Home » Warar »

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah, badda Soomaaliyana muran weyn geliyay

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah

badda11Sheikh Shariif : Waxa laga hadlayey waa Dhulka naga wada maqan aan wada doonano..

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa makhribnimadii Axada (Oct 4, 2009) waxa u Soomaalida Minnesota kula hadlay xarunta Jaamacadda Minnesota, halkaas oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u tiro badan.

Khudbaddii Sheikh Shariif uu halkaas ka jeediyey waxa uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa: “Dadka yaryar oo caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la doonateen waa fiicantahay, laakiin  masaajidkii waa la soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan, maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”

“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota, marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo.”


Dadweynihii isugu yimid kulankii Shariifka, Oct 4, 2009, MPLS

Shariif Xasan, Sh. Shariif iyo Jangali

Sheikh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya.

Waxana uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Minneapolis (Oct 4, 2009)

Sheikh Shariif waxa uu xusay in warqadda ay u direen Qarammada Midoobay ay ku raadinayaan dhul maqan. Soomaaliya dhulka ka maqan waa NFD oo ay haysato Kenya iyo Soomaali Galbeed oo ay haysato Ethiopia. Laakiin warqadda ay direen kuma qorra NFD iyo Somali Galbeed. Balse waxaa ku cad in Badda Soomaaliya muran la geliyey.

Dhanka kale Sheikh Shariif kama uusan hadlin in heshiiska ay la galeen Kenya uu baarlamaanka DFKMG ka dhigay waxba kama jiraan. Balse hadalkiisu wuxuu u muuqdaa mid ka hor imanaya go’aankaas baarlamaanka FKMG.

Qofkii aan weli akhrin qoraalka uu Sheikh Shariif ka hadlay markale halkan ka akhri. Xukuumadda Shariif ayaa caddaynta arrintaas laga sugayaa.

Markii shirkii dhammaaday ayaa Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC) waxay qaar ka mid ah reer Minnesota ay ra’yigooda ka weydiineyso khudbadii Sheikh Shariif. Nin magaciisa yahay Cali oo sheegay in uu deggan yahay magaalada St. Paul ayaa si kulul u dhaliilay hadalka Sheikh Shariif ee ku aadanaa masaajidda. Cali waxa uu yiri “waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya waa wax yaabo kala qaybinaya ummadda Soomaaliyeed, wuxuu farta ku fiiqay masaajidda oo ah meesha keliya oo ummadda Soomaaliyeed carruurteena aan geyno ee wax noogu bartaan, oo salaadda aan ku tukano oo diinta lagu barto.” Dhegeyso Hadalkii Cali (bbc).


Dhegeyso 72:18 Baset Hussari Minshawi


Dhegeyso aayadda 2: 114 Baset Hussari Minshawi


Warbaahinta duubanaysay khudbadda

Fariintii C/risaaq Xaaji Xuseen halkan ka dhegeyso

Hadalkii Shariif Xasan Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG oo reer Minneapolis su’aalo ka weydiiyeen Heshiiskii Badda

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG C/risaaq Cismaan Xasan Juurile oo booqasho ku yimid magaaladda Minneapolis ayaa kulamo uu la yeeshay qaybo ka mid ah jaaliyadda waxaa su’aashii ugu badnayd eee la weydiiyey ee ku saabsanayd badda Soomaaliyeed ee ay Dawladda Federaalka KMG ay u loogeyso Kenya.

Markii uu ka jawaabayey su’aalaha ku saabsan badda waxa uu sheegay in warbahintu ay isku lifaaqday laba khariidadood oo uu ku sheegay mid in ay samaysay shirkad batrool ka sahamisay aagga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taas oo uu sheegay in shirkaddaasi muujisay in batroolku ku jiro dhanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in warbaahintu ay khariidaddaas  madaxa u geliyeen khariidad kale. Laakiin Juurile dadkii uu la hadlayey ma tusin khariidadda uu ka hadlayey.

Juurile waxa uu kulamadaas lagu weydiiyay in dawladdiisu ay bixineyso qaar ka mid ah badda Soomaaliyeed, ku weeraray warbaahinta wax ka qortay arrimaha badda, isagoo gaar ahaan ku eedeeyey in ay labada khariidadood ee uusan soo bandhigin ku sheegay in la is dhex geliyey.

Haddaba, SomaliTalk si ay arrimahaas wax uga weydiiso ayey October 4, 2009 waxay Juurile kula kulantay Minneapolis.

 
C/risaaq Juurile iyo C/weli Dalboon

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Xasan Juurile, markii SomaliTalk arrimaha badda iyo heshiiskii Is-faham ee Kenya/Soomaaliya wax ka weydiisay, waxa uu ka gaabsaday in uu arrintaas si toos ah uga hadlo, ON RECORD. Waxuuna uu yiri wasiirku: waraysi ku saabsna badda ma bixin karo hadda, sababtoo ah waxaa magaalada jooga Madaxweynihii iyo Ra’iisal wasaare-xigeenkii.

