Home » Maqaallo »

Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo? | Barkhad

Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo?

Dood Furan

Anigoo magaceygu yahay Barkhad jamac Hirsi kana mid ah ardeyada Jaamacada Hargeysa gaar ahaan kuuliyada sharciga ama (Faculty Of Law) waxaan jecleystay inaan ka hadlo arin inta badan Somalidu ka hadalkeeda ka cararto cida soo hadalqaadana ay karahdo,

Hordhac:

Waxaan marka hore ka hafeef dhiganayaa in aan loo qaadan ama loo maleyn inaan u hadlayo si caadifad qabiil ka muuqato laakiin waxaan u hadlayaa si Academic Level ah.

Waxaan marka hore isku dayayaa inaan qeexo Magaca Midgaan maxaa uu yahay Fikir noocee ah ayey ka qabaan Somalidu ma fiican tahay sheegashadiisu mise waa ay xun tahay wakhtigan xaadirka ah?

1: Aan ku horreeye inta badan marka la soo hadal qaado magaca midgaan waxaa dadka Maskaxdooda ku soo dagdagta inuu yahay Magac Argagax iyo naxdin badan oo aaney habooneyn in la isku idhaahdo cida loo isticmaalaana ay tahay oo kaliya waxa ay Somalidu u taqaano Inan Gumeedka,

Tusaale aan u soo qaato Arrin u caado ah qaar kamid ah dadka somalida marka ay waxa xunna tilmaamayaan iyagoo ku sifeeya Midgaan iyo Yibir.

Nin ayaa u shaxaad tagay Sxbkii kadibna waxaa uu kala soo kulmay waxaanu ka fileyn isagoo mid kale oo ay Sxb yihiin u sheegaya wixii kala kulmay ninku u shaxaadka tagay ayaa waxaa uu ku leeyahay waar waxaan u tagay kii xumaayee Midgaanka ahaa marka uu intaas idhaahdo ayaa kii kale uugu jawaabaya waar maanad aqoon waa Yibire,

Waxaan Tusallaaha uuga jeedaa inaan idin dareensiiyo oo kaliya heerka uu magacani ka taagan yahay Somali dhexdeed iyadoo tusaalayaal kan kabadan oo aqliga saliimka ahina diidayo ay jiraan laakiin waxaa inagaga filan Tusaalahaas aynu soo qaadaney,

Haddaba Su,aasha inta badan qofkastaaba Naftiisa weydiiyaa waxaa ay tahay waa Maxay magacan Midgaan?

Midgaan waa uu Micno badan yahay waana magac kamid ah magacyada uugu qaalisan Dunida wakhti xaadirkan waana Boqorka Magacyada,

Midgaan waxaa lagu sheegaa Fasiraado badan oo ay ka mid tagay Meat and Gun, sidoo kale waxaaa jirta mid taas kaduwan oo iyaduna leh Mid go, means mid dhimay, iyo Midgeyn oo ah marka haraga laga saarayo neefka,

Lakiin waxaan odhankaraa waa fasiraado aad u hooseeya Anigu waxaan shaqsiyan qabaa inuu magacani yahay Mid Gangster ah oo la soo gaabiyey marka la micneeyana ay tahay Midgeesi ah oo haddaa lagugu idhaahdo Midgaan Midgaan dhalay waa lagu amaane laguma caayin waxaa ay kadhigan tahay Geesi Geesi dhalay,

Waxaa haddaba inta badan la sheegaa inuu magacani yahay magac kusoo jeeda Boqortooyo iyadoo sida laga warqabana Dadka Gabooyaha ama Midgaha la idhaahdaa ay lahaan jireen Boqortooyo la odhan jiray Boonta Boqorkii xukumi jireyna la odhan jiray Beydari,

Haddaba marka aynu soo hadal qaadno magaca Midgaan ama Gabooye waxaa inta badan la sawirtaa iney yihiin dad Qani ah sideedana Qanninimadu waa Qanaacada Nafta,

Waayo waa qabiilka kaliya Somaliyeed ee aan laheyn

1: Tuug

2: Qof dawarsada

3: Qof billaa Camal ah

4: Qof dhaandhaan ah I W M

5: Qof Danbiile ah oo inta badan dadka dhiba

6: Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan iney leeyihiin Luuqad khaas u ah oo haddii la is idhaahdo barta loo baran karo sida luuqadaha kale:

Bal aan Tixyar oo kamid ah luuqadooda soo qaato.

