Home » Warar »

Barnaamij dhaqameedka ardayda somaliyeed ee wadanka bangladesh

Ururka jaaliyadda somaliyeed ee wadanka Bangladesh ayaa ka qaybgalay barnaamij dhaqameedka ee sanad walba kadhaca jamacadda uu leeyahay ururka islaamka (OIC) ,Islamic University Of Technology (IUT) isla barnaamijkaasi oo uu kulifaaqnaa afartan guuradii kasoo wareegatay markii la aasaasay (OIC) soomaaliyana ay katahay xubin,

Ardayda somaliyeed waxaa ay ka qeeybqaaten bandhig ay soo bandhigeen ardayda kasoo jeeda qaaradda afrika iyo ururka carabta, taasi oo aheyd dhaqamada kala duwan ay leeyahiin dadyowga afrika iyo kuwa carabahaba. oo ay kala qeeybqaateen ardayda somalida ah, barnaamijkan oo isugu jiray bandhig iyo ciyaaro dhaqameed, waxaana kasoo qeybgalaya masuliyiin isugu jirta wasiiro iyo safiira ka kala socda wadamada islaamka, nasiib wanaag soomaaliya uma jooga safiir Bangladesh lakiin ururka ardayda iyo jaaliayadda ayaa isku ahaa safaarad wax walba oo ay sameeyaan ardayda safaaradaha ay caawisa, waa ay sameeyeen iyo waxyaabo kasii fiican intaba. iyadoo dadka meesha joogay ha ahaadan maamulka iyo masuuliyiinta kalaba ay cod buuxda siiyeen waxa ay soo bandhigeen soomaalida.

bang1

bang2

Gudoomiyaha Jaaliyadda somaliyeed ee wadanka Bangladesh, Xasan C/raxmaan Xasan (LIIMO) oo sharaxaad siinaayo masuuliyiinta goobta imaatay,

Ardayda somaliyeed waxaa ay si gaar ah usoo bandhigeen taariiqda iyo dhaqanka somalida ay leedahay, waxaa ugu horeyntii mekaroofanka qabsaday xiriiriyaha barnaamijka ardayda soomaaliyed C/xakiim macoow Ahmed oo uu kasheekeeyay tarriqda soomaaliya oo kooban kadibna waxaa uu masraxa kawacay kuna soon dhaweeyay koox arday soomaaliyeed ah oo halkaasi ka qaaday heesta calanka somaaliyeed oo aad u qiira galisay dadweeynahii iyo ardayda soomaaliyeed ee ka fogaaday dalkoodi hooyo,

bang3

bang4

sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay taariiqda somaliya oo maqal iyo muuqaal ah taasi oo ka tarjumeesay dhaqanka soomaalida iyo waxyaabaha dalka uu qaniga ku yahay sida xoolaha,beeraha,dhaqanka iyo cuntooyinka kala duwan ee dalka laga isticmaalo, dadweeynahii iyo ardaydii halkaasi isugu yimid ayaa sacab marwalba u tumayay markii ay daawanayeen videoga ka hadlayay dhaqanka iyo wax soo saarka bariga,badda iyo kuwa mustaqbalka uu leeyahay dalweeynaha somaliya,

bang5

waxaan ka maqneeyn kooxda hiddaha iyo dhaqanka oo halkaasi kusoo bandhigay mahrajaan ama bandhig faneed aad u qiira galiyay dadweeynihii goobta isugu yimid, taasi oo ay soo diyaariyeen isla ardayda somaliyeed oo si aad ah isugu hoowlay in ay soo bandhigaan cayaaraha ay hiddaha iyo dhaqanka uleeyahiin.

Ugudanbayntii gudoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee wadanka Bangladesh Xasan liimo, ayaa u hambalyayay soo saaraha barnamijka ay soomaalida soo bandhigeen, Qadar Xasan Sh,Salad, iyo sida wacan ay ushaqayeen una mataleen qarankooda ayaga oo aanan tageera ka helaynin safaraad ama doowlad intaba iskuna taxalujiyay in ay matalaan soomaaliya. Bandhig dhaqameedkaan oo kusoo gabagaboobay jawi farxad ah oo wanaagsan.

Qore: Qadar Hassan

E-mail: muq_som@hotmail.com

Dhaka/Bangladesh

Islamic University Of Technology(IUT)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.