Home » Warar »

Iimaamka Masaajidka Abuubakar ee Minneapolis oo u qiildayey hadalkii Madaxwaynaha DFKMG, Sheikh Shariif

  • “Dadka siyaasiyiinta waxaa la yiri ishooday wax ku qaataan, raali iga ahaada kaftan ayaan gashanayaa meeshaas, haddaad u aamustiin sheekada waa sii wadayaan, laakiin haddaad wada qaylisiin waa ka istaagayaan sheekadaas.” Sh. Shariif Sh. Axmed, Oct 6, 2009, Ohio… (DHEGEYSO HALKAN).

Iimaamka Masaajidka Abuubakar ee Minneapolis oo  u qiildayey hadalkii Madaxwaynaha DFKMG, Sheikh Shariif

Shiekh C/raxmaan Sheikh Cumar, iimaamka Masaajidka Abuubakar Sidiiq ee Magaalada Minneapolis, oo October 6, 2009 waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka ayaa wax laga weydiiyey hadal uu madaxweynaha DFKMG ka jeediyey Minneapolis (Oct 4, 2009) oo ku saabsanaa masaajidda. Sh. C/raxmaan ayaa sheegay in hadalka madaxwaynaha la buun buuniyey ee uusan ahayd sida xaxaafada qaar keed u dhigtay, Sh. C/raxmaan ayaana muujiyey u qiil dayid hadalka Madaxwaynaha, laakiin hadalkaas sida uu ula jeeday Sh. Shariif  isagaa fasiray, wuxuuna markale farta ku fiiqay dhinaca Masaajida. Hadalii Shariifna waxaa kamid ahaa “Masaajidka ilmaha ha lageeyo laakiin halagu waardiyeeyo, hala yiraahdo aabe maxaa lagu soo baray hooyo maxaa lagu soo baray?” Hadalkaas oo abuuraya kalsooni daro Masaajida iyo Waalidiinta dhexmarta, Shacabka Soomaaliyeedna horay ugama dhicin inay fatashaan dhinaca Masaajidka wixii ka yimaada. Waraysigii Sh.C/raxmaan iyo Khudbadii Madaxwaynaha DFKMG Sh. Shariif kabogo.

Khudbaddii Sheikh Shariif ka jeediyey Minneapolis ayaa waxaa ka mid ahaa: “Dadka yaryar oo caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la doonateen waa fiicantahay, laakiin  masaajidkii waa la soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan, maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota, marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo,” ayuu yiri.

President Sharif meeting with imams_jpg

Warbaahintu markii ay hadalkaas tilmaantay kaddib ayaa Sh. Shariif khudbad uu October 6, 2009 ka jeediyey Columbus, Ohia waxa uu yiri “Maalin dhaweyd waxaan ka hadlay Minnesota, masaajidka waa lagu soo dhex dhuuntay waxaa la yiri dad badan ayaa dhibsaday, eraygaas dad ayaa dhibsaday ayaa la yiri, anigu ma aqaan haddee Af-soomaaliguna waa tira badan yahay qof la arkona siduu rabo ayuu u fasirtaa, laakiin sidaan ula jeedey ayaan rabaa in aan sheego, waxaan ula jeedey cidda dhibaatada samaynaysa ma ah dadka masaajidka ku tukanaya, ma aha iimaamka masjidka, dadka gacanta ku haya ma aha, laakiin dad ayaa wiilasha waxay u taagan yihiin masaajidka iyo guriga dhexdiisa, guriga ka sokow dad ayaa u taagan.” (VIDEO Hoos ka daawo ama halkan).

Sheikh Shariif khudbadiisii magaalada Columbus ee gobolka Ohio uu ka jeediyey October 6, 2009 waxaa ka mid ahaa erayadan:

Dadka siyaasiyiinta waxaa la yiri ishooday wax ku qaataan, raali iga ahaada kaftan ayaan gashanayaa meeshaas, haddaad u aamustiin sheekada waa sii wadayaan, laakiin haddaad wada qaylisiin waa ka istaagayaan sheekadaas.” Markaas ayaa dadkii waxay yiraahdeen waa qaylineynaa. (DHEGEYSO HALKAN).