Markii aan wax ka weydiinay Labada MAP (Khariidadood) ee uu sheegay in isku lifaaqay waxa uu yiri: arrintaas hadalka ayaa ila galay laakiin go’aanka aan maantay qaadanayo waxaa weeye in aanan badda wax ku saabsna ka hadlin inta ay maadaama ay joogaan Madaxda Dowladda ugu saraysa, sababtoo ah, ayuu yiri, arrimaha badda ayey ahayd su’aashii iigu badnayn ee la i weydiiyay, waana su’aal na wareerisay oo buuq badan wadata, laakiin waxaan balan qaadayaa maadaama aan ahay Masuul dowladda ka tirsan in aan Su,aalaha aad qabtaan aan dowladda u gudbiyo gaar ahaan wasiirada Heshiiskaan saxiixay.

SomaliTalk si ay u hesho xaqiiqada hadalkii Juurile, waxay raadisey dad goob joog ah kulamadaas.


C/laahi Cali  Farah

Hadaba Waxaan Waraysi la yeelanay C/laahi Cali  Farah oo loo yaqaan C/laahi Dheere oo aan kula Kulanay Hotelka ay Minneapolis ka deganaayeen waftiga DFKMG. C/laahi Dheere waxa uu u shaqeeya State-ka Minnesota , gaar ahaan  Maxkamada.Waxuuna ka mid yahay Xubnaha u doooda Xuquuqda Aadamaha ee Magaalada St Paul. Dhinaca kale C/laahi waxuu markhaati ka yahay Hadalkii uu Wasiirku ku weeraray Shabakadaha wax ka qoray badda iyo heshiiskii is-faham, taas oo wasiirku xusay in madaxa la isu geliyey laba Map. C/laahi Dheere waxa sawir Cellphone kaga qaaday Wasiirka Boostada DFKMG oo sharaxaya khariidadaha uu sheegay in la is dhexgeliyey.

Waraysigii SomaliTalk ee C/laahi Dheere Halkan ka dhagayso.


Juurile oo sharaxay wax uu ku sheegay khariidado la is dhexgeliyey (cellphone photo/ Oct 3)

Su’aasha la xiriirta badda waxay noqotay wixii ugu badnay ee reer Minneapolis weydiiyaan qofkii ay ka arkaan waftigii DFKMG. Dadkii hoteelka uu deggan yahay kula kulmay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa sidoo kale isaga toos u weydiiyey su’aashaas. Dadka su’aasha weydiiyey waxaa ka mid ah mar uu la kulmay xubno ka socda masaajidda Minnesota ayaa su’aashaas toos loo weydiiyey.

Haddaba Sheikh Cabdi Nuur oo ka mid ah maamulka masjidka Rowda ee Minneapolis oo goobta su’aasha lagu weydiiyey joogey ayaa SomaliTalk wax ka weydiisay sidii uu su’aashaas uga jawaabay Sheikh Shariif. Waxaana la sheegay in su’aasha badda markii uu ka jawaabayey madaxweynaha DFKMG in Shariif Xasan uu tacliiqiyey.

Waraysiga Cabdi Nuur halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Shariif Xasan oo warbaahinta laga ilaalinayo, Minnesota, Oct 4, 09

Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa isku deyey in ay arrimaha badda si toos ah wax uga weydiiso Ra’iisul wasaare xigeenka DFKMG, maadaama uu ahaa kii tacliiqinayey ama ku kabayey jawaabaha ku saabsan badda Soomaaliya marka uu madaxweynaha DFKMG u jawaabayey dadkii ku booqday hoteelka ay deggan yihiin.


Ibraahim Abuukar oo horjooga St Paul Hotel , Oct 4, 2009

Isku soo duub oo, su’aasha ku saabsan heshiiska ay DFKMG la gashay Kenya ee ku saabsan xadka badda Soomaaliya ayaa ahaa su’aasha ugu badan ee ay reer Minnesota weydiiyeen. Laakiin ma helin jawaab lagu qanci karta. Khudbada Sheikh Shariif meesha uu arrinta badda kaga hadlay ayaana daliil u ah sida xukuumaddiisu ay isugu deyeyso in ay arrimaha badda ku jaah wareeriso shacabka Soomaaliyeed.

Baaxad bad oo dhan 116,000km2 ahaa Soomaaliya ku waayi kartaa heshiiska is afgarad ee DFKMG la saxiixatay Kenya. Taas oo aan la garanayn sababta ay xukuumadda Federaalka kumeelgaarka ugu adkaysaneyso heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

33 Jawaabood " Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah, badda Soomaaliyana muran weyn geliyay "

  1. gabay says:

    Walaalayaal halkaa kawada, bahda Somalitalk waxay muteysteen bilada wadaniyada , waayo waxaa daahfurteen beenta iyo xaaranta bad iyo beriba lagu gatay.Hadii aydaan daba galin lama heleen cid wax la xisaabtanta, waxay noqon lahayd halaq mareen , maanta kuma dhacaan inay wax qariyaan.(kii dhuumanyee dhabarku muuqday waa dharaar lagu dhowrayaaye, ka is oran Somalitalk waa jeeftaa ee bad iyo beriba gata.Shariif sakiin walee wax ma dhaafo hadii aan lala xisaabtamin.Muayid iyo mucaarad waa ninka ay isku raaceen inuu tuug yahay.

  2. Nuux says:

    Simply put, adeeryaalow Somalitalk beenta iyo misleading ka daaya shacabka Soomaliyeed ee dhibaatada aan lasoo koobi karin heysato 20 years. Madaxweynaha waa daacad, waa qunyar socod (yacni he will talk anyone in anywhere to restore Somali unity)xataa nimankan mooryaan diineedka ah ee argagixisada oo wadankeena iyo dadkeena hostage u heeysto. The president will spare no effort to stop the Somali misery, and restore hope. Insha’allah.

