Home » Sports, Warar »

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxqabadkiisu waa mid muuqda oo aan la inkiri Karin

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxqabadkiisu waa mid muuqda oo aan la inkiri Karin

SAWIRADA Halkan ka daawo GUJI

Markii 12-kii Maarso ee sanadkii 2007 Guddomiyaha Xiriirka K/cagta loo doortay Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe) kadib markii ay kullan isugu yimaadeen guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed sidoo kalana ay kullan isugu yimaadeen Guddoomiyayaasha Kooxaha ayaa xiligaasi marka laga soo bilaabo Xiriirka Soomaaliyeed waxa uu dadaal u galay in uu dhexda u xirto sidii kor loogu qaadi lahaa K/cagta Soomaaliya, iyadoo waqtigii la doortay guddoomiyaha Soomaaliya ay ka socdeen dagaalo iyo iska hor imaadyo iyo xaalad nabadgelyo daro ayaa hadda Xiriirka Soomaaliyeed waxa uu u dhabar adeegay xaaladdaa qalafsan, waxa uuna markiiba bilaabay in xubnaha xiriirka ay booqashooyin ku soo kala bixiyaan gobolada Soomaaliya si ay u soo ogaadaan xaaladda K/cagta ee goboladaasi iyo waliba baahida halkaasi ka jirtay ee dhinaca qalabka iyo maamulka, waxa uuna kormeerkaasi qaatay mudo 10 maalmood ah.

Intii uu dhisnaa Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uu kullamo la yeelanayey dhamaan kooxaha Soomaaliyeed oo uu weydiinayay sida kor loogu qaadi karo Isboortiga Soomaaliya wuxuuna qabtey siminaaro Fara badan waxaana ka mid ahaa Siminaaradaas mid lagu qabtay Magaalada Baydhabo halkaas oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Kooxaha, waxaana siminaarkaasi lagu baranayey arrimo la xiriira Garsoorka, Maamulka iyo Tababarka, sidoo kale waxa uu xiriirku Magaalada Muqdisho ka abaabulay tartamo isboorti kuwaas oo lagu maamuusayey munaasabado gaar ah, hase yeeshee Xiriirka Soomaaliyeed waxa uu isku dayay in uu qabto horyaalka K/cagta Soomaaliya, hase yeeshee waxaa hor istaagay Arrimo nabadgelyo xumo, kadib markii garoomadii lagu cayaari lahaa ay saameeyeen dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho.Balse xiriirka soomaaliyeed ayaa sheegay in ay la go’an tahay qabashada Tartankaas marka duruufo saamaxaan “hadba Magaaladii nabadgalyadeeda wanaagsan tahay ayaanu ku qabaneynaa horyaalka soomaaliya” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta kubadda Cagta

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta marna kama baaqan shirarka Caalamiga ah, sidoo kalana kama uusan baaqan siminaarada ay bixiso Hay’adda FIFA ee kor loogu qaadayo Tababarayaasha, Garsoorayaasha iyo Cayaartooyda, sidoo kale waxa uu Xiriirka Soomaaliyeed u tafaxeytay in uusan marnaba ka maqnaan tartamada K/cagta sida K/Adduunka, Tartanka uu qabanqaabiyo Xiriirka Qaaradda Afrika ee CAF iyo waliba kan Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, waxayna tartamadaasi ka muujiyeen karti iyo hufnaan dheeraad ah.

Waxyaabaha kale ee ugu muhiimsan oo uu qabtay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta in uu dayactir ku wado Garoonka Duqa ah ee Banadir Stadium kadib markii Xiriirka Soomaaliyeed uu FIFA ka soo dhameeyey in garoonkaasi laga dhigo Garoon Xeer Caalami ah oo la dhigo Cawska Artifishalka ah, hase yeeshee dayactirkaasi waxaa dib u dhigay dagaalada weli ka socda Magaalada Muqdisho.

Xiriirka Soomaaliyeed isaga oo ka duulaya sare ku qaadida Isboortiga Soomaaliya gaar ahaan Gobolada dalka ayaa Siminaar ku saabsan dhanka Tababarka Garsoorka iyo waliba Maamulkaba waxaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ka qaybgaleen gobolada la isku yiraahdo Puntland, sidoo kale Magaalada Garoowe ayaa lagu qabtay tartankii Isreeb-reebka Puntland halkaasi oo ay ka soo baxeen Gobolada Nugaal iyo Bari, sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa martigelisay tartanka isreeb-reebka gobolada, waxaana halkaasi ku soo baxay Goboalda Hiiraan iyo Sh/dhexe, hase yeeshee tartamadii kale ee lagu qaban lahaa gobolada Bay iyo Jubooyinka ayaa u baaqday arrimo la xiriira dhinaca Ammaanka, hase yeeshee Xiriirka Soomaaliyeed ayaa sanadkaan waxaa ka go’an in uu qabto tartankii Cayaaraha Gobolada, waxaana la filayaa in lagu qabto Maamul Gobaleedka Puntland halkaas oo la isugu geyn doono 10 gobal, waxaana maalmihii ugu dambeeyey Puntland isaga daba-noqonayey madax ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta si madaxda Puntland u fududeeyaan qabashada tartanka Cayaaraha Gobolada, sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uu dhowr jeer isku dayey in uu xiriir la sameeyo Maamulka Somaliland si halkaasi loogu qabto tartanka Cayaaraha Gobolada, hase yeeshee taasi ma suuragelin inkastoo Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta sheegeen in aysan marnaba ka quusan doonin xiriirka Goboladaasi ee dhanka K/cagta.

