Home » Sports »

Ciyaraha Bisha Ramadan ee magalada Karachi

Ciyaraha Bisha Ramadan ee magalada karachi.

Waxa tariiqdu markey aheyd 10-kii bishan Ramadan si rasmi ah uga bilowday magalada karachi ee dalka pakistan ciyaaro lagu mamusaya bisha ramadan, ciyarahaan ayaa waxa soo qaban qabiyey ama soo abaabuley ardeyda somaliyed ee wax kabarata jamacadaha kala duwan ee magaladan karachi Gar ahaan ardeyda jamacada karachi.

ciyaarahan ayaa waxaa marti galinaya( jamacada karachi),iyadoo Kulamada ey kadhacayan garoonka Weyn ee Jamacada karachi.furitaanka ciyaarahan waxaa kasoo qeyb galay islamarkaana kahadley mas’uliyiin kala duwan oo kakala socday Jamacada, Ururka ardeyda somaliyeed ee magaalada karachi, Gudoomiyaha Qaban qabada Tartankaan iyo Dhamaan Tagerayasha koxaxa kaqeyb galayo Tartankaan.

sawir2
{Qaran F.C }

Waxa Munaasabada furitanka Hadalo koban Kasoo jediyey Gudoomiyaha Qaban qabada ciyaaraha. Mudane Cumar Bakar liyaaq………..
Iyo Kuxigeynkiisa Maxamd AbdulQadir { Guray }, isagoo Oo ku amanay sida ardey somaliyed Isku xilqameyn iyo Dadalka Dheriga ah ee mujiyeen isagoo kubooriyey in dadaal kooda sii laba labaan, waxa usheegey gudomiyaha In arintan ukeeni doonto Sumcad Dherad ah Jaliyada somaliyeed ee magalada karachi iyo Guuud ahaan Dalka pakistan.

Iyadoo la’ogyahay In ardeyda ajaanibta ah ee wax kabarata dalkan pakistan ay ugu badan yihiin Ardeyda somaliyed.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadley Gudoomiyaha ardeyda somaliyed ee magalada karachi Mudane C/naasir c/laahi sheikh { Shubka },

oo siiweyn uga amaney Gudiga so qaban qabiyey Tartankan iyo Koxaha Kaqeyb qadanaya, Iyo Tababa rayaasha Kooxaha.Gudomiyaha ayaa waxaa uu kudheradey ahmiyada ey leedahay ciyaraha ceykan oo kala ah,isago shegey in fa’ido ay uno qondoonto Dhalinta ka qeyb qadanaya tartanka mid jereed iyo mid maskaxba waxa waano iyo dardanba ujeediyey ciyartowda iyo macalimiinta wadata intaba isagoo sheegey in ey mujiyaan anshax iyo ciyaar wanaag inta ciyaraha aysocdaan.

Waxa sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa wariyaal ka socday Wabsite-yada somaliyada siiba kuwa kafalooda arimaha sportiga iyo Qaar kamid ah Wargeysyada kasoo baxa Gudaha magalada karachi,

sawir3

{ Samama F.C }

Markii si aad ah loo eego Jawiga garoonka ay ciyarahan kasocdaan waxa soo buux dhafiyey dadweyno isugu jira somali iyo Sudaan,waloow ay intabadan ey dawadayasha u badan yihiin ardeyda Jamcada karachi, Oo oh goobta uu ka socdo Tartankan xiisaha badan ee lagu mamusayoo bisha barakeysan ee Ramadan.Koxaxa ayaa waxa ay usoo bandhigeyn ciyaaro aad farsamadeydu usareyso iyadoo dawadayaasha aad wajiyadoo kadheehan karto sida ay ugu qanacsanyiin qaabka loo soo agaasimaey iyo waliba farsamada kooxaha.

sawir4
{ Sudanes F.C }

Tartankaan ayaa waxaa yaala koob aad uqurux badan oo loogu tala galey in lagudoonsiiyo kooxdii Nasiibku usaamaxo in ey kugleysato tartankaan.

Waxa sidoo kale Gudiga qaban qabiyey tartankaan Ugu talagleen hadiyado kala duwan oo lagudoon siin doono Ciyartooyda ka qeyb qadanaya Tartankaan.

