Home » Islam, Maqaallo »

Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan | Albanna

Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan

Qore: Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Hargeysa

Ilaahay waxa uu abuuray khalqiga markaasuu ka doortay Nebiyada (Nabdgalyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee) waxaanu ka sii doortay shanta ugu samirka badan waa Nuux, Ibraahim, Ciise, Muuse, iyo Muxamed(dhamaantoodba Naxariisi korkooda ha ahaatee), waxa aha Ilaaahay agtiisa 12 bilood waxaa ku jira 4 xurmo leh, Bisha ramadaan waa bil wadata khayr iyo abaal marin wayn, waa bil ay ku jirto habeen ka fadli badan kun habeen oo kale, waxa ku jira , ramadaan marka ay soo gasho waxaa la furaa albaabada jannada, waxaana la xidhaa albaabada naarta, shayaadiintana waa katiinadeeyaa, soonka bisha ramaadaanna waxa u dhigmaa toban(10) bilood soonkeed, qofka sooma bisha ramadaan isagoo Ilaahay rumaysan abaalmarintiisana rajaynaya waxaa laga dhaafaa wixii uu danbi soo galay, Ilaahayna waxa uu ka xorreeyaa naarta afur kasta

waa bil ay iskugu soo ururtay dhacdooyin iyo mahadhooyin diineed oo aan la ilaabi Karin,

Soo degitaankii Quraanka Sharafta leh ((Waa Bisha Ramadaan ee la soo dejiyay dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun dadka u ahiyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ee ruuxii jooga(nagi) ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah,waxaa saran maalin kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culays,waana inaad dhamaystirataan tirada Waynaysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyay, waxaadna u dhawdihiin, mudan tihiin, inaad mahadisaan Eebe)) (Al-Baqrah:185))

Quraanku waa hagaha ummadda, hagaajiyaha bulshada, haqabtiraha dadka, Ilaahay waxa uu ka xardhay wax kastoo oo uu Bini’aadmigu u baahanyahay ha noqoto waxay ku liibanayaan, waxay ku khasaarayaan, waa kala bixiye, waxa uu kala saarayaa xaqa iyo baadilka, xumaanta iyo samaanta, xalaasha iyo xaaraanta, waxa uu hagayaa ka halawsan, dabiibayaa ka dawakhsan,rajo u samaynayaa ka quustay, u digayaa ka Xadgudbay, ee ka halawsan xaqa.

Quraankana waa mucjis aan dhamaanayn waxa uu ka sheekaynayaa dadkii tegay iyo waxay kasbadeen, kuwa imika jooga iyo waxa ku habboon inay sameeyaan, iyo waxa soo socda ee ay ka mid tahay Maalintii waynayd ee magacaanta badan lahayd waa maalinta kalabaxa, qiyaamaha, jano iyo naar sida ay dadku ku mutaysanayaan

Quraanku waxa uu soo degay bisha barakaysan ee Ramadaan, waa bishii quraanka waxa la inooga baahanyahay inaan bishan ramadaan aan badino Quraan akhriska inagoo waliba ku ladhayna dhugashada iyo fahankiisa, waxa uu ahaa Malakul JIbriil(Nabdgalyo korkiisa ha ahaatee) kii la dhameeya Nebiga(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee).

Quraankan maalintaa la noolaano, ee aan dareenno waxa uu inoogu yeedhayo iyo waxa uu inooga digayo, nafaheena badalo, uga maarmi wayno sida kalluunku aanu uga maarmin biyaha, maalintaas ayaan nafteena ka adkaan doonnaa, oo aan dadkeenana wax u tari karnaa, is bedlkuna waxa uu ka yimaadaa Quraanka

Walaalayaal waxaa is waydiin maxay inaga haysta Quraanka ee aan u fahmi laanahay?

