Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo si Naxariisdarro ah u laayey Geel Fara badan oo ku soo jeedey Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo si Naxariisdarro ah u laayey Geel Fara badan oo ku soo jeedey Magaalada Muqdisho

Sawirada Geela la laayey Halkan ka Daawo…. (GUJI)

Ciidamada “Nabad Ilaalinta” Midowga Africa ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa xalay si arxan darro ah u laayey Geel fara badan oo loo soo wadey Magaalada Muqdisho oo markii la xasuuqayey marayey illinka hore ee laga galo Garoonka Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in aan wax khasaaraha ah halkaasi kasoo gaarin dadkii watay xoolahaasi la xasuuqay oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaali ah oo dooneyay in ay ku iibiyaan suuqyada Magaalada Muqdisho

Rasaasta Ciidamada AMISOM oo in cabaar ah socday, ayaa dilay ilaa 13 Neef oo Geel halka qaar kalana ay iyagoo rasaas ku taallo ay jiireen ama dardaray derbiyada guryaha ku yaala nawaaxiga Garoon-ka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in Xoogaga AMISOM ee falkaasi fuliyey ay yihiin kuwo cusub oo dhawaan lagu badeley kuwii horey u joogay Caasimadda Somalia ee Muqdisho ee haatan dib loogu celiyey dalkooda.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolahaasi laga laayey lahaa ayaa ka dib xiriir ay la sameeyeen xoogaga AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Dowladda KMG waxa ay doonayaan in loo cadeeyo ujeedada xasuuqan xoolaha ee bareerka ah.sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Amisom ayaa ka hadlin falkaa foosha xun ee ay ku kaceen ciidamadooda sidoo kale dadka soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamey mid aan loo dul qaadan Karin waxayna soo jeediyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bixiyo Magtii Xoolahaas waxaa kaloo aan ka hadlin Mas’uuliyiinta Dowlada.

geel1

Sawirada Geela la laayey Halkan ka Daawo…. (GUJI)

Xoogaga AMISOM, ayaa maalmihii ugu dambeeyey la soo baxay hab dhaqan cusub oo ay inay rasaas ujeedo la’aan ah ku ridaan wadooyinka soo gala fariisimahooda, si ay uga feejignaadaan weerar kaga yimaada xoogaga mucaaradka ee dagaalada adag kula jira.

Sannadkii 1993 ayaa ciidamadii UNISOM ee “nabad ilaalinta” u yimid soomaaliyeed waxay iyana waqti Habeen ah laayeen tiro Geel ah, waxayna ku andacoodeen Geelaas uu rasaas u wadey Ciidamadii Marxuum Generaal Caydiid sidoo kale waxay laayeen tiro Dameero ah oo Hilib u soo sidey Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Ciidamada AMISOM oo si Naxariisdarro ah u laayey Geel Fara badan oo ku soo jeedey Muqdisho "

  1. Bulshaawi says:

    DOWLADDA ISKU SHEEGAYSA MEEL KU GAARKU WAY GABLANTAY, WAXAY GACAN KA DHIGANAYSAA DAD KA BAQAYA GEELA. NINKA GEEL KA BAQAY MA XABBAD UU SOO RIDAYO MUJAAHID AYUU U FADHIYAYAA. HABARTAY MA ARAGTAY HADDII AYSAN KA DHICIN WAXBA HA I WAYDIININA.

  2. mukhtaar says:

    Geelayagii ma aragteen baa ka dhacaday tani waxay u muuqataa colaad sii fogaatay iyo nacayb raagay inay ku jirto askarta africaanka sidee askari ku noqday nin aan geela iyo dadka kala garayn?

  3. garaad says:

    as run ahaantii taas waxay ka mitahay dhibatada kajirta dalka waxaan ogaatiin dhibku maku kobnaanayo dadka kaliya ee noolo kasta wuu garaya AMISONA waa cadow wadanka kusoo duulay dad iyo geelna midna u aabe yelimahayaan dhibkana somalia ayaa gacmaheeda ku keensatay waxaan ugu baqayaa in ay somalia ay ayaheeda ka tashato umada somaliyeedna ay isi samaxaan

  4. Maxamed Soomaali says:

    Askartan gaajada ah ee reer Musaveni waxaan filayaa Alshabab ayay u malayeen geela. sidaa haday u cabsanayaan maxay Mudisho ka soo dooneen, waxan ciidan nabad ilaalin maahan waa ciidan xasuuq loo soo diray “Soomaaliyeey ku jihaada tuugadaan calooshood u shaqeestayaasha ah”.

  5. Abdirashid says:

    Asalamu caleyku… salaan kadib, waa wax laga xumaado, waxa dhacayne waa wax bila’adin nimada ku xun. Balse dhibkaa oo idil waxaa keenay raga kursiga diin iyo towfiiq ka dhigtay, ALLE maxaa Rag lugu qalday qunyar usocod, dhagarta noocas ah qofka fahmi waayay, geel la laayay u niximaayo, waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa Somalia ALLAHA ka samata bixiyo dhibka heysta. hadii musharaf lugu siiyo, in aad umada somaliyed leyso iyo xoolahooda. IN ALLE naga samata bixiyo Dhibka ina heysto Amiin dhaha somaliyey.!

  6. afcadde says:

    awalba xasuuqa dadkay meesha u joogene ma haday xoolihiina ku toogasho barten kenen,waa lugooyo la doortay

  7. Abdi says:

    Waxay i xasuusinaysaaa caruurnimadaydii markaan dhigan jiray fasalka koowaad in ay ay xabashidu intay ay geel ka xero oodeen dadkii lahaa ay ku xabiseen geelii iskuulka aanu waxku baran jirnay. halkaas oo uu geelo todobaad ku xidhnaa xerada halka shacabkii lahaana la xidhay. Wixii aadan dhamayn karin waa layareeyaa balse lama badiyo. annaga hanala gumaysto e Soomaaliya maanaan rabin in iyagana la haysto. Abwaanad baa tidhi ka hadli markii Itoobiya loogu baaqay in ay Soomaaliya gasho “Abeesadii na dhaadhyaysay baad raarta dhigateene”

    Rabbi baynu leenahay