Home » Warar »

Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabagabeeyey Dugsiga Agoonta ee SWACRO

Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabagabeeyey Dugsiga Agoonta ee SWACRO

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah (GUJI)

Tartankaan oo ay maalgelinteedu laheyd shaqsiyaadka kala ah Xabiibo oo ah Fundraising Directorka SWACRO iyo saaxiibteed Ayaan oo qeyb weyn ka qaadatay, iyo dad ku kala nool Minnesota iyo Boston kuna sugan dalka Mareykanka ayaa ahaa mid ay ugu talagaleyn kor uqaadista aqoonka agoonta SWACRO.

Intuu uu socdey tartankaasi waxaa socdey is reebreeb, balse labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa waxaa isku soo harey 10 ardey, weli iyadoo ay socotey tartankaas ayaa ugu dambeyn waxaa isku soo harey seddax ardey, ahaana ardeydii agoonta ahaa ee lagu furey dugsiga Agoonta ee SWACRO
Kaalinta koowaad waxaa helay Maxamed Xasan Abuubakar, kaalinta labaad waxaa galay C/qaadir Cusmaan Axmed, Kaalinta sedaxaadna waxaa gashay Sahro C/laahi Ibraahiim. Sedaxdaas ardey midba kan kale kuma uusan liidan.

Waxaa ardeydaas daba joogey ardey kale oo iyaguna kaalimaha ka hooseeya galey Gudiga tartanka ayaa markii dambe soo jeediyey in ardey walbo la gudoonsiiyo abaalmarintii uu ku guuleystey.

Amiin Yuusuf Khasaaro, iyo Yaasmiin Mayow Maxamed kana mid ahaa SWACRO kana qeyb galay dhamaadka xafladaas, ayaa mid mid u gudoonsiiyey abaalmarinadii. Sedaxaad ardey ayaa wada helay, abaal marin midkii ugu weynaa ee la bixiyo ahna kitaabka quraanka kariimka., iyo weliba lacag u dhiganta 30$ 20$ iyo 15$, halka ardeydii kale ay kala heleen macmacaano ka kooban Nac Nac iyo Buskut.

Ugu dambeyna dhamaan ardaydaasi waxaa laga wada simey hadiyo kala nooc nooc ah. Intaa ka dib tan iyo waqtigii la aas aasey dugsiga waxaa ka qalin jibiyey ardey 5 gaaraya, iyagoo wada dhameeyey dhamaan 114-ta quraanka kariimka ah.SWACRO ayaa si gaar ah ardeydaas waxay la kulmeen waalidkii dhalay ubadkaas, waxayna u hibeeyeen dhaqaalo kor loogu sii qaadaayo niyada ubadkaasi. Xaflada oo ay ka soo qeybgaleyn qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada ku yaala degmada Afgooye ayaa aad ugu farxey horumarka ay ku talaabsadeen macalimiinta SWACRO iyo ardeydoodaba.

Waxayna yiraahdeen gacmo wadajir bey wax ku gooyaan, waxaan ogaaney maanta iyo Soomalidu dhexdeeda ay wax is tari karaan, waxaynu leenahay haka daalina dhamaan inta gacanta ka geysatey niyad wanaaga agoontaani.

Ugu dambeyn waxaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey Madaxa SWACRO ee geeska Afrika Yaasmiin Mayow, waxayna wax ka sheegtey qaabkii lagu aas aasey dugsiga iyo heerka uu maanta joogo, waxay tiri bilowgii aas-aaska waxaa lacagtii ugu horeeyey soo direy wiil Soomaliyeed kuna sugan Swedan, waxaa lagu aas aasey hal qol oo kira ah, kiradaas waxaa bixin jirtey gabar Soomaliyeed iyana ku nool wadanka Canada, ilaa Accoun loo furo ka dibna dhulkaan weyn ay Milki ahaan u yeeshaan agoonta SWACRO ee Afgooye ay helaan, hadii aan la dadaalin waxba lama helaayo, balse waxay tiri “weli waxaynu jecelnahay caruurta kale ee Agoonta ah oo ay SWACRO gacanta ku heyso inay meel walbo oo ay joogaan ay helaan hoy waxbarasho oo u gaar ah waa hamiga aynu leenahay ee walaalayaal nagu garabsiiya, Yaasmiin ayaa sidoo kale tiri “anigoo ka faaiideysanaya fursadaan qaaliga ah waxaan rabaa inaan u soo jeediyo

gabar1

walaalaha xilli walbo nala garab taagan taakuleynta, inaysan naga daalin oo aan bilowno aruurin dhaqaalo agoonta kale ee SWACRO dhul loogu iibin doono sida kuwa Afgooye oo kale. Xaflada waxaa uu ku dhamaadey kawi degan iyo niyad wanaag, waxaase rajeyneynaa in sanadka kale ee soo socdaa haddi Eebbe idmo in la heli doono ardey ka badan tiradii Quraanka dhameysay, maadooyinkii kalana kaalimo wanaagsan ka gashay kuwa ka sii badan.Insha alaah,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabagabeeyey Dugsiga Agoonta ee SWACRO "

  1. Cabdi xaafid says:

    Asc
    maanshaa allaah farxadan kadib ilaah ayaa ka abaal marin macalimiintan ardaydan soo saartay,waxaana kula talin dadkeenan quraba joogata ah inaan ardaydaas wax udirno si ay wax barashadooda ugu sii dhiiranaadaan.khayr ayaana idinkaga tagay.

  2. Amal says:

    Maasha Allah this is great. I am so proud
    of what you guys are doing this is a great cause. May Allah bless your soul.

  3. axlam says:

    maansha allah waa wax lagu farxo,caruur agoona oo intaala eg qofka wax baray illaah kasokoow,waxaan leeyahay bahda swacro dadaalkiina halkaas kasii wada dad badan ayaadna tusaale utihiin,Amiin iyo yaasmiin iyo intii ka qeeyb qaadatay,illah ha idinka abaal mariyo

  4. maslax says:

    asc

    maasha allah waa wax lagu farxo runtii lagana garan karo waxa qof la yar inay meel kale qiimo ka leeyihiin wax wayna bedeli karaan waxaan leeyahay inta wax tarka bixisay iyo inta gacanta ku haysaba ilaahay janno ha idinku abaal mariyo wuu awoodaaye dadaalkana wada wsc wr wb.