socday Safaaradda America ay ku  leedahay Kenya Halkan ka dhagayso 

Catherine Wangamati waa gabar reer Kenya ah oo Ka timid Washington DC. Waxay sharaxaysaa Barnaamij UNDP bixinayso oo ah qofkii ku noqonaya Puntland oo aqoon ama Xirfad ku kordhinaya ay UNDP bixinayso qarashkiisa dhinaca kale Dowladda Puntland ayaa dhul siinaysa qofkii aqoon ama xirfad geeya Puntland Hadaba Professor Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa Sharaxaad kooban ka bixinaya Halkan Ka dhagayso

  

Susannah Price waxay ka socotaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ahmed Walad Cabdallah Halkan kad Dhagayso

Sawiradii Shirka ka daawo: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad

Habeenkii koowaad ee shirka Warbixin:

dadkaXaflad ay soo qaban qaabiyeen Ururka qurba joogta Puntland oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo PDF ama Puntlland Diaspora Forum ayaa waxa lagu qabtay Hotelka Ramada ee Magaalada Minneapolis.

Xafladaan oo ahayd Casho sharaf ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka yimid Puntland. Waxaa shirka ururka PDF ka soo qayb gelaya Sh C/qaadir Nuur Farah.

Waxaa kaloo shirkaan xalay (Sabti) ka hadlay Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Puntand Mudane Dr C/raxmaan Mohamuud Faroole oo Hanbayo iyo dhiira galin u Jeediyey Qurba Jooga Puntland Halkan Ka Dhagayso

 


Mohamud Wardheere iyo C/qadir Hashi iyo Profe Abdiwali iyo Anwar

 Waxaa kaloo ka hadlay Sh C/risaaq Sancaani  Imaamka Masaajidka Rowda asaga oo sheegay in uu aad oga xun yahay dib u dhaca ku yimid Safarka Sh C/qaadir Nuur Faarax oo hadda ka Soo ambabaxaya wadanka Kenya ee Magaalada Nairobi Halkan Ka Dhagayso

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Madaxweynaha ama Hogaanka sare ee Ururka PDF Puntland Diaspora Forum Mudane Ambassador C/qaadir Hashi Halkan Ka Dhagayso 

 

 iyo Chairman ka PDF ee Minnesota Mohamed Hassan Abgaalow Halkan Ka Dhagayso

Shirkaan sida uu u soconayo iyo u jeedada shirkaan iyo waliba dad ka ka qayb galaya ayaa waxaa faah faahin dheeraada ka bixiyey Profosser Abdiwali Mohamed Ali oo macalin ka ah Jaamacadda Niagara University waxuuna sheegay in ay shirkaan ka qayb galayaan Duqa Magalaada St Paul Christopher B Coleman iyo US Senator Amy Klobucher   iyo Xubno ka socda Xafiiska Ahmed Walad Abdallah  UN ka iyo Masuuliyiin ka socda Safaarada America ee Kenya, waxaa kaloo looga hadli doonaa Arimo khuseeya Badda Soomaliya waxaana ku xusun warqadda Casumaadda Aqoon yahano iyo sharci yaqaano aan ahayn Soomali oo ka hadli doona Burcad badeeda iyo Halkan Ka Dhagayso Macluumaadka Shikra Prof Abdiwali Mohamed Ali Gaas

 

Wasiirada Puntland ka yimid ee goobta shirka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dastuurka Puntland Jimcaale oo ka hadlay Hishiiskii Jabuuti iyo Xuquuqda ama Sharciga Federalka iyo wax wada qaybsiga waxuuna halkaas ka jeediyey khudbad uu inta badan kaga hadlay Sharuucda Caalamiga ee ku saabsan Federaalka waxayna ahayd khudbadiisu mid dhinacyo badan taabanaysay Halkan Ka Dhagayso

Waxaa kaloo ka hadlay Goobta Wasiirka Duulimaadka iyo Takadaha  Ahmed Cilmi Cismaan Karaash waxuuna sheegay in Puntland ay u baahan tahay Diyaarado oo aysan diyaaradaha ka howl gala ahayn kuwo tayo fiican leh loona baahan yahay ganacsiga xagga diyaaradaha iyo garoomada in la casriyeeyo wasiirkaan ayaa ka tagay Qurbaha gaar ahaan Dalka Maraykanka ee Magaalada Boston Halkan ka Dhagayso


Xubno ka mida Ururka iyo Aqoonyahanada Puntland iyo Wasiiro iyo Marti ka Timid Canada iyo Yurub

Waxaa kaloo shirka ka halday aqoon yahano badan waxaana ka mid ahaa Mohamed Hassan Shinbira laaye oo ka hadlay dhinacyo badan asaga oo hadalkiisa ku gaba gabeeyey Dowladda Federaalka ah waa in ay garataa Xaqqa Puntland ku leedahay Halkan ka Dhagayso  

