Home » Allman »

Isku Shaandhentii Isku Shaandheyn Dhashey | Allman

Isku Shaandhentii Isku Shaandheyn Dhashey

Ramadaan Kariim Akh-ristayaasha aynu jecel nahayoow meel kasta oo aad joogtaan, Akh-riste ha dhibsan qormadan oo hana ku farxin waayo waxaan halkan idiinku soo gudbindoonaa Qormada cinwaankeeda kore ku xusan oo aan uga hadli doono Isku Shaan-dheynta lagu sameeyey dhowaan Golaha Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, hadalo kala duwan oo ka soo baxaya isku shaan-dheyntan iyo maamul lagu sheegey Banaadir land oo ay ku hawlan yihiin rag ka tirsan siyaasiin Soomaaliyeed oo hore ugu fashilmey damacooda siyaasadeed, iyadoo la ogyahay kuwii hore halka uu xaalkoodu marayo, dowlado ku hawlan arintaas oo gacan siinaya iyo warar is-khilaafsan oo ka soo baxaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee TFG-da xilka ka degay oo la sheegey in uu qayb ka yahay xubnahaasi.

Sida la wada ogyahay Col/ Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyey dowladii FTG-da ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Col/Cabdullaahi Yuusuf Axmed, dowladaasi ayaa mas’uuliyiintii soo marey waxaa soo wajahay caqabado fara badan oo ay ka mid tahay mucaarad hubeysan oo dagaal lagu hoobtey oo ay la gashey dowlada, mas’uuliyiin is-khilaafsan, faragelin shisheeye oo wajiyo fara badan leh iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiintii soo marey TFG-da oo ku kacay ku tagri fal hantida Qaranka Soomaaliya loogu deeqay iwm.

Dhamaan arimahaasi waxay dhaceen Nuur Cadde ka hor iyo inta uu xilka hayey, balse Nuur Cadde markii uu la kulmey caqabadahan faraha badan oo ay ka mid tahay degenaansho la’aanta Xukuumadii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ee dalka Xukumeysey mudadda halka Sano iyo dhowrka bilood wuxuu qaatey go’aan adag oo ah inuu la heshiiyo kooxaha ku kacsan Xukuumadiisa.

Wuxuuna wada hadal ay garwadeen ka tahay UNPOS la furey hogaanka kooxaha mucaaradka iyo xubno uu hogaaminayo, taasoo ugu dambeyntii uu ku guuleystey in uu kala jebiyo mucaaradkii oo qaybna uu la heshiiyey qaybna ay ka biyo diidey heshiiska, balse heshiiskaas uu keeney Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa isaga iyo madaxweynihiisa ay isku khilaafeen, kaasoo Aakhirkii keeney in Madaxweynuhu uu xilka baneeyo, inkastoo xil ka tegista madaxweynaha aysan xalin caqabadihii kala duwanaa ee ka jirey dalka guud ahaantiisa, marka laga reebo bixitaanka ciidamada Itoobiya oo hada ku jira rogaal celis hor leh, hadana Nuur Xasan Xuseen wuxuu isu soo sharxay Madaxweyne, balse kuma guuleysan, waxaana jagadii ay isaga iyo madaxweynihiisa isku khilaafeen ku fadhiya kooxdii mucaaradka ku ahayd, iyadoo ay saacideen qaar ka mid ah dowladaha caalamka ee taageerayey kooxdaas, islamarkaana markii looga guuleystey doorashadii Nuur Cadde, iyagoo iska dhigaya wax la jira si aad ah ugu tacsiyeeyey, isla goobta doorashada ka dhaceysey, taasoo u muuqatey jees jees.

Nuur Xasan Xuseen wuxuu hada Safiir ka yahay dalka Talyaaniga, waxaana dhowaan lagu wareejiyey Furaha Safaarada Soomaaliya, la wareegida xilka safiirnimo ee loogu sameeyey Nuur Cadde dalka Talyaaniga, ma yahay mid isagu uu ku qanacsan yahay?, mise waa mid uu kaga gudbayo dano kale oo siyaasadeed?, Jawaabaha su’aalahaasi waxaan u daayey Akh-ristayaasha, laakiin hadii aan dib u eegno inagoo aan tafaasiir dheer sii gelin, dowlada Talyaaniga xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Nuur Cadde waxay taageero nooc kasta siineysey kooxihii mucaaradka ku ahaa Xukuumadiisa iyo tii Geedi, sida ay xusayeen qaar ka mid ah mas’uulyiintii hore ee TFG-da oo xitaa loo diidey qaar ka mid ah diblamaasiyiintii Talyaaniga ahaa in dalka Soomaaliya ay soo galaan xiligii Cali Geedi.

