Home » Warar »

Hay’adda Ospad oo weli wada siminaaradii ku saabsanaa wacyigelinta Cudurka Aids-ka

Hay’adda Ospad oo weli wada siminaaradii ku saabsanaa wacyigelinta Cudurka Aids-ka

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (GUJI)

Waxaa deegaan ka Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan ka hortaga cudurka Aids-ka waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Osoad oo ah Hay’ad markasta u taagan in ay bulshada ka wacyigeliso Khatarta Cudurka Aids-ka waxayna Hayadaas gacan ka heshey Hayadaha Global Fun iyo Hayadda Unicef , wuxuuna siminaarkaas socdey Muddo saddex maalin ah waxaana loo qabtey Dhalinyaro, Suxufiyiin , Umiliso Dhaqameed iyo kalkaaliyaal Caafimaad waxaana ka qaybgalayaasha ku baranayeemn sida looga hortago Cudurkaas iyo sida loola dhaqmo dadka qaba cudurkaas waxaana casharo ka bixinayey Macalimiinta kala ah Luul Cali Culusow iyo Abuukar Shikh Maxamed oo iyago ku dheeraadey siyaabihii uu ku bilowdey Cudurkaas iyo sida looga hortagi karo cudurkaas iyadoo mararka qaarkood ka qaybgalyaasha iyo Macalimiinta ay isweydaarsanayeen arrimo la xiriira cudurkaa

Waxaa gabagabadii halkaas warbixin ka soo jeediyey Xoghayaha Hayadda Ospad Mudane Maxamed Cumar oo sheegey in hayadiisa ka hortagga cudurkaan ka wacyigelinta Bulshada u istaagtey Mudddo aad fog si bulshada looga wactigeliyo khatarta cudurkaas oo uu sheegay in uu yahay cudur aan dawo lahayn balse uu sheegay in uu leeyahay ka hortag waxaa kaloo halkaa ka Hadley islamarkaan soo gabagabeyey Siminaarkaas Madaxa Kormeer Bartamaha iyo Koonfurta soomaaliya ee hayadda SCAC Mudane Cabdulaahi Xaashi oo ugu horeyn u mahadceliyey intii ku gacansiisey taabagelinta Siminaarkaas wuxuu kaloo uu sheegey in barnaamijyada wacyigelinta cudurkaas ay sii socon doonaan si bulshada soomaaliyeed looga badbaadsho Khatarta Cudurkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Weriye Mustafa Xaaji C/nuur iyo Shan Saxafi oo ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee 2009 International Press Freedom Award.

Saxafiga caanka ah ee Soomaaliyeed ee la yiraahdo Mustafa Xaji C/nuur oo ah Tifatiraha Idaacada Simba ee magaaladda muqdisho, ahan saxafi ka tirsan walaaladda wararka ee AFP ayaa liiskaas kaalinta 1-aad ka galay, waxayn ku musterysteen hanashada abaal marintaas dadaal dheer oo ay u galeen sidii qorriyadda saxaafadda ee dalalkooda ay u ahaan laheyd mid aan lagu xad gudbin, iyadoo dhammaantood ay musteysteen xabsiyo, jir dil iyo hanjabaadyo, taaasoo uga imaanayay dhinacyada siyaasadda ee dalalkooda, hase ahaatee ay u adkeysteen dhammaan dhibabakaas.

Mustafa ayaa noqday saxafigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku guuleysata abaal marintaas oo sanad kasta ay bixiso CPJ, waxaana tan ay guul iyo magac u tahay dhammaan saxiibadiisa kale ee Soomaaliyeed, iyadoo Mustafa oo xafiiskiisu yahay magaaladda Muqdisho oo ah meesha ugu halista badan gudaha wadanka Soomaaliya uu dhaawac ka soo gaaray xilli uu ku jiray howlihiisa shaqa maalmeed

“Waxa jira saxafiyiin badan oo naftooda khatar u galiyay in aan xorriyada iyo madaxbannaanida saxaafadda ee dalalkooda aysan noqon mid afka la qabto” ayuu yiri madaxa guddiga CPJ Paul Steiger.

“Saxafiyiintan abaalmarinta la guddoonsiin doono, waa kuwa ka dhii-dhiayay caddaalada darrada lagu hayo qiimaha iyo taageerada Mabaadiida horumarinta xorriyada saxaafadda, waxayna la kulmeen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin, xabsiyo, han-dadaad, caga-jugleyn iyo jir dil, hase ahaatee dadaalkoodii uma joojin dhibaatooyinkaas oo dhan, waana u mahadcelineynaa” ayuu xusay madax guddiga fulinta ee CPJ Joel Simon.