Bal u fiirso aayadan ((Haddii Quraanka uu Eebe buur ku dejiyo(kula hadlo) waxaad arki lahayd Buurtii oo Khushuucsan oo Dillaaci cabsi Eebe darted))(Al-xashr:21) waa buur oo aan u naqaano waxaan noolayni balse ma jiro adduunka shay Ilaa iyo Ilaahay buu u tasbiixsanayaa, waxa inaga haysta waa inaggoo aan isku taxalujinayn inaan fahano, Haddii Interview(waraysi) aynu galayno, waraysigaas oo aan faa,iido wayn ku helayno, waxaynu si wacan u sii eegnaa waraysiga waxa la inooga baahan yahay, inagoo weedh walba oo ku qoran doonayna inaan dhan walba ka eegno, walaalayaal aan isku taxalujino inaan Quraanka Fahanno, waxaanan inoo tilmaamayaa qodobo la raaco Markaan Quraanka akhrinayno, sida midhaha Quraanka aan u helno

  • · Inaad danbi dhaaf waydiiisato Ilaahay inuu kaa qaado xijaabka (dahaadhka) qalbiga, kaasoo ku yimid dhoohanaanta iyo danbiyada aan galno awgeed
  • · Inaan ku sallino(amaano) Nebigeena Muxamed(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) si ay inoogu dhacdo naxariis ka mid ah naxariisaha Ilaahay uu ugu ballan qaaday qofka ku salliya Nebigiisa
  • · In la sadaqaysto-waxyarba ha ahaatee- sadaqadu waxay bakhtiisaa danbiyada sida biyuhuba u bakhtiiyo dabka
  • · Inaan Ilaahay waydiisano inuu inagu mannaysto(hibaysto) fahan wacan iyo qalbi soo jeeda
  • · In la doorto xilliga ugu habboon(sida saqda dhexe habeenkii- habeenka-salaada subax- aroortii iyo wakhtiyada kale)
  • · Inaad doorato meel ku habboon oo aanay jirin buuq iyo sawaxan, carruurina joogin dad ku mashquuliyaana jirin
  • · Shaydaanka oo la iska naaro bisinkana lagu bilaabo, waana inaad la noolaataa macnaha iska naarida shaydaanka oo u dhugasho yeesho marwalba
  • · In aad nafta ka badhax tirto mashquulkeeda iyo waxay tabayso yaanu noqon Qofka Quraanka akhrinaya mid(gaajaysan, harraadan,werwersan, walbahaarsan)
  • · Ku soo koob fikirkaaga Quraanka oo kaliya
  • · La falgal oo ha ku raadeeyaan aayaduhu kolba waxay ka hadlayaan, haddii ay ka hadlayaan rajo iyo yididiilo farax, haddii ay ka hadlayaan ciqaab iyo hanjabaad, goodin iyo digniin Ilmo ha kaa timaado, haddaanay kaa imanaynina walbahaar ha kaa muuqdo, oo Ilaahay waydiiso inuu kaa badbaadiyo, farxadi ha ku gasho markaad akhridid aayadaha ka hadlaya jannada baqdini ha ku gasho markaad akhriyaysid aayadaha naarta ka hadlaya, ka jawaab su,aalaha uu quraanku ku waydiinayo, sida Miyaanay fikiray, Ma jirtaa cid kaloo Xaq lagu caabudaa oon Ilaahay ahayn fuli arrimihiisa
  • · Ha dareemo qofka Quraanka akhrinayaa in isaga si toos ah loola hadlayo, oo takaaliifta laga rabana aqbalaya, isagoo dareenkaa ku noolaanaya waa inuu akhriyaa, markaasi ayuu macaanka Quraanka dhadhaminayaa

Markaas walaalayaal waxaan idin leeyahay kaalaya aan ka cabno Quraanka si uu oonka inooga tiri, oo nafteenu u hagaagto, bulshaduna u toosnaato, Ilaahayna ina ammaano

((Kuwa akhriya Kitaabka Ilaahay oo salaada ooga waxna ka nafaqeeya(ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayni tijaaro (ganacsi) aan dhamaanaynin)) (Faadhir: 29) 

la soco qaybta kale oo aan kaga hadli doono Fatxu Makkah 

Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Tel:2522(+4118374)
Email: abdulqany@yahoo.co.uk
abdilghani@gmail.com
Address: Sha,ab road
Hargaisa, Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.