A: Awin yahay shaarkee shunuufineysaa Makaabuurtaan ku baaqdamaayee marun maad ii shamin?

B: Jaaridyahow Niiqatallehee Niiqinayaa Nashmarad shaar ah Makaaburta uuma Cindiso Niiqatalayaasha.

Sidoo kale waa dad inta badan Qani ku ah Xirfadaha kala duwan ee Bulshada qiimaha weyn uugu fadhiya sida:

– Qurxinta Timaha

– Sameynta kabaha

– Sameynta Wiciyadaha sida gir girayaasha, Mindiyaha, Malqaacadaha, iwm

Waxaana marag madoon ah haddii ay helli lahaayeen warshado waaweyn in laga maarmi lahaa wax dalka dibadiisa inooga imaada,

Waanan dareemi karnaa kaalinta ay kaga jiraan Nolosha Bulshada haddii ay hal maalin baneeyaanna cid buuxineysaa inaaney jirin

Iyagoo waxaas oo hawl ah haya ayaa hadanna ay qabaan cey iyo erayo deel qaaf ku ah umad jiritaankeed,

Sida inanteyda ma geydid Gun ayaad tahay Iwm,

2:Qiimo intee leeg ayaa uu taagan yahay Magacan Midgaan?

Kkkkkkkkkkkkkkkkkk

Su,aashaas ka jawaabideedu waa mid aan aad uugu qoslo waayo waxaa ii sheekeeyey nin ka imid England oo Gabooye ah waxaa uu igu yidhi maalin ayaa la ii keeney inan qolooyinka wax is bida ah waxaa la igu idhi inankani waxaa uu rabaa dhalashada inuu ku qaato Midgaan markaa wax laqabo,

Waxaan arkeybuu yidhi inankii doonayey inuu dhalashada ku qaato Midgaan oo aad u didsan waayo waxaa uu rumeysnaa iyo waxaa uu halkan uugu yimid ayaa aad ukala duwanaadey kadibna waxaan arkeybuu yidhi yarkii oo dhididey oo leh maadigoo laandheere ahaa ayaad maanta gunnimo isku dhiibeysaa markii aan dareemaybuu yidhii waxaa maskaxda yarka ka quuxaya ayaan intaan xalkiisa u kacay oo aan laabta kadhirbaaxay ku yidhi Bi,I waaye Bahalka laabta u sii daa,kkkkkkkkkkkkkkkk

Waxaa maragmadoon ah inta dalka dibadiisa joogtaana iney wada tahay Midgo kkkkkkkkkkkk waan kaftamayaa waayo wax xun idinkumaan sheegin ee waxaan sheegay oo kaliya inaad tihiin Geesiyo Geesiyaal dhaleen,

Takale waxaynu naqiiney waxyaabo dhaqanku inaga xaaraantimeeyey oo xalaal ah waxaanad moodaa inuu dhaqanku ka xoog badan yahay Diinta markaad dhinac ka eegto,

Tusaale aan u soo qaato Madaxa Caloosha barigii hore qofka isticmaala waxaa loo yaqiiney inuu liiska gunta ku biirey imikana waxaaba loola baxay magacyo aad u qurxoon oo Huteelada galin hore ayaa laga dhameystaa haddaba maxa ay tahay sababtu? Waxaa laga biiyey dareenkii liitey ee mujtamacu ka heystey Cuntadan, waxaanan loo baahan yahay in Midgaankana laga biiyo dareenkaa liita ee isagana laga qabo maadaama oo lawada yahay dad isku Diin ah isku dad ah isku Dal ah isku Midab ah isku Deegaan ah isku Luuqad ah oo isku dhaqan ah.

