Home » SaahidYusuf »

Calaamatu Mowlaana abuu Ac’laa AL-mowduudi (1) | Saahid

Calaamatu Mowlaana abuu Ac’laa AL-mowduudi (1) !!!!

Dhalashadiisa:

Wuxuu Dhashay Abuu Ac’laa AL-mowduudi seddexdii Bishii Rajab Sanadkii 1321 H oo ku aadaneyd 25 September 1903 M, wuxuuna ku dhashay Gobolka Xeydar Abaad,ee Hindiya Aabihiis oo macallin iyo Garyaqaanba ahaa ayaa ku dadaalay in uu ku Tarbiyeeyo Tarbiyadda Islaamka.

Waxbarashadiisa iyo Shaqadiisa:

Wuxuu dhameystay Imtixaanka ( mowlawi) oo u dhiginta Bacholar, kadibna wuxuu ku dhibaatooday nolosha markii uu Aabihiis Raximulaah uu ku xanuunsaday xanuun aad u daran… Kadib wuxuu ka shaqeeyey wax qoris,wuxuuna ka shaqeeyey dhawr jariidadood oo ay ka mid tahay Taj iyo jariidada muslimka,wuxuu kaloo abuuray Saxaafadeed oo uu ugu talagalay in Ummadda lagu xoreeyo…..

Wuxuu Abuu Ac’laa Cadeystay in uu kor u qaado calanka Islaamka ayadoo lala qabo in uu ficil ahaan u muujiyo, asagoo og in uu dhibaato kala kulmaayo marxaladahaas laakiin goostay in uu ku socdo xataa hadday kaligiis ku noqoto.

Waxaa halheyskiisa ka mid ahaa : ( Xarakadaan Islaamiga ah waa hadafka nolosheyda,Nolosheyda iyo dhimashadeyda waxaan u hibeeyey u istaagidda dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah … Haddii xataa ruuxna uusan igu wehelin kaligey ayaa wadaaya, Haddii uu Adduunkoo dhami isku kay baheysto kaligey ka suulimaayo in aan jidkaan ku socdo) !!!!!

Aasaasiddii Ururka Jamaacadda Islaamka :

Sannadku markuu ahaa 1941, Abuu Ac’laa wuxuu ka Aasaasay Jamaacadda Islaamka Dhulkii Hindiya ee Ingriisku Gumaysanaayey, Jamaacaddaas oo ah Urur Islaam ah oo siyaasi ah, wuxuu ku bilaabay in ay Islaamka isku dhaqaan. Markii Hindiya loo kala qeybshay Hindiya iyo Pakistan sannadkii 1947 waxay Jamacadiisu kaalmeysay Dawladdii madaxa banaaneyd EE pakistan, waxayna u soo guureen Pakistan 1947 ilaa haatanna waxay tahay Jamaacadda siyaasiga ah ee ugu da’da weyn ee Muslimiinta Pakistan. Jamaacaddu waxay u kala qeybsantay markii xornimada la helay kadib dhawr qeybood sida Jamaacadda islaamiga pakistan,tan Bangaladesh,tan Kashmir ,tan Srilanka, kuligoodna wey la xariirsanaayeen Xarakada weyn ee Pakistan.

Abuu Ac’laawuxxu noqday Amiirkii ugu horeeyey ee Jamaacaddaas, wuxuuna Jagadaas Haayey ilaa Sannadkii 1972 oo uu uga tagay Caafimaad dartiis ,Waxaanna uga danbeeyey Qaadi Xuseen oo ilaa haatan haya intaan ogahay.

Loolankii Siyaasadda & Kala go,ii Hindiya iyo Pakistan:

Sayid Abuu Ac’laa Mowduudi wuxxu ka mid ahaa Raggii u ololeeyey in ay Pakistan ka go’do Hindiya ,aad baanu u difaacay Qadiyaddaas inkastooy Culumo badan iskaga horyimaadeen. Wuxuuna Qoray kitaabkiisa Caanka ah ee ( two Nations) oo uu aad ugu difaacay in la kala go’o ay tahay Qadiyadda saxa ah , taasna ugu danbeyntii wuu ku guuleystay wuxuuna ka dhaadhiciyey Siyaasiyiintii Pakistaan ha ugu horeeyo Maxamed Cali Janaax(1).

Sayid Abuu Ac’laa intaas kuma joogin ee kala go.a wuxuu ku cileeyey in uu yahay mid Diini ah oo ku saleysan in ay Pakistaan noqoto Dawlad Islaami ah oo Islaamka isku xukunta taas oo u keentay in ay Isku dhac siyaasadeed keentay Dhawr marna lagu xiray. Sannadkii 1953 wuxuu qoray kitaabkiisii Maxamed waa Nabigii ugu Danbeeyey oo uu kula Diriraayey Kooxda Ahmadiya oo aaminsan in uu Qulaam Ahmed AL-miirzi uu yahay Nabi ka danbeeyey Nabi maxamed, taas oo uu aad u radiyey maqaalo fara badan iyo Kitaabkaasba uu ka qoray, taas oo u keentay in la xiro Sannadkii 1953, Kadibna Maxkamad Milatary ay ku xukuntay Dil Toogasho ah, taas oo lagu dhiiro galiyey in in uu Cafis weydiisto se wuu diiday, Xukunkaas oo loo badalay Xabsi daa’im markii uu Culeys ka yimid dadweynaha,kadibna waa la soo daayey markii danbe Raximuhulaah. Waxaa kaloo Sannadkii 1958 lagu mamnuucay jamaacadiisii xukun deg deg ah in ay tahay xisbi islaami ah waa waqtigii Ayuub Khan. Waxaana dib loo xiray Sannadkii 1964 kadibna la soo daayey isla sannadkaas. jamaacaddiisa wuxuu kula dardaarmay 1971 in ay Difaacaan iskutagga Pakistan markii la damcay in loo kala gooyo Pakistan iyo Bangaladesh, waxayna ka dhinac dagaalameen Ciidanka Pakistan.

