Home » Warar »

Minneapolis: Dood ku saabsan safarkii Madaxweynaha DFKMG ku yimid Minnesota

Minneapolis: Dood ku saabsan safarkii Madaxweynaha DFKMG ku yimid Minnesota

  • waxa xuduudda badda inta cidkaleba loo diidey Kenya loogu dhegan yahay waa su’aal  dawladda Shariif la weydiinayo,” Yaasiin Garaad
  • “Arrintaan badda iyo iibsashadeeda waa arrin aad u ballaaran oo u baahan baaritaan badan iyo raadis badan..” C/fataax
  • Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii C/laahi Yuusuf ayaa Wardheere waxa uu sheegay “in heshiiska badda loo keenay, laakiin ay diideen…”
  • ” arrintan badda ku saabsan waa arrin ma fiicna, qofna ma jecla baddiisa dhulka in laga gato no matter what ” Liibaan Somali Mai TV
  • we are in America right now, dad waxbartay ayaan nahay niman yahow, dad Muqdisho jooga ma nihin oo wadankii gudaha ku jira” Libaan.

VIDEO (Hoos ka daawo)

dood1Dood furan oo Jimcadii October 9, 2009 laga baahiyey telefishanka Somali Media ee Minneapolis ayaa looga hadlay safarkii uu Sh. Shariif Sh. Axmed ku yimid magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis. Waxyaabahii laga dooday waxaa ka mid ahaa badda Soomaaliya, carruurta/dhallinyarada aadey Soomaaliya iyo hadalkii madaxweynaha DFKMG ee ku saabsanaa masaajidda.

Dooda waxaa kale oo ka mid ah Sheikh Shariif intee in leeg ayuu ka ogaa carruurta ka noqotay Maraykanka xilligii uu ka tirsanaa maxkamadihii islaamiga.

Hadalkii Sheikh Shariif ee Masaajidda

Su’aal lagu dheeraaday waxaa ka mid ahaa su’aal ku saabsan hadal uu Sheikh Shariif ka yiri masaajidda, jawaabihii laga bixiyeyna waxaa ka mid ahaa:

Yaasiin Garaad: “Waxaa wax laga muraara dillaaco ah qof sheeganaya masuul Soomaaliyeed in wax uusan ka baaran degin oo uusan u fiirsan ama uusan xogteeda rasmiga ah haynin, in uu gaaro xadka intaas leeg waa masalo aan ku haboonayn qof dawlad matala”.

Cabdifataax: “Sheikh Shariif wuxuu ahaan jiren nin aftahan ah oo aan hadalku u dhuuban, laakiin waxaad moodaa markan in ay ka hoos baxday, wax aad iyo aad loola yaabo oo ummadda Soomaaliyeed dhegaha u taagtey in uu sheegay, odayga waa ka hoos baxdaye waxba yaan lagu sii adkayn, laakiin waa khalad loo wada jeedo,” Cabdifataax.

Maxamed Wardheere: “In arrintu khalad ahayd, waa mid aan laga wada hadlayn, khalad ayey ahayd, khalad bareer ah ayey ahayd, Waxaan ka codsanaynaa in Madaxweynaha (DFKMG) in uu cudurdaar siiyo masaajida iyo culimadeena, waayo Masaajid ayu sheegay, daroogona waa sheegay, masaajidka iyo daroogona la isuma keeno (ama meel ma wada galaan).”

Liibaan (Somali Mai TV): “Waxaan isweydiin dhehi lahaa, ma waxaan halkaan u fadhinaa in madax walba oo noo timaada aan wax ka sheegno oo aan qod-qodno oo aan dhahno waxaas ayaad ku khaldan tahay, waxaas ayaad ku khaldan tahay. Waqti xun ayaan ku jirnaa, we are in America right now, dad waxbartay ayaan nahay niman yahow, dad Muqdisho jooga ma nihin oo wadankii gudaha ku jira.”


C/fataax, Wardheere iyo Liibaan

Heshiiskii Badda: Isfahamka Dhexmaray DFKMG iyo Kenya

Su’aasha ku saabsanayd arrinta badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya ee xuduuda badda, jawaabahii laga yiri waxaa ka mid ahaa:

Yaasiin Garaad: “Madaxweynuhu wuu nagu eedeeyey oo waxa uu yiri dacaayadaha nalaka fidinayo waxaa ka mid ah Soomaalidu bad ayey gadatay, in badan ayaan sheegnay oo xitaa waxaan iri Soomaalidu waxay tiraahdaa haddaan sacab ujeedo ku jirin maxaa habeenkii loo garaacaa, dawladda Soomaaliyeed xuduud bad Kenya oo keliya lama laha, waddamo kale ayey la leedahay, sida Yemen iyo Jabuuti iyo Sycelles oo aan cidna noo dhexayn marka laga fiiriyo xagga badda, Kenyana waa la leedahay.”