Mustafa ayaa u duuli doona magaalada xarunta CPJ ee New York ee wadanka Mareykanka oo 24-ka bisha soo socota ee November ay ka dhici dooonto xafladda guddoonsiinta abaalmarintaas oo ah mid qaali ah, wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa dhammaan saxafiyiinta waaweyn ee caalamka oo soo xaadiri doona xafladdaas cashada ah oo ay xiriirin doonto gabadha caanka ah ee Christiane Amanpour oo ah madaxa weriyaasha caalamka ah ee TV-ga CNN.

Saxafiyinta kale ee abaal marintan la siin doono ayaa kala ah Naziha Rejiba (Tunisia), Eynulla Fatullayev (Azerbaijan), J.J Tissainayagam oo reer Sri Lanka iyo Anthony Lewis oo Mareykan ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.

Magaalada Gaalkacyo oo noqotay Xarun ay ka dhacaan mar kasta Xadgudubyo Dhinaca Bini’aadannimada ah

1993-dii ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa heshiis ku kala saxiiday laba beelood ee deegaankaasi ugu badan kadib markii ay soo mareen dagaalo lagu hoobtay oo dad fara badan ku dhinteen, waxaana magaalada ka bilowday in ay in ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay, sidoo kale waxaa ka bilowday ganacsi aad u balaaran oo ay labada dhinac ay sameynayeen hase yeeshee, waxaa la dhihi karaa heshiiskaasi waa uu dhaqan-galay, balse xiliyaddii dambe waxa u heshiiskii noqday mid lagu xadgudbo, waxaana Magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaalo goos goos ah iyo waliba dilal aad u fool xun, waxaana ugu dambeeyey saakay waabarigii markii la helay labo nin oo Mayd ah oo si xun loo jirdilay, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha loo dilay raggaasi, waxayna qolo kasta qolada kale ku eedeyneysaa in ay mas’uul ka tahay falkaasi.

Xadugudubkii ugu weynaa waxa uu dhacay markii 7 nin oo ka tirsan Wadaadada Tabliiqa oo qaarkood u dhashay dalka Pakistan lagu laayay Barxadda masaajid ku yaala Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna dilkaasi ahaa mid ay si aad ah ula yaabeen ugana xumaadeen shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee maamulada halkaasi ka jira kama aysan hadlin dilkaasi, isla markaana ma soo qaban raggii dilay culimadaasi.

Nin Odey ah oo mudo deganaa Magaalada Gaalkacyo una soo guuray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yiri “Waxaan uga soo guuray magaalada Gaalkacyo, waxaana ka cabsanayaa in magaaladaasi uu ka dhaco halaag, waayo waxaa maalin walba ka dhaca magaaladaasi xadgudubyo dhinaca bini’aadannimada ka dhan ah oo aan ku banaaneyn shareecadda Islaamka”, waxa uuna intaa sii raaciyey “Culimada iyo dadka deegaanka waxaan kula talinayaa in ay arrintaasi ka hor tagaan inta ay goori goor tahay”, waxa uu sii raacsaday “Deegaankii si xaq daro ah loogu daadiyo ruux muslim ah dhiigiis ama ha fogaato ama ha dheeraato mar bay la kulmayaan ciqaabteeda”.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalin cad lagu dilay mid ka mid ah Wasiirada Maamul gobaleedka Puntland oo lagu magacaabi jiray allaha u naxariistee Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka) ilaa iyo haddana ma jirto qof loo qabtay dilkaasi, sidoo kale dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn ula yaabay markii la sheegay in la qabtay nin xiran Jalbaab Haweenka, waxayna arrintaasi ku fasireen in ay tahay mid la sameeyey oo la doonayey in lagu fadeexeeyo Xijaabka Islaamka, waxayna u soo jeediyeen maamulada halkaasi ka jira in arrimaha noocaas oo kale ah ka digtoonaadaan.

Isku soo wada duuboo Gaalkacyo waa magaalo qadiimi ah, waxaana shacabka halkaasi ku nool lagu baraarujinayaa in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshada Soomaliyeed, isla markaana ka hor tagaan xadgudubyada ka dhanka ah Shareecadda Islaamka iyo Bini’aadannimada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.