Home » Warar »

Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah oo ka mahad naqay deeq soo gaartay

Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah oo ka mahad naqay Deeq Afur ah oo ay soo direen gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah Axmed Sheekh Cabdi (Jaah weyn) ayaa si weyn ugu mahadceliyay Deeq afur ahayd oo loogu talogalay dadka Barakacayaasha ah ee u barakacay Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhexe.

Deeq lacageed oo gaaraysa ilaa 500-oo doolar ayaa waxaa u soo dhiibay dadka ku barakacay degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhexe gabdho Soomaaliyeed oo Muxsiniin ah, kuwaasi oo doonaya inay kaalmeeyaan walaalhood Barakacayaasha ah.

“Si cadaaladi ku jirto ayaan u gaarsiinay dadkii loogu talogalay ee barakacayaasha ah ee ku sugan Degmada Warshiikh deeqdii ayna soo gaarsiiyeen Gabadho Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Ingiriiska ” ayuu yiri Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah Axmed Sheekh Cabdi (Jaah weyn) oo sheegay in loo bnaahan yahay in jaaliyadaha kale ee Soomaliyeed inay gabadhahaasi ku daydaan.

Gabdhaha Soomaaliyeed ee deeqdaasi gaarsiiyay dadka u barakacay Degmada Warshiikh ayaa waxaa ka wakiil ahaa gabdhaha kala ah: Yaasmiin Cabdi Xuseen, Mako Cabdi, Farxiyo Maxamed Cali, Maryan Maxamed Xuseen, Sahro Nuur Cali iyo Sahro Maxamed Cumar oo degan dalka Ingiriiska, Magaalada Manchester gaar ahaan xaafadda Moosaay.

“Ilaah ayaan uga baryaynaa inuu u abaal gudo Gabdhahaasi, deeqdii ay na soo gaarsiiyeen, badal Qeyr qabana Ilaah ha ugu badalo” ayuu yiri Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah Axmed Sheekh Cabdi (Jaah weyn) oo sheegay in jaliyadaha kale ee Dibadda ku dhaqan iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay inay soo gar gaaraan walalahood Barakacayaasha ah eek u dhaqan Degmada Warshiikh.

Dhanka kale waxa uu sheegay Guddoomiye K/Xigeenka Ururka u gargaarayaasha Dugsiyada Qur’aanka maadaama lagu jiro xaalad kala orod ah, dalkana ay ka jiraan dagaallo iyo xaalado aad u qalafsan lagala soo xiriiri karo ururka Telefankaan 5643370, isagoona ugu baaqay guud ahaan Soomaalida ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay dadka dhibaateysan caawiyaan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.