Home » Warar »

Ururka SSCO Ee Bosaso oo Qaaday Olole Nadaafadeed iyo Hay’adda Daamun oo la garabgashay.

Ururka SSCO Ee Bosaso oo Qaaday Olole Nadaafadeed iyo Hay’adda Daamun oo la garabgashay.

SAWIRADA Halkan ka daawo…. (GUJI)

Qaar ka mida isimada iyo Ururka iskuxirka ardayda somaliyeed ee SSCO ayaa Maanta waxaa ay howlo nadaafadeed ka Fuliyeen daafaha Magaalada Bosaso iyagoo gacan fiican ka helay isimada gobolka Bari iyadoo ururku uu si xilkasnimo ah arintan ugu quudhay xoog tabar dhaqaale intaba wixii itaalkooda ahaa.

Waxaa ay ka Fuliyeen howlgalkan dhinaca Nadaafada ah xaafado badan oo ka Mida dacalada iyo daafaha Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaana ka mid haa xaafadihii ay inta badan arimaahsi saaka ka bilabeen Ururka SSCO kaashanaya Odayaasha nabadoona ee Gobolka Bari Xaafada Reebi ee Bosaso sida ay saxaafada uga warbixisay gudoonka degmadaasi Marwo Faaduma Sandheere oo sheegtay maanta inay wax la taabankaro ka qabteen Ururka SSCO Xaafadan.

Inkastoo howlgalka ugu wayn uu ururkani ka wadey Xaafada Reebi Misana maaha kuwo la soo koobikaro howlgalada ay damacsanyihiin kooxa Ururkaasi sida uu iclaamiyey Gudmooyiha Ururka isku xirka ardayda Somaliyeed C/laahi Siyadka oo shaqsi aad u Firfircoon oo ka qayb qaata arimha wacyigelinta waxqabadka dadwaynaha ee ku aada Doorka Ururada Ka howlgala Gudaha Degaanada Puntland.

Maxamed Axmed Ciise
Bosaso-Puntland
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka SSCO Ee Bosaso oo Qaaday Olole Nadaafadeed iyo Hay’adda Daamun oo la garabgashay. "

  1. c/rasaq caynab xuseen says:

    bismilah asw waxan oran laha waxad qabaten ale ajir ha idinka siiyo maxa yelay rasulka swc wuxu yiri ( al nadafatu nus iimaan ) mar arki doona bosaaso oo wada laami insha ala ale waxba lama aha lakin wa in an dadaalkeda la imana walal ha lada daalo wabilaahi tofiq