Home » Announcements »

GUMAADKA NAAFADA – Madaafiic ku dhacay Cisbitaal Naafada ee Martini Muqdisho

GUMAADKA NAAFADA
Jimco 11 septermber 2009 galabnimadii shalay abaarahii maqribka ayaa waxaa si lama filaan ah ugu soo dhaceen isbitaalka duqowe ee Martini halkaas oo hooy u aheed dad naafo 100 qofod ku dhow iyo qooysaskooda. Madaafiicdan oo ku soo adey xili dadaka naafada kunool xeradaas ay isu diyaarineeyeen ineey afuraan ayaa waxaa halaas ka dhacay xasuuq foooxun oo ka dhan xaquuqda adamaha iyo diinka islamaka.

Madaafiicdan ku soo dhaceeyn gudah xerada naafada ee Martini ayaa waxaa ay sababeen dhmashada in ka badan 7 qofood oo goobta ku dhinteen iyo in ka badan 12 oo dhawacayo kala duwan soo gaareen kuwaas oo loola carare isbitalka Madiino.

Shilkan xasuuqa naafad ayaa waxaa uu ahaa mid lagu tilmaamikaro waxuushnimo ama arxan daro in dad naafo oo misana sooman maalin jicmo xiley ay afur u diyaar garoobaayen lagu duqeeyo madaafiic sidii cadaw oo kale. Mudo 4 bilood gudheeda waa shilkii afraad ama sedxaad oo ay dad naafu ku dhintaan ama ku dhawacmaan xerdan Martini gudaheeda waxay aheed 2 bil ka hor markii risaas lidka diyarda qoryaheeda ah ay kusoo dhaceen sababeen dhaawaca ilaa 5 qofood oo curiyaamin ah. Sidan si lamid ah waxeey aheed mudo 4 bilood ka hor markii iyana risaas ku soo dhacdey isbtiala ay wax yeel nafeed iyo mid maal u geeystey dadk curyaaminta.

Xarunt Martini ayaa ha ispitaal duqoowey halkaa oo hooy u ah dad curyaamiin iyo qooysaskooda kuwaas oo curyaaminta naafad qaranak somaliyee lixaadooda ku wayeen dagaaaldii Ethopinaka lala galay. Waa nasiib daro in dadkii lixaadooda noo waayeye inaan abaal gud looga dhigo madfac iyo xasuuq.

nafo6

IEDSOM Machadka Naafada Somaliyeed oo halkaas saakey kormeer uu ku soo suubiye dhawacyada cudyaamintii jimcii shalay ahaa ku wax yeeloobeen madaaficda halkaas ku soo dhacdey ayaa waxaa uu ugu baaqaa dad weeynah Somaliyeed ganacsatada, jaaliyada iyo local NGO in ay dadkaan daawadooda iyo daryeelkooda ka qeeyb qaataan.

nafo2

IEDSOM Machadka Naafada ayaa waxaa u qoondeeyey lacag deeq ah in uu gaarsiyo dadkan sida ugu dhow lacagtaas oo ah mid Machadka Naafada uu gacanta ugu haye hore taas oo ay soo dhiibeen jaliyad somaliyeed oo dibada ah deeqdan lacagah oo aheed mid IFTAAR ama AFURKA NAAFADA loogu tala galaya ayaa waxaan u weecin doonaa dawada iyo daryeelka wallaheen curyaaminta la xasuuqey.

nafo7

WALAAL YAAL KA QEEYB QAATA DARYEELKA IYO DAAWDA WALAHA CURYAAMINATA

Abdullahi Hassan Hussen
IEDSOM Deputy Chairperson
tel:Office +2525 932773/ 990885
Mogadishu-somalia
naafo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.