Kutubtii uu Qoray & khudbooyinkiisii:

abul_ala_maududiSayid Abuu Ac’laa wuxuu Qoray 120 kutub in aka badan iyo Maqaalo ,wuxuuna sameeyey in ka badan 1000 Khudbooyin la duubay iyo war murtiyeed uu jeedshay.Hawsha ugu weyn uu qabtay waa Tafsiirkiisa Quraanka( Tafhiimu AL-Quraan) oo uu muddo 30 sano ah uu qoraayey laga bilaabo 1943 00 uu dhameeyey 1972. Kaas oo uu siiyey Sharaxaad cusub Quraanka aad baana loo akhristaa waxaana lagu tarjumay Dhawr luqooyin(2)..

Waxaa kutubtiisa ugu caansan, kutubta uu aad u soo daliilsaday Al-shahiid Sayid Qutub markuu fasiraayey Tafsiirkiisa ( Fii Dhilaal AL-quraan)(2).

1) Mabaa’di Al-Islaam 2) AL-musdhalixaat Al- arbaca . 3) AL-xijaab 4) Tiirarka Akhlaaqda ee xarakada Islaamka. 5) AL-jihaadka Alle Dartiis. 6) Islaamka iyo Jaahiliyadda. 7) Shahaadada Xaqa ah . 8) Al- Ribaa. 9) AL- khilaafah wal mulki. 10) Diiwaan galinta Dustuurka Islaamka. 

Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa sida ay reer galbeedku u sifeeyeen sayid Abuu Ac’laa al-mowduudi :Syed Abul A’ala Maududi : (Urdu: سید ابو الاعلىٰ مودودی – alternative spellings of last nameMaudoodi and Modudi) (September 25, 1903 – September 22, 1979), also known as Molana (Maulana) or Shaikh Syed Abul A’ala Mawdudi, was a Sunni Pakistani journalist, theologian,Muslim Revivalist Leader and political philosopher, and a major 20th century Islamistthinker. He was also a prominent political figure in his home country (Pakistan). He was also the founder of Jamaat-e-Islami the Islamic revivalist party.

waa inoo qeyb kale iyo taariikhdii Sayid abuu ac’laa almowduudi Raximahulaah.

fii amaani laah

Sheikh Saahid maxamed yusuf USA ,Va. sahid_yusuf@yahoo.com

Mutakhasis fil xarakaati AL-islaamiyah

1) fikradiisii kala go’a hindiya iyo Pakistaan waxay aheyd mid muslimiinta dan u ah haddii kale maanta awaxay ku dhex jiri lahaayeen gumaysi hunduus sida 120 milyan ee muslimiinta hindiyaba ay maanta ku nool yihiin.

2) ilaa haatan lama dhameynin tarjumaadda carabiga ee tafsiirka tafhiimul quraan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Calaamatu Mowlaana abuu Ac’laa AL-mowduudi (1) | Saahid "

  1. dulmidiid says:

    Ustaad Sheikh Saahid maxamed yusuf

    jzk khair dadaalka aad ku bixisay si aad ugu

    faa”iideeyso walaalahaaga soomaliyeed.

    fadlan suaashii walaalkeena xassan jamac

    cali oo aheeyd inaad noo soo diyaariso

    taariikhda sheikh maxamed

    cabid wahaab haddii macquul tahay jzk khair.

  2. aduunyo says:

    waa wax nagaa maqnaa dhamaantood oo ruuntii faa iido baddan leh

  3. waad mahadsantahay sheekh shaahid mutaqasis fil xarakaatil islaamiyah sheekh waxaan kugu tirtirsiinaa in aad barnaamijkan qeerka badan aad noo sii wado ilaah haku xafidee waxaadna nooga taariiqeysaa sh.maxamed cabdiwahaab oo suufiyada ku sheegaan nin bidci ah bal ninkaa nooga taariiqoo si aan u ogaano taariiqdiisa maadaama mutaqasis aad ku tahay arimahaasi ilaaheyna hku xafido

  4. zacad alawi says:

    asc marka hore ilaah ayaa mahad dhamaanteda leh walal sheikh saahid waxaan kuleeyahay jazaakalahu qeyran caalinka weyn e reer hidiyana waxa ilaah uga barayaya in ilaah jandanii fardoowso galiyo islamka ilaahow qawi kayeel oo kufaarta hooji amiin ayaa rabi asc wr wbr

  5. rooble says:

    sheikh sahid walaal aad baa ugu mahadsanthay inaad ka faalootid culumadii islmaaka waa muhiim in dadka la barro halgankii culumadii islaamka meesha uu gaarsiisanaa iyo jiilkii kadanbeeya sidii u dayacay sii wadadii halganka
    jasakallah khayr

  6. Firdowsa C/qaadir Cabdi says:

    Asc,
    Sheekh Saahid, jazaakallaahu kheyran, aad baad ugu mahadsan tahay sunnada aad bilowday ee ah inaad ummaddaan culumadooda bartid, Allah ha kaa abaal mariyo, waxaan ku leeyahay sii wad oo ku dar taariikhda culumadii Soomaaliyeed oo iyaguna qarnigii tagay abaalka weyn uga tagay ummadda Soomaaliyeed, towxiidkana baray in Allah loo barax tiro.
    washukran…

  7. omar jama says:

    acww walaal waad ku mahadsan tahay sida aad culimada akhbaartooda noola socodsiiso noo sii wad khayr alle ha ku siiyo.