Home » Idris »

SOOMALIDA IYO RAMADAANKA MAKKA | Sh. Maxamed Idris

SOOMALIDA IYO RAMADAANKA MAKKA

Makkah Al Mukarramah – Muxamad Idris

Xaramka Barakaysan siduu xalay 29 Ramdan, Khatmigii Qur’aanka u buux dhaafay.

Caawa 29/9/1430 (18/9/2009) ayaa Masjidka Kacbada lagu soo khatimay Qur’aanka Kariimka ah oo lasoo wadey 29 habeen oo bisha barakaysan ee Ramadan ah. Habeen Kasta sida caadada ah waxaa Masjidka Xaramka ah ee Kacbada lagu tukadaa 20 Rakcadood Taraawiixda iyo hal Jus oo Qur’aan ah. Markii Tobanka hore dhamaado ayaa Juska wax yar habeen walba lagu daraa si habeen 29aad (caawa oo kale) loo khatimo. 10 habeen oo dambe waxaa la tukadaa Tahajjud laga bilaabo 1 am. Marka 20 cisho oo hore qofka cishaha Xaramka ku tukada wuxuu tukanayaa 4 cisha ah + 2 sunna ah + 20 taraawiix ah + 3 witri ah = 29 Rakcadood. Haduu sunnayaal kale ku darsadana kasii badan, sida sunnaha dawaafka oo kale. 10 habeen ee dambe waxaa intaa raacaya 10 Rakcadood oo Tahajjud ah, wexeyna habeen walba noqoneysaa 39 Rakcadood inuu ruuxa Xaramka jooga ee wada dhamaystaa uu tukado.

Masjidka Xaramka Makka, 1 salaad wexey u dhigantaa 100,000 salaadood oo meel kale lagu tukadey. Waa ajar aad u weyn oo aan xisaab lahayn qofkuu Rabbi u aqbalo. Si kale haddii loo xisaabiyo, hal salaad oo ilaahay kuu aqbalaa wexey ajar u dhigantaa salaad aad meel kale ku tukatey in ka badan 54 sanadood. Waxaa intaa weheliya fadliga xaramka oo ay ka mid tahay:

Salaadda = 100,000 salaadood
Dawaafka Kacbada oo aad markasta heli karto
Zamzamka oo aad ka durduurato oo waxkasta oo loo cabo ah
Jamaacada adduunka ugu badan 1 milyan ilaa 2 milyan ooh al imam leh
Qibladii Muslimiinta (Kacbada) oo aad u jeeddo markaad tukaneyso
Janaaza aad salaad walba ku tukato (Ajarkeedu waa buurta uxud oo kale)
Muslimiinta adduunka meel kasta ku nool oo aad wax ka aragto
Cimrada oo waqti kasta aad gudankarto (Dawaaf + Safa iyo Marwa + timaha xiirid ama gaabin ragga – dumarkana in yar tinta caaradeeda la gooyo, cumradiina intaas ayey ku dhamaatay.
Meelaha ducada lagu ajiibo oo ku badan: Maqaam Ibrahiim,Multazim, Xajarul Aswad, Xijri Ismaaciil, Safa iyo Marwa, Dawaaf,Zamzamka,iyo Masjidkoo dhan.

Sanadkan waxaa Salaadda Taraawiixda tujinayey Sh. Abdalla Al Juhani, Sh. Maahir Al Muceeqili oo taraawiixda ahaa, Sh. Cabdiraxmaan Sudais, Sh. Sucuud Al Shuraim oo Tahajjudka ahaa. Caawa ayuu Sh. Sudais 10 rakcadood ee dambe taraawixda tujiyey, waayo Ducada Khatimka Qur’aanka isagaa loo daayey sida caadadaa, 20 sano ee u dambeesey, wuxuuna ka dhaxlay Imaamkii hore ee Xaramka ee lahaan jirey ducada khatimka qur’aanka Sh. Cabdalla Al Khulaifi, Allaha u Naxariistee, oo ahaa nin ducada aad ugu fiican oo khushuuc badan, 2dii sanoo u dambeysey noloshiisa ayaa lagu wareejiyey Sh. Sudais oo Beddel fiican u galay.

SOOMAALIDA IYO CUMRADA RAMADAAN

Waayadii hore Soomaalidu Cimrada Ramadaanka kuma badnayn. Waxaan garanayaa 80yadii Soomaalida soo cimraysataa wey yarayd. Dadka soo cimraysta oo dhanna sidoodaba wey yaraayeen, oo xaramku ma buuxsami jirin. Waxaan xusuustaa 1981dii mar aan 10kii dambe xaramka joogney, dabaqa labaad ayaa fariisin noo ahaa. Ballaarina Boqor Fahadna markaa weli lama fulin. Sidaas oo ay tahay, dadka jooga dabaqa labaad wexey ahaayeen waqtigaa Teel Teel. Tiirkan haddaad fadhido, dadka kuugu soo dhow wexey fadhiyaan tiirka kale. Habeenadaas ayaa ugu horreysey oo Sh. Cali Jaabir Allaha u Naxariistee inuu ka tujiyo Xaramka Makkah. Habeenkaa 1aad ee uu dadka tujiyey wuxuu ku istaagey aayadda:

