Home » Warar »

Dooni Weyn Oo Shixnad Siday oo ku Gubatay Dekeda Bosaso


— Dooni Weyn Oo Shixnad Siday oo Dekeda Bosaso ku Gubatay 
— Siminaar looga Hadlayo Xaquuqada dadka Socotada ah oo Soconayey Mudo 2Casho ah oo ku soo geba geboobay Magaalada Bosaso.

Dooni wayn oo xamuul u siday  Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Sabtidii (Oct 10, 2009) ku Basbeeshay (Gubatay) Dekeda Caalamiga ee  Bosaso, isagoo dabkaasi baabiyay Doonidii iyo shixnadii ay sidayba. Waxaa ku dhaawacmay  20 ka mid ah dadkii u gurmaday daminta dabka, iyadoo sidoo kale uu ku dhintay nin ka mid ahaa dadkii u soo gurmaday Dekeda oo uu jiiray Baabuur ka cararay Dabka qabsaday Doonta Dekeda taalay.

Dabkan oo bilowday Abaarihii 1:30 duhurnimo ayaa socday ilaa Habeenimadii, ayaa Uuro Madow iyo Holoc ka dhashay shidaalkii ay Doonidu waday ayaa Magaaladda oo dhan laga arkayay, iyadoo doonyihii iyo Maraakiibtii kale ee ku xirnaa Marsada Bosaso laga saaray si looga fogaado in dabku gaaro Doonyaha kale ee shixnadaha Sida.

Doonidan oo lagu Magaaci jiray Faa’iz Mustafa, Lagana leeyahay wadanka India ayaa sida shixnad isigu jirtay 950 oo fuusto oo shidaal, 10 kun  Kartoon oo saliida  Al-xayaat, Raashin, Bagaasha iyo Alaab kale oo Muhiim ah.waxayna u rarnayd Shirkadda Miraale iyo Ganacsato kale oo farabadan.

Doonidan oo Sabtidii (10, October , 2009) la bilaabay in laga dejiyo Badeecadda Saaran, iyadoo hore looga dejiyay Baabuurtii  iyo Bagaashkii Saarnaa korka doonta, balse  waxaa gubtay shidaalkii iyo Alaabtii ku jirtay Khannanka Doonta. 

doon7

Wasiirka Dekedaha Dowladda Puntland C/risaaq xuseen Gacayte ayaa u sheegay Saxaafadda in ay u maleenayaan in dabku ka kacay Kushiinkii cuntada ee Doonta ama shidaal ay shubayeen, laakiinse markaas lagu guddo jiray sidii loo damin lahaa Dambka , ka dibna la baari doona wixii dhaliyay Dabkaas. Waxaana uu intaa raaciyay in ay xireen Naakhuudihii doonta.

doon1

Kumaankun dadweynaha reer Bosaso iyo Ganacsatada ay u rarnaayeen Doonyaha Xiran Marsada Bosaso ayaa hortubnaa Albaabka laga galo Dekeda, iyagoo doonyaha in badbaadiyaan Doonida iyo alaabta Saaran hase yeeshee Dabka oo aad u xoog badnaa ayaa loo oggolaaday Booyahada Biyaha Dhaamiya iyo Askarta oo kaliya in ay gallaan dekeda.

doon4

Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose ee Bosaso oo Xaruntoodu wax ka yar 500 talaabo u jirto Dekeda ayaa u soo gurmaday hase yeeshee Baabuurtii oo shidaal la’aan iyo Dayactirla’aani ku dhacday ayaa dhex fariistay mid ka mid ah wadadooyinka Gala Dekeda.

doon6

Arrintu siday doonto ha ahaatee, Magaaladda Bosaso oo ah Xarunta Ganacsiga puntland waxay leedahay Deked yar oo ay isticmaalaan dhammaan Dadka soomaaliyeed ku nool Puntland,Somaliland, Koonfurta Somalia iyo Goboladda Somaliyeed ee Dhulka Somaliyeed ee la Haysto. Sida la sheego Bosaso waxaa ku nool dad gaaray ilaa 500 kun oo qof, Magaaladu ma laha Wadooyin iyo Barxado waawayn oo la dhigo Baabuurta Waawayn,  wadadii kaliya ee laamiga ee  Magaalada dhexmari jirtay waa baa’baday, Wadooyinka yar ee ciriiriga ee magaalada waxaa yaala qashin. 