Halkaas waxaa ka cad in Sheikh Shariif qirsan yahay baahida loo qabo shacabku in ay ka feejignaadaan ficiladda siyaasiyiinta, maadaama ay siyaasiyiintu ” ishooda wax ku qaataan”, sidaas daraadeedna shacabku wixii qalad ula muuqda ay si bareer ah uga hadlaan, ka qayliyaan wixii ay arkaan si ay u tusaan indhaha siyaasiyiinta oo aysan ka aamusin.

Haddaba, shacabka Soomaaliyeed waxay farta ku fiiqayeen heshiis ay xukuumadda Sheikh Shariif ugu yeertay is fahamka, oo ku saabsan badda Soomaaliya, heshiiskaas oo Soomaalidu ku waayi karto 116,000km2. Shacabka Soomaaliyeed arrintaas waa ka qayliyeen, kama aamusin. Haddaba is weydiintu waxay tahay Sheikh Shariif xukuumaddiisu maxay uga istaagi waayeen ama uga noqon waayeen heshiiskaas ama Is-fahamkaas, maadaama aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskaas oo weliba ay baarlamaanka DFKMG ka dhigteen waxba kama jiraan?

Daawo Video-ka hoose oo ah hadalkii ku saabsan masaajidda ee Sh. Shariif ka jeediyey Minneapolis iyo Columbus.

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah, badda Soomaaliyana muran weyn geliyay
…………….

Siyaasadda Soomaaliya: Qoraaladii June 2009

Tixraac: SomaliTV video, Kenya TV video, Youtube, Google images

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " Iimaamka Masaajidka Abuubakar ee Minneapolis oo u qiildayey hadalkii Madaxwaynaha DFKMG, Sheikh Shariif "

  1. Abdalla A H says:

    Sheekhu waxaan filayaa in uu mooday in uu shariifka uu dacweeyay marka cabsi ayaa u geysay shariifkana waxuuba u taagan yahay hadiiba kursigii iyo gaalo soo dhaweyntii wax ku waayay in uu dadka khal khal galiyo uu is yirahdo adiguba waa danbowday halgula danbaabo marka sheekhu ha la yaabina

  2. muhamed7 says:

    SHEEKHA ABDIRAHMAN INU SHARIFKA HADALKISA U MEEL DAYO WAA KU QASBANYAHAY HADII KALE MASAAJIDKA LOO DANLEYAHAY WAA KU IMAAMNKA KAYAHAY MARKA PLEASE HALA YAABINA
    LAAKIIN SHARIFKA WAA KII UGU HOREEYEY EE CARUURTA U YEEREY HADA SIDAA U HADLAYA

  3. Run sheeg says:

    WAXAN U ARKAA IN SOMALITALK AY NOQOTAY DAD WIXII AY RABAAN AY AYIDO WIXII AYNA RABINA MUCAARADO.

  4. run sheeg says:

    Tafatiran jaamac hadii afsoomaaliga qaarkiin ku yar yahay marka hore hadalka fahma soomalidaa hore waxay tiri qof hurdaa la toosiyya marka waxaan u maleynayaa sheekha wazxba kama sheegin masaajidka alleh ee hadaad rabtaan inaad run sheegtaan u sheega khawaarijiinta axmed godane iyo fuaad shongale.

  5. jaamac qowdhan says:

    hadaad wax ka hadleysaan ka hadla dhibta cida wada oo diinta sida kale u fasirta kuna leyneysa magaca diinta umad ka soo daashey xabad, abaar iyo dhibaato badan. waxaa ka hadleysaan hadal war dhiigii umada ayaa la baneystay oo qofkii aan ayaga ku mabda aheyn oo dhan waa gaal ka dibna labireynayaa.

