Home » Warar »

Taliyaha Ciidamadda Booliiska Jabuuti “Ummadda Soomaalidda ah Sida Ugu Wanaagsan oo Aan Wax Uga Qaban Lahayn Ayaan Wax Ugu Qabanaa”

Taliyaha Ciidamadda Booliiska Dalka Jabuuti Col/Cabdullaahi Cabdi Faarax “Ummadda Soomaalidda ah ee Balann Baleysa oo Yaaceysa Waan La Kulanaa, Sida Ugu Wanaagsan oo Aan Wax Uga Qaban Lahayn Ayaan Wax Ugu Qabanaa”

Taliyeyaasha sare ee ciidamadda Booliiska dalallka Geeska Afrika ayaa shir socon doona laba maalmood uga furmey Hoteel Kampniski ee caasimadda dalka Jabuuti 29/09/2009-ka.

Shirkaan oo ahaa shirkii 11-aad ayaa ujeedaddiisu tahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dalallka Geeska Afrika, ka hortaga daddka geysta demmbiyadda waaweyn ee isaga gudba dowladaha Gobolka, ka hortaga dadka ka ganacsadda Tariibka sharcideridda ah, burr-cadd badeedda iyo arrimaha Arrgaggixisadda ayaa waxaan inoo suura gashey inaann wax ka weydiiyey Taliyaha ciidamadda Booliiska Dowladda Jabuuti Col/ Cabdullaahi Cabdi Faarax oo aan kula kulamey, isla goobta uu shirka ka socdey ee Hoteel Kampniski ujeedadda shirka? Ayaa ugu horeyna waxaa uu ku bilaabey haddalkiisa

faarax1“Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh marka hore, shirkan waxaan isugu nimidd 13-ka dall ee Gobolkani ee madaxdda Taliyeyaasha ciidamadda Booliiska, waa shir joogto ah, waxaana isugu yimaadda hadd iyo jeer mas’uuliyiinta Booliiska 13-ka dall, wuxuuna ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta arrimaha amaanka, waana barnaamij sanadd kasta la dhigo oo looga haddlo sanadd kasta wixii la qaban lahaa, iyadoo marka uu dhamaaddo sanaddkuna dibb la isaga weydiiyo waxa hirgaley, waxa aan hir gelin, sababbta ay u qabsoomiwaayeen iyo waxa lagu biirinayo, taasoo qayb ka ah Urrurka guud ciidamadda Booliiska aduunka ee Interpoll, waa qayb ka mid ah oo gobolka khuseysa, waxaana wadaagna mas’uuliyiinta halkaas isugu yimaadda dhibaatooyinka haysa dall kasta, sidii dhibaatooyinka ka dhaca waqtigan ee marr qura saameeya, waddamo badan, si la isugu wargeliyo ninn kasta wuxuu ogaado, islamarkaana natiijo looga gaari lahaa” ayuu yiri Col/Cabdullaahi Cabdi Faarax.

faarax

Col/Cabdullaahi Cabdi Faarax.

Mar aan weydiiyey Col/Cabdullaahi demmbiyadda waaweyn ee sanaddkan Interpoll ay isla aqoonsatey in uu wax inooga xuso? ayaa wuxuu ku jawaabey “waxaa jira nidaamyo cusub oo ay dhigtey Xog-hayaha guudd ee Interpoll oo Afka qalaad lagu yiraahdo (Maineiyo Faine) oo aan damacsanahay in aan gaarsiino xuduudda oo lagu baaro dhullka daddku soo maraan, taasoo inoo suuragelin karta Askariga jooga xuduudda waxa uu la kulmo uu soo gelinkaro war, wuxuu u baahdo inuu ogaadana halkaas kala xiriiri karo xafiiska ku yaala caasimadda. tan kale waxaan isku dayeynaa Annaga iyo Ethopia khaas ahaan, waqtigan la joogo waxaa nahaysta dhibaatooyinka la yiraahdo Tahriibta iyo kuwa ka baayac mushtara, innagoo la kaashaneyna Interpoll aan xoogga dull dhigno oo aan isugu geyn lahayn labada ciidan Booliis oo aan xuduudda u imaan lahayn, si wax looga qabto dadka ku dhaqaaqa hawlaha caynkaas oo kale ee soo barakiciya Ummadda oo guryahoodii ka soo saaraya, si aan la hubin u mariyaal meel dabadeeddna ku daadiyaan Badda, waxaana inoo socota sidaan isugu geyn lahayn xoogeena annagoo siman hawlaha ceynkaas oo kale, islamarkaana aan la nimaaddno awoodii daddnimo oo wax ka qabata” .

