Home » Islam »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q 10aad | Calinuur

Ramadaanku waa Fursada Cumriga

(Dersigii Tobnaad)

Waxaan maantana wax ka tilaameynaa Axkaamta zakada Fidriga Maadaama la gaaray xeli gabo gabo ku dhawdahay Bishii Ramadaan anagoo illaah ka rajeynaayo inuu nagu anfaco kalimaadkan, wax badana aan ka faaiideysano.

Zakada Fidriga waxaa la yiraahdaa Cunooyinka la bixiyo marka uu Ramadaanku Dhamaanayo amaba Dhamaado Soomalida ay qaarkood u yaqaanaan Zakaatul-Badan

Zakada Fidriga: waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee),waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay, qofkii Deyn qaata si uu Fidrada isaga dhiibana waa u banaan tahay.

Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon,Lab, Dhadig, Qof Weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay lagama rabo wax Fidro ah, ama dhasha xeliga ay waajibtay ka dib.

Waqtiga Fidrada waajibto: waa laga bilaabo Qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Ramadaan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin karaa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.

Qadarka la bixinayo: waa Suus (4 Koombo) Qofkiiba Cuntooyinka la beego ama 2500kg Cunooyinka la Miizaamo sida Bariiska oo kale, waxaana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee Cuntada.

Ulajeeda Fidrada: waa in ay Kab ugu noqoto wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay ruuxii soonaa,iyo in ay Quud u noqoto Masaakiinta iyo Fuqarada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan gacan hoorsiga (Tuugsiga ama Dawarsiga) Maalita Ciidda ah.

Habka loo bixinayo Fidrada: waxa uu Qofka siin karaa Fidrada hal ruux ama waxa uu u kala qerybin karaa dad fara badan, mana jirto xeliga la bixinaayo hab gaar ah oo loo bixiyo sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay ka Zakeeyaan, mana laha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo xiliga Fidrada.

Baraarujin: Zakada Fidriga lama siin karo ruux masruufkiisa waajib kugu yahay, sida labada waalid ama Caruurta iyo Xaaska, waxaase la siin karaa Qaraabada iyo Masaakiinta Muslimiinta oo dhan, in Qaraabada la siiyo ayaana Ajar weyn waayo waxa ay noqoneysaa Sadoqo iyo Xeriirin.

Zakada Fidriga wax lagama siin karo Ruux aan Muslim aheyn, Laakiin waxaa banaan in Masaakiinta aan Muslimiinta aheyn lasiiyo Sadaqooyinka kale.

Ruuxii ilooba wax dambiya malaha laakiin waa in uu gudaa goortuu soo xasuusto, ruuxii ula kac uga tagana waa uu gafay laakiin Diinta ugama baxayo sida Zakada maalka laga bixiyo oo kale,waxaana laga rabaa in uu illaah(cw) usoo laabto xaqa saarana iska gudo.

Waxaa banaan in laga bixiyo Fidrada Caruurta Uurka ku jirta, Sidaasna waxaa Sameeyay Cuthmaan Ibnu Cafaan (Allaha ka Raali Noqdee).

Qofkii hilmaama waxaa uu bixinayaa goortuu soo xasuusto, qofkii ula kac uga tagana waxa uu ku dhacay gaf weyn waloow Diinta uusan uga baxeyn, waxaana la gudboon inuu ka Toowbad keeno Xaqa lagu leeyahay guto.

Waxaan Dersigaan kusoo gabagabeynayaa Duruus taxane aheyd oo aan wax uga tilmaamay Ramadaanka iyo Fursadaha uu Xambaarsan yahay, si ay nafteeda ugu Dhiiri galiso ka faa’iideysiga maalmaha kooban ee Bishaan Barakeysan ee Dhamaanteen naga yaabisay sida ay dhaqsaha ugu dhamaaneyso, ayadoo aan damaanad loo heysan in la haleeli doono sanadaha soo socda Ramadaan kale,..