    hadalka madaxweynaha waan dhageystay oo wax dhib ah malaha kali ah waxuu yiri la socda caruurtiina waxa la barayo taasna ceeb maleh. kuwaan dhiiga umada ku baneystay magaca diinta waan hubaa iney sidii warlordkii ay meel xun u danbeyn doonto inkaartii umadana waa qabaan oo waa ka soo bixi doontaan. anaga ma dooran ee umada ha kafariistaan

  6. Rayaan says:

    waxaa ahay dadka akhrista web kan. waxaana leeyahay thanks all.. waxaan oran lahaa eed malahan dadka webka ka shaqeeya wixii loogu tala galay idaacad inay samayso bay sameeyaan. hadii aad leedihiin maxaa loo dabagalay shiekh shariif hadalkiisina dee waxaa layaab ah wuxu madax waynuhu ku hadlay..siduu doono shiekhu hadalka haba u dhigee… wixii laakin ruuxu wuxuusan xaqiiqadiisa hayn in uu ka hadlo waa laga fiican yahay. walaalayaal meeshu waa idaacad/web wax kasta in ay su’aal ka soo bixiyaan baa loo baahan yahay. marka walalyaal waxba yaanan eedaynin webka dadka ee anagu aanu dib u fiirino wax yaabaha ay su aasha ka dhigto idaacadu. thanks all

  7. Aadan-yabaal says:

    ASC, marka hore waxaan rabaaa inaan yara farta ku fiiqo oraahda ah ( u qiil dayid ), ilaahbaan idin ku dhaarshee Somalitalk.com imaamka miyey garasho dheertay waxa ey ku sharaxday hadalkii Imaamka inow u qiil dayay oo hadii uu dhihi lahaay sheekh shariif waa u gafay masaajida maxey oranlahaayeen, Mawaxa ey dhihi lahaayeen imaamki oo runta ka sheegay hadalkii Madaxweynaha, walahi waa la yaabanahay qoladaan website-kan maamusha maxaa daba dhigay Dowlada, war dowlada miyeysan qalad gali karin, sow bini’aadam madax kama aha. alleey lehe sharsheegayaal aan is qarineyn oo Neceeb shakhsiyadeed u qabo madaxda dowlada waa tihiin ( somalitalk.com ).
    war ilaah ka cabsada oo farfareynta dhaafa war dowladaan tii ka horeysay waxaad leheedeen waa saas ka dheceey ka dheceeey ayaad wadeen waa tan oo hadda waxaa idin ka fakan la’ Madaxweynihii ugu horeeyay ee 114-ta qur’anka xifdisan macnahoodana kor ka kahaya, war xaalkiinu waasidee reer Somalitalk hadaad tihiin mise idinka ayaaba al-shabaab labaad nagu naqday hadii aan nahay shacbiga somaliyeed.
    war hooy jooga oo Aakhiradiina haseegina.
    war alle ka baqa oo magaca shacabka somlaiyeed ood ku ganbaneysaan joojiya.
    waxaad tiraahdeen shabka somaliyeed sidaas ayoow u aragyaa waa uu ka soo horjeestay heshiiskii dowlada ey la saxiixatay Kenya, inteed shacab somaliyeed ku aragteen ma waxaad cod ka soo qaadeen da’yarta ku li’aneysa Saxaraha mise kuwa doonyahu la dageen.
    wallee been maaha xikmada dheheysa ( Cadow calooshaadaa kugu dhaw ).
    SUBXAANA MALIKIL QUDUUS.

  8. Addoon-Alle says:

    ASSALAAMU CALEYKUM.

    SALAANTA KADIB, WALAAL AXMED SICIID ALLE HA KA JIR SIIYO SIDA WAADIXA AH EE AAD UGU JAWAABTAY DADKA WAX MA GARATADA AH EE UMMADDAN DAALAN EE DAGAALADA, ABAARAHA, DHIBATADA XABADA IYO WAX WALBA OO DHIBAATO AH HEYSTAAN HADDANA IYAGA OO KU SUGAN DHUL NABAD AH JAHAWAREERINAYA, WALLAAHI WAXAAN LEEYAHAY HADDII AADAN BUUN BUUNISO WAX AAN JIRIN WAXAA KAAGA WANAAGSAN INAAD BUUN BUUNISO WAXA WANAAGA KEENAYA.