Shacabka Soomaaliyeed, isagoo dareensan ficiladii foosha xumaa ee uu kula dhaqmayey Talyaanigu cunsuri nimadiisa mudadii dowlad la’aanta ayaa wuxuu is-weydiinayaa, kaalin intee la eg ayey ka qaadan kartaa dib u soo nooleynta Safaarada Soomaaliya ee ku taal Talyaaniga, Nuur Cadde se isagoo og caqabadihii hortaagnaa Xukuumadiisa ka qayb ahaanshaha Talyaaniga, ma wuxuu noqon doonaa sida kuwa isaga ku kacsanaa oo kale in loo soo adeegsado bur burinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maalkooda, sharaftooda iyo qiyamkooda?, mise wuu ka leexan doonaa?, waayo beryahaan waxaa la hadal hayaa rag isagu uu ka mid yahay oo qaarkood ay yihiin rug cadaayaasha dagaalka muqdisho iyo TFG-dii hore, in ay ku hawlan yihiin dhismaha Banaadir land, iyadoo hirgelinta maamulkaasina ay qayb ka yihiin rug cadayaal u dhashey dalka Talyaaniga?!!, waa yaabka yaabkiisa, inkastoo aan ka sugeyn Nuur Xasan Xuseen intii aan ka bartey, hadana waxaa macquul ah in qayb ka mid ah ragaas ay qaataan fikirkaas, sida kuwii hore loogu xamanayey Suntii Badda lagu duugey, sidoo kale ragii lagu xamanayey xanibaada Xoolaha Soomaaliya iyo xubin kale oo lagu sheegey in uu ka tirsanaa Is-bahaysigii Sharta Soomaaliya dhamaan ragaasina lagu sheegey in ay isku hayb yihiin mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dowlada, balse la arki doonee Awrta rararn ee rifayaasha la kadeedan damacooda fashilmey halka ay ku furtaan.

Dhinaca kale hadii aynu eegno qaab dhismeedka dowlada Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar, intii ay jirtey waxaa lagu xantaa Golaha Wasiiradda inay isugu jiraan, Wasiiro qaab Qaran ugu shaqeeya xilkooda, kuwo hab beeleed ugu shaqeynaya, kuwo qaab Ganacsi u shaqeeya, kuwo qaab jabhadeed u shaqeynaya wali, kuwo hab NGO u shaqeeya iyo kuwo magac Wasiir ku jooga oo aan aqoon shaqadooda, inkastoo uu dhowaan sameeyey Ra’iisul Wasaaruhu isku shaandheyn aan la garan ujeedadda ay lahayd.

Hadana xeel dheerayaasha dhinaca siyaasada Soomaaliya waxay ka bixiyeen dareeno kala duwan oo qaarkood aan la shaacin Karin, balse qaar ka mid ah hadii aan xusno waxay ku sheegeen “ isku shaan-dheynta Ra’iisul Wasaaruhu waxay noqtey wax aan marna la fileyn, islamarkaana sumcad dari u keeneysa mustaqbalka hogaamineed Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”.

Sababtoo ah waxay carabka ku adkeeyeen “Madaxweynaha waxaa laga doonayaa in uu koontaroolo Ra’iisul Wasaaraha oo saxo, siiyana tilmaamo habka ugu wanaagsan ee hawsha guud ee dalka si ay u noqoto mid ku socota habkii dastuuriga ahaa, Waayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ugu horeyn waa nin da’yar oo saaxada siyaasadeed ku soo fuuley si lama filaan ah, iyadoo loo eegayo magacii Aabihii uu ku lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kamana mid ahayn raga ku yimid miiska hogaaminta dalka Qori, inkastoo qabiil uu ka soo jeedo, marka loo eego habka 4.5-ka ee dowlada lagu dhisey, hadana waxaa ka xoog badneyd Sumcadii Aabihii uu lahaa.

