Home » Announcements »

Shirkada isgaadhsiinta Taleefonada ee Telecom Puntland oo Aduun Garaya ku dhowaad 2Malyan Gudoonsiisey Goboladii Tartan aqooneedka

Shirkada isgaadhsiinta Taleefonada ee Telecom Puntland oo Aduun Garaya ku dhowaad 2Malyan Gudoonsiisey Goboladii Tartan aqooneedka ku Guulaystay ee Sanaag iyo Mudug.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Shirkada isgaadhsiinta Taleefoonada ee Telecom Puntand oo Dardar wayahanba ka wadey Degaanada PL ayaa waxaa ay qabatay Tartan aqooneed ay bishii Ramadaan ugu talagashay Gobolada somaliya kaasi oo uu ku Guulaystey Gobolka Sanaag halka Gobolka Mudugna uu Galay kaalinta 2aad ee tartan aqoneedka Heerka Gobol ee Shirkada Telecom ay Maal gelisay.

Xaaflada oo aay ka soo qeyb galeen Masuuliyin ka socota Dowlada Puntland, Shirkaada telcom oo iyadu maal gelisay taranka, Idaacada Horseed madax ka socota, Ururada haweenka, Ururada Dhalinyaada, Ganacsatada, Culimada Iyo Odayaasha Gobolka ayaa dhamaan ka soo qeyb galay xaaflada

Haddaba Gobolka Guushu aay raacday ee Sanaag ayaa la siiyey Abaalmarino kala duwan oo isagu jira Koobab, lacago iyo waliba Duco badan oo logu duceyey in allaah u sii balaariyo Aqoontooda dhalinyarada,Waxaa sidoo kale Dhaqaalahan ay shirkadu ku bixisay Tartan aqoneedkaasi uu ahaa Mid ay Jeebkeeda kala soo baxday iyadoo kobcinaysa Arrimaha horumarka Gobolada somaliya iyo Weliba sidii ay u tayeynahayeen Waxbarashada Ardayda somaliyeed.

Masuuliyiinta Puntland ee halkaasi ka soo qeyb galay ayaa dhamaan sii weyn ugu mahadceliyey Gobolkaasi sanaag iyaga oo tilmaamay inay ku faraxsan yahiin guusha u ka gaaray dhanka aqoonta iyo Cilmiga, Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa kaga soo qeyb galay Xaaflada khadka telfoonka isaga oo sii weyn ugu mahadceliyey dhalinyarada gobolkaasi Sanaag guusha balaaran ee aay ka gareen Dhanka aqoonta, Sidoo kale Xildhibaan Caasho axmed cabdalla ayaa iyaduna sii diiran ugu mahadcelisay Gobolada ka qeyb galay Tartanka gaar ahan gobolada Mudug iyo sanaag oo guusha qatay, sidoo kalena ka jeedisey qudbo dheer

Gobolka sanaag ayaa kaalinta 1aad soo galay tartan aqooneedkan iyadoo Gobolka Mudugna uu galay kaalinta 2aad waxaana uu Gobolka Mudug sanadkii aan soo Dhaafnay uu galay 2aad ,Waxaana tartankani ahaa Mid aad u xamaasad iyo Xiiso Geliyey Dadwaynaha sida tooska ah ugu Xidhnaa ama uga dhegaysanayey Warbaahinta Mudadii uu socdey tartanku ,Waxaana isku howlay tartankan dhanka qaabaynta iyo Fanka Shirakada Caalamiga ah ee Telecom Puntland oo gacan siinaysa Warbaahinta Idaacada Horsed Media.

Maxamed Axmed Ciise
Bosaso-Puntland
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.