    MIDA KALE WALAAL SOMALITALK OO KA HADLEYSA MA ARAGTAY KUWA GARARKA BEENTA KA SHEEGAY EE CALOOL WEYNE YAASHA AH EE DHALINYARADA MASAAJIDAD U FARIISTAY EE TICKET IINTA KA BIXIYA ORANAYA JIHAAD BEENAADKA SOMALIA KA SOCDA GALA EE HALIGAYA ADDUUNKOODII IYO AAQIRADOODIIBA.

    TEEDA KALE, WALAAL WELI MA ARAGTAY IYAGOO KA HADLAYA DHIBAATADA AY UMMADDA KU HAYAAN KUWAAN ISLAAMKA BEENTA KA SHEEEGAYA.

    WAAD ARAGTEEN ISBITALKII MADIINO OO UMMADDA MASAAKIIN AH LAGU DARYEELO OO AY HOOBIYE KU SOO DHAAWACEEN IYO XABAD AYAY HADDAN UGU HANJABEEN INAY KA XIRI DOONAAN ISBITAALKA, MAANTAA UGU DAMBEYSAY WAXAY DILEEN HAL QOF OO RAYID AH LABO KALENA WEY DHAAWACEEN MARKII AY DOONAYEEN INAY DILAAN SARKAAL KA TIRSAN XISBUL XUSUUQ KUWA LOO YAQAANO.

    MIDA LABAAD, WAXAY ISLA CAAWA BAMBO KU TUUREEN CIIDADO DOWLADDA OO KU SUGAN DHARKEYN LEY, WAXAYNA DHAAWACYO U GEYSTEEN DAD RAYID AH OO TIRO BADAN, HALKEE LA GEYNAYAA HADII AY ISBITAALKII MADIINO HADDANA KA XIRAAN..

    WAR UMMADDA YAAN BEEN LOO SHEEGIN DIIN MA AHA WAXAY WADAN KOOXAHAAN WAASHAY EE DHAQAALO DOONKA AH, UMMADDANA U SHEEGA SAMAANTA ALLENA KA BAQA.

  9. jaamac Cali says:

    La yaab,
    Waxaan aad ula yaabaa waxa wasiir shariif Hassan daba dhigay madaxwayne shariif, ilaa laga soo bilaabo waqtigii ay ka mid ahaayeen ururki la baxay dib u xoraynta marka kasta oo uu madaxwayne Shariif hadlayo waxaa dhinac taagan oo sawirka ka muuqda Wasiir Shariif Xassan, marka waxaan garan waayey in shariif Hassan yahay ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha iyo in uu yahay wasiirkii lagu aaminahay Handtida Qaranka.
    Arinta Hadalkii madaxweyne Shariif ee aan goob joog ka ahaa khudbadiisa madaxwaynha cidna kuma khasbin hadala waana fiyoobaa markuu arinta ka hadlayey, nin u qiildaaya iyo nin aan u qiildayinba Kolayba waa erey taariikhi ah oo xitaa ka xishoodaan in ay Masaajida ku soo hal qabsadeee madaxda Maraykana sida Madaxwayne Bush oo xitaa ka hortegay in shacabka Maraykna in ay masaajida la xiriiriyaabn qaraxii dhacay 9/11.
    Cudurdaaka uu yeelana karo Madaxweyne Soomaaliyeed in masaajida farta ku gado,waa arin la yaab badan.