  3. sama doon says:

    Walaal igu shakhsi ahaan waxaan la yaabay ninka la yiraahdo shariif xasan ma xaaka Sheekh Shariif baa mise waa waardiha khaaska ah anigu waxaan jeclaan lahaa in amuur-taas la,iga qanciyo waayo
    Markasta waxaan arkaa iyagoo is daba taagan meel walba.

  4. Abgaaloow says:

    Weli waxaad ku mashquusal tihiin hadal xaqiiq ah oo aay madaxweeynaha u xaqiijiyeen waalidiintii caruurtooda laga duufsaday Masaajidda iyadoo diin lagu qaldaayo. dadka aan aqoonta fiican diinta u laheeyn meel walba waa joogaan, Makkah iyo Madiina qof walba oo shiikh shiikh sheeganaya wax dadka uma sheegi karo haddii aan la ogeeyn, waayo waxaa laga baqayaa in dad diinta si kale u fahmay oo aay ku yartahay fiqiga in aay dhib geeystaan, tan badda ee aad kusoo celcelisaan, waa mid aad ku ceeb kala kullmeeysaan, waayo mar hore ayaa Barlamaankii Gaashaanka ku dhiftay, hadii uu qalad ahaa iyo hadii uu sax ahaa waa laga soo gudbay, laakin waxaan aaminsanahaya in aad wax ku mucaaradeeysaan, taas oo aan u arko in aad weeyseen wax kale oo aad wax ku mucaaradaan.

  5. Samkaab says:

    Shariif ku sheegan waa Madaxweyne-hii ugu horayey oo boqolkii-ba boqul isu dhiibay Cadawga ummada Soomaaliyeed. Waxdankiisii iyo dadkii u kulay jiray ICU-da waa khiyaanayey. Wax kasta oo ay Cadowgu soo horr dhiga waa saxeexaaya, asagoo akhrin karayn wuxu saxeexaayo, sida qoraalkii lagu soo abaabulay Nairobi oo badda Soomaaliyeed ku saabsana. Saxeexaas oo muran jirin geliyey muran hore ka jirin baddii Soomaaliyeed.
    Waxa xaqiiq ah maanta inu Shariifku u yahay Hostage AMSION oo u kalsooni ka haysan dadkiisii.
    Sida qodha oo u ka soo noqan karo dariiqa khiyaanada oo u ku gelaayo taariikh xun,waxa weeyi asagoo ka baxsada Via Soomaaliya oo dadkiisa ku noqda oo la tashada.

  6. Qabiilsomali says:

    ACWW
    Walaalayaal shariifka oo noo matalaya magacii dawlad qaran oo meel kaloo la maciinsadaa aysan jirin anagaa isbadnay heerka sidaan ah. Dhamaanteen Alle hanasiiyo dawlad qaran oo aan ku nasano, dhulkeenii dib inoogu celisa…aamiin
    Waxaa uur kutaalo iyo xanuun igu ah Masaajidada uu afkiisa marsiiyey. Hadii cadayn lagu hayo madjidyada, Wallaahi baan ku dhaartaye inaysan dawlada maraykanku ogolaateen inuu sii furnaado madjidkaas iyo kuwo aan waxba galabsanba. Qalabka casriga boqolaal nooc buu usoo baxaa, maqal iyo muuqaal sirdoonku waa la socdaan waxa ka jira masaajidada. Hadii iyagii meel ay ciirsadaan waayeen yaan af qalalan lagu taagin Aqalka Alle. Hadii ay run tahay in wiilashaas la duufsaday dee dhul kagula hadli karo Allaa balaariyey. Masjidku waa meesha u danbaysa oo qof lagu bari karo, anshax xumo. Laakiin kuwa neceb Islaamka faa’iido weyn baa ugu jirta dacaayadaas iyo in Masaajida kuli la xiraba.
    Shariifka aflagaadadiisa Aqalka Alle waxaan u arkaa in lacag lagu siiyey sidaa.
    Nin Rabigiisa ka cabsan waayey oo bini’aadmi ka kaadinaya, shariifku uguma hireyn.
    Waa waqtigii aduunyo gadoonka!

  7. muuday ali says:

    runtii waxbaa kajirah fikirka ah in caruuta laga soo hagay misaajidyo qofwaba sidaas ayuu sheegayaah waxee ilatahay inuusan kawadin inaan misaajid caruuta loodirin ee lalasocdo caruutooda waxee gacmaha kulajiraan tan hada somalia kataagan waad aragtiin ciyaalka isqarxiye dhamaan waxee ubadanyihiin qurbaha taas ayaa kaliftay kolay inka isqarxiska somalia ku sookordiyay kaasi khayr makeenin rabi hanaga qabto , kuwa diinta khaladka ku fasirayah oo somalia hakadhigo meelnabadah

  8. Yusuf says:

    Salama alekum

    Ku: Sh. ali xasan

    Sxb shariif waa nin America iyo Beesha caalamku ku keenen Barashuud-Ujeeda laga lee yahana waa mid isk cad. Waana sababtaas sababta uu u weeraray maajidada iyo culimada. Mid waa jirtaa oo lama dafir karayo in kooxaha sharta wada in ay manaahij qalada ay caruurta u dhigaan, si ay ciidan u helaan…..ma filaayo nin muslim ah in uu ogolaanayo in masaajid dhexdiis fidnada lagaga abaabulo.Waxaa dhicikara waa kuwo diinta ku gabada oo munaafaqiin ah in ay masaajida ayagoo culimo isu ekeaysinaya ay dadka ku qaladaan mashruucooda ay diinta gabaadka uga dhigeen.