Shaqsiyaad kaas ayaa waxaa soo xulan doona Gudi loo xilsaray Qiimeyta ciyaartoyda iyo koxaha in ta lagu guda jiro ciyaaraha.

sawir5
{ Five Stars F.C }

Sida Gudiga Mamulayasha Tartankan uu shegay, Waa Tartan Sporti kii ugu weynaa ee nociisa oo kale ah oo Dhawanahan Lagu qabto Karachi,Iyadoo ay usoo dawasho tagaan Intabadan Jaliyada somalida ee magaladan Karachi,Iyo Jaliyadaha kala duwan ee kunool Magaladan Karachi .

Kulamada ciyarahan Ayaa waxaa kaqayb galaya in kabadan 6-koxood oo kala ah.
1) Samama F.C
2)Halgan Team
3) Qaran F.C

4)Khaliij F.C
5)Sudan stars
6)Five stars

Kooxaha ayaa loo kala qeybiyey laba group iyadoo group kastane ey kujiraan Sadax koxood.Ciyarahan ayaa waxa ay ku bilowdeen jawi dagan waxaana kulankii Daah furka ciyarahan isku arkey kooxaha kala ah Halgan iyo Khaliijka, labadan koxood ayaa waxaa ay kujiraan group-ka A.

Kulankan Dhaxmarey labadan koxod ayaa waxaa uu ku bilowday Dardar iyo werer iyo werar cilis waloo ay kooxda KHALIIJKA ay aad ugu gacan sareysay biloowgii ciyaarta inkastoo kooxda khaliijka ay marar badan Kubada agmarsiisey Shabaqa kooxda HALGAN.Lakin Kooxda HALGAN isma ey dhigin ee waxaa ey mujisay dadaal sidii ay isaga caabin la heyda kooxda kale,Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala marey 0-0.

Latashiyo kala duwan oo koox waliba dhinaceyda kaso qadatay maclimin tooda ayaa dibloogu soo noqoday ciyaartii qeybtedii labaad.

Koxda Khaliijka ayaa waxey dadaal ugashey sidii ay ciyaarta uga dhigi laheyd Lakin taasi waxaa kadiidey kooxda HALGAN ..dhamaad kii ciyaarta oo daqiiqado un kadhiman ayaa waxa usura gashay Kooxda khaliijka in ey shabaqa taabsiyaan kubada Goshana waxa u dhaliyay weeraryahnkooda Mizan khan iyagoo halkaasi si mucjiso ah uga qadatay 3-dii dhibcood oo loo hardamayey.

QAABKA EY KOOXAHA ISKU ARKEEN

GROUP(A) GROUP(B)
Khaliij 1-0 Halgan Sudan stars 0-1 Samama
Five star 1-1 Khaliij Real stars 1-2 Samama
Halgan 0-2 Five star Sudan stars 0-0 Qaran F.C

waxa finalka iskugu soo baxay Laba koox oo Kala ah.

Samama F.C Vs Five Stars

Intii ay ciyaarahan socdeyn runtii waxaa la orankaraa in ay ahayen kuwa xiiso badan xanbarsan ,in kastoo kooxaha ay san kala yareysan lakin waxa siweyn Loga daba dhacay qaabka ay kooxda SAMAMA usoo babdhigtay farsamadeeda ciyaaro. Labadii koxood way is mari wayeen hafkii u horyeey sikatoy ahaataba . labada koxood waxayna isla soo gadheen Rigoodhe. Guud ahaan ciyaartan ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad u degan waxayna halkaasi gushii ku raacday kooxda Five Stars….

Waxaa ciyartoyda abalmarinta Muteystay ka mid ah.

1)Ciyaryahankii ugu ciyaarta wanagsanaa .{ ADAM JEE }.
2)Goolhayahii ugu ciyaarta wanagsanaa. {SAMATAR BUUR }
3) ciyaryahankii Goolasha ugu badan kadhaliyey.{MUUSA TAYLAND }
4) Koxda asluub wanaga kamujisay Tartanka. {SUUDAN STARS }

5} Siidhi Hayihii ugu ficanaa , { MUKHTAR ISMACIL}

6} Ciyartii Finalkii Ciyaar wanaag Mujiyay { Mahamud Yamani }

Mahamud Yamani

Abdisamad X, Mizan {Khan}

Karachi Pk.

Safar65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.