“All-xammdulillaah maanta haddii waxaagu uu fiican yahay, hebel wixiisu waa xun yahay, ilaahay ha u garrgaaro waa Ummadd walaallaheena ah oo aan jecelnahay, iney xaq ku noolaadaan sideena oo kale, haddii dowladoodu tag daran tahay, ilaahay waxan ka baryeynaa inuu ka yeelo tii adkaata oo Ummaddeedda iyo dadkeeda hormarin oo nabadgelyadana ilaalisa, annagu wixii karaan keena ah inaan ku gargaareyno, waan galnaa, iyaguna waxaan is-leeyahay sidaas iyo si la eg haddii ay karayaan ineysan waxba naga hagraneyn, Ummadda Soomaalidda ah ee balann baleysa oo yaaceysa waan la kulanaa, sida ugu wanaagsan oo aan wax uga qaban lahayn ayaan wax ugu qabanaa, khaas ahaan Madaxweynaheena Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumaddiisu waxay hadd iyo jeer ka wal wallaan sidii dadkaasi wax loogu tari lahaa, iyadoo lalla kaashanayo xafiiska ONARIS-ta iyo UNHCR-tu, xerro ayaa looga furey xuduudda oo daddka lagu qaabilo, waxay gargaar u baahan yihiina, waxayna geeyaan hay’adahaas Xerooyinka loogu talo galey ee Cali Cadde, taasina waa ammar dowladeedd oo xukuumadeena ka soo baxdey, inaguna waan u hanuunsanahay” ayuu ku jawaabey mar aan weydiiyey su’aal ahayd Marka laga sootago dhinaca Ethopia, Jabuuti waxa ay xuduudd la leedahay oo dhinac kasta ay la wadaaggtaa dalka Soomaaliya, Soomaaliya xiligan waxaa ka jira amaandaro, dowladda ka jirta waa mid aad u tabar yar, bal qaab sidee ah baad xuduudaas waxa ka jira ula tacaamuleysaan?.

Waxaa kale oo aan weydiiyey maxaa idiin qabsoomey sanadkan maanta dunidda waxaa ka dhaca demmbiyo waaweynn, daddkaan geysta dembiyadda waxay isaga gudbaan xuduuddaha caalamka, inta badana waxaa la sheegaa in la adkeeyo xuduudaha caalamka, hase ahaatee falallkii wey dhacayaan, marka maxaa idiin qabsoomey, qaabb sidee ah baa looga hortagayaa?

Ayaa wuxuu ku jawaabey Col/Cabdullaahi “waxaad garataa ninnka dembiga galayo waa bani’aadam, wuxuuna u fakarayaa caynkaadda oo kale, innta badan daddka demmbiyadda aad sheegeyso oo kale gala, waa dadd Cilmi weyn leh, aqoon weyn leh oo ku tiirsan nidaamyo ay leeyihiin, wax yar oo fududd ma ahan, maxaa qabsoomey, maxaase inoo suurta galey, waxaan u maleyn nabadd gelyadda jirta ma suurta gasheen hadii nidaamyadda caynkaan aysan jirin, waxaa maalin wallba soo baxa oo aan isugu gudbinaa nidaamka Communication-ka, Interpoll waxay ka dhigan tahay 24-saac ee ay ka kooban tahay 7-dda maalmoodd waa qalabb shaqeeya oo aan xirrmin dal kastaba, dall kasta waxa uu la kulmo halkaas ayuu soo geliyaa, dal kasta oo leh nidaamka noocaas oo kalena ka daawadaa, si uu uga foojinaaddo falallka daddkaas ay geysan lahaayeen, ilaahay baa mahadd leh oo naga badd baadiyey oo waan soo jeednaa diyaar baan u nahay Urrurkeenaas iyo nidaamyadda ceynkaas ee yaala ka faa’iideyna waxay fursad ay nasiinayaanba iyo wixii kale ee lagu dari karo”.

Ugu dambeyn waxaan weydiiyey Co/ Cabdullaahi Soomaaliya daddka dhibaatadda ka geysta inta badan waxaa la sheegaa in ay ka yimaadeen caalamka, waxayna isaga gudbaan xuduudaha dowladaha la jaarka ah ayey marka hore soo maraan, ma jiraa wax qorshe ah oo aad u diyaariseen qaabkii loo adkeyn lahaa amaanka dalka Soomaaliya?!.