    Osma bin laden anigu waxaan ku ogaa aysagoo cia ah–goorma ayuu ka baxay? wali omana lagama maqal cia contract waan ka baxay afkiisa! 11/9 yaa ka dabeyey? al-shabaab yaa xukuma ama maal galiya? shariif la soo gamay yaa keenay? adeer waxa socdaa waa mashaariic Amerika iyo yahuud sallka la galaya—lana doonayo in muslimka diintooda laga hor keeno iyo khayraadkooda lala baxo. waxa ay America iyo Yahuud adeegsanayaana waa dad Macatab hoosta ka xiran muuqaal muslimna leh…..anigu umma aan jeeda—-shariif iyo al-shabab in ay laba qolo kala yihiin. waxaan u jeedna in ay labduba shisheeye u adeegayaan.

    wabilaahi towfiiq
    Yusuf

  9. waxaan lee yahay soo maaliyey yeynaan wada xaakim wax wada xukuma noqon ee aynu samayno hal arina oo aan leeyahay amay dan inoo tahay sidii aynu heshiis uga dhex raadinlahayn al shabaab iyo xulafadooda iyo dawlada hada jirta sibal dadkeenii iyo dalkeenii inta hartay loo badbaadiyo waa hadii aynu nahay umad caqligeedii shaqaynayo in tay doontaba ha,qaadato ay nuna kasaaro ninkii burburka inala rabay in aynu talada u dhiibano waxaana filayaa dhamaan arintu dadka kama wada go,do waa culimada odayaasha dhalinyarada hooyooyinka iyo inta ay dhibayso waxa dhacaya, ma,aha midka ku raba kursi ama hunguri gaara oo hadba meesha ay gasho la, gala,waxaan jeclahay wixii daacad laga yahay allena loo talo saarto alle waa fu, dudeeya waana hirgalaan ogaada cidn ama, durayo hadalkayga oo ulama jeedo salaama caleykum

  10. sallama caleeykum.dhamaan wallalaha soomaliyeed,war nimanyahow hadaan niraahno dowlada walba wax beey xaday oo ka soo horjeesano horta waa dhibaaato mida kale hadal walba hadii xaga xumaatada loo fasiro si kale ayuu u muuqan marka wallaalayaal aniga waxay ila tahay anagoon u eegayn qabiilkeeyga ayaa wasiirada lagu yareeyaya ama ciduusuu meel walba geeystay in aan dowlada hada jirta taageerno wixii qalad ah oo ay sameeyaana way soo bixi oo qarsoomi mayso marka saan dhibaatadan uga baxno waa in aan dowlad helno,ilaan wax walba meel baa laga billaabaaye ,oon qolyahaan alshabaab iyo xulafadooda isk qabano oo isku meel uga soo wada jeesano.si aan qaranimadeenii u soo ceshano shacabkeenana inta hartay u badbaadino illaan soomaali baaba,daye.peace

  11. Addoon-Alle says:

    ASSALAAMU CALEYKUM YAA MUSLIMIIN

    SALAANTA ISLAAMKA KADIB, WALLEE BAHDA SOMALITALK, SIDII AAN UGU HEYSTAY DAD DHEX DHEXAAD AH WAXAY KU SIFOOBEEN BEENAALAYAAL, SABABTOO AH HADDII AANAN DHEGEYSAN LAHEYN WAANAANADA, TALADA IYO DIGNIINTA DADBAN EE UU U JEEDIYAY WAALIDIINTA REER MNP. WAXAAN IS ORAN LAHAA TOLOW MADAXWEYNUHU MUXUU MASAAJIDA U WEERARAY, LAAKIIN WAXAA ALLE MAHADIIS AH INAAN KU KADSOOMIN BEENTA AAD DHOODHOOBTEEN, SABABTOO AH KALIGIIN WARBAAHIN KAMA JIRTAAN, WAANA LA WADA DHEGEYTAY KHUDBADII MADAXWEYNAHA XAFIDAHULLAAH.

    WALAALAYAAL WAXAAN IDIINKUGU NAXSTEEXEYNAYAA INAAD BEENTA KA FOGAATAAN SIDA ODAYGA IGA HOREEYEY SHEEGAY OO HA NOQONINA SI XUN WAX U SHEEGYO SHARTA ABUURA, ALLE AGTIISANA CAFIS WEYDIISTA OO KA LAABTA CINWAANKAAN QAABTA DARAN.

    MAHAD SANIDIIN

  12. Samadoon says:

    Ninka diidan in masaajidii la isugu soo galay waa runtii nin aan maanta la socon waxa ka socdo dhulkeena.

    kama war haayo Maraykanka ee magaalada aan joogo waa la isugu caga jugleeyaa masaajidda, makarafoonka ayaa la isla qabsadaa, hadii aad fikraddaada ka hadashidna waa lagu gaalaysiiyaa ama lagugu hadadaa in lagu dili doono.