Laakiin waa markee? waa markeynu domino Sanamka aynu caabudno ee la idhaahdo Qabyaalada,

3: Haddaba kasokow takoorka aan ku salleysneyn Diinta iyo Dadnimada ayaa hadana waxaa laga warqabaa iney beelaha gabooye ama midguhu yihiin dad munaafacaad kala duwan u leh Bulshada Somaliyeed.

Majecli inaan ka waramo diintu maxaa ay ka qabtaa Quudhsiga waayo idinba waad iska garaneysaan Aayaadka iyo Axaadiista ka warameysa iyo sida uu xaaraanta u yahay Quudhsigu,

4: Ugu Danbeyntii waxaan ku soo gabagabeynayaa maqaalkeygan Su,aalo dhowr ah oo aan jecelahay inaan jawaabtooda uuga tago Akhristayaasha,

1: Midgaanimadu ma Gobnimaa mise waa Gunimo?

2: Lambarkee ayaa laandheera lagu noqdaa labarkeese laangaab lagu noqdaa?

4: Diinteenu ma dhigeysaa Laangaab iyo Laandheere

3: Xalka lagu dabartiri karo caado dhaqameedkan foosha xun maxaa uu noqonkaraa?

5: Makula tahay Guusha Obama iney Tusaale u noqon karto inuu midgaan Madaxweyne noqdo?

Midgaanka malagu aamini karaa Maseerka Ummada?

Makula tahay in la soo gaadhey wakhtigii isbadalka markaad eegto waxaa ka dhacaya Dunida daafaheeda?

Macabanayo nin cawdana mayihi Cabashaduna waa Astaanta Quusta laakiin waxaan jecelahay in si Aqoon ku dheehan tahay looga qeybqaato Doodan iyadoo la iska ilaalinaayo erayo deelqaaf ku ah Cirdiga ummada waxaanan leeyahay Qolooyinka Midgaha la idhaahdo ee aan anigu ka mid ahey Noloshu waa Halgan,

Laakiin Cabashadu waa Astaanta Quusta, Waxbarashaduna waa Hubka kaliya ee aad ku badbaadi kartaan gaar ahaan barashada Diinta Alle (sw)

Wabillaahi Towfiiq

Advocater: Barkhad jama Hirsi

Email: Midgaanyare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo? | Barkhad "

  1. weli ali says:

    saaxiib sida rag badan sheegeen waa lagaa saxsan yahay yarka acedemiyda sheektaoow ama debeda ha layskaga dhiibo ama dhulkii midgaan halagu ahaadee si cadaalada hadalkaaga u dhigo yaan lagaa gar heline debeda qabiil kasta marbaa laysku dhiibayey midgaan keligiis maahee midgaana waa qabiil soomaaliyeed markaa saxiib midgaan illaahaybaa kaa dhigay ceebna maaha waxaad samaysaa uun in aad ragga degenaan iskaga celiso afka gaaeka ahna meesha ka saar hadii kale carab la’aantii meesha keen iyana. waa kaftan.