doon9

Magaaladda Bosaso waxaa ku nool Qaxooti farabadan oo ka yimid Koonfurta Somalia iyo Dalka Ethiopia, kuwaasoo degan Kaamamka Qaxootiga ee Daafaha Magaaladda iyo Bushash laga dhisay Agagaarka Dekeda. Bosaso waa magaalo kobcaysa, Dabaqyo xuruqbadan laga dhiso maalin walba,Ganacsi xaddhaafi ahina ka socda, hase yeeshee, waa magaalo isku raran ah, Boor badan, indhuna aysan jeclaysanayn, una baahan nidaamin iyo qorshe magaalo (City plan).

dooni6

SomaliTalk.com | Boosaaso
…………
Siminaar looga Hadlayo Xaquuqada dadka Socotada ah oo Soconayey Mudo 2Casho ah oo ku soo geba geboobay Magaalada Bosaso.
maxamed ciise | geedi7@gmail.com

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah siminaarka

Siminaarkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay,adda IOM waxaana Maalgelinayey Hay,addo kale oo ay wada shaqayn leeyihiin,Siminaarkani ayaa sidoo kale waxaa Masuuliyiintii qabatay ay ku casumeen Saxaafada ,Odayaal dhaqameedka kala duwan ee Gobolka Bari,Booliska Bosaso iyo qaar ka mida Waxgaradka kale ee degmada Bosaso,Mudadii uu soconayey Siminaarkani ayaa waxaa Halkaasi uu ku soo bandhigay macalinka u xilsaaran Dhanka Siminaarkan Hay,addaha Ama daladaha ku midoobey Hay,adda la Yiraahdo IOM Macalin Mahad Yusuf Bille isla markaasina ka mida Suxufiyiinta PL.

Siminaarkani ayaa waxaa Maalinkii 2aad oo uu soo gebgeboobay ay qalinka kuwada Dugeen dhamaan masuliyiintii ka soo qaybgashay inay tahay arrin aad mihiim u ah in la xaq dhowro dadka socotada ah ee ka yimid Gobolada Dalka iyo kuwa deriska la ah dalka somaliya ee jabuuti iyo Ethopia.

Dhinaca Odayaal dhaqameedka waxaa u hadlay siminaarkaasi gebagebadiisii Sudaan Maxamed Yusuf oo ka mid ah isimada Gobolkan Bari ugu Firfircoon isagoo sheegay inay si wada jir Saxaafada ,Ciidanka Amaanka iyo Isimaduba siday kaalin uga qaadan lahayeen gacan siinta iyo quudinta Dadka socotada ah ee aan dalka joogin ama Musaafirka ka ku ah.

Dhinaca Sarkiisha Waxaa u hadlay Mudane Mowliid oo ka tirsan waxgaradka Gobolka Sool ee Magaalada Laascanood isagoo si wayn arintan ugaga mahad naqay Hay,adda sooqaban qaabisay iyo Masuuliyiinta kale intaba isla markaasina sii adkeeyey hadalka sudaan Maxamed Yuusuf oo ka Horeeyey.

Dhanka saxaafada Waxaa halkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay doorka saxaafada Gudoomiyaha Ururuka suxufiyiinta PL Maxamed Axmed Ciise iyo Xoogyaha Guud ee Ururka Mudane Iidle Macalin Cumar kuna nuux nuuxsaday sida ay uga Go,antahay go,aan qaadashada warfidinta dadka socotada ah ee loo baahanyahay in la Ogaado xaaladooda.

Iidle Macalin Cumar ayaa sidoo kale tibaaxay inuu si wayn ugu Mahad calinayo Macalin Mahad Yusuf Bille oo inta badan isku xira Booliska Saxaafada PL waxaana uu gebgebadii mahad Yusuf Bile soo jeediyey Wada shaqayn horle oo dhermarta dhinacyadaasi ,iyadoo uu siminaarkani ku soo gebagoboobey qaab wanaagsan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.