    Madaxwaynuhu ilaahay ha dhowree waa asiibay, masaajidii cibaadada waxay noqdeen talis melatrei.

  13. mnur says:

    su,aaluhu intaa way ka badanyihin muxuu uga jawaaba sharifku heshiiskii xukumadisu ay lagashay mamul qobeledka puntland iyada oo aan xishoneyn mamul goboled dowladii dhexe sidii dowlad ula heshinaya waa mamul hadu xilka madax weynaha somaliya wayo u so jeda carqaladeynta dowlanimada maxay heshiskas oo kale ula gali wayen dowladii cabdulahi yusuf…. qof kastow is waydii muxu ku jawabaya sharif in dowladisa oo taag daran uu kala qaybsanan ka ilaalinayo maya mamulkii maxakama ayuu lahaa waxa waxyabo aan qarinayabay ayaa shacabka hada si tos ah u arkayan waligaa baqti qaris ayad tahay oo kursigiisa uun yaqaan tan umada iyo waxa wax kuu dhibayaba aan garanayn su,asha kale
    suqa bakaaraha oo muqdisho ee malin kastaa ugandheysku madaaficda la dhacan waa cidan xog nabad ilalin waa shacab iyo nidam ilaalin ee ma ahan shacab dhibatayn iyo shacab xasuqid mise somaliya ayaa mashruc cusub uga dilaacay oo kii ay Gongo u galen oo kale ah (dheyman)dhaymanka dhiga somaliyed ayaa adunka lacag nabad ilalin loga qadanaya
    labo arimod ayu sharif ku gu dareystay oo uu shacabka tagero uga heli lahaa dowladiisuna ku socon lahayd
    1. nidam dowladnimo oo an mesha oolin
    waxad arkaysaa in wazirkastaa uu heshaska uu rabo lagalayo dowlado, shirkado shaqsiyad oo laba is waydinaysa aysan jirin waa arin dhibata wayn ku ah qaranka somaliyed moryanka qoryaha wata waxa ka daran ragas u qalin qatay majaraxabin jiritanka umada oo dhan oo mamul la socdahina uusan jirin
    2. cidan boliska dowladisa iyo ugandheyska oo u kala ordaya boobista iyo dhibataynta shacabka koox hugamiya koxedyo ah oo nidam aqonin oo madax toyada dhexdeda isku dagalaya ayuu sarakil u ah oo dabcan waa xiligii cidamadii cadowga ethopiya jogen moqdisho oo kale iyo cabdulahi yusuf

  14. abdiqani says:

    A/c

    salaan kadib. madaxwaynaha haddalkiisu uma ekayn mid xalkeenaya, sababtoo ah waxay umuuqataa qori qori kutaag. haddii asaguna kutilmaamo tuugo nimanka kasoohorjeeda, ayaguna kutilman mujrim diinta kabaxay xagee xalka’imaanayaa? maahmaah baawaxay ahayd haddii aan lakalaroon roob mada’o. marka aniga waxay iilamuuqataa in uu kafiirsado hadalada qaarkood oo uu isticmaalo ereyo diblumaasiyid kujirto.

  15. Sh. Ali xasan says:

    OGOLADA RA’A YIGA KALE

  16. Sh. Ali xasan says:

    Assalama alaykum Wr Wb

    salaan kadib: soomaalidu waxay tirhaa :

    SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARAN YAHEY !!!

    aadbaan ugga naxay unnala yaabay markaan arkay CINWAANKA maqaalka( waxaan is iri malaha sharifku meel kale ayuu ku kaga hadalay masaajidda).

    Walaalayaal reer Somaalitalk waxaan idin xasuusinayaa ,,, ayaad quraanna oo dhamaanteen inna wadda anfacaysa ,, ee bal aan DUL IS taagno

    ” YEYSAN IDINKU QAADIN CADAAWADDA AAD QOF AMA KOOX U HAYSAAN IN AAD CADAALADDA KA DHEERATAAN ,,, CADAALAD SAMAYEEYA IYADDAA U DHOW ALLE KA CABSIGA ”

    Walaahi baan ku dhaartee hadalka aan loo meel dayin ummadana umma roona adinka wax qorayana idiinma roona SUMCADDA WEBSITE kana umma roona.

    Sharif ka khudbadisa waannu wadda dhagaysanay hadaad meel kale oo uu sharif ku masaajida ALLE UGGU ban baxay noo haysan keenna hadii ayse amuurtu tahey

    ” masaajidka caruurtiina waxa lagu soo barayo waaridow ogaada waayo masjidkaa la isku soo galay ,, ”

    waxaa ii muuqda in CADAAWAD dhexdiina ah ay jiro oo aad sidaad jeclaan lahaydeen aad mowduuca u qorteen.

    dib u xasuusta ,, haddalkii ahaa ,, RABBI KA CABSO IYO RAG ISKA CELI MEEL MA WADDA GALAAN.

    WAAD MAHADSAN TIHIIN

  17. Mire says:

    Feysal wanaag waalarabnaa balse wanaaga uma muuqdo mida kale sharifka sinaba authentic or real uma aha dhalinyarada ayaan kamaqlaa adeer kaas waa lagawaalay shariifka waqtigiisii Kama faa’iideysan oktoobar markay dhamaato kursiga haku wareejiyo sh madoobe kadibna ha uguuro Yemen.

