Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG oo kullan la yeeshay Wariyayaasha Qurba jooga ah ee ku nool dalka Kenya

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG oo kullan la yeeshay Wariyayaasha Qurba jooga ah ee ku nool dalka Kenya

Wasiirka warfaafinta Dowladda KMG ee Somalia Mudane Daahir Mohamud Geele ayaa maanta magaaladda Nairobi kullan kulla yeeshay qaar ka tirsan Wariyayaasha Soomaaliyeed ee qurba jooga ah kuna nool dalka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Mohamed Geele iyo Gudoomiye Siidii.

Wariyayaasha kullanka la qaatay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa hogaaminayay Mudane Mohamed Abdullahi Siidi oo ay dhawaan Wariyayaasha qurba jooga ah u doorteen gudoomiyaha Wariyayaasha qurba jooga ah

Kullankan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay Wariyayaasha qurba jooga ah la qaataan wasiir Warfaafineed tan iyo intii ay jirtay Dowladda KMG ee Somalia ayaa waxa uu ahaa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya wasiirka iyo Wariyayaasha qurba jooga ah.

Wariyayaasha iyo Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka iyo wariyaasha ayaa kullankooda oga wada hadlay guud ahaan arrimaha saxaafada ee Somalia gudaha iyo dibadaba iyo sidii loo mideeyn lahaa iyadoo Wariyayaashana ay warbixin kooban ka siiyeen wasiirka xaaladda suxufiyiinta qurba joogta ah.

Gudoomiye Mohamed Abdullahi Siidii ayaa wasiirka oga warbixiyay xaalka ay ku sugan yihiin Wariyayaasha qurba jooga ah iyo in dhawaan ay Wariyayaasha sameesteen nidaam ay ku mideeysan yihiin waxaana sidoo kalle uu Mudane Siidii oga mahadceliyay wasiirka sida uu ugu heelanyahay isu keenida Suxufiyiinta Somaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Mudane Daahir Mohamud Geele ayaa isna dhankiisa wariyayaasha qurba jooga ah ee uu kullanka la qaatay ku amaanay sida ay u abaabulanyihiin waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laban laabaan dadaalkooda ay ku doonayaan isu keenida saxaafada isagoo intaa raaciyay in tani ay soo dadajineeyso helida Xuquuqdooda

weriyee

weriyee1

Wariyayaasha kullanka la qaatay wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ahaa:-

Mudane Mohamed Abdullahi Siidii.

  • Fu’ad Mohamed Elmi “Fu’ad Deeqsi”
  • Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
  • Cali Baashi Haji Mohamed
  • Mohamed Abdi Salad
  • Hassan Sade Dhaqane
  • C/sataar Daahir Sabriye
  • Farah Mohamed Ali “Farah Blue”
  • Abdullahi Abdi Abdulle.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Nairobi-Kenya
sayfudiin@hotmail.co.uk

Suxufiyiintii ka Qalin Jebisey Machadka AL-Cimra oo sameystey Urur ay ku mideysan yihiin

Prof. Mohamed Cumar Dhalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamaanka DFG ah ee Somalia ayaa ka qayb galay xaflad ay hogaan ku dorteen Suxufiyiinta Al-imra oo ka dhacday Hotelka Barakaat ee magaalada Nairobi. –

dalxaa

Xafladan oo ay soo qabaqaabiyeen Suxufiyiinta Al-imra Branch one labadhagax ayaa lagu doortay gudoomiyaha Midowga Suxufiyiinta Machadka Al-imra Mudane Salad Mohamud Ulsow oo noqon doonaa Gudoomiyaha Al-imra Federation of Journalist “AFJ”.

Doorashada midowga Suxufiyiinta Al-imra waxaa ku loolamay mudane Mohamed Adan Hussein “Afyare” iyo Mudane Salad Mohamud Culusow .–

Codbixinta oo u dhacday si habsami leh ayuu Mudane Salad Culusow helay 20 cod halka Mohamed Adana uu helay 9 cod iyadoo hal codna uu halaabay. Ku dhawaad 30 Suxufi oo ka wada aflaxay Machadka Al-imra aya halkaasi codkooda ka dhiibtay.–

Gudomiyenka kowaad ee Barlamanka ee DFG Prof. Mohamed Cumar Dhalxa ayaa ka hadlay xafladas isagoona amaanay dadkii curiyay fikirka machadka saxafadda Al-imra oo ay ka soo barteen Suxufiyiin badan oo iminka ka howl gala warbaahinada kala duwan ee calamka isagoo xusay in midnimadaan ay samaysteen suxufiyiinta Al-imra ay tusmaynayso isu soo dhawanshaha Suxufiyiinta Somaliyeed madama ay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada

Dhan kale waxaa ka hadlay halkaasi Macalin Mohamed Osman Hussein “Newyork” oo ah macalinka wax baray suxufiyiintaas isagoo macalin Newyork sheegay in Midowgan lagu gaari karo horumar haddii la ilaaliyo dastuurka u dagsan waxaana kala uu sheegay tan iyo markii la furay Machadka Al-imra sanadkii 1995 ay ka qalin jibiyeen 55 dufcadood oo inbadan oo ka mid ah ay ku shaqaystaan wixiii ay barteen.

Waxaana kaloo xafladas ka hadlay gudoomiyaha suxufiyiinta dibad jooga ah Mudane Mohamed abdilahi adan “Siidii” oo sheegay in Midnimada Midowga Suxufitiinta Al-imra ay horseedayso in la helo meel loogu soo hagaago suxufiyiinta somaliyeed

Madaxa Warfaafinta ee ururka (JAJ) Mrs Canab Abdi Ahmed ayaa iyaduna xustay in talaabadan ay ku midoobeen suxufiyiinta Al-imra ay muhiim tahay ayadoo Canab Abdi ahmed xustay in suxufiyiinta ku jira uruukooda ay ka mid ahaayeen suxufin Al-imra wax ku soo baratay.-Sidoo kalle waxaa ka soo qeeb galay Xafladda wariyaal ay ka midyihiin Da’ud Aweys, Ayanle Xuseen, C/qaadir Dulyar, C/rahmaan Fure “British”, Layla Shiekh Adam, iyo wariyaal ka socday ETN TV iyo Radio Frontier FM.—Ugu dambayntii waxaa ka hadlay gudoomiya loo doortay midnimada suxufiyiinta Al-imra oo u mahad celiyay intii dooratay iyo inta aan dooran isagoo hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay Midnimada iyo uska warqabka

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@hotmail.co.uk

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG oo kullan la yeeshay Wariyayaasha Qurba jooga ah ee ku nool dalka Kenya "

  1. waxan waxa ka odhanaya xalada somaliya waxan lahay hala tageero dawlada KMG