Home » Warar »

Yaasiin Garaad: Qofkii C/laahi Yuusuf Mabd’a uga soo horjeedeyow, Shariifkaa ka daran

Yaasiin Garaad: Qofkii C/laahi Yuusuf Mabd’a uga soo horjeedeyow, Shariifkaa ka daran

Telefishinka Somali Media ee magaaladda Minneapolis ayaa Jimcadii (Sept 19, 2009) waraysi uu la yeeshay Yaasiin Garaad, oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee deggan magaalada Minneapolis. Waxana uu tibaaxay qofkii Sheikh Shariif aan ku raacin mabda’ ee ku jeclaa dano shakhsiyadeed, in uu dabaal-dego oo inta uu kiraysto convension-ka (guriga lagu qabto shirarka ee Minneapolis) uu sacab tunto. Laakii qofkii mabda’ ka tarjumaya riyadiisii lama gaarin, ayuu yiri. Asagoo arrintaas ka hadlayey Yaasiin Garaad waxa uu yiri:


Yaasiin Garaad

“Qofkii C/laahi Yuusuf u nebcaa ama waa reer hebel, ama waa dheer yahay, ama waa cad yahay ama waa madow yahay ama waa gaaban yahay, qofkii Cabdullaahi Yuusuf u nebcaa, ama ina adeerkay ma aha ama tolkay ma aha, ama dano shakhsi ah u nebcaayow, Shariifna u jeclaa ama waa reer hebel, ama waa ina adeerkay ama waa tolkay ama dano shakhsi ah u jeclaayow, waxaan ku dhehi lahaa xilligaagii waa la gaaray, ee dabaal deg oo convensionka kirayso, sacabada garaaco, ama ku dabaal deg in aad goolkaagii gaartey, waadna gaartay, waa haddii aad sidaas u fekereysid. Laakiin haddii aad C/laahi Yuusuf uga soo horjeedey mabda’, amxaaro dabada lagu wato, qabqablanimo, 4.5, qabyaalad, dad laxasuuqo, barakac, burbur, haddaad mabda’ uga soo horjeedey waxaa weeye intii C/laahi Yuusuf lagu haystey iyo in ka xunba tan Shariif ayaa maanta dabada ku sidata. Marka qofkii mabda’ ka tarjumayow riyadaadii lama gaarin, hadafkaagiina kuuma rumoobin, halgankaagiina miro kuuma dhalin.


Sakariye Xaayow oo waraysanaya Yaasiin Garaad

Telefishanka Somali Media ayaa tilmaamay in “Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif uu iman doono magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota”. Waxana TV-gu sheegay in dad badani ka hadlayaan (ama wax iska weydiinayaan) booqashada Shariifka iyo waxa uu ka hadli doono.

Reer Minneapolis ayaa ka mid ahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah kuwoodii taageeradii ugu xoogga weyneyd u muujiyey maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo ka soo horjeedkii Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya iyo sidii looga saari lahaa.

Yaasiin Garaad waxa uu xusay in ay jiraan qodobo aan taariikhdu ka cafin doonin Shariifka sida “haddii (Shariifku) uu ku doodaayey C/laahi Yuusuf dhulka Soomaaliya ayuu bixiyey oo Itoobiya faraha ka saaray, isaga maanta Indian Ocean (badweynta Hindiya) ayaa lagu hor gatay.” Yaasiin waxa uu xusay heerarkii ay soo martay Soomaaliya la soo bilaabo 1969. Taas oo kuwa hadda jooga (xukuumadda Shariif) ay marayaan “Berrigii la xaraashye anaguna badda aan ka bilowno,” ayuu yiri. Waxana uu raaciyey “Haddii kuwaasi berriga gadayeen, kuwanina badda ayey gadeen.”

Video-ga oo uu soo saaray Cabdimaali Askar ee Somali Media, laguna waraystay Yaasiin Garaad ka daawo http://www.youtube.com/user/somalitalk ama hoos.

