Home » Ramadan »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga. Q.5aad | Calinuur

Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Shanaad)

Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, waxaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}.

Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo nafta oo aan lacag kuugu fadhin, waa siminaar tarbiyo ah oo aan kaaga baahneyn inaad u safarto, waxa uu fursad u yahay kan naftiisa Balwada daalisay ee hanan waayay, oo waxaa uu uga faaiideysan karaa inuu kawada haro noocyada balwadaha oo dhan maadaama uu fursad u helay inuu Soomo maalintii, waxaa uu isku dayi karaa sidaasoo kalana inuu Habeenkii ku mashquuliyo naftiisa Salaad iyo cibaado kale, waqtiga usoo harana jiif uga faaiideysto, waxaana dad badan oo Balwado lahaa la hubsaday in ay kaga daawoobeen Bisha Ramadaan markii ay si wanaagsan waqtigooda uaga faaiideesteen.

Waxaa uu Ramdaanka sidoo kale Fursad u yahay ruuxa ka gaabin jiray Sunnooyinka Rawaatibta ah iyo kuwa kale, maxaa yeelay waxaa uu Ramadaanka inta lagu jiro helaayaa Muslimka sooman jawi ku Saacida inuu Naftiisa ku Xakameeyo Kheyrka noocyadiisa kala duwan, waxaana xasuusin mudan Qiyaamaha marka la tago oo la xisaabinaayo Muslimka waxa ugu horeeya ee laga Xisaabiyaa waa Salaada Faradka ah, hadii Salaadiisa wax ka dhinaadaana waxaa la fiiriyaa Sunnooyinka Raacsanaa salaada taasoo kab u noqota haduu la imaan jiray sida uu noo sheegay Nabigeenii Suubanaa (naxariis iyo nabag aalaha yeelee).

Ramadaanka waxaa u fursad u yahay kuwa ka hijrooday Kitaabka Qur’aanka aqrintiisa, in ay dib isu saxaan kana faaiideystaan jawajiga wanaagsan ee Ramadaanku Xambaarsan yahay, Maxaa yeelay Maalmaha Soonka waxaa uu Muslimka Sooman helaa Fursad iyo Awood Cajiib leh taasoo u suuro galiso Maalin kasta Kitaabka inuu waqti badan ku bixiyo, maadaama lagu jiro Bishii Qur’aanka, waxaana xasuusin mudan Xaraf walba oo qur’aan ah oo uu Ruuxa aqriyo inuu ku helaayo 10 Ajar, taasoo kobcineysa Iimaanka Muslimka siineysana Karti uu Sanadka intiisa kale ku dhaqdhaqaaqi karo kheyrkana uga faaiideysan karo.

Ramadaanku waxa uu Fursad u yahay Gabadha Muslimka ah ee xoogaa hilmaanka iyo dabaca lasoo gudboonaaday ee Xijaabka dabcisay ama Xijaabka ka tagtay inay dib isu Xisaabiso, soona Ceshata wanaageedii, kana faaiideysato Nicmooyinka Ramadaanka ka Buuxa inta ayan dhamaan fursadaan aan damaanada loo heysan in dib ugusoo laaban doonto.

Ramadaanku waxaa uu Fursad u yahay kuwa taleefoonada iyo Inter netyada xumaanta u adeegsan jiray in ay Naftooda ku xakameeyaan Bishaan Barakeysan kana dhowrsadaan waxyaabaha aan Aduun iyo aaqiraba wax u tareyn, amaba Dembiyada qatarta ah dadka u jiida, waayo waxaa badan dambiyo la yareesto laakiin albaab u noqda dembiyada kuwa ugu waa weyn, oo waxaa la yiraahdaa buurahaba waxey ka sameysmaan dhagxaanta qururuxa oo isu tagtay.

Ramadaanka waxaa uu fursad u yahay kuwa u bartay nolosha barwaaqada ah in ay ogaadaan Baahida xanuunkeeda, taasoo dhaxashiisa in ay u dhimriyaan kuwa bahaan ee gaajada ku noolaa Sanadka oo dhan, taasoo ku dhal;isa in ay Quudiyaan masaakiinta xoolahoodana wax ka bixiyaan, islamarkaana illaah (cw) ugu mahad celiyaan Nicmooyinka uu ku galadeestay..

Ramadaanku waxa uu fursad u yahay kuwa Naftooda ku mashquulisay Fidnada iyo Daadinta Dhiiga ee ku howlan Barakicinta Masaakiinta Muslimiinta ah ee 20ka sano Dhibaatada ku jiray inay xisaabtamaan oo ay ka Soomaan Xumaanta sida ay uga Soomeen Cunadii iyo Cabitaanadii xalaasha ahaa, waxaa la yaab leh ruux Xalaashii uga tagay Soonka Dartiis Xaaraantiina raba inuu ku Cibaadeysto Soonka dartiis, waa layaab in laga Soomo Cuntadii ee aan laga Soomin Dhiiga Muslimiinta ee weliba Cibaado la Moodo.

Hadaba Si aan uga Faaideysano Fursadaha Bisha Ramadaan waa inaan la ku Dadaalnaa arimaha Soo Socda:

1-waa in aan u dagdagnaa Towbad keenida illaahna Dembi dhaaf ka dalbanaa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo.

2-Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaafka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm.

3-Waa inaan go’aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camalada suuban oo dhan ku dadaalnaa.
4-Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa.

5-Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sahal nagu dhaafin habeen iyo maalinba.

6-Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiide ysano si walba kaalmo la siiyo masaakiinta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiriyo eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm.

7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishaan ay la leedahay Qur’aanka xiriir gaar ah.

waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.