Home » Warar »

Xarakada Al-Shabaab oo sheegatey in ay la wareegeen Magalaada Kismaayo maamulna ka dhiseen, ka dib markii fooda is dareen Xisbul-Islaam

Magaalada Kismaayo oo saakay dagaal culus ka bilowday ayaa hadda wararku waxay sheegayaan in inta badan Magaalada Kismaayo la wareegeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Halkan ka dhagayso Afhayeenka Al-Shabaab sheekh cali maxamuud raage oo sheegaya in Kismaanyo Maamul cusub loo magacaabay …dhagayso

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Alshabaab u suuragashay in ay inta badan magaalada gacanta ku dhigaan, waxa uuna dagaalku ku biyo shubtay xeryaha Ururka Xisbul Islaam ee duleedka Magaalada Kismaayo. isla markaana ay Magaalada Kismaayo hadda ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen guud ahaanba magaalada Kismaayo isagoo sheegay in ay ku raad joogaan waxa ugu yeeray kooxihii ku soo duulay Magaalada Kismaayo isla markaana ay gacanta ku dhigeen maxaabiis uusan carabaabin tiradooda sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhowr tikniko ah balse ma uusan faahfaahin tirada rasmiga ah ee gawaaridaasi, isagoo ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo in ay isdejiyaan isla markaana ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Ururka Alshabaab ayaa waxa uu horey u iclaamiyey dagaal ka dhan ah Sheekh Axmed (Madoobe) oo ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Ururka Xisbul Islaam, hase yeeshee Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe ka mid yahay ururka Xisbul Islaam ciddii soo werartana si wadajir ah u difaaci doonaan.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkaan dambe waxay ahayd magaalo ay isku bedeleen dhowr maalmul, iyadoo ujadeedu tahay in gacanta lagu dhigo kheyraadka gobolada Jubooyinka, hase yeeshee dagaalka hadda ka bilowday ayaa dadka qaarkii waxay ku sifeeyeen mid aan dhamaan doonin maadaama kooxda hadda laga saaray magaalada ay aad ugu badan tahay deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo, waxayna shacabku soo jeediyeen in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in Isbitaalada Magaalada Kismaayo la gaarsiiyey dhowr qofood oo dhaawac ah kuwaas oo la sheegay in ay u badan yihiin dad rayid ah, hase yeeshee lama xaqiijin khasaarhaa dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac ee ku hardantay Magaalada Kismaayo sidoo kale wararka qaar baa sheegaya in ay weli jiraan rasaas dhaceysa gaar ahaan Xaafadaha Via Afmadow iyadoo xisbul Islaam uu sheegey in ay weli dagaal kula jiraan Alshabaab

Halkan ka dhagayso Afhayeenka Al-Shabaab sheekh cali maxamuud raage oo sheegaya in Kismaanyo Maamul cusub loo magacaabay …dhagayso

Warka Codka ah waxaa soo diray

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com

Qoraalkana

W/D Amiin Yusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xarakada Al-Shabaab oo sheegatey in ay la wareegeen Magalaada Kismaayo maamulna ka dhiseen, ka dib markii fooda is dareen Xisbul-Islaam "

  1. admin says:

    Thank you for your correcting as, we update that picture.
    Bahda Somalitalk.com