Video-ga hoos ka daawo:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

2006: Soomaalida Minneasota oo Bannaanbax Ballaaran ku dhigay Minneapolis
Bannaanbaxaas oo looga soo horjeedo Duullaanka Itoobiya ku soo qaaday dhulka Soomaaliya…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

25 Jawaabood " Yaasiin Garaad: Qofkii C/laahi Yuusuf Mabd’a uga soo horjeedeyow, Shariifkaa ka daran "

  1. Addoon-Alle says:

    MR. GARAAD WAXAAN WEYDIIN LAHAA, BADDA SOOMALIA HADDII SHARIIFKU GADANAYO MUXUU INTERNETIONAL MEDIA U SOO HOR ISTAAGAY OO MUNAASABAD LOOGU SAMEEYEY XAFLADA HESHIISKA ISFAHAMKA, WAXAAN ORAN KARAA NIN TUUG AH OO BAD DHAN GADANAYA SAXAAFAD UMA SOO BANDHIGEEN INUU WAX XADAYO EE WUU QARSAN LAHA SI HOOSE, GOOR DAMBE AYAANA LA OGAAN LAHAA, MARKA WARKAAS SI QALDAN IN LOO TARJUMAY AYAAN FILAYAA SHARIIFKUNA HADDII UU WAX GADANAYO WAXYAABO BADN OO UU GADAN KARO AYAA JIRTEE BEENTA ISKA DHAAFA IYO BOROBOGAANKA.

    WEY JIRTAA INUU QALAD GALAY, LAAKIIN OGOOW HADDII AANEY JIRI LAHEYN KUWA DIINTA KU MANA SHEEGTA EE BEENAALAYAALKA AH IN QALADKAASI AANU DHACEEN, MARKII HORENA DAACAD AYAA LOO HEYSTAY IYO INAY DIINTA RUN KA SHEEGAYAAN MARKII UU ARKAYNA SHARIIFKU INAY DOONAYAAN INAY USAMA KU SOO DHOWEEYAAN DALKA MARKA AY LAAYAN SOOMAALIDA OO DHULKA OO HOWD IYO AY KEENAN MADAXDA AL QAACIDA WUUNA KA SOO HARAY WUUNA KA HOR YIMID SXB.

  2. ahmed says:

    muhiim maaha in la weydiiyo taageerada uu urur u haayo yaasiin ama shaqsi soomaali ah walaalayaal waxa naga dhexeeya ah magaca somaliya dalkeena aan u dadaalo gacmahana aan is qabsano urur meel ku tagimeyno 20 yaan ku qasaarnay nin walba oo soomaali ah inta aad dalkaaga & dadkaaga u qaban karto samey ka dibna hal dan yaan isugu imaaneynaa taas oo ah dalka & dadka inaan badbaadino

    wabilaahi towfiiq

  3. cali says:

    Yaasin, waan ku aqaan sxb. Waan runtaa cabdullahi qalad buu galay, shariifkuna qalad buu galay. laakiin, adigu soo ma taageersanid alshabaab oo ayagkuba qalad galay. ninyahow waxaan ku dhihi lahaa is daji. Mar walba qof baad wax ka sheegtaa. siyaasada somaalia moryaan ayaa hor boodeeysa marka in aad mid gooni ah aad farah ku fiiqdid sax ma’ahan. waxaad moodaa in aad shriif uga soo horjeedid dano ku gaar ah. hadiise aad shariif kuneceeysid siyaasid xumo, maxaad u taageertaa siyaad bare. anaa ku arkay adoo amaanaya.

  4. Hadji Adde says:

    Asc.. dhaman walayaal..
    Xaalka somalia waa la wada ogyahay..anaga iyo yaasiinba..waxa naso wada qixiyay wa wadan xasilooni ka jirin..waxa la isku aheystana wa siyaasad diini qeyb ka tahay..waxa loo bahan yahay maanta in la taageero wax alla iyo wixi soo celin kara jiritaankii somalia iyo sharaftii ummadayada..hataa hadi ay dhacdo in uusan qofka no talinaya uusan sameynin wixi ay aheyd inu sameeyo…waxa an kuso koobaya muslimiinta caaalamka naga cilmi badan diina naga taqaan sida ay ku noolyihiin aan ku noolaano…TURKIGA,EGYPT,KUWEIT dhaan dadka tastuur ba u yala wa ayna ku dhamaan diintoodana..anaga sido kale tastuurka hadi u san kujirin wax gaf kuah diinta an ku dhaqano is ma diidayane (EXCEPT 4.5)….tan kale walal yaseen su al shi lagu weydiiyay ma adan ka jawaabin YAAD ADIGU TAAGERSAN TAHAY?..somaliyey dad realastic ahan noqono diintana ku dhaqanka wax ka horeeya barashee an barano….