Balse markii xilka loo dhaariyey oo uu dhisey Golihiisa Wasiiradda oo intooda badan lagu xanto inuusan isagu soo xulin ayaa xukuumadiisu waxay nasiib u heshey in qaar ka mid ah Wasiiradiisu ay noqdaan kuwo Qaran oo hawl la taaban karo ka soo qabtey qaybo badan oo wax weyn u tarey siyaasada Xukuumada uu hogaamiyo ee dalka Soomaaliya, halka kuwo kale oo ka tirsan Xukuumadiisa ay xilkooda ugu shaqeynayeen qaab qabiil oo dantii Qaranka ay ka hormariyaan tan Qabiilka ay ka soo jeedaan, sidoo kale ayna jiraan, kuwo hab Jabhadnimo ugu shaqeynaya xilkooda oo hadana si hoose mucaaradka ula safan, waxaa kale oo intaa dheer Wasiiro qaab Ganacsi xilkooda ugu shaqeysta oo ma ahan kuwo hawsha noocaas ah hada bilaabey ee waa mid hore ay u soo sameyn jireen, islamarkaana lacago badan ay hore ugu lunsadeen nidaamka noocan oo kale, waana boog aysan ka bogsaneyn waligood madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha xitaa hadii ay xilka ka degaan” ayey yiraahdeen.

Xukuumadan oo haysata xili hawleed ku eg laba sano ayaa in badan oo ka tirsan dadka Soomaalida ah ee ku nool Caasimada Jabuuti is-weydiinayaan su’aalo ku wajahan isku shaandheynta Golaha Xukuumada, su’aalahaas oo ay ka mid ahaayeen Isku shaandheyntii xukuumada cusub ma digniin ku socotaa rag ka tirsan xukuumadaa oo la doonayo in lagu cuno kuwo khatar ku ah jiritaanka dowlada?!, mise awood tijaabin Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihiisaa ay sameeyeen baa?, halka kuwo kale ay qabaan waa isku shaan dheyn dowlado shisheeye ay ka dambeeyaan?, sidoo kale kuwo ayaa qaba ma ahan in Isku shaandheyntan mid sax ah ee waa isku shaandheyn kale oo wajiyo fara badan leh oo wax badana ay ku hoos duugan yihiin?, maya ee waa mid ay ka dambeeyaan maamulada macmalka ah ee ka jira Soomaaliya?, halka kooxda ugu dambeysa ay qabaan ma waxaa jira shaqo xumo laga dareemey wasiirada qaarkood ayaa loo sameeyey isku shaandheyntan? Maya ee ma waxaa loo sameeyey in aan wax hagaagin sida TFG-dii hore oo kale ayaa laga doonayaa oo wasiirku isagoon wali aas aaskii wasaarada dhigin hawshiisa dhexda laga qaban jirey?!. Dhamaan su’aalahaas iyo kuwo kale oo fara badan waxay u baahan tahay in shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooda ay isla fahmaan halka ugu dambeysa ee isku shaan dhaynta, balse anigu hadii aan ku hormaro jawaabaha in badan oo ka mid ah su’aalaha waxbaa ka jira.

allmaan1
Maxamed Allman

laakiin marka laysku soo duubo Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid sow lama dhihi karo mar hadii intaas oo nabar ay leeyihiin ku tilmaameen Wasiiradu xeel dheerayaashan waxay u baahan tahay isku shaandheyn, balse marka dhinac kale laga eego, isku shaandheyntii la doonayey in lagu sameeya Wasiiradda nabarada waaweyn lahaa ayaa isku shaandheyntii qalinka Ra’iisul Wasaaruhu waxay la tagtey qaar ka mid ah Wasiiraddii Hab Qaranka ku shaqeynayey, halkii lagu abaal marin lahaa hawsha ay qabteen wax u dhigma oo waano u noqota kuwa kale, ayaa xilka loo kala bedeley kuwii NGO-nimo ugu shaqeysanayey xilkii Qaranka, balse Akh-ristoow waxay su’aali ka taagan tahay dowladu sidey ugu guuleysan karto waqtigeedii, iyadoo ay habeen iyo maalin Jeeblayaasha Qarxa madfac la dul taagan yihiin oo boogahii dowladuna ay fiishayaan, iyadoo Xukuumadu inta badan sheegta in ay dooneyso Jeeblayaasha Qarxa in lagu soo daro dawlada, taasoo iyaduna hadii ay dhacdo su’aalo kulull ay ka soo bixi karaan halka Jago looga helayo Jeeblayaasha Qarxa?!, waxaana marag madoonto ah qaar ka mid ah Golaha Wasiiradu in aysan ka shaqeyn neynin sidii loogu soo biirin lahaa Xukuumada Jeeblyaasha Qarxa, mise hadii kale hawshu waxay ku socon Isku Shaandheyn Isku Shaandheyn Dhasha?!!! Oo TFG-dii hore hab maamulkeedii uu hareeyey arimaha noocaan oo kale.