(إنك ميت وإنهم ميتون ثم إنكم يوم القيامة عند ربكم تختصمون) سورة فصلت waan xusuustaa ilaa hadda, dadku iyagoo la murqaansan wiilkan codkiisa ayey hal mar goobtii Imaamku taagnaa dho’ kusoo yiraahdeen. Waxaan ka mid ahaa dadkii habeenkaas taagnaa ee indhaha lasoo raacay. Ka dibna dhawr sano isaga iyo Sh. Sudais oo kadib yimi, wexey kusoo saaxiibeen tujinta, kadibna Sh. Cali Jaabir waa laga joojiyey Xaramka wax loogu duur xulayba, wuuna xanuunsaday, markuu caafimaadayna wuxuu ka tujin jirey Masjid Jidda ku yaal oo la yiraahdo (Masjid Buqshaan). Waxaa isla Sanadkaas isna Masjidka Makka ka bilaabay taraawiixda Sh. Cali Al Xudayfi, oo dhawr sano ka dib loo magacaabay Imaam Masjidka Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam ee Madiina, ilaa Haddana ka ah.

Laakiin waxaa Mahad Ilaahay ah, in maanta Xaramka Makka markaad gasho aad arkeyso Soomaali aad u fara badan, oo weliba dhalin yaro u badan, marin kasta oo xaramkana kaaga hor imaanaya, rag iyo dumar, weliba dadka dibadda, Halka waayadii hore 70yadii iyo 80ydii ay iman jireen inta badan dad da’ weyn oo keliya.

Xaramka Haddaad gasho waxaad arkaysaa Soomaali aad u fara badan oo dhalin yaro weliba u badan, kana kala timi daafaha adduunka, Maraykan, Kanada, Europe oo dhan, Afrika gaar ahaan Kenya oo si aada sanadahan dambe looga soo cimraysto. Balse shacbaankii waxaaba joogey dhawr rac oo dhalinyaro ingiriiska iyo Scandinavianka ka yimi, oo gruupa ah, kiiba 100 ku dhowyahay.

Kacbada sharafta leh Salaadii Fajarka kadib 24kii Ramadan, 1430 (Sawir khaasa)

Arrintani waa mid farxad leh, wexeyna daliil muuqda u tahay, sida baraarugga Islaamku u taabtay bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, cimrada keliyana maaha ee xajkana sidaas si kasii weyn ayey Soomaalidu sanadahan dambe u soo xajisaa.

Wexey kaloo daliil u tahay, baraarugga Islaamka kasokow dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed oo soo kobcaya, waayo kharashka cumrada iyo xajku sanadahan dambe kor ayuu u socdey.

Waxaad arkeysaa dad kala duwan tujaar, arday, profasooro, aqoon yahan kala duwan, culimo, siyaasiyiin, shaqaysato badan oo xirfada kala duwan leh, oo xaramka ramadaanka ku ictikaafaya.

Waxaa Soomaalida joogtey xaramka ka muuqatey murugo ay ka qabaan dalkii hooyo xaaladdiisa, iyadoo aaney ka marnayn mararka qaarkood Masjidka gudihiisa ama banaanadiisa inaad ku aragto somaali ka doodeysa arrimaha dalkoodi ka taagan, iyadoo ay muuqato sidey u kala taageersan yihiin qaybaha is haya. Dadka qaarkiisna wexey aad isaga ilaaliyaan intey joogaan xaramka iney hawlahaas soo hadal qaadaan, ama xitaa cid kale la sheekaystaan oo wexey jecelyihiin maalmahaan yare e fadliga badan iney si fiican u khalaaweeyaan, Allohoodna baryaan oo dembi dhaaf weydiistaan.

Duca Badan ayaa Makka looga duceeyey Soomaaliya, gaar ahaan inta diinta xaqqa ah u gargaareysa Ilaahay inuu u gargaaro, guul siiyo, taladooda mideeyo, Cadawga Islaamka iyo Muslimiinta iyo wixii garab siiya ama hiil u noqdana Ilaahay inuu hoojiyo, jebiyo, halaago, dhagartoodana Ilaahay Muslimiinta ka badbaadiyo oo laabtooda waran ku dhaca ka dhigo.

Marka laysku soo duuduubo, xaramka Soomaalidu sidey ugu soo badaneyso sanadahan dambe, siiba dhalinyarada iyo aqoon yahanka iyo baayac mushtarka, wexey qofka muslimkaa gelineysaa yididiilo in Ummadaani soo socoto inshallaahu, waa fiicanina usoo bidhaami doono ilaahay idankii, sababta dagaalka kala duwani ugu socdana ay ka mid tahay dareenkaas la dareemayo iney tahay Ummad diini kasoo iftiimeyso.

Sh. Muxamad Idris

hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMALIDA IYO RAMADAANKA MAKKA | Sh. Maxamed Idris "

  1. Mohamed hassan biikole says:

    Jazaakalaahu qeyran sh muxumad idris,intaan aqrinaayay maqaalka waxaan u maleynaayay in aanbo ku suganahay goobahaas barakeysan,dhowr mar ayaan ku celceshtay wuu igu yaraaday.