  5. aw daahir somali says:

    Saddex-da video ba waan daawaday,ninkaan yasin garaad,hadalkiisa wuxuu ka dhammaan waayay,abdulahi yuusuf ayaa loo daba maray kursigii..inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicun.

  6. ayan says:

    asalaama caleykum dhaman umada musliminta intaas kadib horta yasin garad waxuu bixiyaya jawaba wanagsan laakin ninkan la dhahayo wuu imanaya horta cidna wax uguma fadhido waayo cabdullahi yusuf amxaro buu waytaya asgana waxuu wata amison marka ma itoobiya baa gaalo aha oo amison waa islam waa suaal mudan inaan is waydino waxaan u malaynaya qof caqli leh inuuna taageri karin ninkan ma sheegin ninki qabil u taageraya laakin mada kale oo lootagero ma wato just waxuu is leyahay ciidamo dalbo dadka xasuuq laakin waxaan lenayahay taageradada shalay heleysay mantay ma jirto dadki shalay itoobiya xasuuqaysay iyo kuwan amison xasuuqayso waa isku mid ismana dhaman ee iska baashal addunkaga baan anigu ku dhihi laha kolay akhiro xisaab way ku sugaysaye shalay marki u horkacayaya maxkamadaha waxuu laha gaalada ha lala dagalo oo itoobiya waa cadowga somaliya marki la doortayna wadanki u horeyaya uu tagay waxaay ahayd itoobiya shariifow ma islamaya mala zanawi waayab waa waxuuna dhagaysan kari qof dabiir leha marka shariifkan ki shalay ma ahane waa ku kadib dhashay aniga figradayadi waxaan ku soogoobayay walaalayal shariif marki usa duqaysay somaliya malinti dhawayd kama hadlin malinti la qarxiyay farisinki amison waan ogayn idacadaha oo dhan buu ka hadlayaya oo ka dacsidaynayay marka somaliya ilahay ha siiyo doowlad cadila oo kutubka quraanka ku dhaqado xiligi qabilka kaga soogudub waan isna salmaya markale

  7. Dhili dhili says:

    Sln waxa iga codsi ah in aysan somalida kudhaqan mareykanku aysan sodhaweyn shariifka marka aan saas leyaheyna ma ahan inaan kasoohor jeedo shaqsiyadiisa ee waxaa hadalka iga keeney waxaan dhamaanteen lasoconaa in ay cidamada amisom ay malin walba markuu wiil ku sorido hal hobiye ay dhahayaan xamar waa intee xaafadood oo ay xaafad walba ku ridahayaan 50 mad fac oo ay jogaan dad masaakiin ah ciidamada noocaas ah ayuu shariif ku maalin walba codsanayaa in loosookordhiyo . Wabilahi tawfiiq

  8. am says:

    asc
    somaalidu kursi ayay u ordaysaa, shariifkuna waa ka mid. Weli ma hayno hogaamiyihii ummaddan danteeda ka hadli lahaa ama dhibaatadeeda ka damqan lahaa, markaa weli waxa lagu jiraa xilligii burburka & barakaca ee ha la samro, shariifna waa khaa’inul wadan, bad & berriba gatay.
    Ilaahay ummadda ha ka qabto isaga & inta la mid ka ahba…allaahuma aamiin.

  9. Jama Burale says:

    waan ku raacsanahay Yaasiin fikirkaa 100%,
    laakiin waxaan leeyahay yaan la qaadicin ee ha la tago conv. centerka si aaney u tagin 500 oo u wada sacabtumaya oo aanu moodin in la wada taageersanyahay.
    Waa in aan tagnaa oo aan ku orinaa dhabarkana xijinaa

  10. Maxamed Soomaali says:

    SHEEKH SHARIIF maba ahan inuu soo booqdo Soomaalida qurbaha. ma asagaaba xal keenay waa aragtaan wadankii dhibka ka taagan dagaal iyo qax waxaan ahayn lama hayo. Sheekh Shariif waa inuu xal keenaa ama is casilaa iskana daayo safarada aan macnaha lahayn uu ku aadayo dibada runtii waa ceeb wayn in Sheekh Shariif iyo wasiiradiisa dagaan Hotel ugu qaalisan shacabka Soomaaliyeed lagu xasuuqo madaafiic .

