Home » Maqaallo »

Maanlaawayaal Yaa Idiin Maqan | Dirham

Maanlaawayaal Yaa Idiin Maqan

Soomaaliya ayaa 1991-dii qaran la’aan u soo bilaabatay, markaa kadib wadanku wuxuu dhex galay xaalado qalafsan, jixinjix iyo sidaa ma ahan ee ha laga fiirsado ayaa dhamaatay, waxaa badatay (maxaa iga galay), waxaa is raacday intii isku dan ahba oo iyagana marka dambe fool xumo ku kala baxa, dhankaaga ka wad ana dhankeygaa ka daadinayaa dhibaato ku saleysan ayaa soo if baxday, maxaa ka dhalan kara talaabooyinka la qaadayo cid isweydiisay ma jirto, haatan oo la marayo 2009 xaaladdu way ka sii dartay wax soo hagaagaba warkooda daa, waxaa la wada noqday maanlaawayaal aan fikir saliim ah ka soo maaxan, wax la dumiyo mooyee wax la dhiso goor horaa u dambeysay, haddana waxaad moodaa in lagu qanacsan yahay, inta aan ku qanacsaneyna diyaar uma han in ay far taagaan, haddii la helo cid ku doodeysa in talaabo la qaado kama marno jaleefo hoose iyo dan gaar ah oo lugbaa u duugan, ilaa iyo hadda waxaa la dhihi karaa lama hayo wadadii saxda aheyd iyo ciddii hogaanka u qaban laheyd olole dib maskaxda uga shaqeysiiya shaqsi ama koox midkuu doonaba ha ahaadee.

Gayiga Soomaaliyeed waxaa mudo ka soconaya halaag wax lagu tilmaami karo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho waxay weyday mansabkii ay lahayd, waxay hadda ka muuqaal liidataa tuulo ku taala wadamada Qaar ee Caalamka, waxay la mid tahay guri dad ku nool yahay haddana caareystay korkana wasaq daraadeed madoobaaday oo boor iyo jajabba isugu darsoomeen, waad dareemi kartaa sida gurigaasi uu ugu baahan yahay dayactir xoog leh oo waliba deg deg ah, waxaase isweydiin mudan cidda looga fadhiyo dayactirka gurigaa, haddiiba dadkii ku noolaa iskaba wareysan, oo miyeysan arkeyn caarada guriga dabooshay?, Uma muuqato miyaa in mar un ku soo dumi karo?, waxaan u maleynayaa hadda inaad ila fahantay dadkaasi, sow ma dhihi karno waa Maanlaawayaal mar haddii maanku uu yahay midka go’aanka ka gaara wixii san, wixii xun iyo sida wax ku quman yihiin.

Sifada noocaa ah waxay hadda si waadix ah uga muuqataa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo xudun u ah faafinta Qaran la’aanta, caasimadda waxay hadba heer soo marto waxay hadda mareysaa sida gurigii aan kor ku soo sheegay, dhibaatada ugu daran waxay soo wajahday markii Ciidamada Itoobiya soo buuxiyeen Muqdisho, burbur ayaa uga siyaaday balse dadkeedu kuma tusaale qaadan, Itoobiyaanku markii ay baxeen waxaa la maleynayey in reer Muqdisho maankooda dib u soo noqon doono taasina cashir u noqon karto isla markaana ay guridooda dumi raba dayactir ku bilaabi doonaan, laakiin taasi ma dhicin oo dumin hor leh ayay u horseedeen, xaggee maanka gaysteen, miyeysan aheyn in ay xisaabtamaan, adiga oo nabad u balawaara balaayo kaaley lama yiraahdo ayay ahayd mid ka mid ah maahmaahda Soomaalida, laakiin nasiib xumo kuma dhaqmin middaa, waxaa faraqa laga daadiyey nabaddii soo ifbaxday waxaa mar kale juqeys lagu bilaabay shinni meel ku shamuumsan, iyana way ku xoontay oo lugtey i bixi ayaa ka dhacday, maalin wixii dhaca laguma tusaale qaato maalinta dambe ayaa haddana dib loo kiciyaa shinidii, dhibaato hor leh ayaa dhacda, kuwa ay dhibaatadaasi ku dhaceyso maalin qur ah intay isaga yimaadaan maxaa noo dan ah waa laga la’ yahay ilaa iyo hadda.