  2. Qoraha maqaalkan iyo maqaallo kale ama shabakado kale oo u dooda dadka la hayb sooco waxaa ka muuqata ereyga DULMI DULMI KU SAX, waa marka aad is tiraahdo dadkaa yasmada ha laga daayo ee aad adigu dadkii wax is bidayey aad hoos u dhigto kuwii la quudhsanayeyna aad ku tilmaanto kuwa dadka ugu sareeya, arrintaas oo aan ahayn caddaalad, abwaankii arrimahan ka digey ereyadiisii waxaa kamid ahaa MAAH-MAAH QABIIL IYO REER REER KA MUDAN IYO KHIYAAMADA MUNAAFAQA. oo uu ula jeedey in dadka la simo oo loo caddaalad sameeyo. meeshanna waxaa ka muuqda ninkii wax quudhsanayey oo doonaya in uu isna markiisa wax quudhsado taas oo ah aarsi balse aan ahayn sinnaan iyo caddaalad, wiilka akedemiga la baxay ee maqaalkan qorayna waxaan leeyahay adigu gabooyaha ha hayb soocin oo ha odhan luuqad gaar ah bay leeyihiin, oo macnaheedu u dhacayo waa dad gaar ah oo aan Soomaalida ka mid ahayn.

  3. mahamed omar says:

    scw
    walaal dhamaan wad salaaman tahin
    waxaan uu bah naa in aftarsiinta midgaha ama gabooyeha in aad ii soo aftiirisaan oo aad ii soo dirtaan ayaan niga bahnaa walaalyaal adinko rali ah waa iga su.aal igamana aha xumaan

  4. Mohamed says:

    Waxaan arkaa dhıbta dalkeena ka socota waxaa ka mıd ah ama waxyaalaha ımtıxaanku noogu habsadey ka mıd ah markaan dulmı ıyo faquuq ku sameynay dad nala dıın,mıdam,luuqad,deegaan ku sameynay dulmı oo xaquuqdooda ku tumaney waxaan fılayaa dhıbtu meesha naga haysato wey ka mıd yıhıın.Waxaan ku soo gabagabeynaya hadalkıı uu yırı cumar bınu khadaab alaha ka raalı noqdee.
    (GOORMA AYAAD DADKA GUMEYSATEEN DADKA AYAGA OO HOOYOOYINKOOD AY DHALEEN AYAGA OO XOR AH) Fiıırı mar walba dıınteenu sıda ay u raadıneyso tawaasan ıjtımaacı ıyo dulmıgana ula dırıreyso.Runtıı maalıntaan qoraalkaan aqrıstey uu saxaamıgaas jalıılka ay yırı xoogaa ayaa ku kor fakırey oo walıba eegay dulmıga aan ka galney walaalaheena soomaalıyeed ee aan wax aan dheer nahay ay jırın,ku tartamka jıdka ılaahay mooyee oo taas ayaa un lagu kala dheereeya.anıga waxaa mıdgaan agteyda ka ah ruuxa jıdka ılaahay ka gaabıya oo ılaahay wax xırıır ah la lahayn oo ka tagay shanta tıır ee ıslaamka ama salaad goor ay ugu danbeysay aqoon!!!!

    Stop ısolatıng your muslım brothers and sısters!!!

  5. Mohamed says:

    Waxaa fiicnaan lahayd in ruux kasta oo dıınta wax ka yaqaan hadana aamınsan ın ay tahay laan dheernımadu ıney tahay ruuxa illaahay ıyo rasuulkıısa rumeysan hadana waxa ay fareyn u hogaansan,ınuu dadka soomaalıyeed la faquuqey ıı raadıyo qaabka uu faquuqa uga qaadı lahaa,qalın ama hadal ama ınuu ka guursado dadkaas,sı caadada jahlıga ku dhısan meeshaas ıskaga harto!