“Horta waxa xuduudda badda inta cidkaleba loo diidey Kenya loogu dhegan yahay waa su’aal  dawladda Shariif la weydiinayo.” ayuu yiri garaad oo hadalkiisii sii watey: “Su’aasha labaad oo meesha taal waxaa weeye Yemen-ba muran badeed ayaa jira, Jasiirada Suqadara la dhaho Yemen waxay aaminsan tahay in ay ayadu leedahay, Taariikh ahaana waxaa la ogyahay in Soomaalidu lahayd oo boqorro Soomaaliyeed deganaan jireen, waa muran, dawladda Shariif uma doodin umana hadlin.”

“Waxaa taas ka sii daran waxaa la yiri dawladdu waa dimoqraadi waa dawlad la soo doortay oo ma aha dawlad dictatoor ah oo wadanka qabsatay, baarlamaankeedii ayey shalay heshiiska hor keentay, baarlamaankii waa diidey. Haddaan meesha xisaabi ku jirin maxaa Shariif ugu dheggan yahay maadaama baarlamaankii diidey,” ayuu yiri Yaasiin Garaad.


Yaasiin Garaad iyo Sakariye Xaayow

“Su’aasha meesha taal waxaa weeye, waxay ku gabanayaan oo wasiirka badda iyo ku doodayaan qodobka ah haddaanaan yeeli lahayn UN-ta ayaa bixin lahayd badda Soomaaliyeed, Charter-ka ay daliilsanayaan qodobkiisa 60aad waxaa ku qoran waddan kasta haddii aanu diyaar u ahayn in uu xuduuda baddiisa soo gudbiyo ama sabab dhaqaale ama sabab farsamo xumo ama sabab nabad gelyo waddanku wuxuu xaq u leeyahay in uu arrintaas rafcaan ka qaato oo uusan gudbin, dawladda Shariif oo Baar Bulsho iyo 15-May iyo taaladdii Seyidka iyo Kaydka shidaalka Soomaaliyeed dhaafi la’ dhulkii aan anigoo arday ah isaga lugayn jirey hal maalin, in ay raas kambooni iyo raas casayr xuduud bad ka saxiixdo haddaan xisaabi ku jirey dawladda Shariif ayaan weydiinaynaa,” ayuu yiri Yaasiin Garaad


Cabdifataax

Cabdifataax “Arrintaan badda iyo iibsashadeeda waa arrin aad u ballaaran oo u baahan baaritaan badan iyo raadis badan iyo wax badan ilaa aad akhbaar dheeraad heshidna aadan go’aan ka gaari karaynin, SomaliTalk ayaa aad ugu dhuun daloosha oo aan dhawr jeer ka akhriyey oo ka fiirfiiriyey iyada laftigeedu enough ma aha aad qofna ku dhaleecayn kareysid aad oran kareysid waxbaa la waxaystay iyo waxbaa la iibsadey, marka anigu ma rabo in aan afkaygu ku wasakheeyo wax aan ma aragtay.”


Wardheere

Maxamed Wardheere “Anigu laba qodob ayaan ka dhehayaa arrinta badda, mid waxaa weeyey waxaan la kulmay wasiir ka mid ah wasiiradii Cabdullaahi Yuusuf oo Minneapolis jooga, oo aan la kulmay oo aan weydiiyey maadaama beesha caalamku idiin taageersanaayeen sida ay u taageersan yihiin Shariifka, horta waxani wax la idiin keenay ma ahaayeen, bal waxaan is iri waxani in uu ahaa qorshe hore u sii socdey oo kala badh marayey oo ay dhamaystirayeen in uu ahaa iyo in kale ayaan ka tijaabinayey, marka waxaan ku iri ma la idiin keenay heshiiskan intii dawladdii Cabdullaahi joogtey, wax la diin keenay ma tahay, mase waa mid markii Shariifku yimid loo geeyey, wuxuu yiri “waa naloo keenay laakiin annagu waa diidney,” ayuu yiri.


Liibaan

Liibaan, Somali Mai TV, waxa uu yiri “Horta arrintan badda ku saabsan waa arrin ma fiicna, qofna ma jecla baddiisa dhulka in laga gato no matter what in uu ka soo horjeedo dawladda ama uu raacsan yahayba, taasi aad ayey u dhib badan tahay, laakiin madaxweynaha aniga shakhsi ahaan waa weydiiyey, dad badanna wey weydiiyeen, runtii wuxuu sheegay in bad la gatay aanay jirin, laakiin waxyaalo wax laga bedeley (amendment) la sameeyey oo xuduuda meesha annaga aan leenahay si aan ku ogaano, sida hadalkiisu ahaa. Laakiin aniga mana ogi mana ogoli in baddeena la gato, no body likes in bad la gato qof raba ma jiro.”

