Home » Warar »

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo furay Shirkii Guddigga wadajirka ee Arrimmaha Nabadgelyada

War Saxafadeed, 028/2009

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo furay Shirkii Guddigga wadajirka ee Arrimmaha Nabadgelyada

Nayroobi, 12 Oktobar 2009; Waa in madaxda Soomaaliyeed ay sii wadaan goaankooda ku aadan wadalada iyo isla shaqeynta si loo helo nabad iyo xasilooni, ayuu ku yiri Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Arrimmaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdullah, ka qeybgalayaasha Shirka Sedaxaad ee Guddiga Wadajirka Arrimmaha Nabadgelyada, shirkaas oo maanta ka dhacay Neyroobi.

“Waa in si fiican loo habeeya loona xoojiyaa ciidamadda nabadgelyadda. Guulo waaweyn aya la gaaray wixii ka dambeyey isku-daygii afganbigii dhicisoobay ee 7dii May, laakiin hadana waxaa loo baahan yahay in dadaalka la kordhiyo si wax intaa ka badan loo qabto”.

Mudane Ould-Abdullah wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dhiso ciidamo tayo- xirfadeed leh, amni ahaanna aad u habeeysan – ugu danbeynta Bisha August 2011, waqtigaas oo ku aadan wakhtiga uu dhamaanayo xilliga Dawlada ku Meel Gaarka ah.

“Haddii si fiican loo adeegsado, waqtiga aan soo sheegnay waa waqti macquul ah, dibna loo ugu dhisi karo qeybaha ciidamada Soomaaliyeed. Dhamaantaanada waxaan halkaan u joognaa in aan kaalmo geeysano, umana joogno in aan daraasad sameyno ama dib u dhigno wixii kaalmo ah ee nooga soo aadi lahay hawsha sida wadajirka ah ay uwada qabanaayeen Soomaaliyad iyo bulshada caalamka”.

Waxaa kale oo Ergaygga Gaarka ah ku guubaabiyey bulshada caalamka ee ka shaqeyseysa Neyroobi in ay diirada saaraan ka shaqeynta arrimmaha muhiimka ah sida arrimmaha nabadgelyada, kaalmada bini-aadanimo, xaquuqul insaanka, hurumarka, gaar ahaan abuurista shaqooyinka.

walad1Gaba-gabadii, Mudane Ould Abdullah wuxuu u mahad-celiyey xubnaha guddiga wadajirka ah ee arrimmaha nabdgelyada, madaama ay yihiin dad hawshooda ku dhegan,

laakiin wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey taliyaha Ciidammad AMISOM iyo Ku xigeenkiisa, kuwaas ku shaqeynaya xaalad aad u qalafsan. “lama helayo hadala lagu cabiri karo geesinimada iyo asluubta ay leeyihiin Ciidammad AMISOM.”

Qodobka 8aad ee Heshiiskii Jabuuti aya lagu dhisay Guddiga Wadajirka Arrimmaha Nabadgelyada, taasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in kor loogu qaado awoodda waxqabad ee Dawladda Soomaaliyeed. Xubnaha guddigaani waxay ka kooban yihiin Saraakiil Sar-sare ee ka socda heyadaha nabdgelyada Dawladda Federalka ku Meel-Gaarka ah ee Soomaaliyeed, Ururka Midowga Afrika, AMISOM, Qarammada Midoobay iyo Xubna kale oo ka socda Bulshada Caalamka sida EU/EC, IGAD, Ururka Jaamacada Carabta, Norway iyo Dalwad Mareykanka.

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office – 254 20 7627133
Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org
www.unpos.unmissions.org

For Immediate Release

PRESS RELEASE 028/2009

SRSG opens meeting of Joint Security Committee

Nairobi, 12 October 2009 – Somali leaders must continue their commitment to dialogue and working together more closely to achieve peace and stability, UN Special Representative for Somalia Ahmedou Ould-Abdallah told the participants of the third Joint Security Committee which took place today in Nairobi.

“Security Forces should be better organized and strengthened. What has been achieved since the 7 May attempted coup is great but more needs to be done.”

Mr. Ould-Abdallah underscored the need for a professional and well-organized security force to be established by August 2011, the end of the transitional government’s mandate.

“If well utilized, this is a reasonable period to rebuild the initial element of your country’s security forces. We all are here to help, not to study or to delay our contribution to what is a joint undertaking between you and the international community.”

He also urged the International Community working in Nairobi to remain focused on key priorities including security, humanitarian assistance, human rights as well as development, particularly job creation.

In his concluding remarks, Mr. Ould-Abdallah thanked the members of the Joint Security Committee (JSC) for their dedication, but singled out the AMISOM Force Commander and his deputy for their work under such adverse conditions. “The courage of the AMISOM troops and their heroic conduct will never be fully appreciated at their true value.”

The JSC was established under Article 8 of the Djibouti Agreement with the objective to strengthen the security capacities of the Somali Government. Its members include senior representatives of the Transitional Federal Government security institutions, the AU, AMISOM, the UN and other members of the International Community, including the EU/EC, IGAD, League of Arab States, Norway and the U.S.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.