  10. waxaan ka mid ahay aqristayaasha akhrista soma talk aadna u xiiseeya qoraalada ay khorto webkan intaas ka dib waxaan si gaar ah ugu fiirsaday in somatalk ay si gaar ah uga soo horjeeda dowlada had ioyo jeerna raadiso wixii negative ama waxii xumaadto dhinacooda u jarjeera.sida hadal si qaldan lloga dhaadhiciyo bulshadan ka daashay dhibka una baahan in laisku soo dhaweeyo,waxaan aaminsanahay hadan anaga dhexdeena wax isu ogalaano in si sidan ka fudud lagu xalin lahaa khilaafkan,tusaale ahaan hadii uu caydiid u ogalaan lahaa cali mahdi asagana wakhtigiisa wuu iman lahaa hadii c/laahi yuusuf la shakheeynlahaa c/qaasim asagana way u fududaan laheeyd sidii uu hogaanka hanka uu kaga jiro in uu ku guulaysto hadii ay maxkamadaha la shakheeyn lahayeen markii ay iclaaminayeen in ay ciida ku tukandoonaan baydhabo sheekh shariif wuxuu imaan lahaa meel loo sii gogol xaaray oo meel fiican dhismihii marayo ,marka wallalayaal ma garan weeynay in aan meel ka biloowno oo aan mid taagerno si mida ku xigto meel fiican uga sii wado.aniga waxaan hadalkeeyga ku soo gabagabeeynayaa in media da ya ka shakheeyso wanaag iyo isu soo dhaweenteeda not in ay dhinaca kale wax u wadaan taageenana dowlada alla dowldii hada timaada illeen wakhti yar beey joogayaane hadii aan rajo ka qabno dowlad fiican oo ku dhisan cadaalad. mahadsanidii.

  11. Dayib Qalib says:

    SomaliTalk waxaan leeyahay wxaad tihiin The best website la akhriyo.

    Sheekh Sharif(Mudeey) inuu khalad galay cidna kama qarsoona, waxuuba mooday inuu Gaalo jani galin doonaan bal jano haka soo helo.

    Hadana Masjidyadii allo ayuuba u soo dhigtay waxaadba mooda inuu Ayaan daran tartan kula jiro bal kii raya aan aragno.

  12. abu-yaxye says:

    somalitalk waad kumahadsantihiin fadeexeenta shariif. Sh. C/raxmaan waligay mamoodeen inuu halkaas gaarayo, maanta cumaamadaa kadhacday dadka reer mineopolis banooniga dhinaciinuu jira ee tashta kana tashada Sh. c/raxmaan sheek cumar.

    sh/cabdiraxman matafsiirul ibnu kathiir inuu tafsiirayuu moodaa wuxuu hilmaamay ninkuu hadalkiisa turjumayo inuu afsoomali ku hadlay…illaahoow aduunya jacayl yaan udiin gadan…amiin.

  13. umulkhayr says:

    waxaan idiin sheegayaa soomaaliyeey in aysan jirin wax daacad ah qof walba oo soomaali ahna qabyaalad ayaa ka buuxda waana cudur aan laga saari karin. nimankan la leeyahay dawlad ayay ku jiraan mid waliba danihiisa iyo hungurigiisa ayuu ugu jiraa. wax walba oo ka dhacaya soomaaliya khaasatan koonfurta waa dambigii ay ka galeen dad aan waxba galabsan oo lagu dilay qabiil so they have to pay the price.tan kale ninkaad ku sheegaysaan shiikh shariif saaxiibadiis buu dembi ka galay oo khiyaameeyay una malaynmaayo in uu meel gaarayo sababtoo ah qalbigiisa iyo afkiisa isma waafaqsana.

  14. umma says:

    ku socoto WADE waxaa ka mid ahaa dadkii qayb galay xaflada shariif waxay ahaayeen rag, caruur,. iyo haween horta taa waa kaa diiday dumar iyo caruur bay ahaayeen, ragana waa joogeen hadii ay wax soo kordhinayaan, mida kalase nimanka soomaaliyeed badankood warkooda waa dhamaaday hambadii ugu dambaysaysay waxay ahayd kuwa wadaada ah oo diinta sheegan jiray aygaa ka daray kuwii qabqablayaasha ahaa, waayo qabqable diin waxbadan ama aysan aqoon, lakiin maanta nimankan qar’aanka iyo diinta bartay hadana dhiigood banaystay si kursi u heleen. marka filnkii wadaadnimada lugu qaraaban jiray waa dhamaaday. marka runta hala sheegoo masaajida yaa lugu dhuuman iyo diinta islaam.