  18. Yusuf says:

    s/a

    Walalaha somalitalk salaan iga gudooma–Mida kale aad ayaan idiinku mahad celinayaa wanaaga aad bulshada somaliyeed u haysaan–dhanka saxaafada.

    Xiligii aan yaraa, wadanka oo nabdi ka jirto marka polisku tuug soo qabto, waxaan garanayaa anagoo caruura oo ka daba orodna—aniga ku heesayna—tuug la qabtay, tallo maleh, tuug la qabtay, tallo maleh.

    Meesha dawlad ma jirtee jawaabta ay hayaan maxay tahay—mashruucii bad iibsiga ayaa fashilamay oo ummadu ogaatay. marka jawaab haday bxin lahaayeen been ahna kuwii ay contractiga la galeen ayaa ka daba hadlaya–mana doonayaan in media ay ku beeniyaan ama somali runta u sheegaan danbigooda.

    well done somalitalk

    wabilaahi towfiiq

    Yusuf

  19. Cabdifitaax says:

    I support the president, Sheikh Sharif, he is the best hope we, Somali people, yet have. Let us give peace a chance, as he stated quite eloquently in his speech yesterday. He has the most difficult job in the world, reasoning with people that defy logic. He is pragmatic, cool-headed, visionary leader that can at least put us, Somali people, the difficult path of resurrecting our nation. May Allah guide you to make Somalia and the world a better place.

  20. Cabdi Siyaad says:

    salaan kadib waxaan layaabanahay qoladiina Somalitalk waxaad juhdigiini oo dhan ku bixiseen badda Soomaliya mana ka hadashaan kuwa diinta sheeganay diinta oo hadana laynaya dad Soomali ah oo maxaysato oo fuquro ah. kuwaas kahadla hadii aad run sheegeysaan.

  21. cabdullahi says:

    A/c dhamaantiin, Allahaa idinka Jazaa siiyeo cilmi baarista aad u samayseen dhamaan dhinca walba , gaar ahaan bada, nin kani wuu iska hadley waa xerow ku soo booday siyaasad oo jahil ah. beentii oodhana record ayaad ku heysaan, arintaa ha ka harina inaad daba joogtaan, tariikhduna mar ayey idi, xusi. waa layaab ah nin masijdii Allaah weeraraya, kama hadlin wanaaga ay masijdu qabtaan, ma soo dhax galin, caruurta ay wax u qabtaan ma arkin , wuxuu mareykan u akhriyey uunbuu idiiin akhriyey. ayaan la degmin ninkan ilaahay baa muujiyey, cadownimadiisa iyo munaafiqnimadiisa. xaq iyo baadil meel wada soconayaan , xaqaana soo bixi. shariif iyo kuwa wada socda , Allahaa dadka ka qabto .

  22. Maxamed Soomaali says:

    Sheekh Shariif markii uu muqdishu ka waayey wax taageera ayuu naf ka soo doonay Soomaalida qurbaha joogta waxaa is waydiin mudan Soomaalida qurbaha joogta raali ma ka yihiin in shacabka madaafiic lagu xasuuqo waxaan filayaa jawaabta waa haa madaama ay aad u soo dhaweeyeen “dhiigyacabka qandaraaska xasuuqa soo qaatay waxaan ula jeedaa Sheekh shariif” teeda kale USA haddii ay run ka tahay taageerada Shariifka maxay ula dagaalameen markuu maxkamadaha hogaamiyaha u ahaa ee uu haystay taageerada shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibada. USA marna raali kama aha in Soomaaliya ka dhalato Dowlad xaq ah taa ayaa xaqiiq ah, Soomaaliyeey yaan la idin sirin waxaan waa riwaayad la dagaalama cadowga idinku soo duulay ee raba inuu idin xasuuqo.

  23. kaafi says:

    ASC,LA MOOD NOQONSE WAA.Waxaan layaabaa dadka Soomalida iyo Umushu meeshay isaga dhaw yihiin, bal aan iswaydiino,

    SHARIIF WAA KUMA SOW KII DAGAALKA GALIYAY DHALINYARADA MA AHA? SOW KII KEENAY ALSHABAAB MA AHA? SOW KII YIRI DAWLADAAN LA HESHINAYNAA MA AHA, HADANA KABAXAY MARKII UGU HORAYSAY? SOW KII QAYAANAY URUKIISII MA AHA?SOW KII NUUR CADE EHEL AHAAN U MAGA CAABAY EU AND ITALY SOW MA AHA.
    SHARIIF SOW MA AHA NIN MAANTA MAJISDKA KUSOO JEESTAY LAAYAB MALEH HORAA LOO YIRI

  24. Faysal says:

    KU: somalitalk

    Wallal Madaxweynahu sida uu hadalka u dhigay umaydaan qorin waxa idinka muuqda caadifad iyo cadaawad aydun madax weynaha u qabtiin taasina waxay la mid tahay in soomaali 5-teeda qaybood aydun u qabtaan yar iyo way sababta oo ah Sheikh Shariif Waa Nin cadaali ah wadani ah isla markaana Rajada qof kasta oo soomaliyeed ah in xumaan aanu lahayn loo xambaariyaana ma banaana. QABANA MAYSO, Gunti iyo gabagabadii waxaan idin odhan laha In Dadka fiican ceeb laga sheego Dadka xuna Wanaag lagu sheego Waa calaamada munaafiqiinta. Ilahay ha daayo MADAXWEYNAHA QARANKA SOOMALIYEED

