Home » Gabay »

Gabay: Nabada taageera|Mubashir Sheekh

Nin baa layidhi hebelow goormaad seexataa? markaan geela shubayo ayuu ku jawaabay. Sidii oo kale hogaanka Soomaaliyeed kama xishoodaan beenta, wuxuu ku suganyahayba adigoo og buu misane yiraahdaa (wadankii gacanta ayaan kuwada haynaa, dadku 99% anaga ayay na taageersanyihiin iyo dalkii waan xoraynay ee wax yar baa laaban)

Haddaba gabaygan Alle bariga ah waxaan si guud Soomaaliweyn si gaar ah umada reer Ogaadenia uxasuusinayaa faa’iidada ay leedahay isu tanaasulka iyo in aan markasta xoog wax lagu doonin ee ay xeeladu tahay nooc halgan ah.

Gobolkan oo dadkiisu labo saf noqdeen mid loo dilay waa dabo-qoodhi oo macnaheedu yahay inuu kabo-qaad uyahay rajiimka Tigreega iyo mid loo dilay waa nabad-diid oo macnaheedu yahay inuu taageero ama ka mid yahay Jabhada ONLF.

Su’aashu waxay tahay hadday Soomaalida reer Ogaadenia mid la xiray mid la dilay iyo mid cararay noqdeen ONLF dalka yay u xoraynaysaa Kililkuse yuu maamulayaa malaha jawaabta iyagaa og. ILaah baan xornimo taam ah ka baryaynaa waa bil Ramadaane iyo in dadkeenu isu soo dhawaadaan gabayguna waa saas.

Soomaali waa tobon jufiyo tulud walaalo ahe
Nin balaayo taataabtay waa inuu tacliimaaye
Tafaraaruqii baan arkiyo toobad seegnimo’e

Tirtirsiiya shacabkaan lahaa toosi kari waaye
Inkaston tilmaan qarannimiyo talo usii dhiibo
Ma tixraaco maangaabku waa igu takooraaye

Midnimaa wax lagu tiiriyaa laguna taabaaye
Hor Ilaahay wixii kaaga tagi looma taag helo’e
Ka tabaabulaysaad adduun kula tacaashaaye

Ninna ugama taajiro faqriga tuugo iyo boobe
Dad waynaha tabaalaysan ee taahu ka idlaaday
Haddii loo tanaasuli lahaa tawstu way hadhiye

Sida turubka loo kala guree tobonlahow qaato
Farsamaa rag lagu toociyaa taabka kuu jaraye
Maantay halkii taagantahe nabada taageera

Nin tis qaaday kiijiiday bay wada tagaayaane
Talaabada caraabaha markaad tuulo qabanayso
Jidkoo toosan baad mari jirteen toobiyii fudude
Maantana tabtii baan nahaye nabada taageera

Ninkii muruqa kuu tuujiyee tamarna kuusheegta
Amaan kuba tixgelin xeeladaa lagu tarbiicaaye
Tastuur baana lagu maamulaa tiiri kaa adage
Khiyaanada tariiga ah intaad teeb kusoo qoroto
Tusbax go’ay sidiisoo kalaa lagu taxriimaaye

Ninkii tanag bad uga dhaamiyaa turuqu daalaaye
Ogaadeenya nimanbaa tamiyay inay tigtiifaane
Takar iyo qaniin nagu noqdiyo toxoble daanyeere

ILaahbaa tigree nagu saliday aan turmo laheyne
Halgan tacab khasaarana lawaa inuu tanaadaaye
Gobonimo maxay tari nimaan taliyo xoog haynin

Tartarada ninkii kaaxidhee taarna kugu gooyay
Maalintuu hir culus tiinbadee taakulo ubaahdo
Aynubaa tog lagu fiiriyaa toore geeya ahe
Godobtiisu waa toomantee taana ma ilaaway

Xaqa laguma tiiqtiiqsadee waan tukubayaaye
Sida duul tahriiboo ciyoon tigitka loo gooyay
Xabsi loo taxaabiyo haddii tamashle loo laayo
Ama lagu tuntoo qayradani lagu taqaaqeeyo
Horta yay u talin wiilasheer tahartu waydowday

Inuu tacabiruu lumay ninkii tahan ku faalooday
Ee yidhi tola’ayeey maxaa taangi igu meersan
Ee yidhi maxaa ceelka tubay xabashi tuutaysan
Ee toobkihiisii askari torog ku maalaayay
Ee tacajabee yaabay baa taawistii qabo’e

Go’aankuu la tagay buu sidii tooyo uhayaaye
Tunka Aakuhuu saartay iyo tuurta muu dhigine
Tiiraanyadiyo ciilki buu talalax reemaaye

Taariikh lasoo dhaafay buu tiigso leeyahaye
Taxtaxaashki iyo baanuhuu wali tabaayaaye
Inuu tayo kunoolaado uu tay ku xaragoodo
Iyo inuu adduunyada ka tago yay midun tahaye

Hayeeshee tabcadu waa sidii taako kuu xirane
Tontoobada markii lala heluu turunturoodaaye
Tareen lama hor joogaso iyo taayirkays roga’e

ILaah baa maskiin tiir kafura toogasho ahaaye
Kii luqunta taagana ku xira taxadki Naareede

Tixda gabayga Eebbaa ibaraty tirinta geeraare
Yaanan hadalka sida teeri waran kugu taraarsiine

Anoo tukaday oo Sooman baan kuu tawaawacay
ILahayow xornimo taam ah baan adiga kaa tuugay

AMMIIIIN AMMMIIIN AMMMIIN.

Mubashir Sheekh C/llaahi

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabay: Nabada taageera|Mubashir Sheekh "

  1. QARANJECEL says:

    asalaamu calaykum
    aad iyo aad ayaan ula dhacay tixda gabayga ah ee uu walaalkeen mubashir inoogu bishaareeyay ,
    ilaahay haka aqbalo ducada uu ku soo gabagabeeyay aamiin aamiin wa alfa aamiin ayaanu leenahay ,
    halkaana halaga sii wado oo qof walbow waxaad ku baadigoobi kartid qaranimadi soomaaliyeed dadnimadi soomaaliyeed dhaqanki soomaaliyeed diinti soomaaliyeed deegaanki soomaaliyeed calanki soomaaliyeed waxgaradki soomaaliyeed wadaninimadi soomaaliyeed wanaagi soomaaliyeed iwm ku raadi ama qoraal ama gabay ama duruus iyo muxaadaraad ama xoog iyo xeelad ama maal ama caqli ama cilmi nin walbow ogow wuxuun baad ka geysan kartaa ee ha is liidin hana is hagran ee aan wadajir ku wada raadino waxa inaga maqan
    alow sahal umuurahan cakiran
    adaan caallah kuu nahaye
    oo samato bixi soomaalidan ku dhici godaha sheydaanka
    aamiin aamiin
    wasalaamu calaykum
    liibaan