Home » Warar »

Ururka Samafalka Caawiye oo soo bandhigay deeqahii lacageed ee uu ka qeebiyay waqooyiga magaalada muqdisho Jun – September 2009

Ururka Samafalka Caawiye oo soo bandhigay deeqahii lacageed ee uu ka qeebiyay waqooyiga magaalada muqdisho Jun – September 2009

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

W/Mqdisho – 27/09/2009 Ururka Samafalka Caawiye oo uu saldhigiisu yahay magaalada Birmingham UK, ayaa soo bandhigay deeqahii lacageed uu qeebiyay Jun – September bandhigaas oo lagu qabtay Holl ka weyn ee ku yaala wadada Farm Road Stratford ee magaalada Birmingham dalka UK.

Waxaa maalinamadii shalay lagu soo bandhigay magaalada Birmingham ee dalka kan UK lacaga badan oo deeq ah oo ay Ururka Caawiye Foundation Trust Qeybiyeen lacagahaas oo ahaa lacagihii xisaab xirka ee Bishii Jun 2009 illaa iyo September 2009 lacagahaas oo noqday markii laysku daray (30950$) Sodan kun Sagaal boqol iyo qontan Doolar ah, lacagahaas oo ka kala yimid jaaliyadaha (London, Manchester, Birmingham, UK) (Holland, Tilburg,) (Canada, Montreal) (America Magaalooyinkeeda Kala Duwan)

Bandhigaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay sidii ay lacagihii u qeybiyeen, dadkii lagaarsiiyay, ayadoo Ururka uu soo gudbiyay qaab Qoraal, Sawiro iyo Video, xerooyinka lagaarsiiyay deeqahaas ayaa kala ahaa Galgalato, Ceelcada, Ceel Macaan, Cisiley, Sheekh Cali Cabdulle, Gubudleey, iyo cisbaal keysaney.

waxaa goobtaasi aad ugu qiirooday dakii tirade badnaa oo ka soo qeybgalay Shirkaas, dhanka kale waxaa goobtaas looga mahad celiyay loogana duceeyay dhamaan jaaliyadahaas aan soo xusnay walaalahooda dhibaateysan xusuustay iyo Ururka Caawiye Foundation Trust oo isku xilqaamay dhamaan dadkaasi dhibaateysan sidii ay wax u gaarsiin lahaayeen. Dadkaas oo ku qaxay waqooyiga magaalada muqdisho

Deeqdaan lacageed oo ay qeybiyeen Ururka Caawiye Foundation Trust ayaa had iyo jeer isku howla sidii uu u gaarsiin lahaa deeqaha dadka ku tabaaleysan Soomaaliya gaar ahaan Waqooyiga magaalada Muqdisho.

deeq1

Maamulka Ururka caawiye oo howshaan si weyn isugu howlay mudadii ay socotay howlgaladaas ayaa soo bandhigay warbixino dadku ay aad ula dhaceen ayaa si weyn ugu nuux nuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay talaabadaan sidii loogu sara qaadi lahaa ayadoo wax laga naxa uu ku tilmaamay in laga indho daboosho arimaha noocaan ah ee lagu samafalaayo dadka dhibaateesan.

Fiiro gaar ah:-
Cidii dooneysa warbixin dheeri ah ama tusmooyinkii lagu soo bandhigay goobtaas sida sawirada, iyo cajaladaha Video’ga gargaarka ee walaalaha Soomaaliyeed Guud ahaan Gaar ahaan kuwa Beesha Mudulood iyo dhibaatooyinka ay ku suganyihiin fadlan lasoo xiriir Abdullahi Omar Adow (fooldheere) Madaxa Ururka samafalka caawiye foundation trust cinwaanka hoos ku xusan.

Hotline: –
+44 (0) 7861728445

+44 (0) 7956229091

caawiyeft@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.