  15. soamaliwakuma says:

    sh shariif wixii uu ku hadlay waa la ogaa mana aheyn wax fiican, haduu maraykan iska gadayey iyo hadii kaleba. waxaanse qabaa dunida maanta dalwalba waa inay arinmiheeda utashataa sh shariifna waxa ku haboon in ku xisaabtamo shacabka soomaaliyeed inay wax laqabtaan dowladiisa. baryada baddana iska daayaa waayo waxaa moodaa markuu sacuudiga tagano labo go’ood cad cad buu xiran markuu maraykan yimaadana dharkuu dhigana oo sidii bush ayuu uhadlayaa that is so old school waa inaad leedahay presibble iyo mabda aad hiigsanayso balse sheeqa lacag ayuu moodaa inay xalinayso dhibaatada laga doonayo inuu xal-uhelo. Mida kale aan layaabay kuwa danbiile yaasha ah waa loo baroor diiqayaa waa kuwa baxay ee soomaaliya ka dagaalamay dad aan waxba galabsan iyo masaajidada allena buraash wasaq ah ayaa lala daba taagan yahay.

  16. ABDIRAXMAAN says:

    walaalayaaloow waxaad u eg tihiin dad hal dhinac uun wax ka eegaya indhahana iska tiraya sababta uu masaajidada ku yaalada dalka mareykanka qaasatan minneapolis,
    waad la socotaan wiilal gaaraya ilaa tobaneeyo dhamaantood ahaa wiilal aad u da’yar 20 jiro ah iyo kuwo ka sii yar in masaajidkii waalidkood u direen i si qaldan wax loogu sheego ee la yiri xamar jihaad ayaa ka socdee aada, wiilashaa iyadoon waalidkii dhaley aysan waxba ka ogeeyn ayey aadeen dagaalada sokeeye ee ka socda somalia qaasatan mogadishu, halkaasoo ay wiilashii qaar ayba noqdeen(suicide bombers) qaar kale waalidkood ay ka arkeen meeydkooda websiyada somalida, tusaale wiilkii yaraa ee JAMAAL banna ALLAHA u naxariistee walidkiis ma aysan ogeyn wiilkooda inuu dagaal aadey, aabihiis isagoo websiyada somaliada eegaya ayuu wiilkisii meeydkiisa ka arkey subxaana allah, soo arintaas wax laga naxo qaracan ah maaha? marka suaasha waa wiilashaas sida JAMAAL BANNA alla yaa raxma iyo toboneeyo wiil ma iyagaa iska aadey mogadishu dagaalka bari kacinta ka socda ama dad ayaa MASAAJIDKA inay ugu tageen BRAINWASH ku sameeyey ee yiri xamar jihaad ayaa ka socdee aada, qofkii sheekha sheeganayey ee masjidka ciyaalka beenta u sheegeyna isaga uu ku raxeysanayo AMERIKA nolosha taal.

    marka SH SHARIIF marka uu oranayo waalidka caruurtiina la socda masaajidada waxa loogu sheego waa in aysan caruurtooda NOQON SUICIDE BOMBERS ama aysan dagaal sokeeye oo ah XARBUL FIDNA aan diin shaqo ku laheeyn ay caruurtooda in si khalad been masjidka dhexdiisa loogu sheego la yiraaah OROD JIHAADKA aada.
    walaalayaaloow waa intaas sheekh shariif waxa uu ka hadlayo, wuuna ku saxsan yahay 100% waalidiinta waa inay caruurtooda ka ilaashadaan masaajidada brainwashka ciyaalka lagu sameeyo ee ka dhiga DILAA ama suicide bomber. waalidkana sidii JAMAAL banna waalidkooda oo kale meeydka caruurtooda inay ka arkaan websiyada soomalida waa wax laga naxo.
    salaamu calaykum