Yaasiin Garaad ayaa markaas la weydiiyey waxa uu intaas ku darayo. Waxa uu markaas Yaasiin yiri “waxaan ku daraayaa, waxaa cajiib ah run ahaantii hadalkiisa (Sh. Shariif) qofkii dhegeytay waxa uu yiri ‘arrinta warqadda aan u qoray UN-ta macnaheedu waxa uu ahaa war cid walboy dhulkiina idinka maqan cid walboy raadso. Su’aal ayaan ku weydiinayaa waaba garanay Soomaaliya dood ayey qabtaa oo waxay leedahay xuduudeenii badda waa khaldan tahay, laakiin Kenya dhulka ka maqan oo ay raadsanaysaa muxuu yahay, haddaan runta isu sheegno waxa uu (shariif) yiri Kenya dhulkaaga doono anaguna aan dhulkayaga doonano. Waayahay waaba garanay oo Soomaaliya keeda ha doonato waayo waa ka maqan yahay, laakiin kan Kenya doonaneyso sidee u egyahay. Dawladda Shariif waxaan weydiinaynaa dhulkaad dhehdeen Kenya kaaga raadso anaguna keena ayaan raadsanaynaa horta sidee u egyahay. Tan labaad Ibbi wasiirka badda ayaa yiri Kenya waa soo leexatay oo cabirkii hore waa ka soo leexataay oo waa soo qalloocatay oo Soomaaliya ayey soo gashay isaga ayaa yiri, hadday soo qalloocatay muxuu weli ugu dheggan yahay muu fasaxo haddaan timir laf ku jirin.”

Dood: Safarkii Sheikh Shariif ee Minnesota

Video-ga oo isku xiriirsan (Dhamaystiran)  ka daawo hoos..

 

Likiyada ka eeg Youtube: http://www.youtube.com/user/somalitalk

Ama Video oo qayb qayb ah kana kooban 7-qaybood hoos ka daawo

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

FG: Video farsamada waxaa u qaabilsanaa Cabdimaalik Askar.

Q.1aad: http://www.youtube.com/watch?v=6HsQA_dSWbk
Q.2aad: http://www.youtube.com/watch?v=fRAHJw4DU6Y
Q.3aad: http://www.youtube.com/watch?v=4BwJT93Sed8
Q.4aad: http://www.youtube.com/watch?v=GloAJsWIOBc
Q.5aad: http://www.youtube.com/watch?v=py3Vn6Pl_ko
Q.6aad: http://www.youtube.com/watch?v=qNDvmLE7DoI
Q.7aad: http://www.youtube.com/watch?v=kjZtCMEzcjA


SHIIKH SHARIIF OO KU XANAAQAY ARDAYDA OHIO STATE MAR AY WEYDIIYEEN SUAAL – Daawo video hoose:

“Dadka siyaasiyiinta waxaa la yiri ishooday wax ku qaataan, raali iga ahaada kaftan ayaan gashanayaa meeshaas, haddaad u aamustiin sheekada waa sii wadayaan, laakiin haddaad wada qaylisiin waa ka istaagayaan sheekadaas.” Sh. Shariif Sh. Axmed, Oct 6, 2009, Ohio… (DHEGEYSO HALKAN).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Minneapolis: Dood ku saabsan safarkii Madaxweynaha DFKMG ku yimid Minnesota "

  1. SSM says:

    ACWW.
    akhiyaarta dooda ee reer USA ah iyo inta kaleba waan idin salaamayaa, tan labaad waxaa wanaagsan waxa laga doodaya inaan marka hore shaqsi uun loo saarin oo dhamaan inta wax ka saxiidey iyo inta kale ee raaliga ka noqoteyba ay eedeysan yihiin waa arinta bada, tan kale oo shariif uu kaga hadlay Masaajidana, ma ahan wax nagu cusub in nin markii masuul loo dhiibo uu eedeeyo dhinaca isaga ka soo horjeeda oo macaaradkiisa ah isaga oon ka fiirsanin maxaa ka iman karo waxa aad ku hadli, weliba waa luqada ay adeegsadaan waayadan danbe hogaamiyeyaalka soomaaliyeed inay mucaaradkooda yiraahdaan waa Al-qaacida iyo Argagixiso si uu u helo kaalmo dibadeed, waxaa meesha ka maqan in intii Alle la tala saarto denbi dhaafna la weydiisto dib u heshiisiina la sameeyo intii nin hogaan isku sheegi ama dowlad inuu ka mid yahay ay sumcadiisa ku dhumi lahay.
    markaan u soo laabto dadkiinaan doodaya intaad isku noqotaan eeda madaxda soomaalida ee jahwareersan iska daayee, waxaad diyaarisaan hogaaamiyayaashii mustaqbalka meesha aad ka doodeysaan, waana arin lama huraan ah hadii shamta Qaaradoo aduunka soomaalida joogta intey qaarad walba ka soo diyaariyaan hogaan bisil oo aqoon u leh hogaaminta daacadna ah, waana in la helo inshaAllaah. Igana raali ahaada haddii aan hadalka wax ka qaldamey. AcWW