  6. BMW says:

    horta waa la ogyahay wax soomaali xadaarad kaleh waa umadda gabooyaha weligay ma arag waa sida qoraalku inoo sheegaye qof gabooye ah oo baagamuudo ah waxaana qurbaha ku arkay inay nolol aad uga heersareysa uga nool yihiin dibaddaha taasna waxaa keenaya nin wax yaqaan cid kasta waxbay u dirsanaysaa waxaasne is weydiiyaa marmar culayska dadkaas lagu hayo sidee uga bixi karaa waxaan aaminsanahay oo keliya inay tahay is dhexgal si toosa soomaaliya uga dhaqan gala siiba xagga guurka kaas keliya ayaa sahlaya qofkasta oo liitana iyaga ayuu ku dhereg dhacsadaa waxaan dhihi lahaa gabdhahana aan siino kuwoodana aan ka guursano waayo waa dad walaalaheena oo taariikh khaldan laga sameeyeey.abwaaniinta soomaaliyeed iyagaa u badan halgamayaasha iyagaa u badan diinta sidoo kale maxaaa lagu xumayn karaa ilaa arintaas soomaali oo dhan kawada fariisatana xalku madhawa waa in sida dawlada loo soo dhiso arintan iyadana loo soo dhiso oo go,aan lagawada gaadho taasaan aaminsanahy

  7. omar madar says:

    ASC

    Salaan kadib, hadal lama saarnaado, amase laguma qubleeyo, meeshiisaa loogu tagaa,waxaan isku dayin in aan su,aalaha walaalkay soo jeediyay ka jawaabo aragtidayda.
    1. Midgaanimo waa gobonimo
    2.Laandheeere waxaa lagu noqdaa ninkii wata(24434) labaradaaas oo ah, ninkii salaadaha faradka ah xafida, oo ilaahay shanta salaadood si toos ah ula hadlayo, Illahayna ka jawaabayo,hadalkiisa.
    3.haa diintu waa dhigaysaa, oo aayada ayaa ah, xisbu shaydaan waa laan gaab ehelu naar, meesha xisbulaah oo yahay laandheere ehlu jana ah.
    4. In shirkiga Eebe loo shirki yeelayo laga fogaado, oo Eebe la caabadu.

    inta kalana walaalaha iga dambeeya ayaan u dayn, waqtigaa igu yar
    wsc

    Madar abdillahi
    Ivory Coast

  8. Muwaadin says:

    SC.Walaalayaal wax midgaan la dhaho ma jiro. haday jirtana waa wax jahli ku yimid loona baahnaa in laga hortago mar hore, balse dadkii hore ay gafeen. Somalidu waa dad Naturally ah Cunsuriyiin sababtoo ah aqoonyahankooda iyo hogaankoodaba waa ka siman yihiin xaga qabiilka, in yar mooyee sida Quraankuba leeyahay “Qaliilan Maa”. tusaale ilaawe,luglaawe, jeeri, ilbuun, farey, dakhare, qeylshe, afloow. iyo kalmado badan oo qofka xitaa curyaanka ah aan lagala xishoon ayaa si toos ah loogu dhawaaqaa, rasuulku SCW. isagoo yiri “Bi’sa ismul fusuuq bacda imaanikum”.
    Ta Labaad Wixii xun baa Midgaan ah, sida dhaca kufsiga, iskudirka dadka, yasida. isla weynida, faanka, iwm.
    Ta sadexaad waxaa eeda wax ku leh dadka magacan loogu yeero sababto haday ka dagaalami lahaayeen maanta waxaa ooli lahaa wax u dhigma Civil Rights ka lagula dhaqmo minorityada aduunka oon anigu kamid ahay ileen waxaan ahay Somaliye. tusaale nin midgaan ah ayaa eey ku ugaarsan jiray markaasaa eeygii laga dilay, wuu iska aamusay, Markaas maalintii 2aad eey kale laga dilay markaasuu yiri, Hadaan kii 1aad ku dagaalami lahaa eeyga 2aad waa ii noolaan lahaa maanta.
    Ta 3aad waa Integration inay sameeyaan. Dadka qabiilkan ah waa dad aad u qurxoon, Manaafacaad badan balse maynan isku dayin inay si ay yeelaanba qabiilada dhexgalaan xaga guurka, xataa haday noqoto xoog iyo xeelba, waa ay ka gaabiyeen. bal eega maanta qabiilo Somaliyeed baa raacay Alshabaab si ay u maamulaan dhul ayna ka taliyeen ama raacay a Xisbiyada kale si ay dantoda u fushadaan, ku dayda hana u fadhina in idiinkoo sidan ah Somali idin soo dhaweeyso ee dhex gala sida Jamaicanka iyo cid walba integrationka ugu samaysay dadkeena soomaliyeed gudo iyo debadba.

