Home » Sports »

Soomaalida Sweden oo soo dhoweysay waftiga guddiga Olombikada

SOOMAALIDA SWEDEN OO SI WEYN U SOO DHOWEYSAY WEFDIGA GUDDIGA OLOMBIKADA QARANKA EE SOCDAALKA KU MARAYA YURUB….

By Abukar Albadri

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Stockhom – xaflad aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kana dhacday Tiyaatarka Rinkeby Folketshus ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey wafdiga Guddiga Olombikadda qaranka Soomaaliyeed ee dhowaanahanba socdaalka shaqo ku marayey dalalka Yurub gaar ahaanna Scandnavian-ka.

Wafdigan oo ka kooban hoogaanka sare ee Guddiga Olombikada uuna hogaaminayo guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Md. Aadan xaaji Yebarow (Wiish) ayna ka mid yihiin guddoomiye kuxigeenka 1-aad Md. Durraan Faarax Axmed, xoghaya guud ee guddiga Md. C/laahi Axmed Tarabi iyo xubno kale oo badan ayaa waxaa loo soo dhoweeyey si heer qaran ah oo ay aad uga maqsuudeen.

Waxaa kulanka ka soo xaadirey dadweyne marti sharaf aad u balaaran oo u badan bahdii Sport-ga Soomaaliya ee xilligii beri-sammaadkii iyo bahda olombikada jiilka dhalinta yar, kuwaas oo si niyadsami ah u soo dhoweeyey guddigga.

Ugu horeyn waxaa halkaasi guddiga iyo marti sharafta ku soo dhoweeyey madaxa guddiga Soo dhoweynta wafdiga Md. Maxamed Muuse ah xubin guddiga Olombikada, gaar ahaanna kuwa ku sugan Sweden, wuxuuna yiri, “Waxaan halkan ku soo dhoweynayaa wafdiga ballaaran ee uu horkacayo guddoomiyaha guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji Yebarow (Wiish) iyo xubnaha la socda, waxaana dhamaan soo xaadirayaasha uga mahadcelinayaa soo xaadiritaankooda wanaagsan iyo soo dhoweynta ay nala wadaageen”

Xoghaya guud ee Guddiga Olombikadda qaranka Soomaaliyeed Md. Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa isagana sheegay ahmiyadda uu leeyahay socdaalka wefdiga iyo meelihii ay soo mareen wax yaabihii ay kala soo kulmeen, wuxuuna aad u ammaanay sida wanaagsan ee wafdiga meel walba loogu soo dhoweeyey.

Guddoomiye kuxigeen-ka koowaad ee Guddiga Md. Durraan Faarax Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay inay isku dayeen inay olombikada Soomaaliya Horumariyaan ayna u duuban yihiin weli sidii ay Soomaaliya oo aan dowlad laheyn caalamka kale wax ugala qeybsan laheyd dhanka Olombikada.

Durraan wuxuu sheegay in Guddiga Olombikada uu isku hawlay sidii ay cayaaraha gobalada Soomaaliya u qaban lahaayeen isla markaasna ay qorsheynayaan inay cayaarihii gobalada ku qabtaan Boosaaso muddo dhow gudaheed.

“Caalamka waan kaddib dhacnay, inta ay kor u kacayeen anagana hoos ayaan u soconay, sidaas darteed waa inaan hawl laba jibbaaran qabanaa” ayuu yiri Durraan.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo ahaa madaxa wafdiga, ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey inuu masraxaasi aadka loo diyaariyey ka jeediyo qudbadiisa ku aadan socdaalkiisa Yurub.

Guddoomiye Wiish wuxuu sheegay inuu guddiga olombikada Soomaaliyeed uu hawlo aad u ballaaran u qabtay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si kaftan ah u yiri, “Anaga qabiil iyo 4.5 kuma dhisnin, yeysan xirfadaada ku ciilin waaye, qof walba xirfadiisa isboorti uun buu olombikada kaga mid yahay, qof qabiil naguma jiro waan ka fiyownahay jiradaas”

Wuxuu aad ugu dheeraaday marxaladda adag ee uu ku shaqeeyo guddiga isagoo xusay in muddadii 19-ka sano ee dowlad la’aanta ay ku dadaaleen inay calankii Soomaaliyeed geeyaan fagaarayaasha Olombikada adduunka.