Sidaa daraadeed waxaa jecleestay inaan qiso yar oo aad u muhiim ah kusoo gabagabeeyo Durustaan, Qisadaan waxa ay dhacday ayadoo uu Nabiga joogo waxaana ay u dhacday sidatan: Waxaa jiray laba nin oo ka mid aheyd Muslimiintii Reer Madiina waxaa Shahiiday midkood (lagu dilay Dagaal Jihaad ah) sanad ka hor inta uusan Dhiman (Si caadi ah u Dhintay) kii kale, markaas ayuu Dhalxa Ibnu Cubeydi-llaah ku riyoaday, ayadoo Janadii Albaabaha loo Furay waxaa uuna ku Dhex arkay labadii nin kii Dhintay ee dambeeyay oo Janda kaga hor maray kii Shahiiday, markaasuu ayuu la yaabay , sababta kan dhintay goor dambe uga hor maray kii Shahiiday sanad ka hor, arintii ayuu u sheegay qaar Saxaabada ka mid,.. markii dambana warkii waxa uu gaaray Nabiga (SCW), markaasaa Dhalxa uu Su’aalay oo yiri bal ii sheeg. markii uu u sheegay Nabiga (SCW) waxaa uu bixiyay Jawaab aad u yar oo tuseysa Fursada ku jirta in Qof Nasiib u yeesho in Cumrigiisa loogu Daro Sanad uu Ramadaan ku jiro, Nabiga waxaa uu yiri:

أليس قد صام بعده رمضان ، وصلى بعده ستة آلاف ركعة ، وكذا وكذا لصلاة السنة ؟

Bal aan u Fiirsano Jawaabta uu Bixiyay Nabiga Suuban sida ay u kooban tahay iyo Macnaha weyn oo ay Xambaarsan tahay!!

Waxaa uu yiri Nabiga (SCW) Miyuusan Soomin Gadaashiisa Ramadaan oo miyuusan Tukan Lixkun oo Rakcadoos (Salaadood) iyo intaas iyo intaas oo Salaado Sunnooyin ah.!!

Xadiiskan xaga Darajada waxaa Saxiixay Sh Albaani (ALLaha u Naxariistee) oo waxa uu yiri (صحيح لما له من الشواهد)sida uu ku qoray (سلسلة الصحيحة Juzka lixaad) Nambarka Xadiiskana waa (2591) dabacaada koowaad ee ay qortay maktabada Almacaarif

(وقد أخرجه ابن ماجه 3925 ، وابن حبان 2466 من طريق محمد بن إبراهيم التيمي عن أبي سلمة به أتم منه . وكذا رواه أحمد وغيره .)

 

Marka Xadiiskaas waxaa uu na tusayaa inuu Ramadaanku yahay Fursada Cumriga, Xadiiskaan Dartiis ayaanan u doortay Duruustan aan ka Diyaariyay Ramadaanka inaan ugu magac daro Ramadaanku waa Fursada Cumriga.

Waxaan Illaah ka baryayaa inuu Camalkeena ka Dhigo mid Khaalis ah, iyo inuu nagu daro kuwa Bishaan looga Xoreeyo Naarta nana waafajiyo Camalada kuwa ugu Fadliga Badan, waxaan Illaah ka baryeeynaa inuu waalidkeen iyo intii wax nasoo bartay Debmigooda ku Dhaafo waxa yar ee Wanaaga ah ee aan sameyneyno, Illaah asagaa awoodee wax kasta.

 

Waxaanan u Mahad Celinayaa Dhamaan Raga Maamula webabka Afka Soomaaliga ku baxa ee qoray Duruustaan waxaanan leeyahay Jazaakumul-laahu Kheyran.

 

Waxaanan ka Cudurdaranayaa wax kasta oo gaabis ah oo ka muuqday qoraaladeyda waxaanan leeyahay waa dadaal yar ee uu sameeyay Arday Soomaliyeed, laakiin wanaaga jecl, illaahna ha iga cafiyo wax dembiya hadaan ku galay Aamiin.aamiin..

 

 

Waxaa diyaariyay Calinuur Axmad Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

كل عام وأنتم بخير وتقبل اللّهُ منّا ومنكم صالح الأعمال

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.