  11. Wadani says:

    Waxaa aad ii qanciyey sida uu runt uuga hadlay Yasin waxaa loo baahanyahay in la isweydiiyo war muxuu ahaa moqifkeenu? maxaa isbadaly?

    madaxweyne shariif hadii uu subaxdii hadal kuu sheego galabtii wuu kaaaga baxayaa, waa qof aanan lahayn aragti somaliyeed iyo mooqif daacadnimona ka fogtay isagoo bil ka yarhaya ayuu saxiixay hishiiskii ugu horeeyey ee khiyaamda qaran. waxaan idin su aalayaa aaway shacabkii tagersanaa, maxay maanta u taageriwanyeen?

  12. Ceelasha Biyaha says:

    Sheekh uways hadii loo dhiibi lahaa Somalia way isbedeli lahayd. Sheekh shariif Danihii aanu usoo halganay ayuu kaleexday. Markii ladoortay Haraagii C/Yusuf ayaa weli kuharay meesha waana uudiiday inuu kasifeeyo meesha. Ina-C/salaan oo cabdulahi tuuray shaqo muusinin. Shariifka qabiilkiisa ayuu hoosta kagalay nin Puntland ah waxuu umagacaabay lataliyaha madaxwaynaha xaga amniga guud ee Somalia. sheydaan ha-kulataliyo.

  13. aad baan ugu faraxsanahy marka hore taladii yaasiin garaad yaasiin garaad qaladka shariif marada ayuu ka fiiqay lakiin waxaa is weydiin mudan wali aniga ma arag qof qaldkiisa la tuso oo wali dib u saxa sh. shariif bada iska daa hadii cirka beec lagu helo hagato sababtoo ah waamadaxweyne soomaaliyeed waxaad arakysaan in xil loo dhaarto hadan wadankaan burubrka jiray mudada 19ka sano hadana dhaarta waa la iloowaa wadanka ayaa laga naqystaa cabdulaahi yuusuf ayaa la doortay asag wadankii kama naqeysan dakii ayuu ka naqeysatay dad badan ayaa barakacay dhintay curyaan noqday asagoo la dhahaayo waa in hebel wadanka ayuu itobiya soo geliyay shriif haduu madaxweyne soomaliyeed yahay dad ma harin duunyo ma harin amisom oo duqeynaysa shacabka ayuusan waxba ka dhihi karin marka waxaan aniga leeyahay shariifka miniyabolis ha lagu soo dhaweeyo kab ha lagu sagootiyo sidii bush

  14. amiin ali says:

    aadbaan ugu farax sanahay war bixinta yaasiin balse talo ayaan u hayaa reer minniyabolis si fiican haloo soo dhaweeyo marka hore marka xiga kabo halgu sagootiyo sidii bush by amiin

  15. s/midnimo says:

    yasiin garaadow maxay tahay waxa aad ku hadashy dishonesty aqoonyahan like samatarad ookale .by

  16. somaliwajuma says:

    scw
    Shariifka ina yeey laguma matali karo shariifku waa xal doon ina yeeyna dhibka jira ayuu ahaa oo xalka loo raadinayey kuwa dagaalda wadana iyo ina yeeyna waa isku caqli oo waxay isaga mid yihiin meelo badan oo ay kamid tahay qori caaradii in wax lagu xaliyo. sh shariif kuwii shalay umada horkeenay ee yiri isagaa na hogaaminiya ayaa hadana leh maya marka haduu xunyahay iyaga waa ay ka daran yihiin, ninkii ay shalay iska soo dhexsaareen ee ugu wanaagsanaa isaguu ahaa inay raacaan bayn aheyd waana dad iyagu raadinaya mansib shacabka soomaaliyeedna kama soo horjeedaan shashariifka ee raali bay kayihiin ina yeeyse shacabkii baa ka horyimid.

  17. tajir says:

    aniga inta ildanta ah waxaan tagersanahay somalimedia mpls u wariyaha kayahay sakriye adan saki xaji xayga

  18. Danyar says:

    Syl waxaa fashiliyey Kuwo habeenkii la shiri jiray gumeysiga maalintiina syl ahaa.Waxaeeyna markii dambe la soo baxeen gawaarida marsediska oo ay ka gateen dhaqaalihii gumeysigu siiyey.iyagaana la wareegay dhamaan xubnihii dowladda meelihii ugu muhiimsanaa.Goormaa laga tegay waxaas oo dhan .Salaan iyo kala taga soomaaliyeey.ilaah baa idinn maqan.

