Home » Sports »

Af Soomaaliga oo lagu daray Xarunta Minnesota, USA

In af Soomaali ka dhexmuuqdo aqalka xarunta Minnesota state waa tallaabo haboon

Guriga Minnesota state looga taliyo waa guriga saddexaad xagga weynaanta marka la eego guryaha xarumaha dalka maraykanka waana guri aad u qurux badan. Gurigan waa guriga lagu sameeyo dhamaan shuruucda lagu dhaqo reer Minnesota. Waa hoyga golayaasha sharci dejinta Minnesota iyo governorkaba. Gurigan waxaa uu astaan u yahay taariikhda iyo jiritaanka Minnesota. Waxaa soo booqda dad aad u fara badan maalin kasta. Dadkaasi waxay ka kala yimaadaan Minnesota iyo caaalmka kale. Gurigan waxaa la dhisay 1905 waxaana dhisay ninka la yiraahdo Cass Gilbert oo ah ninkii dhisay dhismaha US Supreme Court isla markaana looga dayday farsamada dhismaha guryaha dhaadheer ee New York iyo caaalamkaba. Gurigan waxaa uu u diyaarshay soo booqdayaasha buugaag yar yar oo ku qoran ilaa 24 luqadood.

Anigoo ka mid ah dadka aad u jecel farta Soomaaliyeed sababata igu kaliftay in aan u ololeeyo in af soomaali lagu daro waxay ahayd markaan ogaaday inuusan af Soomaali ama far Soomaali aanay ku jirin 24 kaas luqadood. Waxaa ka sii daran in luqadadahaasi badankood dad badan oo ku hadlaa aanay ku noolayn Minnesota.

Waxaa kale oo jira in Soomaali aad u fara badan ku nooshahay Minnesota iyo in afkaaga uu ka mid yahay awoodaha siyaasadeed iyo dhaqameed ee ay umadi leedahay. Ugu danbayntii anigoo ka mid ahaa dadkii aad uga soo shaqeeyey sumcadda Soomaalida ku nool Minnesota inay heer sare noqoto waxaa aan dhibsaday sida sumcadda Soomaalida Minnesota loo dhimay gaar ahaan sidii loo waayey koox dhallinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida Minnesota, taas ayaana igu sii dhiirisay in aan turjumo anigoo filayo inay arrintan wax uun ka tarto. Nasiib wanaag ururka keydin taariikhda Minnesota oo loo yaqaan Minnesota historical society ayaa iga aqbalay Waxaa aan filayaa in af Soomaaliga oo ka dhexmuuqda caasimadda gobolka ay noo keeni doonto awood siyaasadeed iyo iyo mid dhaqanba

Qofkii Soomaali ah oo booqda Xarunta Xarunta Gobolka Minnesota waxaan kula talinayaa in uu weydiisto koobi af Soomaali ah xataa hadii uusan garanayn sida loo aqriyo far Soomaali ama uu yaqaan af Ingriisi ku filan sababtoo ah waa astaantaada iyo kaydka dhaqankaaga iyo wax lagu farxo. Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda ogeysiinta bulshada iga caawisay eek ala ah Somali Action Alliance team, Shaaf iyo kooxdiisa i, Xuseen Samatar, Aamaan, Wiilwaal iyo gudoomiyaha aqalka senate-ka Minnesota Senator Pogimiller.
Bal fiiri siyaasiyiinta Minnesota wargayskooda sida uu u ogaaday saamaynta farta Soomaaliga ee laga helo xarunta Minnesota.

http://www.politicsinminnesota.com/2009

Maxmuud Nuur Wardheere
Faribault MN USA
mnwardere@yahoo.com

en.wikipedia.org/wiki/Minnesota_State_Capitol

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.