Dhibaatadu haddey badato wax kaa yaabiyana waad arkeysaa, waxay ahayd xili galab ah waxaana ku sugnaa Isgoyska BaarUbax ee Magaalada Muqdisho, waxaa Suuqa weyn ee Bakaaraha ku socday duqeyn aan kala go’laheyn, waxaa ku naftooda ku waayey dad fara badan kuwo kalana way ku dhaawacmeen, dadku waxay ku uruureen dhismooyinka Shubka ah, waxayna ka soo firxadeen suuqa, Gaadiidkii ayaa noqday ciriiri iyo qaali, lugta saar meeshaa doontana u soco wuxuu qarashku ka bilaabanayey 15-kun Sh,so, dadkii qaar way awoodi waayeen in ay lacagtaa bixayaan intii jeebkooda wax ku jireen ayaa gawaaridii isku raray, Raggii iyo Dumarkii ayaa isku dilay Gawaaridii iskuna dhex yaacay, waxaad arkeysaa Dumar qaybta dambe Gaariga ka galaya, dumarku maalintaa way hilmaameen xitaa xijaabkoodi, Dumarka sidaa sameynaya waxaa xusuus mudan in markii hore xitaa ay diidi jireen in ay ka talaabsadaan gursi ku hor go’an oo Kirishboyga Gaariga ayay amar ku siin jireen in uu ka wareejiyo, haddase maxaa arrintaa cusub sababay, waa un nafta la baxso, intii gaari raacday tagtay balse inta hartay ee awoodi weysay qarashka gaadiidka laysama weydiiyo, haddii dad dhaawac ah wadooyinka yaalo mararka qaar waa looga cararaa, mayd warkiisa daa, maalinta xigta ma jirto cid isku soo qaada wixii shalay dhacay iskaba daa in laga wada hadlo sidii arrintaasi aysan mar kale u soo laaban, maalin walba waa jug jug meeshaada joog, markay madaafiicda aad moodo in geedo lagu jabinayo sida roobka uga kor da’do Muqdisho cid walba naftiisa ayuu yaqaan intii go’da waxba kama gelin, qofkii aad tiraahdo sidaan ma dan baa?, wuxuu kuugu jawaabayaa “Maxaa iga galay haddii la cararo waan carari marka la degana waxbaan ka degi”, mustaqbal ma jiro, dhallinyarada hadda madaxa kor u soo qaaday waxay ku fekeraan sidii ay dalka mar un uga bixi lahaayeen, laakiin kuma fekeraan sidii ay dalkooda dhibaatada uga saari lahaayeen, gurmadna ugu sameyn lahaayeen, waayeel warkiisaba daa wixii loo keeno ayuu afka geliyaa ma xalaalbaa mise waa xaaraan laysma weydiiyo, nin baa yiri “Dowlad maxay nagala maqan tahay haddii ay madfaca naga dayn lahaayeen sidaan in aan ku jirno ayaa noo fiican”.

Isku soo wada duuboo, sidaan miyaa gar ah?, ku dhalo, ku barbaar kuna duqow dhibaato joogto ah, waa yaabee Soomaalida uma dhallan miyaa asalkoodii hore dhulkaan lagu magacaabo Soomaaliya?, jawaabta adiga ayaan kuu daynayaa, laakiin waxaa muuqata in aysan jirin dad cusub oo Gayiga Soomaaliya mustaqbalka imaanaya sidaasi darteed Soomaaliyeey maanlaawayaal yaa idiin maqan?.

C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)
cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.