Home » Warar »

Maxaabiis la sheegay in laga siidaayay xabsiyada Jig Jiga iyo dadbadan oo xabsiyada loo taxaabay

Maxaabiis la sheegay in laga siidaayay xabsiyada Jig Jiga iyo dadbadan oo xabsiyada loo taxaabay.

· Wararkii ugu danbeeyay ee Goobaha Dagaalka u dhaxeeya Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya

Tacadiga ay ciidamada Itoobiya shacabka Ogadeenya gaadhsiiyeen
Madaxa Arimaha dibada ee JWXO oo Magaalada New York kula kulmey saraakiil sar-sare oo katirsan hay,ada qaramada midoobay
Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee Norway oo Si Balaaran u Daawatay Filinkii Silent Cry. Oohintii Qarsoonayd

Maxaabiis la sheegay in laga siidaayay xabsiyada Jig Jiga iyo dadbadan oo xabsiyada loo taxaabay.

Waxaa maalmahan shabakadaha internetka gaarhaan kuwa u adeega gumaysiga Itoobiya, lagu baahiyay in xabsiyada maagaalada Jig jiga laga siidaayay kumayaal maxaabiis ah.
Wariyha Rx uga soo warama magaalada Jig jiga ayaa noo xaqiijiyay in dad kabadan kuwa lasheegay in lasiidaayay isla maalinkiiba xabsiyada gobalada Ogaadeenya loo taxaabay.
Siidayntan dadka lasiidaayay ayaa kadanbaysay kadib markii ay xabsiyada maalada jig jiga buux dhaafeen oo lawaayay meel lagu xidho shacabka malin walba lasoo qa qabanayo.
Xabsiyada Jig jiga iyo guud ahaanba gobalada Ogadenia ayaa waxaa karaar dhaafay shacab u badan dumar iyo da,yar oo aan wax danbi ah oo ay galabsadeen uusan jirin.

Wararkii ugu danbeeyay ee Goobaha Dagaalka u dhaxeeya Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya

Wararka aan ka helayni jiida hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (Jwxo) ay kunafeeyeen dagaalo ay siga hor yimadeen ciidamada wayaanaha ee kusugan cariga Ogadenia.

Dagaaladii ugu danbeeyayna waxay kadhaceen goobanhan.

1- 05/09/09 Belad Aamiin, oo ka mid ah Degmada Harar, waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, iyo dhaawac aan la haynin tiradooda.
2- 11/09/09 Dagaal mir ah oo ciidamada CWXO ay kuqadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya oo kusugnaa Doog Caddey, oo katirsan G/Nogob, ayaanaa wali helin khasaaraha dhabta ah ee ceedamada Cadawga soo gaadhay.

3- 18/09/09 Yucub oo ka tirsan G/Doollo, waxaa cadowga lagaga dilay, 5 askari inta la ogaaday. Dhaawac intaa ka badana waa la gaadhsiiyey.
4- 20/09/09 Garbo, G/Nogob, saldhiga cadowga ayaa habeenimo lagu miray, khasaare aan la haynin faahfaahintiisa ayaa gaadhay ciidanka cadowga.

Tacadiga ay ciidamada Itoobiya shacabka Ogadeenya gaadhsiiyeen

1- 01/09/09 Caleen oo ka tirsan G/Doollo, wuxuu cadowgu ku jidh dilay kadibna xidhay:
– Cabdicasiis Maxamud Dhuur
2- 05/09/09 Shilaabo oo katirsan G/Qoraxay, waxaa lagu xidhay:
– Fatxi Beddel Axmed iyo
– Riish Cabdi Gaani
3- 05/09/09 Dhuxun oo ka tirsan G/Nogob, waxaa lagu xidhay:
– Baar Bile Qaasim iyo
– Bile Qaasim
4- 18/09/09 Caleen, waxaa lagu xidhay:
– Nasteex Deeq Maxamud

· Madaxa Arimaha dibada ee ONLF oo Magaalada New York kula kulmey saraakiil sare oo UN ka socota

Madaxa Arimaha Dibada ee Jamhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Mudane Cabdirahman Mahdi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa booqday xarunta Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ee New York. Waftiga ayaa casuumaad ka helay 3 hay’adood oo katirsan UN.

Booqashadan ayaa ku aadey xilli xasaasi ah oo ay madaxdii caalamku ku dhan yihiin New York. Waftiga ONLF ayaa fursad u helay in fariintii ay xambaarsanaayeen loo gudbiyo meelihii ay ku habboonayd.

Wafdigu wuxuu u gudbiyay UN warbixin tifatiran oo ka hadlaysa dhan walba oo saamayn ku leh nolosha Soomaalida Ogaadeenya ku nool, sida Xadgudubka Xuquuqul Insaanka iyo dambiyada dagaal, cuno qabataynta shacabka ee xagga dhaqaalale iyo deeqda caalamiga, dhibaatada ay Itoobiya iyo kuwa dagaal ogeyaasha deriska ah ay u gaystaan Qaxootiga Somalida Ogaadeenya, xaaladaha abaaraha iyo boobka lagu hayo khayraadka Ogaadeenya iyo degaanka dabiiciga ah.

Dhamaan saraakiishii shirka lagula kulmay waxay qireen in maanta la aqoonsan yahay dhibka loo gaystay shacabkaas, beesha caalamkuna ay hadda diyaarinayso sidii dhibaatooyinkaa wax looga qaban lahaa, cidda ka masuulka ahna loola xisaabtami lahaa. Waxay kaloo sheegeen in sidoo kale lagu hawl jiro sidii khilaafkan loo soo xakamayn lahaa oo xal waara loogu heli lahaa.
Saraakiishu waxay u soo jeediyeen Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya inay gacan ka sii so wixii looga baahdo. Wafdigu wuxuu ku soo laabtay magaalada Washinton oo sidoo kale ay uga socdaan shirar muhiim.
· Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee Norway oo Si Balaaran u Daawatay Filinkii Silent Cry. Oohintii Qarsoonayd

Waxaa Lagu qabtay Wadanka Norway Filin Mudo la sugayay kaas oo lagu Magacaabo Silent Cry. Oohintii Qarsoonayd. Dadkii daawaday filimkan ayaa waxaa ku beermay cabsi iyo arga-gax kadib markay arkeen sida waxashnimada ah ee ciidamada Ioobiya ula dhaqmaan shacabka Ogadenia.

Daawashada filimkan ayaa waxaa kasoo qayb galay haydaha kala duwan ee dawlada Norway, shacabka Somaaliyeed iyo kuwa Norwajiyaan ah.

Daawadayaashii filimka ayaa kutilmaamay in dhabaatada loo gaysanayo shacabka Ogadenia ay tahay mid laga galay dhamaan binaw aadmiga una baahan in meel looga soo wada jeedsado sidii wax looga qaban lahaa.

Filinkan waxaa laga soo duubay Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya oo ay kujiraan dad shacab ah oo ay wax yeelo soo gaadhsiiyeen ciidamada gumaysiga Itoobiya isla markaas kasoo bara-kiciyay dagaanadoodii.
Sidoo kale filimkan waxaa todobaadankan laga daawaday meelo kamid ah dalka maraykanka sida magaalada Washington,waxaana bilawga bisha Oktoobar filimkan laga daawanaya wadamada Denmark Sweden iyo Swizarland.

Filmikan oo ay so diyaaiyeen arday Ingiriis ah ayaa runtii ah mid cidwalba oo daawata ku abuurta murugo iyo arga-gax.

Radio Xoriyo

28 September 2009

Cabdi Dheere

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.