Col/Cabdullaahi waxaa uu ku jawaabey su’aashii ugu dammbeysey “horta isma lihi dadka ka geysanayo intaa dhibaato ah, intooda badan dibadda ayey ka timaadaa, dadka dhibaatadda ka wadda Soomaaliya, waa iyadda dhexdeedda, hadii ay jiraan wax mucaawino ah oo dadd qas wadeen ah oo dibadda kaga soo biirey, umma maleynayo xuduudda waddamadda jaarka ah iney ka yimaadiin amase wey kooban tahay inta xuduudda kaga imaaneyso, waayo xuduuddaha waa la joogaa, waana la ilaaliyaa, ninka geysanayana waxa noocaa, ma ahan ninn ku talagaley inuu halis noocaas ah gaaro, isagoon halkii uu barey aan gaarin, intooda badan badda ayey ka tilaabaan oo dhulka ma maraann, diyaaraddna hadalkeedda iskaba daa, inta la garanayo oo tiradooda la ogyahay kolna iskuma dayayo Madhaar, inuu isku dayo diyaaradd inuu raaco oo Soomaaliya ku tago, waayo Madhaaraddu waxaa yaala qalab Electaronic ah oo wax walba qabanaya, wixii war ah ee khuseeya oo ma mari karaan Madhaar iyo xuduudd”.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Gen, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybb diidd) “…Is-qarxi Jannadda Ayaad Galeysaaye, Waxaasi Waa Finoomiko cusub…” wareysi xiiso leh.

qaybdiid

Gen, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybb diidd)

Taliyaha ciidamadda Booliiska DKM Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybb diidd) oo aan isna kula kulmey isla goobta uu shirka ka socdey, islamarkaana aan wax ka weydiiyey Alle ha u naxariistee marxuum Taliye xigeenkii ciidamadda Booliiska Gen, Maxamed Nuur oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhaawacantey Qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta ciidamadda AMISOM ee Xalane taariikhdiisa ayaa wuxuu yiri “ Qaraxii dhacay 17/09/2009-ka runtii wuxuu ahaa waxyaabo dalkayaga loo soo safriyey, dadd wax magarato ah baa dhibaato ka geystey is-qarxintii, waxaana ku dhintey dadd badan oo madax ah Alle ha u naxariistee, Taliye ku xigeenka ciidamadda Booliiska Gen, Maxamed Nuur oo anniga taliye xigeenkeyga ahaa, isagoo waajib wadani ah gudanaya, loogu dhibaateeyey, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa, saraakiishii Taliye xigeenkii AMISOM oo ka yimid dalka Brundi iyo daddkii kale eek u geeriyoodey waxaan u dirayaa tacsi, dhamaan ciidamaddii ay ka tirsanayaayeen gaar ahaan Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii daddkii uu ka geeryoodey, isagana janadii Alle haka waraabiyo,samir iyo iimaan alle haka siiyo, dadka soomaaliyeedna, arrintaasi iney qalbi jebiso ujeedaddii iyo hadafkii ay lahaayeen ma ahan”.

nuur1

Gen, Maxamed Nuur

Sidoo kale mar aan weydiiyey Ujeedadda shirkan waxa uu ku saabsan yahay ayaa wuxuu yiri “shirkan waa shirkii 11-aad ee madaxda Booliiska isugu yimaadaan sanadd walba hal marr, marka hadda ayey noqotey in la isugu yimaado, shirkuna maanta ayuu furmey waa bilow, waxa ugu weyn ee la iskula soo qaadey waxay tahay, nabadd gelyadda, Barriga Afrika dhibaatooyinka jira ee nabadd gelyo daro in la iska warsaddo sidii mar wallba dhici jirtey, si wadda jir ah iskaashi looga yeelan lahaa ammniga deridda, dembiyadda ka dhacayo ee kala duwan, marka arrintaas laga haddlo waxaa ka soo baxaya Risuluushin, waxaana loo gudbindoonaa Wasiiradda arrimaha Gudaha dalallka Geeska Afrika, inkastoo dembiyadda Soomaaliya ka dhacaya iyo kuwa ka dhacaya dalallka kale aysan isku midd ahayn, sida waxyaabaha xuduuddaha la isaga gudbinayo, gaadiidka la kala dhaco ama xoolaha, haday ahaan lahayd waxyaabahan lagu sameynayo Foojariga ah, Soomaaliya waxaa ka dhacaya, wax waxaan oo dhan ka weyn annaguna waanu soo bandhigeynaa, dhinaca Arr-gaggixisadda iyo Burr-cadd Baddeedda, labadaas arrimood haddey ahaan lahayd si xoog leh, daddka sida sharcidaridda ah dalkayaga uga dhoofaya ama usoo galaya, waxaas oo dhan waxay ka mid yihiin demmbiyadda ugu waaweyn, waxayna ka mid tahay arrimo aan dooneyno in shirrka nalalla qaato, sdii Soomaaliya wax looga qaban lahaa ammni daridaas, inkastoo la wadda ogyahay dembiyadda ka dhaca Soomaaliya”. Ayuu yiri Cabdi qaybdiidd.