W.Q;- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Isku Shaandhentii Isku Shaandheyn Dhashey | Allman "

  1. guulwade says:

    as/c as/c umada somaliyeed nimankan nuur cade iyo ina c/rishiid meelweyn bay kaga dheceen waana tuugo dalka somalia iibsadey oo aan muwaadiniin ahan nuur cade iyo ina rashiid waxa cad in ay yihiin masuuliyiin aan kala aqoon waxa ay umada somaliyeed xaq uguleedahay waxana nimankaas lunsadeen qaar kamid ah dhulka somalia iyo dhaqaale dhaqaale macno maleh hadaba e waxa arin maharto ah noqoneysa Ragan IIBSADEY Dhulka Somalia

  2. Cajiib says:

    bismilaah… waxa la yaab leh marka ugu horeeyso siyada Somaliyeeyd oo ah mid qariban oo aan leheeyn meel loo raaco. hadeey maalin waliba is xabadeeyaan umad an kala xoog badneeyn dhibkeedey leedahay ee yaa u maqan umada somaliyeeyd?
    hadii aa nahay shacabka somaliyeeyd waxamaraqaati ka nahay Siyasada qabka daran ee ka jirta Somalia.
    Wax waliba oo ka dhaca Dowlada dhaxdeeda ha ahaato wanaag ama xumaan iyada masuul ka ah oo lagula xisaabtami doonaa..

  3. mx says:

    qormadan ka hadleeysa isku shaandheeynta dawlada aad iyo aad baa loogu baahanyahay, wliba waxaad moodaa in uu qormadan uu qoray nin xogagaal u aha, qaabka aay ushaqeeyaan wasiirada iminka jira ee Dawlada Fedralka kumeel gaarka. waxaa maragmadoonta ah in wasiirada qaarkood, ushaqeeyaan qaab ganacsi cad oo aan leexleexad laheeyn,sida wasiirada caafimaadka, oo si aan mudi ku jirin u iibsatay, Dawadii dawlada TURKIGA ugu deeqday, shacabka soomaaliyeed, iyadoo barqa cad, laga iibiyay dawaleeydii, reer Bakaaro, sidoo kale waxeey iibisay dawadii dalka talyaaniga ee deeqda aheeyd, ee loogu tala galay, umada tabaaleeysan, waxaay maanta sugayaan, bulshada soomaaliyeed in Ra- iisulwasaare cumar cabdirasid, uu sameeyo isbedal dawladeed ee uu meesha kasaaro wasiirada qawleeysaeada ah ee ceebeeynaaya dawladiisa, kuwaas oo ah kuwa manaxayaal ah oo aan utureeynin shacabka ee iibsanaya dawooyinkii deeqda ahaa ee loogu kaalmeeyn lahaa, shacabkan tabaaleeysan, waxaan tuhunsanahay hadaan nahay shacabka soomaliyeed ee mudada 20 sano ku dhawaadka ah, in wasiirada noocasi ku shaqeetsta aay xiriir sukeeye laleeyihiin madaxweeynaha (shiekh Shariif) iyo Ra iisulwasaare Cumar cabdirashiid cali sharmarke, qabri iyo qiyaamaha macafindoono maxaa yeelay magacaabadeey sameeyeen, iyo kalsoonida aay kaqabaan, madaxda qaranka, ayaa lagu baabinayaa dantii guud ee bulshada, waxaan maalin walba ku heeynaa dhagta, radiyaha, si aan udhageeysano wasiirada waxmatarayaasha qaaimul wadanka ah si meesha looga saaro.

    CODSI

    WAXAAN KA CODSANEEYNAA MADAXWEENAHA MDFK MUDANE SHIEKH SHARIF IYO RAIISULWASAAREHEENA DR, CUMAR ABDIRASHIID CALI SHARMAARKE ISBEDAL DAWLADEED OO DEG DEG AH, NALAGANA BEDALO WASIIRADA HARKA CAD DALAALEEYDA SUUQA BAKAARO KAGA IIBIYA, XARUMAHA DAWLADA DAWOOYINKA DEEQ AHAANTA, LOOSOO GAARSIYAY UMADA AAD MASUULKA KATIHIIN WAAN IDIIN SOO GAARSIINAY FARIINTA SHACABKA, ILAAHAYAW MARAQAATI KA AHAAW, ILAAHAYAW MARAQAATI KA AHAAW, ILAAHAYAW MARAQAATI KA AHAW IN CABASHADEENI GAARSIINAY SHIEKH SHARIIF IYO CUMAR CABDIRASHIID