  19. Wadani says:

    SCWW Salan Kadib
    Yaasiin Garaad Mahadsanid cadeyntaada
    shirkii USD ay ku qabatey Minneapolis oo ay ku cadeysey Taageeradii wadaninimo.
    baan ubaahanahay in aad nooqabataan
    Wax aan Abdullahi Yusuf Kadiidney cidna ka yeeli meyno. USD haguuleysto

  20. shaad says:

    bacda salaan.
    waxwaliba qadarta Alah ayay kudhacaan,cid baajin kartana majirto,waxaase ii muuqata indhamaan siyaasiinteenii aykuwada fashilmeen waxii loo idmay,waxaa muuqata in ay hada soobexeen firqooyin kudoodaya anaga saxa iyo anagaa saxa

    waxaan qabaa in xalku ku jiro in lasoonooleeyo SYL oo ah kii xoriyada dhaliyey ayna kumidoobaan dhamaan dhalinta soomaaliyeed gobolada oodhana kakooban,waxaanse xusayaa in dowlad kusheegtan ama carta2 ay horseeday burbur iyo dadkii oo loo kala saaray diin shaadh qabiil losoogeliyey iyo gaaladan Afrikaanka ee dadka masaakiinta ah xasuuqaya,iyo ragan koofiyadaha u gashay dilaannimo iyo kutuugsi calankii soomaaliyeed ,balse aan eegno meesha IBBI iyo shariif Xasan inna dhigaan ILEYN dowladdii dhamayd IYAGAA tuurta kusita OO marba meelku dilaalaya,mawaxaas baynu dawlad ku sheegnaa. A A SHAAD NORWAY

  21. bashi says:

    asc marka hore, marka xigka yasin garad waxa oo ka hadlay ra’yegiisa laakiin ma laqaban somalida kale ??taas waa ye su’aasha, laakiin aniga ahn waxan qabaa in shariif uu yahay madaxweyne daacad ah.

  22. ali mahdi says:

    acww waxaa mahad oo dhan iska leh alle wayne bacdi yasin garad waa cabiray ra’yigiisa waxana filayaa inuu cad yahay qiyaastuna tahay sida uu shegay yasiin garad hadaba waad aragtaan dowladii waxay noqotay dulaaley ee maxaa dan u ah aayaha umada somaliyed
    jawaab waa in laga soo hor jeestaa af iyo adinba jeeblayaashaas dowlada sheegayana hadii aysan bedelin waxa ay wadaan ee boobka ah ciduu doono ha ahaadee
    by ali mahdi U.S.A

  23. sc/ww
    bacdu sallan dhamaan umada soomaliyeed inta fiyoow waxaan oran lahaa waxba isma dhaamaan kuwaan kuu doonadabaiyo qabiilkuu doonaba ha ahaadee waa kursi iyo shillin doon,shariifka/ina c/rashiid c/laahi yuusuf&geedi/xassan daahir aweey&alshbaab kuli waa tuugo rabo iney shacabka laayaan oo shilimaadka ay gaalada ka tuugaan jeebka gashtaan marka waa suaal culuse yaa la aaminaa,maxeeyse tahay in mar walba UNka=the west ay noogu dooraan hogaamiye aan anagu dooran soomali weeyn,hadaan nahay soomaali dhalinteeda kuwa gudo iyo dibad waxaan rabnaa in soomaliya iyo hogaankeeda gacanteena lagu soo celiyo (fed up)ayaan ka nahay un.eu au arab unit igad.waa in ay arimaha soomaaliya u daayaan soomalida.waxbaan kala dhex galaynaa bay ku leeeyihii dhex galkooda inta nooga dhimaya naga dhiman dagaa;ladii qabiilda,soomalia for somalis.peace.

  24. dulmidiid says:

    WAXAAN U ARKAA INUU SOO BANDHIGAY DOOD XALAAL AH, LAAKIIN XALKII WELI WAA KA MAQAN YAHAY MEESHA MANA ARAG TUBTA XAL KAMA DAMBEYS AH LAGU GAARI KARO OO KA YIMAADA AQOONYAHANKEENA. SIDAAS DARAADEED SOOMAALI WAA UMMAD HABAAR KU DHACAY. SAAXIIBKEYNA DOODIISA WAA XALAAL ASAGA IYO 2 PROF EE WALAALAHA AH EE KU NOOL MN.USA.

  25. Dayib Qalib says:

    Maanshalaah Yaasiin Garaad aad iyo aad baad oogu mahadsantahay, walaalkeeyna Soomaaliyeed si wanaagsan baad noogu faaideeysay.