Home » Islam »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q 7aad | Calinuur

Ramadaanku waa Fursada Cumriga
         (Dersiga Todobaad)

 
Ramadaanku waa Bil uu illaah (cw) inoogu Sharciyeeyay si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo uu noogu dhex keydiyay Bishaas, ee looma Sharciyeeynin in aan Baahano ama aan Haraadno sida dadka qaar maleeyeen Ramadaanka.
Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garano ulajeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu Bogaadsato ugu Faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ramdaanka.
 
Waxaa qof walbaa o Muslim ah og tahay waxaa noo Sharciyeeyay Soomitaanka Ramadaanka  Illaah (cw) oo ah Mid aad u Xikmad badan una Naxariis Badan, magacyadiisana waxaa ka mid ah Xakiim, waa Xakiim wuxuu Qadaro , waa Xakiim wuxuu Amro, ama wuxuu Reebo.. waxaana laga yaaba in dadka qaar gartaan Xikamadaha ku jira Amaradiisa, qaarna garan waayaan, waxaa sidoo kale dhici karta in ay adoomuhu garan waayaan Xikamada ku jirta Amar ka maid ah Amaradisa..
Hadaba si walba ay arintu ahaataba Adoomaha waxaa saran in ay u hogaansanaadaan Amarada Rabi (cw) xagiisa ka yimaada ha gartaan Xikmada ama yeeysan garane, mu’minna waxaa ah kan mar walba u hogaan sanaada Rabigiisa ee aan naftiisa Khiyaar u doonin.
 
Amarada illaah ee Xikamadahooda insaanka garadsiiyay waxaa ka mid ah Soomitaanka Bisha Ramadaan, waxaa ay Culimada Muslimiinta ka Sheegeen Xikmado fara Badan waxaana ka mid ah:
 
1-  1-   Xikmada Koowaad waa in aan ka Faaiidno Soonka Taqwada illaah (cw) sida kucad aayadahan (لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ) waa ayada koowaad ee ka Hadashay Soonka Ramdaanka, sidoo kalana aayada ugu dambeysa aayadaha Soonka waa (كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ).
Waxaa labadaas aayadoodba na tusayaan in loo baahan yahay Soomitaanka Ramadaanka inaan ka koorosano Taqwo maadaama Aayadii ugu horeysay iyo tii ugu dambeysayba lagu soo gabagabeeyay Taqwada.
 
 
2-  2-  Xikmadaha Soonka waxaa kamid ah in Nafta kibirkeeda la Jabiyo, maxaa yeelay hadii Naftu Dharganaato mar walba waxaa ku dhaca in ay Hilmaanto, Kibirto oo faanfaan iyo doqonnimada ku baxdo, si aysan taas u dhicin waxaa uu Rabi (cw) noo jideeyay Sanadkiiba Bisha Ramadaan in la soomiyo Nafta si ay uga badbaado Cuduradaas aan soo sheegnay.
 
3-  3-  Waxaa kamid ah Xikmadaha Soonka in nafta hesho Fursad ay ku fekerto oo ay Alle (cw) ku xasuusato, maxaa yeelay hadii ay nafta isaga dhex jirto Shawadeeda iyo Nicmadeeda waxaa ka dama Nuurka Iimaanka, waxaana ku dhaca Qalafsanaan iyo Naxatriis daro, hadiise ay Soontaa waxey Xasuusataa Rabigeeda, waxaana jilca Qalbigeeda, waxeyna noqotaa Mid Raxmad badan.
 
4-   4-  Soonka waxaa uu Xeraa albaabaha Nafta uu kasoo galo Sheydaanka, waxaa ka yaraada marka ay Sooman tahay Waswaaska Sheydaanka, weyna xasishaa, sidaa dardeed ayuu Nabiga (scw) ku tilmaamay in Soonku yahay Mid gooya Shahwada.
 
5-  5-  Faaiidooyinka Soonka waxa ka mid ah wuxuu xoojiyaa Iraadada qofka Sooma, sababtoo ah Ruuxii ka taga Cunadiisa iyo Shahwadiisa Xiliga Soonka waxaa uu awood u yeeshaa Naftiisa inuu xakameeyo marka uu Doono ee aysan ayada Hogaamin.
6-  6- Xikmadaha Soonka waxaa ka mid ah in ay jabiso Caadada, maxaa yeelay dadka qaar waxaa ay leeyhiin xiliyo gaar ah oo ay wax Cunaan hadii ay waayaana waxaa ku dhaco caro iyo Dulqaad la’aan, marka Soonka waxaa uu dilaa Cadadaas waxuuna Nafta baraa Dulqaad iyo sabar.
 
7-   7- Waxaa ka mid ah Xikamdaha Soonka inuu Simo Taajirka iyo faqiirka, maxaa yeelay dhamaan
to waa iskuwada mid marka loo eego Adoon ahaanta, taaso bareysa Muslimka inuu Muslimka kale yahay walaalkiis, ha ahaado Taajir, ha ahaado faqiir, meeshuu doonaba Caalamka haka jooge,..
 
8-  8-  Waxaa kaloo ka mid ah Xikmadaha Soonka in Nafta Muslimka ah noqoto Amiin, waayo qofkii guta waajibkaas ee guta amaanadii illaah (cw) ee awoodaas yeesha, waxaa u sahlanaato inuu guto amaanooyinka kale ee Dadka, haduuse gudan waayo amaanadii weyneed ee illaah (cw) saaray waxaa hubaal ah inuusan gudan Karin Amaanooyinka kale ee Dadka, waxaa la sheegaa in ay jiri jireen dad Gaalo ah oo ay u shaqeyn jireen dad Muslimiin ah waxa ay Gaaladaas xiliga Ramadaanka Dhihi jiren kii afura waxaan u kordhineynaa Mushaarka, si ay shaqada dardar ugu socoto, kii afuri waayana waxba looguma kordhiyo, waxey ku boorin jireen inay Afuraan..markii uu Soonka Dhamaadana waxey Shaqadooda ku tixgalin Jireen kuwii Soonaa, ayaga oo ku Qadarinaayay Amanaada Diinkooda Sida ay guteen,  waxeyna dhihi jireen kuwii afuray waa Khaainiin Diinkooda Khiyaanay, amaba Shaqada ayay ka eryi jireen kuwa…
 
9-  9- Xikamadaha Soonka waxaa ka mid ah inuu Nafta siiyo Caafimaad, waxa ay yiraahdaan ahlu Cilmiga waxaa uu wax ka taraa hagaajinta Garaaca wadnaha, waxaa uu dhiiga ka Nadiifiyaa Xeyrta iyo Subaga, waxaa uu wax taraa Shaqada Beerka, waxaa uu Nadiifiyaa Mindhicirada…
 
Hadaba waxaa wax aad loogu farxa ah in Fursada Soonka ay tahay Aduun iyo Aakhiraba, Caafimaad ahaan iyo Ajar aaqaraba, sida ku cad kalimadaha aan kor kusoo sheegnay.
 

اللهم تقبل منا إنك أنت السميع العليم ، وتب علينا إنك أنت التواب الرحيم
waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.