Home » Warar »

Xarunta Al- Shahid Center oo lagu qabtey dood cilmiyeed loogu magacdarey Bedelitaanka hab-Dhaqanka qofka Soomaaliga

Xarunta Al- Shahid Center oo lagu qabtey dood cilmiyeed loogu magacdarey Bedelitaanka hab- Dhaqanka qofka Soomaaliga

Waxaa shalay galab lagu qabtay hortel Barakat magaalada Nairobi dood cilimiyeed halkudhigeedu ahaa “Changing the attitude of Somalis” (bedelitaanka hab-dhaqanka qofka Soomaaliga) oo ay ka soo qayb galeen 35 weriye oo ka mida weriyeyaasha ku nool magaalada Nairobi.

Dooddaan waxaa soo qabanqaabiyay xarunta Cilimibaarista, daraasaadka iyo saxafadda ee Alshaahid, wuxuuna hadafkeedu ahaa bal in laga doodo sida ay suurogal ku noqon karto in la helo Soomaali cusub, oo ka nadiif ah dhaqamada xun xun ee uu qabiilka iyo waddaniyad la’aanta ugu horreyso.

Inta aysan dooddu bilaaban waxaa halkaa casharo ka soo jeediyay macallimiinta kala ah Ustaad Cabdiraxmaan Xuseen “Abuu Xamsa” iyo Ustaad C/qaadir Maxamed Mursal oo labadooduba soo kala jeediyay Mowduucyada kala ah “Sidee qofka Soomaaliga ah u noqon karaa xilkas?” iyo “Maxay tahay waddaniyaddu?”.

Ustaad Abuu Xamsa ayaa ku dheeraaday in marka hore si loo helo Soomaali cusub ay tahay in wax badan isbedel lagu sameeyo, marka hore halka cunuga Soomaaliyeed uu ka soo unkamo oo ah dugsiga quraanka wax badan laga bedelo, sidoo kale macallimiinta carruurta barta quraanka iyo weliba qaabka qaddiimiga ah ee ay carruurta wax u baraanna isbedel weyn lagu sameeyo.

Abuu Xamasa wuxuu sheegay in Macallimiinta Quraanka iyaga iyo ardaydooda aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya, xiiriirka keliya ee ka dhexeeyana uu yahay inuu uleeyo oo keliya iyadoo la og yahay waxa keliya ee la barana ay tahay lafdiga Quraanka oo qura, waxay soo saaraan oo keliya cunug quraanka xafidsan oo keliyo, waxaana looga baahnaa intaa wax ka badan “Ma jirto duruus kale oo la siiyo, ma jiraan waxyaabo dhisaya garaadkooda iyo akhlaaqdooda” ayuu yiri Abuu Xamsa oo intaa ku daray “Halkii laga sugayay inaan helo arday maskax furan akhlaaq leh, ayaa waxaa inoo soo baxa mid beenlow ah, munaafaq ah, waayo wuxuu been isaga kala gudbiyaa waalidkiisa iyo macallinkiisa si uu uga badbaado in la garaaco”.

Mar uu ka hadlayay Macallimiinta Quraanka wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay helaan tababaro iyo siminaaro aqoontooda kor loogu qaado, si loo baro qaabka casriga ah ee carruurta wax loo baro, loona dhiso garaadkooda aqooneed iyo weliba akhlaaqdooda, “Ma siiyaan carruurta Soomaaliyeed tarbiyad Islaami” ayuu yiri Ustaad Abuu Xamsa oo tilmaamay haddii carruurta Soomaaliyeed ay ku soo barbaari lahaayeen tarbiyad Islaami ah in la heli lahaa jiil Soomaaliyeed oo waxtar leh, nadiif ah, xilkasna ah”

Dhinaca kale Utaad C/qaadir Maxamed Mursal ayaa isna ka hadlay waxa la yiraahdo “Waddaniyad” , isagoo marka hore sharaxaad ama qeexid ka bixiyay waxa waddaaniyad la yiraahdo, wuxuu sheegay in waddaniyaaddu tahay in la jeclaado dalka loona huro wax walba xitaa qofka naftiisa ha ahaatee, sidoo kale waddaniyaddu waa dhowrista sharafta iyo dhaqanka, diinta dalka iyo dadka, sidaa si la mid ahna in la diido in qaranimada dalka gacan shisheeye la geliyana ay waddaniyadda ka mid tahay.

Intaa kaddib waxaa doodda ka wada qayb qaatay dhammaan ka soo wada qaybgalayaashii, iyadoo da’ yartii saxafiyiinta ahaa ay sheegeen inaysan saacado kooban ugaga bogan karin duruusta la xiriirta dal iyo dad jacaylka, ayna doonayaa in waqti kale iyo fadhi kale loo qabto.

lash12

Doodda ka hor waxaa halkaa ka hadlay madaxa qaybta Warfaafinta ee xarunta Alshaahid Cabdulahi Black oo saxafiyiinta kala hadlay in ay habboon tahay in la wada baadi goobo sidii loo kicin lahaa dareenka dadka loona abuuri ruux cusub oo Soomaali ah oo wanaagga mooyee xumaanta neceb, wuxuuna Black u sheegay saxafiyiinta in xaruntu ay fadhiyo kale qaban doonto haddii Eebbe idmo, si saxafiyiinta garaadkooda iyo aqoontoodaba loo dhiso.

lash13

Doodda waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Xarunta Alshaahid ee Bariga Afrika Ustaad Max’ed Axmed Sh. Cali “Doodishe”

Doodda kaddibna dhammaan ka soo qaybgalayaashu waxay ka faaiideysteen afur iyo casho ay xaruntu ugu talo gashay.

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.