  25. abdulqadir says:

    as c wr. Horta waan salaamayaa dhamaan umad somaliyeed meel walba oo ay joogaan.
    Hadaan u soo laabto arinta ninkan calankii la cararay eek u tuugsi tegay.
    Horta la yaab malaha inuu shariif inta calanka qaato oo hooyin masaakiina oo maraykan qaxooti ku ah uu yiraa ii kaalmeeya. Waayo nin ilaahay xishoodkii ka qaaday weeye markii horaba.
    Kaliya waxaa tusaale in kugu filan inaanu xishoonayn arinta bada u dhaxaysa Kenya iyo somaliya markuu ka hadlaayey sida uu oga been sheegay, waxaa intaas ka sii daran dadka uu la hadlaayaa waa dad aan filaayo inay English ka si fiican u fahmaan warqada hishiiskuna nasiib wanaag wax qarsoon maahayn oo wax ay aqrisan kareen dhamaan somaliada dunida joogta meel walba ha joogaane. Tan kale kii heshiiska soo saxiixaybaa BBC da asagoo joogay ka qancin waayey dadkii dhageysanayey ee soomaliyeede xageebuu shariif kaga qancinayaa?.

    Hade tan kalana waad maqlaysaan inuu yiri masaajidii ilaahay yaan la aadin oo la galin. Taasina waaba mid yaab keeda leh. Bal Somali aan u dayno jawaabta

  26. Zahra says:

    Inlaahow na soo gaar dawlad ku sheegan diin iyo wadan jecel midna ma leh. Cidi caqiido hadey lahayn sidan ayaa u danbeyso. Qabiilkii ayaa roonaa ayaa yiri Madaxweyn Sheik Shariif, haye bal qabiil aan wax ku qeybsano ileyn xafiiskaagab qabiilkaaga ayaa buuxee.

  27. somaliwakuma says:

    SCW
    soodhaweynta mdaxweynaha waa wanaagsaneed waana ka qeyb galay inkastoo aan aan ku farxin sida uu sh shariif uga hadlay arinta masajida uu sida iyagoo dadkaan meelwalba warka ka helayo uu ka dhigay in masajida laga hago wax caruur layiraahdo majiraan ee dad iyagu iskood iyagoo xora ku baxay weeye maasijidana shaqo kuma laha dadka danbiyada ay galaan markay ka tagaan masjidka. sababta suuqa bakaaraha shacabka loogu laynaya kama uusan hadlin laakiin waxaad waxba inaysan faraha ugu jirin waayo haduusan shacabka unisom madaafiicda ka daaya oran karin sidii la haysto ookale ayuu arimahaas ka yahay. meelaha ay dagan yihiin raga la dagaalamay waa ianay ugu tagaan maaha inay goobaha shacabka duqeeyaan hadii aysan awood uheyn inay iska la kula diri diriraan goobaha mucaaradka hada dagaalka sh shariif ku baaqayo waayo cida uu la dirirayo jawaabtu waa madaafiic baan shacabka ku garaaceynaa taas lama aqbali karo hooyadii ama aabihii madfac lagu dhufto isagoo gurigiisa ama suuqyada ka xamaalnaya caruurtiisa waxay ku biiraysaa mucaaradka marka talaabooyinkaan waa kuwa sii badinaya taageerada mucaaradka shacabka ka horkeenayo dowlada waa la joojiyaa madaafiicda shacabka lagu garaacayo hadii xitaa sida lasheego madfac laga soo dhexrido waa in meesha lagu weeraraa oo loogu lagan suuliyaa magaalada oodhan. shacabka hala badbaadiyo ayaan leeyahay.

  28. Shariif oo ka beenshgay Diinta iyo Siyaasada

    Horta ninkan shariif sow ninkii Jihaadka u iclaanshey sow ninkii yiri qoriga qaata dhalinyarada sow ninkii idacaadaha caalamka ka hor akhriyay in ciidanka Africa ey xoog ku galeen Somalia maantana waakan oranaya Amisom waa ciidan nabadeed shariif Alle ayaa Ummada kaa qabanaya oo Masaajido iyo Diinta aad la dagaaleyso kaa jari doona hadaba shariif waxa ka dhex guuxaya cajal ey reer galbeedka ku duubeen balse waxaan leenahay waxaad tahay faashil waxaa tahay nin aan siyaasad iyo mabad laheyn waxaa tahay shaqsi aaminey reer-galbeed balse hadaan nahay aqoonyahan ka Somaliyeed waxaan ku leenahay waxaa tahay qof aan hogaamin karin masiirka Ummada Soomaaliyeed

  29. saacid says:

    shariif murtad markuu muslimka ahaa dhallintii uu diri jiray halla su’aalo…..tan kale dadkan sacabinayaa ma qabyaaladaystayaashii baa? ma jawaasiis baa ?..mise waa dadkeennii oo aan war hayn?…waa wax laga naxo inaad usacab tunto nin magaaladuu ku dhashay gaalo ku waardiyaynayso…waa yaab inaad usacab tunto nin iibsaday dhiiggii shuhadada…waxa ka daran waxaasoo dhan ninkani waxu la safanyahay yuhuudda,maraykanka iyo itoobiya…waxu ka soo horjeedaa mujaahidiinta,xaqsheegga,culimada iyo halyeeyada diiddan gumaysiga….salaama

