Home » Gabay »

Gabay: Birmad Qaran

gabaygan aan ugu magac daray BIRMAD QARAN waxaan kula hadlayaa masuuliyiin iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulada gooni isu taagay ama kuwa goboleedka ah.

Sida Somaliland iyo puntland,oo aad moodo walaalahoodii kale ee koofureed oo ay ayaan daradu ku

dhacday aanaanay u jeedinba,hadii iyaga illaahay nabad iyo kala danbayn uu siiyey waxay ahayd

inay mid kaas la mid ah u raadiyaan walaalahooda koonfureed,hadii iyagu wanaagii ay garan waayeen

waxaa mudnayd inay Laandhisku intii karaankooda hiil iyo hooba la garab taagnaadan,walaalahooda

koonfureed oo balanbalka iyo ciilku daashaday,waxaanad moodaa inay Laandhisyadu taas ka gaabiyeen

anoo tilmaamamaya sida wanaaga iyo sharafta le oo ay isu daba qabteen,somali land iyo puntland

amaanteedana ay mudan yahiin illaahna ha usii siyaadiyo aan leeyahay,ayaan hadana waxaan maansadan

ku xasuusinayaa hadana inay gabeen kaalintii laga filaayey,waxaanan leeyahay illaah haydin garan siiyo

waxaanan gabaygan BIRmad ku bilaabayaa,Bisinka alle,ee daawasho iyo aqris wacan.

dal haduu burburo- qaranki uu

baaba aa gabiba

beelahu cilooboo dagaal

qaraxdo baaruudu

buntuq iyo rasaastiyo-hubkii

boobihii dhacayo

qoonkii badbaadoo ilaah

baal ka mariyaaba

basaastiyo haraadkii ba,naa

baahday aan aragna

xanuunkaan bahdoodii gubtiyo

geeridaan badatay

dhulkii oo barkii gubanayoo

bolowgu yeeraayo

oo barakac beel koofureed

baadilnimo taalo

waagii baryaa iyo alayl

geeri badan taalo

berri iyo waqooyaa dhulkii

baa bad qaba uune

bagee dawlad magacoowde

oo ula baxeen gaara

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkaagoo bar uu gubanayaa

beer laxoow jirine

koonfurtii bastee Laandhisoow

u birmada maanta

Soomaali land waa bahdeen

baar saroo jira eh

dhul barwaaqo taal buu noqdoo

wada baraaraa eh

inkastoo jiraa buuq yaroo

baratan uu yaalo

xisbiyaal siyaasiya baryahan

yaan lagaa badin leh

doorashooyinkii baaqday uu

bulaan galiyey

bulsho weeye aan rabin

inuu galo baroordiiq eh

inay sida puntland doorashada

kala bax ay gaarto

oo ay burburin baa illaah

uga baryaynaa eh

bilaash maahan nabadaad dadoow

beeratoo hore eh

markii aad bislayseen hadeer

yuuna baabi i eh

bowdada Riyaalow ha jabin

oo habadi ciil eh

soomaali weyn baadigoob

baanshaheed noqo eh

bukaankiyo siyaasiga u noqo

booga dhayaheede

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaa

beer laxoow jirine

koonfurtii bastaye Laandhisoow

u birmada maanta

hadii aan puntland bilicsadiyo

bariyo boosaaso

baaxadaa illaah siiyey iyo

badaha gees meera

boqolaal sanoo hore

ayaa boqoro joogeene

qoon soo baraarugay hadeer

beel ah may ahane

odoyaal is biirsaday ayaa

diiday baaba eh

shacabkiyo barbaartii kalana

fuliye baaqii eh

taageeray u bareereen inay

sii bilaan badi eh

xukunkay bisleeyeen horoo

boqoro jeexeena

magacii puntland ula baxoo

boor jafbaa yimide

baqdin la,i ku nooshahay ayey

barri samaysteene

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaan

beer laxoow jirine

koofurtii bastee Laandhisoow

u birmada maanta

baarqabkii siyaasoo dharaar

soo baxoo idilna

bowdyo qaawin maahane dagaal

uma bareeraane

sharci laga baqaa yaal dhulkoo

barri samaysteene

Faroolaana sii bilay hadeer

soo baxoo yimide

xukunkii baryaha liicay

oo burburi gaarey

boobkiyo dhacii koonfurtii

yimid puntlandtii eh

bulaankii dadkiibaa dhulkii

gaarey badidiise

barbaartii mushaar weydaybaa

goostay badihii eh

burcadnimo biloowdoo waxay

aragto boobeene

barqadiyo harkii beled yadii

boobihii dhacayo.

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaan

beer laxoow jirine

koofurtii bastaye Laandhisoow

u birmada maanta

muuqaal baqdina laga qaboo

barri la saadaashay

doorashadi puntland laga qabtay

uga badbaadeene

FARooloo bilqayraa u yimid

oo cabsidi baajay

Taageero beel iyo asoo

helay bahweyntiiba

barbarkiisa dunidii kalana

taagan badidoodba

halistii Puntland noqoy midkii

saaray oo bixiyey

hantidii bilaash dawladii

bixisay oo dhiibtay

oo sababay baahida dhacdoo

bariba saamaysay

Madaxweyne boob aan aqbalin

yimid puntland tii eh

Kii noqoy badbaadshoo dhulkii

oo burburi gaarey

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaan

beer laxoow jirine

koofurtii bastaye Laandhisoow

u birmada maanta

bah wadaag faroolow dadkaad

badi wadaagteena

kii noqo u soo baxa dhulkaan

wada basaasoobay

baanshaa intaan haray dadkaan

baadidoo lumay eh

bowdadu ay jaban tahay midkii

aan bud loo dhigine

heshiis baadi goob oo dhamaan

booqo oo arageh

baadiye mid joogaa dadkii

beladba soomaali

nabad buu u basaaso dhamaan

baahideed timide

ha ahaan baqayl xaasidoo

boogo aan dhayine

ama fulay baqdinu hayso oo

baanta keligiise

buur fuul noqdaa un barkada

beesaduu helo eh

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaa

beer laxoow jirine

koofurtii bastee Laandhisoow

u birmada maanta

ama been un sheegaa hadii

ruux bariidiyo eh

Faroolow bahdaadii haday

boqol dhintaan maalin

barri iyo bedweyn maatadii

meyd bilqani yaalo

cid badbaadisaa qoonkanoo

sama baxshaa haysan

booskii adaa u jooga oo

wuu banaan yahay eh

birmadbay sugaayaan dadkii

badiba soomaali

adigaa bad qaba koofuroo

baarqaboo jira eh

madaxweyne boob aan ku iman

baratamoo jooga

dalkiisii barwaaqeeyey oo

baahidii tiraya

FARooloo kaloo soo baxaa

nagu banaanaa eh

soomaali baxarkaan ka saar

sidi puntlandtii eh

ha ku fiirsan balo ooge iyo

baas abuur dila eh

shimbir aan lahayn baalalbaa

buubi karahayne

dhulkii oo barkii gubanayaan

beer laxoow jirine

koofurtii bastaye Laandhisoow

u birmada maanta.

durraan c/llaahi shirwac

em-dshirwa@yahoo.com

gudoomiyaha shirkada xayiisiiska iyo suugaanta

ee RAAS

London/uk

20/06/09

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.