Mar uu ka hadlaayey wax uu ku sheegey daddka arr-gaggixisadda ah ayaa wuxuu yir “daddka shisheeyaha ah ee arr-gaggixisadda ah, waxay soo maraan dall kale, hubbka lagu falayo dembiga wuxuu soo maraa dalallka mandhiqadda ah iyo kuwa caalamka waa soo maraan, demmbiga ka dhacayo Soomaaliya runtii ma noqonkaro wax ay ku filan tahay ma ahan, waayo meeshii haddey arr-gaggixiso caalami ah dhibaato ka waddo Soomaaliya oo ay dagaalkii waddaan, hubbkii keenayaan oo dhalin yaradii Soomaalida wax aan diin ahayn ku dhuumanaya, laakiin leh diin baan faafineynaa oo daddkii Soomaalida dhibaateynaya ma ahan wax Soomaaliya keligeed ay ku filan tahay, waayo meeshii arr-gaggixiso caalami ah ay dhibaato ka waddo Soomaaliya oo dagaalkii ay wadaan, hubbkiina keenahayaan, dhalin yaradii Soomaalida wax aan diin ahayn ku dhuuman haya oo leh diin baan faafineynaa, marka wax soomaaliya ka dhacaya ma ahan wax keligeed ay ku filan tahay, waa wax wadda gaaraya hadii aan laga wadda hortegin caalamka oo dhan, waxayna noqoneysaa mid ku faafa meelo badan oo hadda nabadd ah, shirka ugu dambeeya ee ay yeelanayaan Wasiiradda arr-rimaha gudaha, waxaan filayaa inay ka soo bixidoonto Risuluushin wax looga qabanayo arrimaha Gobolka iyo Soomaaliya”.

Gen, Qaybb-diidd mar aan weydiiyey farqi intee la eg ayaa u dhexeysa dagaaladii hore uga socon jirey Soomaaliya iyo kuwa hadda socda ayaa wuxuu ku jawaabey “ee maya Soomaaliya waxaa ka jiri jirey dagaalo siyaasaddeed, is-riix riix, xukun lagu tartamahayo baa ka jirey, hadda laakiin taas ma ahan, waxay uga duwan tahay taas, hadda dagaaladda ka jira waxaa weeye Soomaaliya oo rabta iney la wareegaan arr-gaggixiso caalami ah, si ay uga dhigtaan hoy ay ku nabadd galaan, meelihii aduunka ay ka yimaadeen dembiilayaasha ay ka ahaayeena ay uga dhuuntaan, bulshadda caalamkuna inta ay is-abaabulaan misane uga duulaan, marka waa arrin aad iyo aad u kala duwan, waxa hadda dhibaatadda ka wadda soomaaliya gacanteeda ma ahan, Soomaaliduna qayb bay ka tahay dadd iyaga aqoon daro iyo garaad la’aan, aydiyoloojiyo aan jirin ay ku dagaalamayaan ayey sheegaan oo dalka ku soo gala, sida iyagoo leh diin ayaan faafineynaa, Soomaaliya Diinta Islaamka hadda ma soo gaarin waligeed muslim bay ahayd, waa dall 100% muslim ah, marka ninnka hadda keenahayo Bammka iyo is-qarxinta, Islaam baan Soomaaliya wax u taraya oo caruurtii iyo naagaha laynaya, ilmaha yar yar ee aan qaan gaarka ahayn Bammbadda u dhiibaya, miinadda ku soo xiraya is- qarxi janadda ayaad galeysaaye, waxaasi waa finoomiko cusub oo haddii aan bulshadda caalamka ka hortagin noqon doonta midd dhibaatadeedda gaareyso meelo fog”.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.