  30. ali says:

    AS EEboow naga soo gaar.. walee aakhiru sabankii ayaa la joogaa, mara haddii maanta shariif saas u hadlaayo oo masaajidka u dhaleeceynayo.. wallee waxaan soo xasuustay xadiithkii fitanka ee ahaa “qofku wuxuu waabariisan isagoo muslim ah, galabtiina diintuu ka bixi.. walee waa wax cajiib ah Shariif oo maanta sas u hadlaya.. aniguse waxaan garan waayay ma anagaa waalan oo awalba iska caadifsanayn oo wax fahmi la’ oo raggu waligoodba saan ayay ahaayeen, mise ninkan Maraykan la leeyahay ragga waa uu soo bedelaa oo intuu ragii aan niqiin dilo ayuu kuwo u eg keenaa.. mise daroogada la sheegayaba ayagaa la siiyay oo cabsan.

  31. a/c/w waxaa layaab dawlad ku sheega booca ku tukubeeysa inay gebi dhaceeyso,marka aan dhageeystey qudbadii shariif iyo ragiisa waxaa ii muuqanaysa neef gowracan geed kama waabto,waxaa uu ku hadlay waa aan kontrool lahayn oo gariir ka muuqto waxaa uu leeyahay hishiiska waxaa uu ahaa inaan dhul wada doonano anaga iyo kenya, waxay tahay dhulka aad wada doonanaysaa mid hore jid ayaa lagaa mariyey kan kuu hareyna waa midka laysku haysto.
    tan kale waxaa uu na maleeyey hadaan nahay dadka mareykan ku nool dad waxana ka waran heyn waxna qorin waxna qorin,dhageysana why shakadii bada oo kaliya waxaa uu ku dartey oo jeebkiisa ah ogaden iyo nfd iney dooda ku jirto,ninkii allah la dirira goobihiisa cibaada kana baxsan waayaan kuna hadla erayada gaalada ku hadaaqaan qizyi baa u danbeeya,
    hadaad dhageysato waxaad ka shaleeyneysaa maxaad u dhageysatey why run iyo been wuu isku lifaaqey, allah yahdiik

  32. Why No Good Government in Somalia? says:

    Eebaha na uumay Kheyr iyo Barako ha siiyo Bah Somalitalk oo u hadasha Arrimaha Soomaaliya, gaarahaan dhibka Soomaalida Madax ku sheego ah ee Caabudul Shilin iyo cadawga maanta doonayo inay NFD iyo Somaligalbeed ku darsadaan Bad Weynta Hindiya Saamiga aan ka degannahay! Tan kale waxaa ka codsanayaa Bah Warbaahinta Soomaaliyeed inay u hadlaan Dulunka iyo Dayaca Haysta Soomaaliya oo ugu weyn tahay kuwaan:-

    1. Soomaalida laga barakiciyey Koonfurta Soomaaliya laga bilaabo 1991, maantana ugu daran tahay Muqdishow.

    2. Soomaalida Puntland ee loo diiday Xuquudii nolashada ay ku maareyn la haayeen sida kuwa la dhigay Jid la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad la’aan, dawlad la’aan iyo nolol xumo ha ugu darnaadeyn Saddexda Degmo: Iskushuban, Qandala, Caluulada iyo DEGAANADA ku teedsan.
    3. In la joojiyo Dhibka soo jiritaanka lagu hayo Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliyeed ee Maqan (NFD iyo Somaligalbeed). Waxaa habboon in qofkasta garto Dhibka iyo Dagaalka Sakooyee ee Soomaaliya inay ka timid sidii loo duutin lahaa dhulka Soomaaliyeed ee Gumeystaan Amxaarka, Tekraha iyo Sawaaxilga Kukuuyada ah.
    5. Qolooyinka Tuutsiga Burundi, Ruwaandada, Shacbiga iyo Xukuumadda Uganda waxaan nahay isku Qadiyad Arrimaha Dhulalka Ka maqan ee ha la iska jiro Cadawga Qadayadeyn oo ah : kuwo Carbeed, Kenya, Tansaaniya iyo Itoobiyaanka. Waa kuwa dhibka iyo Dagaalka Sokeeye inaan ku jirno doonayo. Fiiri Qadar, Masar iyo Sacuudiga waxay ka wadaan Soomaaliya?

  33. mohamed says:

    Madaxweynuhu wuu inooka ogal roonyahay sida dhalinta loo dagaalgeliyo, maxaa yeelay isaga ayaa ka tirsanaanjiray kuwan masaajida ku sugan ee uu eedaynayo oo uu leeyahay daroogo ayey dad siiyaan. Hadii uu isagu masaajidkii kabaxay oo uu leeyahay yaan dhalintu tegin, jawabtiisu waxa weeyeإنما يعمر مساجد ألله من آمن بالله واليوم الآخر٠ Nabiguna wuxuu yidhi ٳذا رأيتم من يتردد في امساجد فاشهدوا له الإيمان٠ war xagee arintu iska qaban la’adahay, Rabbi tala ku filan.
    Mohamed