Markii diyaargarowga loogu jiray tartankii 17-ka jir-ka ee dhawaan lagu soo gebagabeeyey dalka Suudaan ayaa waxaa halkii lagu qaadanayey tababarka ee Garoonka Banadir Stadium ayaa cayaartooydii ka qaybgalasay tartankaasi ku adkaatey in ay gaaraan garoonkaasi kadib markii wadooyinka loo maro garoonkaasi ay saameeyn ku yeesheen dagaalada ka socda Muqdisho, balse Xiriirka Soomaaliyeed arrintaasi kama uusan niyad jabin waxa uuna bilaabay in tababarka loo soo wareejiyo garoonka Dugisga Sare ee Booliiska, hase yeeshee cayaartooydu waxay mar walba la kulmayeen cabqabado dhanka amniga ah inkastoo ay u dhabar adeegeen tababarkaas taasina waa midda keentay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan tartankii 17-ka jira ee lagu soo gebagabeeyey dalka Suudaan, waxayna Wasaaradda Isboortiga ee Dalka Suudaan cayaartooydaasi ugu deeqday Qalab Isboorti waayo ma aysan fileyn in dal aan la isku haleyn Karin amaankiisa ay ka yimaadaan cayaartooydaa sidaa u diyaarsan walibana cayaaraya xili ramadaan ah oo cadceedu aad u kulushay dabeylo xoog lihina dhacayaan
Kooxada Banaadir ayaa labadii sanno ugu dambeysey waxay ka qaybgaleysey Tartanka Horyaaladda Bariga ito Bartamaha waxayna ka muujisey Karti iyo Aadaab , sidoo kale Kooxda Daalo ayaa iyana ka qaybgashey tartankii Horyaalada ee Jaamacadda Carabta waxayna iyana ka muujisey Wacdaro.

Xiriirka Soomaaliyeed waxa uu haatan abaabulayaa sidii uu uga qaybgali lahaa tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika oo bilaha soo socda la qaban doono, waxaana xiriirka Soomaaliyeed uu Qarankaasi u magacaabay Tababare Geela oo ah tababar Qibrad ku leh Cayaaraha K/cagta oo si weyn looga yaqaano Bariga iyo Bartmaha Afrika, sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed waxa uu dalka Jabuuti isugu geyn doonaa ilaa iyo 30 tababare halkaas oo lagu siin doono casharo la xiriira cayaarta K/cagta, waxaana arrintaan gacan ka gaysan doona Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA.

Intii uu xiriirku dhisnaa, sidoo kale waxa uu degay oo uu hawlihiisa ka wataa guri ka kooban Afar Dabaq halkaas oo ay ku yaalaan xafiisyadda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta sidoo kale waxaa gurigaasi loogu talagalay in lagu xareeyo Cayaartooyda Qaranka oo hadba isku diyaarinaya Tartamada Dibadda, sidoo kale waxaa dhawaan xafiisyadaasi lagu qabtay tababar soconayey mudo todobaad ah oo ay ka qaybgaleen Tababarayaasha K/cagta ee Soomaaliya, waxayna halkaasi ku baranayeen casharo la xiriir dhinaca K/cagta. Sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uu xiriir wada shaqeyn ah la leeyahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo isboortiga ee uu madaxda ka yahay Suleymaan Colaad Rooble, waxa uuna Wasiirku dhowr jeer kala qaybgalay xaflado isugu jiray sagootin iyo kuwo lagu maamuusayey tartamo oo uu qabanqaabiyey Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta. Isku soo wada duuboo Xiriirka Soomaaliyeed waxaa la dhihi karaa waxa uu ku talaabsaday horumar dhinacyo badan leh oo si weyn loo taaban karo mararka loo barbardhigo xiriiradii hore, waxa uuna markii ugu horeysay Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta ku guuleystay in uu xibsaab xir u gudbiyo Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA taas oo aan horey u dhicin.

Ugu dambeyn xiriirka soomaaliyeed ee kubadda Cagta wuxuu u mahadcelinyaa Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti oo isagu u suurta geliyey in Qaranka soomaliyeed ay tababar ku qaataan Garoomada Dalkaas sidoo kale suurta geliyey in Wadankaas Martigeliyo Tartamadii lagu qaban lahaa Gudaha soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.