  4. waxaan salaamayaa qarooga oo aan saa xiib nahay waxaana ku lee yahay dadaal adigaaba jabi doonee

  5. ASC WARAB MID AAD AAN UGU FARXAY SIDA
    SIDDA AAD U SO BANDHIGTA SHAXDDA KU DHISSAN IN AAD TAHAY NIN AY QARANIMMO AMA WADANIYAD KU JIRTTO.
    SOMALIDU WAXA DHAHDAA QURAANKII ALIFA KA HABAABO AL-BAQRRU KAMA TOOSSO;TAAS O AAN KA WADDO UMMADDA SOMALIYED O XAQII KA
    WEECDAY;BEENTII ILBAXNIM NOQOTAY;HAWFU-
    DUDEYNTII HRUMAR GAAR AH NOQOTAY OO AY DHAMATAY MACRUUFKA OO LA ISFARRO;XUMAANTA
    LA ISKA REEBBO;MADIIDEYSAA IN ILAAH
    NOOGGA DHIGAAYO SIYASADEENNA IYO HOGANK-
    EENABA WALLINIM INTA SHARTA WADDA;TAAS
    OO AH IN AAN KU DUCEYSANNO ALLAAHUMA WAL
    LI UMURANAA KHIYARANA WALAA TUWALLI UMU
    RANNA SHIRARANNAA.
    waxaaba ka sii darran taas oo aan la
    CIIREENAY CARADII EEBE IN AY KUWII ILAAH
    KU TILAMAAMAY(WAXAD U MALEYN IN AY ISLA
    WADDA JIRAAN QULUBTODANNA WEY KALA JIRAN)
    SABABT AH DANAHEENI IYO DASTUURKENII
    WAXAA U DAJIYEY DAD AJNABI AH OO SAL UGA
    DHIGAY IN DOWLADDA LAGU DHISSO= 4;5.

  6. bashir says:

    Si kasta oo ay u daala dhacdo umadda soomaaliyeed , waxaa hubaal ah in mar xaqu dilaacayo oo ilaahay iftiimin doono. Daalim kastaa ha ku quus qaato meesha ay mareen kuwii dunida ku hayey dhibaatada iyo kuwii xaqa diiday. Tusaalaha ugu fiican qof dulli ah oo xaqa daba mara waa Fircoon alla ha nacladee. Soomaaliya iyada waxaa u soo socda khayr iyo raynrayn aamiin.
    Maxamad Bashiir

  7. illaah oo kaliya ayaa fahmi kara wax ka socdo wadankeena/maalin walba dhinac iyo waji cusub siyaasad leh ayeey wataan kuwaan shaar iyo shillin doonka ah,jahwareer iyo amakaak ay nagu rideen .ugu danbeeystii sida aniga ila tahay waa la isaga ciyaaraa kuwaan wadamo shisheeyo aa jar ku dheelaan /usa/eu/arabs/ethieopia/iwm.
    illaah aan leenahay…graet job allman

  8. Mohamed says:

    All man waligay qoraaladaada waan jeclaa hadana aad baan u sii jeclahay waxaa tahay qof aad u fahma wax had taagan iyo wax soo socda dhinaca siyaasada waxaan aad u jeclahay in aad siyaadiso qoraalada aad ka qorayso dhinaca siyaasada adiga oo aan cidna ka baqayn ALLE mooyee, taas waxa ay anaga (Akhristayaasaha) na siinaysaa in aan fahamno waxa aanan hada u jeedin ee u baahan in qof adiga oo kale ah oo suxufi ah noo soo bayaamiyo si aan ula jaan qaadno xaalada iyo marxaladaha siyaasadeed ee wadanku ku sugan yahay

    Mahadsanid All man

    Waxaan filayaa in aan mar kale kulano

  9. Mr. Allman, mid waa runtaa waa sida aad
    sheegtay oo ah inay nimanka Dawladda
    madaxda looga dhigay u shaqeeyaan dad
    kale oo aan soomali ahayn, midna waad
    ku qaldan tahay oo ah nimankaa aad ku
    sheegtay jeeblayasha qaraxa oo aad ula
    jeedo Al-Shabaab sida aan u maleeyey !!!