Home » Warar »

Siminaar ku saabsan Xalinta Khilaafaad oo ay qabatey Hay’adda CDHR


Siminaar ku saabsan Xalinta Khilaafaad oo ay qabatey Hay’adda CDHR

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah…

Waxaa Hotelka Ambaasadoor ee Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar socdey Muddo Saddex Maalin ka soo ay soo qaban qaabisey Hayadda Center For Democracy And Human Rights CDHR waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 40 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira Xalinta Khilaafaad iyo sida loo maareeyo waxaan Macalimiin ka ahaa Prof Xuseen Cali Xayle iyo Cabdulaahi Faarax Siyaasi iyadoo ka qaybgalayaasha Mararka qaarkood ay dhiibanayeen Fikradahooda ku aadan Xalinta Khilaafaad

Siminaarkaan oo ay maaligelinteeda lahayd National Endowment for Democracy (NED) ayaa macalimiinta wax ka dhigeysey siminaarkaas waxay si qota dheer uga hadleen sida loo maareeyo Xalinta Khilaafaad iyadoo ka qaybgalayaasha loo qaybinayey Kooxo kooxo si ay uga hadlaan aaraadooda ku saabsan Xalinta Khilaafaadka waxaana halkaa ka soo baxayey firado aad u saliim ah oo ku saabsan maareynta khilaafaadka

Ma aha markii ugu horeysey ay Hayadaan ay qabato siminaaro ku saabsan Xalinta Khilaafaad iyo Xuquuqda Baniaadamka iyadoo ka qaygalayaasha ay codsadeen in loo balaariyo siminaarada noocaan ah waayo ayey yiraahdeen laba ama sadex waxaba laguma baran karo iyadoo masuuliyiintii ka socotey Hayadda ay balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan siminaarada Noocaan ah ee wax ka taraya Nabada iyo dib u heshiisiinta wuxuuna siminaarkaas ku dhamaadey sidii loogu talagaly iyadoo ka qaybgalayaasha ay u mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey iyi intii isku soo dubaridey

c143

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dowladda Yaman oo Caalamka ka codsatey in laga saacido Qaxootiga soomaaliyeed
 
Cali  Xusni oo ah  Wasiir ku xigeenka arimaha Dibada Yemen kana  hadlayay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Qaxooti faraha badan ee Dalkooda ku sugan ayaa u soo jeediyey Beesha  Caalamka ama ugu baaqay in culeyska saaran Dowlada Yemen wax lagala qabto.

Wasiir ku xigeenka  ayaa ku nuux nuuxdsaday in Dowladiisu Culeys ku tahay qaabilaada Qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah kuwaasoo Dalka Yemen ku sugan iyo kuwa ku sii qul qulaya waxaana uu Beesha Caalamka hor dhigay Codsi ah in Soomaalida Teendhooyin looga sameeyo Gobolada nabdoon ee Soomaaliya hakaas lagu saacido dadkaasi amaan xumida ka soo caraya.
Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Beesha Caalamka in dadka Soomaaliyeed ee soo cararaya laga saacido sidii loo bari lahaa xirfado shaqo oo ay noloshooda ku maareeyaan taasina ay tahay mid yareyn karta barakaca iyo tahriibka badan ee Soomaalidu u safreyso Dalka yemen.
Sidoo kale  waxaa uu Wasiir ku xigeenku sheegay in Dowlada Yeme n dhinac kasta jeceshay inay Soomaalida ka saacido islamarkaan ay xitaa u taagan tahay sidii Soomaaliya guud ahaan loogu heli laha xal waara horena ay uga soo qeybqaateen kulamo ay isugu yeereen dhinacyada Siyaasada isaga soo horjeeda Soomaaliya.
Warka wasiirka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa sidaan oo kale Dowlada Kenyana uga cabaneyso qul qulka Qaxootiga Soomaalida ee ka talaabaya Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyadoo la sameeyay xitaa kulan looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa Soomaalida sida sharci darada ah ugu qulqulaya dalkeeda
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.