  17. Geele faarah says:

    war cajiib badana ailaahay ha ka abaal mariyo Ustaadka sida uusan runta oga leexanaynin waxaan u haysanay daba dhilic ay ku adeegtaan rag culuma isku sheegaya oo uu nagu wareeriyey labadii sano ee na soo dhaafay wale waa suxufi aan ka leexan runta waana mid ay wanaagsanaan lahayd in uu hogaamiyo saxaafadda somalida gobalkaan oo qaarkood caruurtooda ka biishaan gaar ahaan kuwa vedio yada duuba tv yada run kama sheegaan car adba lacag sii wargaaga ayaa soconaya ustaadow halkaas ka wad nin na ha u joojin somaalitalk ha noo laato

  18. waxaan aad ula yaabaa dadka somalied soo kama quusan taan dadka in laga quusto mudan kaidb markii ay banaanka soo dhigeen waxa ay yihiin iyo waxaa ay aamisan yihiin,sida shariif sheekh ahamed oo kale,meesha kadigay waa masaajida alle darogada uu sheegayaana waxaa toxiidaka idan famaa bacda daalika?

  19. umma says:

    Assalumu alaykum somalitalk horta Allah hadinka abaal mariyo intii wanaag ah oo aad u dadaasheen umada somaaliyeed, laakiin waxaa idin dhihilahaa waxii horay wanaag aad u gasheen yasan noqon HALBACAAD LAGU LISAY. taas waxaa u leeyahay waad qilaafi kartaan shariif laakiin taasi ma ahan in aad wax aan jirin ku faafisaan warbaahinta, ma umalaynayo shariifka in aad ka masaajid jeceshihiin, hadii ay taasi jirtana waxaa ceebtiisa wadwadi laheedeen ninka Axmad layiraahdo oo hada ka hor isku dayay in uu maajida xiro, geed dheer iyo geed gaaban u fuulay. asaga ayaad dhaleecayn lahaydeen hadii idinka tahay masaajid u hiilin maxaa yeelay shariifka masaajid weerarida waa looga horeeyay. gabagabdii waxaa jeclaan lahaa in aad usku mashquulisaan wax bulshada horimar u keenaya eesan noqon hadii aan is af fahmi wayno waa noo dagaal.

  20. saacid says:

    waxaan layaabanahy xumaan imaamki arki waayay siduu wariye u arki karaa qabyaalada baa kaa dhadhameeyso ee dib isugu laabo hadii kale sumcada ayaad somalitalk kaga ciyaa reeysaa mardambane soo booqon meeyno

  21. Maxamed Soomaali says:

    Iimaamka ma asagaa hadli kara FBI ayuu ka baqayaa imaamka waa u ku qasban yahay in uu u qiildayo Sheekh Shariif. taa waxay kuu cadaynaysaa in Imaamka uu jecel yahay nolosha aduunka maadaama uusan sheegi karin runta.

  22. m wade says:

    ascw madaxweyne caruur ah wax ma hogaamin karaa ileeyn ninkan madaxweynaha sheeganayaa umadd dhan 20 milion ah ayuu sheegtay inuu hogaamiye u yahay ma gaalada laiska dhisayo ayaa misaajidada loo weerarayaa anigu ninkan wlaaahay waan ka yaabay waan daawanayey universal tv markii uu qudbadanayanayey dumar keliya ayaa kasoo qayb galay aaway ragii
    ugu danabyn madaxweyne caruuur ah ciilna qaba wax ma hogaamin karo, kuwii keenay ayaana beri dariishada kasaaraya waayo geedi iyo cabdilaai yuusuf oo odhan jirey ethiopia walaalahayo maanta halkay ku danbeeyaan…. war ninkan halaiska qabto walaaahay meel fog ayaa soomali laga doonayaa

  23. Ahmed Ali Salad says:

    Warka Sheekh Sharif, siduu u yiri baan u qaadanay in naloo fasirana uma baahnin, maxaa yeelay Af Somali buu ku hadlayay. Masaajidda dambi ma leh, yaan wax laysku khaldin lakin waxa laga hadlayaa waa dadka wadaaddada sheeganaya ee Ilmaha marin habaabinaya, kuwaas ALLAHA NAGA QABTO, kollay Dowladda Maraykankuna howsheeday wadataa, oo waa hubaal in xarig badan soo socdo. TIDE YOUR SEAT BELTS.