    Wabilaahi Towfiiq.

  9. Abdullah. says:

    Assalamu calaykum.

    Walaal waxaan arkaa dhibaato weyn oo Soomaalida haysata inay tahay arrintani, waxaana la yaabbanahay ummad muslimiin ah oo haddana u dhaqmaysa qaab jaahilnimo ah.

    Waxaan aaminsanahay arrintaan (quursiga) daraadeed ciqaab ka dhalatay inay tahay arrinta Soomaalida haysata, haddii aysan garan arrintan, Allaahna aysan u noqon, waxaan filayaa inay ciqaabtuna sii socon, dhibaatada Soomaalia haysatana ay sii socon.

    Beelahan la dulmiyeyna waxaan kula dardaarmi lahaa:-

    1. Inay mideeyaan muruqooda iyo maskaxdoodaba, inay samaystaan hoggaan dhaqameed mid ah, inay samaystaan deegaan saldhig u ah oo ay ku hor-marin-karaan waxbarashadooda iyo adeegyadooda kale.

    2. Inay priortyga siiyaan siday wax u baran lahaayeen, gaar ahaan cilmiga diinta islaamka, (barashada diinta islaamku waxay idinka kaalmeynaysaa inaydan ku niyad jabin quursiga ay idinku hayaan bulshada kale ee soomalida ah), waxaan ku adkaynayaa walaaluhu inay tacliinta ku dadaalaan, waxaan leeyahay, walaalayaalow ayadoo qabaa’ilka kale ee Soomalida ah ee Laandheeranimada sheegta ay mugdi iyo jahli ku jireen ayaad idinku ilbaxnimo ku jirteene fadlan culuumta casriga ah yaysan idiinka hor-marin waqtigan, ku dadaala waxbarashada dhammaan qaybeheeda kala duwan, taas waxay sahlaysaa in idinka la idiin baahdo.

    3. Inaad ku dadaashaan inaad hor-marisaan dhaqaalihiina. Markaad hor-marisaan tacliintiinna waxay sahlaysaa inaad dhaqaalihiinnana hor-marisaan waayo maanta dunida nin cilmi leh ama xirfad leh ayaa shaaha ka cabba.

    4. Allaah ka cabsada, jaahilnimada Soomalida iyo aqoon la’aanteeduna yaysan niyad-jab idinku ridin iyo inaad dib u gurataan. Markastaba waa inaad maanka ku haysaan inay bani’aadamku hal aabbe (Aden) kassoo jeedaan, kaliya, ummaddu waxay ku kala fadli badantahay hadba sida ay Allaah xaggiisa ugu kala cabsi badantahay.

    Waxaan rajeynayaa (insha Allaah) haddaad qodobadan si wanaagsan u fulisaan in gabdhihiinnu ay ka qaalisanaan doonaan gabdhaha kale ee qabaa’ilka Soomaaliyeed.

    Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida (intooda ka dhiidhida quursiga lugu hayo walaaleheen) inay mideeyaan dadaalkooda ayna ku dadaalaan inay ku caawiyaan walaaleheen siday ugu qabsoomi lahayd qodobadaas aan kor ku xusay.

    Abdullah Hersi.