  2. wadani says:

    Waxaa la yaab leh dadka la wareysanoyo ee arimaha Soomaaliya ka hadlayo maxay yihiin. Ma waxaad waydeen, dadkale ruuxii aan aqoon baa looga dhigi dad wax yaqaanaa.
    waa wax laga xishoodo dad wax alle waxay yihiin aan jirin in la soo fadhiisiyo masraxa siyaasadeed.
    Somali Talk waxay noqotey mucaarid waanuna fahmeynaa sababta ee yaan la qaldin uma

  3. Ahmed Jibril says:

    Shariif wuu ina siray
    Waxaan energy farabadan ku bixin jiray taageeridda iyo difaacidda Shariif Axmed illaaa laga soo bilaabo xilligii Maxaakimta islamiga illaa intii ay Reergalbeedku ka cadeeyeen inuu yahay ninka keliya ee ay ku kalsoon yihiin inuu soomaaliya hogaanka u qabto.
    Waxaan utaageerayay illaahay dartiis oo taageeriddaydu maahayn sida soomalida badankeed wax ku taageeraan maata.
    Waxaan hadda kusifeyn karaa shariif oo daraadiis dhibaato dadani nakala gaartay ummadda soomaaliyeed eebo qaarkood inay ka war qabeen boodh isku qarintiisa qaarkoodna ay ula dagaalsanaayeen arimo qabiil owgood, inuu maanta yahay MUJRIM ka mid ah mujrimiinta soomaaliya sidaas maanta ay tahay ka dhigtay.
    Illaay waxaan ka bar yayaa inuu xaqqa kusoo celiyo oo tuso xumaatada uu maanta dhex dabaalanayo, haddii kale illay inuu sidegdeg ah nooga qabto hadduusan hanuun la damcin. haadda baddii soomaaliyeed ayuu gatay mar dhowna dhulka buu gadani.
    Illaagargaar.
    wabillahi towfiiq

  4. togane says:

    Colaadan Shaqsiyada Shariifka aad ku heysaan waligiin kuma guuleysanaysaan , sidaan doontaa been u dhoodhooba…

    Inta wax garato idin og…

    Somalitalk waxaan ceyb iyo caloolyow ahyn kama heli doontaan dagaalkan shaqsiga ah ee aadku jirtaan…

    Sheekh Shariif waa Madaxweynaha Soomaaliya.. Ma idin dhibtay intaas?!!!

  5. kheyre says:

    sc
    Marna ma islahayn in qowmiyad dhan oo wadan hor marsan joogta ayaa sidaa u hadlaysa ,layaab malahoo ayaga oo ku nool wadanka caalamka uugu awooda badan ayay misana ay waxba ka gara la`yiin siyaasada caalamka ka socota ,.
    qurba joogtu soo ma ahan ku wii taageeray Maxaakimta mise caqligoodu ma siin waayay in ay kadhalanayso waxa aan maantay faraha kula jirno oo ah in ay isdagaalaan ragii shalay wadajiray …maxaakim ,shabaab,xisbul islaam … iyo kuwakaloo soo socda…..
    Qurba joogta waxaan oran lahaa soo ma tihidiin ku wii buburi yay dowladii sharciga ahayd ee c/laahi yuusuf… maxaad u taageeri waydeen ,misana maantay waxa u tafaxaydadeen tii shariifka dowlada kastoo ugub ah ma qurba joogtaa ayaa ladaba dhigay in ay ceebaheeda sheeg sheegto , qurba joogta waxaa iskaga qaldan koorta uugu haboon oo lala xisaabtami karo madaxda……
    markii lahelo nidaam iyo kaladan beeyn dhamaan wadanka oodhan ayaa loo baahanyahay in la saxo madaxda oo waxa ay qaldeeen la bidhaamiyo…. ee mahan siyaasad in tii ugub ahba la bur buriyo, waa in madaxweyna kasta garabka laga galaa oo wax lala saxaa ee ma haan in garbaha laga rifo ……………
    Mise qurba joogta qabiil ayaa u duugan ee haduu tolkay ahayn maxaa iga kalay dal iyo dad .
    Mise burburka dalka ayay ku raxaysanahayaan…
    anigu magaran waxa dowladaksata qurba joogtu tooshaka uga daba qaadato.
    wb