“anaga guul inaan keenno uma aadeyno safarrada, laakiin waxaan u aadnaa inaan calankii meesha geyno, waan og nahay inaan wadano cayaartooy aan soo qadeyn oo isagoo gaajeysan aan oo heysan xitaa dhar isboorti aan soo wadnay, laakiin waxaa aad muhiim noola ah in calamada meesha la taagayo uu keenii ku dhex jiro oo aanan ma maqnaan fagaarayaasha” ayuu yiri Guddoomiye Wiish.

Wuxuuna intaas raaciyey, “Marka aan safar aadno oo tartanno ka soo qeyb galno waxaa na lagu soo dhoweeyaa caay, nalooma mahadceliyo maadaama aan calankii geynay fagaare caalami ah oo aan ka maqnaan laheyn, waxaa nala yiraahdaa maxaad keenteen hee waad baxdeene, laakiin ma la is weydiiyey inaan calankii geynay fagaarayaal ay ka maqnaadeen dalal dowladohoodii u dhisan yihiin”

ciiyaar2

Guddoomiye Wiish wuxuu sioo kale sheegay inay marxaladda adag ee ay ku shaqeynayaan haddana ku guuleysteen inay diyaariyaan cayaarihii gobaladda, isagoo xusay inay illaa 15 gobal oo Soomaaliya ah ayna ku jiraan kooxo qurbo joog ah ay cayaarihii gobaladda uga bilaaban doonaan Boosaaso.

“Marxaladan adag ee nala dilayo, aan daruufta adag ku dhex shaqeyneyno haddana waxaan ku guuleysanay inaan diyaarino cayaarihii gobalada 19 sano oo aan dowlad la’aan aheyn kaddib” ayuu yiri, wuxuuna ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah inay badnaadiyaan qarankoodii gaar ahaanna Olombikada.

“Haddii 4 xabo oo banooniyaal ah naloo soo diro intaas ayaa nagu filan, marka colaadda la hurinaayo hadduu nin beel darteed u ololeynaayo idin dhaho beesha way dagaal galeysaaye intaas oo lacag ah oo hub lagu iibiyo soo dira waad direysaan, kaddibna qof Muslim ah oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilayaa, waxaan idinka codsaneynaa in wixiina aad ku bixisaan wixii dalka iyo dadkaba wax u taraya ee aan qof Soomaaliyeed lagu dileyn” ayuu ka codsanayey dhegeystayaashii qudbaddiisa.

Guddoomiye Wiish wuxuu inta uu qudbaddiisa ku dhex jirey si rasmi ah ugu dhawaaqay in Guddiga Olombikadda uu magiciisa rasmiga ah noqonayo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS), isagoo yiri, “waxaan halkan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in magaca Guddiga oo ahaa Guddiga Olombiga Soomaaliyeed uu noqonayo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed, laga bilaabo maantana dhamaan dokumentiyada guddiga sidaas ayaa lagu qorayaa”.

Ugu dambeyntii wuxuu u mahadceliyey dhamaan dadkii soo dhoweeyey iyo ka qeybgalayaasha xafladda baraan, waxaana dad weynaha fursad loo siiyey inay Su’aalo weydiiyaan guddiga si ay wax badan ugala socdaan guddiga olombikada qaranka.

Wafdigan oo muddoo todobaadyo ah Yurub ku marayey Safarro la xiriira horumarinta Olombikada Soomaaliyeed ayaa waxay socdaalo Isboorti ku soo kala bixiyeen dalalka Talyaaniga, Norway, Finland, Denmark iyo kuwo kale oo badan oo ay kala soo kulmeen guddiyada maamulaha Cayaaraha loo qabto dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah.

Guddigu waxay isku hawlayeen inay mideeyaan hawlaha isboorti ee Soomaalida ku dhaqan qurbaha taas oo Guddimye Wiish uu sheegay inay guul wanaagsan ka gaareen.

 

Abukar Albadri

A Photojournalist

Tel: +2521 5548886, Mogadishu.

Tel: +254 722366651, Nairobi.

abukar.albadri@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.