  10. sayidka35 says:

    waxa aan marka ugu horaysa u mahad celinayaa ilaaha subxaana wa qaadirka ah ee inaga dhigay bini aadan waxna la fahamsiin karo fahamsiina kara marka xigana waxaa mahad leh dhamaan bahda somali talk ee fursada kuu siisay inaad doodan na soo dhex dhigto marka xigan adaa mahada leh taasi waa taa
    waxa aad soomaali badan ka maqlaysaa dadkan midgaha la yidhaahdo iyagaa halkaas is dhigay oo ma muuqdaan oo dadka ma soo dhexgalaan ,balhadaba yaabay aniguye, ka muuqdaa ma ka hubka intuu qaato kolba dhowr haween ah intuu meel ku gumaado oo uu ku fara xumeeyo ee dhibka badan baa muuqashada loo yaqaan mise waa inaan danbi ale iyo diintiisuba xaaraan timaynayso waa inaan sameeyaa maxaa ii diiday si xigmadi ku jirto oo aqooni ku dheehantahay in ay umadani isku si wax u goosato taasi waa taa ta xaga cirdiga ah soomaali waan ku raacaa marka ay leeyihiin isma gayno sababtaasaana aanad u arkeyn maanta inan reerahaa ka dhalatay oo guurlaan ku gaadha 25jir hadiise ay soomaalida kale la wadaagi lahaayeen in ay inamada gabooye ka guursadaan soomaalida inteeda kale waxaa la heli lahaa habo badan oo reeraha gabooyalayda ah oo guurla’aan ku gaadhi lahaa 40jir
    gunaanadkii qoraalkeygu waa laba mid oo la gudboon ummad weynta gabooye
    inaad u samirtaan soomali oo aad iska sugtaan inyarbaa hadhay intii la idiin soo hoyan lahaaye oo la idin odhanlahaa cafis iyo masaamaxe ama ummad yahay nin aan warankaagu gaadhin weedhaadu ma gashee waa in waxa aad ka awood badataanba aad gumaadaan oo soomaali sidaa idinku xaqdhowrto ileen nin aan wax xanuujinba waxba uma ogolaadaane aniga oo ku talinaya in la qaato qodobka hore oo walibana midgaan waliba afarta uu dhalay uu isku dayo inay isaga ka nolol wacnaadaan oo aad wax bartid si ay hadhoow wax u noqdaan ilaahaybaana mahada lehe haididn waafajiyo

  11. rashid says:

    Midgaanimadau iyo nasbnimada waa sida uu qofku iska dhigo ee mahan astaan dadka ku dhagan oo lagu kala garanayo
    takale dadka layidhi waa midgo, waxay qaateen astaantaas iyagoo isku qaba in ay dadka ka hooseeyaan (waxaa lagu qasbay in ay sidaas aaminaan)
    waxaan leeyahay dadka soo dhexgala oo dee dad muuqda noqda

  12. qooje abdi says:

    Acw. marka hore walaal midgaan waa amaan ee horta cay ma ama, labaatan sano seeg seeg kuma jireen haddii talada nin midgaan loo dhiibi lahaa.

  13. Jarweyne says:

    Koleey Maxamed Faarax ahaan waxaan aaminsanahay in dadkaas mag dhow lasiiyo somalina ay garato meesha uu laan dheernimo iyo laan gaabnimo dhigay. Qabiilna sidiidsaba waa interest no matter what, waa sax midgaan seeg seeg ah oo meelaha shaxaad tagaya maan arag mid tuug na sidoo kale aqoon hadeey noqon lahayd waa dad waxbartay oo masiirka somaliya lagu aamini karo si fiicana uga soo bixi kara e.g.waa kuma allaha u naxariistee Dr Axmed ashkir bootan, DR Maxamed xasan muudeey, Lt general Maxamed cali samatar, Maj general yusuf axmed salxaan iyo xirfadlayaal ciidaa ka badan oo somalia wax badan kasoo shaqeeyey. Waxaan intaas kusoo koobayaa Somalaay Nabsi aragnayee maan is daba qabanoo.