Sidoo kale waxaa ka hadlay C/risaaq Mohamed Dirir oo ka mudo sanad ku dhawaada ku maqnaa Puntland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa UN ka Qaramada Midoobay waxay bixinaysaa lacag la siinayo dadka aqoonta leh ee ku laabanayo Puntland waxaana soo dalbanaya Wasaaradaha Puntland Tusaale ahaan Haddii wasaarada Caafimaad  u baahan tahay Takhaadiir waxaa qarash kaaga qaba UN ka haddii wasaaradu ku qaadato waa haddii aad ku noqonaysid Puntland oo aad tahay Aqoon yahan Xirfad kasta lahow. Waxaana Dowladda Puntland siinaysaa qofkii aqoon yahan ah Dhul uu dhisto Mashquucaan UN ka waa in aan ka faa idaysanaa Reer Puntland kama Faaidaysan Sanadkaan waayo 17 qof ayaan ku Joognay Puntland halka Somaliland na ay 72 aqoon yahan… Halkan ka Dhagaysi Mr Dirir

Shirkaan ayaa soconaya ilaa maalinta Axadda ah waxuuna ka soconayaa Hotel ka Ramada Ciwaanku waa 1330 Industrial Blvd  Minneapolis  Mn 55413 waxaana lagu wadaa in ay madasha Shirka soo gaaraan Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland iyo Wasiirka Hormarinta iyo Reer miyaga iyo Marti sharaf kale.

Cashadii xalay ahayd ayaa waxaa ka is taagay Farjac  oo ka mid ahaa Dad kii u tartamay Jagada Madaxweyninimada Puntland waxuuna su,aal weydiiyey Wasiirka Dastuurka Mr Jimcaale waxayna ahayd Su,aashiisu Baarlaamnka Puntland ee 66 xubnood ah maad badisaan oo beelaha ka maqan ku dartaan Sida Beesha Sade Mareexaan iyo Ogaadeen ? waxuuna wasiir  ku jawaabay Waan u ban dhignay Waagii la dhisayey Puntland waana diideen laakiin hadda haddii ay noo yimaadaan sidii hore ma ahan xoogaa Sharuudo ah in aan ku xirno waa suurta gal ayuu yiri wasiirka oo kaftamaya.

Isku soowada duuboo Cashadaan iyo Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ganacsatada iyo Culumada iyo Aqoon yahanada oo iyo dhalinyarada rag iyo dumar
Waxayse dad badan ka baqayaan in ay ku noqoto laab la kac inkastoo aan  dhayal san karin mira ka dhasha  dadaalka ay wadaan maadaama ay garab ka helayaan Dowladda Goboleedka Puntland oo aad Moodo in ay ka gadisan tahay Maamuladii soo maray Puntland tan iyo intii la dhisay Maamulkaan uu Hogaamiyo Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan, waxaadna mooda taas in ay sabab u tahay in maamulkaan uu la soo baxo fir fircooni dheeraada Maamulka oo aad moodo Gudaha iyo Dibada in uu ka shaqaynayo Wax wada qabsi iyo Xiriir uu la samaynayo Aqoonyahanada iyo Culumada.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Shirkii Qurba Joogta Puntland oo ku soo Gabagaboobay Minneapolis "

  1. nadiira says:

    Abdiwali aad baad ugu mahadsan tahay warkaan anaan joogin oo aad naga soo haqab tirtay sida uu u dhacay iyo najiidadii ka soo baxdayba. Great Job. Well done (as usual).

  2. Abdi Geyre says:

    Illaah baa mahad leh.

    Waxaa sharaf ah in Somalitalk, mar walba soo gudbiso wixii horumara ee dalkeeni ku saabsan, una utaagnaanto qaranimada soomaaliyeed.Waana amaan sharafeed ay mutaysteen qorayaasheeeda uu ka mid yahay Abdiweli, waxaana leeyahay halkaa kasii wada wanaaga.

  3. Ali Farah says:

    Salaan ka dib ,
    PL:way taagantahay , cida la rabo inay tiiriyaan si ay u sii taagnaato,waa dadka u dhashay meelkasta oo ay joogaan.
    Kulanka Qurbo-joogta iyo Ergooyinka ka yimi Gudaha , waa wax loo baahnaa waxayna daaha u furaysaa isku milida Fikirka iyo Qorshaha horumarka.
    Waxaan sugnaa oo kaliya waa hirgelinta.

  4. cabdirisaaq says:

    waa warbixin wanaagsan oo loo baahnaa in dadweynaha loo soo gudbiyo wariyaha warbixinta soo diray in badan ayuu is xilqaamay waa mahadsanyahay.

    tan kale kulanku wuxuu ahaa mid aadnaagsan oo mira dhal ah

  5. ABDI D says:

    Abdiweli aad baad ugu mahadsantahay warkaan tifatiran iyo waliba qaybta maqalka ah ee aad soo racisay. marlabaad aad umahad santahay ustaad abdiweli…. good job my man.. keep up ther hard work…..

  6. cabdalla xusen nur dirir says:

    salaan sare bahda somalitalk iyo gaar ahaan c/wali dalboon walal waad kumahadsantahay warka tifaftiran ee aad soo gudbisay sidoo kale waxan rajaynaynaa in p/land Diaspora ay kor usii socdaan mideeyaana qurba joogta p/land sido kale dalkii kuceliyaan faaido iyo horumar wax ukeenaya guul baan urajaynaynaa dhamaan allena hatuso somalida kale wanaaga iyo inay wadankoodii wax dib ugu celiyaan mahadsanidiin

  7. Abdifatah Abdinur says:

    Abdiwali waxaad tahay Wariye Bilad Sharaf Mudan.. Keep up the Good work