    Salaamun Caleeykum

  14. ABDI says:

    walaal horta ma aaminsani ilaahay ayaa iga sarreeyee inay dadku wax is dheer yihiin sidoodaba, kaliya waxay wax isku dheer yihiin siday ilaahay ugu kala dhow yihiin. Markaa intaas ka gudbo kalmadan aad adigu macnaysay aniga waxay ila tahay inaad markaad sharxayso aad noo sheegto marjaca meesha aad kala timid qeexidaada. walaal adiga ayaa kuba bilaabay hadalkaaga inaad si accademic level ah aad wax u qorayso. Walaal horta waan maqlay odayaal soomaali ah oo ka sheekaynaya sida eraygu ku yimid oo dhahaya waxay ahayd mid go’ oo macneheedu yahay mid ayaa dhintay. Runtii qabaa’ilkaas walaaleheena oo tirada badan waxaan aaminsanahay inay leeyihii magacyo kala duwan. Waxaa kamid ah magacyadaas Madhibaan, tumaal iyo wixii la mid ah. Labadaan qabiil oo aan hada carrab baabay, waxay runtii noo qabtaa hawlo xirfadeed oo bulshada aad wax tar wayn u leh. Hadaan usoo noqdo magaca midgaan iyo gunnimada runtii soomaalida waxaan ka arkay inay si kala duwan u isticmaalaan. Gunnimada waxaa lagu sheegaa xataa qabiilada kale oo xataa aan ayagu ahayn qabaa’ilka la hayb sooco. Midgaan waxaa anigu gobolka aan ka soo jeedo ee mudug lagu idlaaqaa qabiilka madhibaanka oo aad u daga gobolka mudug xataa tumaalka iyo qolada kale ee yibirka loogu yeero lama wadaagaan. waa laga yaabaa in la wadaajiyo dhammaantood magaca gabooye. Isku soo duuboo waan kugu raacsanahay in soomaalidu magaca midgaan iyagoo ugu yeera qabiil ay hadana wixii xun oo dhan ay dhahaan midgaan. waxaan markale kaa codsanayaa inaad baarid dheer oo cilmiyaysan oo aadan wax iska qorayn ee aad la kaalmaysanayso odayaasha soomaaliyeed aad soo bandhigto. waxaan saas kuu leeyahay marjaca ama source ga kaliya ee aan leenahay ka soomaali ahaan waa wax afka la isku soo gaarsiiyay. waliba odayada soomaaliyeed ee kale hadaadan ku kalsoonayn, utag oo waydii odayada aad isku heyb ta tihiin.Waan aamin sanahay inay dhamaan karto caadadaas xun ee ah walaalaha lahayb soocayo hadii lahel labo arimood hadaan sooo koobo:
    1- In ilaahay loo noqdo oo la ogaado in cid cid wax dheer aysan jiri, isla markaana qof walba uu sugayo god madow badan oo aadan ka badbaadayn inaad camal wanaagsan samaysato mooyee.
    2- iyo in walaalaha la hayb sooco aysan quusan oo aysan u arag in cid wax dheer tahay balse ay aad isu dhisaan xagga diinta barashadeeda iyo maadigaba. Haddii aad isdhiibtaan oo aad aamintaan waxa dadkaan jaahilkaa ay idinka sheegayaaan inay run tahay waxay taasi keenaysaa inaad qalbi ahaan u dhimato. Marka qalbigiina iyo himadiina kor u qaada oo mar kasta Ilaaha weyn ee ina abuuray ku xirnaada. Hadaad saas samaysaan waad guulaysanaysaan aduun iyo aakhiro. Afeef haddii aan wax aflagaado idin ku ah aad qoraalkayga ku aragtaan iska kay cafiya. Wallaahi inaanan wax xumaan ah ama inaad dadka ka hoosaysaan aanan aamin sanayn. sidoo kale Soomalida kale Dulmigii walaaleheenaa aan heyb soocnay aan ka galnay waa waxa wadankeenii sida uu yahay ka dhigay ee aan ilaahay usoo noqono aan walaaleheena cafis ka dalabno,caadada xun oo aan diinta waafaqsanayna aan baa bi’ino