Home » Warar »

Warqad ku socota Xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed (No. 17)

Nayroobi, 25 Agoosto 2009

As-Salaama Alaikum

Saaxiibayaal,

1. Bisha Ramadaan ee Barakeysani waa bishii la soo dejiyey Qur’aanka Kariimka ah. Ramaadaanku waa waqtigii Nabadda iyo Iscafinta. Waa waqtigii aan dib u cusbooneysiin lahayn ama dib u adkeyn lahayn Ruuxeena, Caqiidadeena iyo xiriirka aan la leenahay Allihii na abuurtay iyo xiriirka aan la leenahay Walaalaha kale ee Muslimiinta ah ha ahaadeen Rag ama Haweenba. Waqtigaan aan cibaadada ku jirno waa waqtigii aanu ka fekeri lahayn ama aanu u nixi lahayn kuwa anagga naga tabarta liita. Waxaan doonayaa in aan dhamaanteen Allaah ka barino in Soomaaliya, Allah idinkiis hesho Nabad iyo Xasilooni, ayna dib u hanato Sharafteedii, ayna dalka dib ugu soo noqdaan dadkii ku barakacay dalka gudihiisa iyo Qaxootiga kaleba inta aan la gaarin Ramadaan kan midka xiga.

2. Arintan (Xilligan Ramadaanka ah ee aan ku jirno) ayaa I xasuusinaysa in aan ka hadlo aayaha dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ah ee hadda ku jira xeryaha. Waxaan dhamaanteen ka warqabnaa sida buux dhaafka iyo nolosha adag ee ay dadkan Qaxootiga ahi ugu qasban yihiin inay ugu dulqaataan xeryaha ay ku nool yihiin si ay Nabad u helaan. Waxaa dhab ahaan amaan mudan Dadaalka iyo Naxariista ay muujiyeen Wadamadda martigeliyey dadkan Soomaaliyeed ee Qaxootiga laakiin dhab ahaantii culeyska ka imaanaya mas’uuliyadani waxay dulsaaran tahay bulshada hormuudka ah ee Soomaaliyeed kuwaasoo awood u leh inay gacan ka geystaan Nabad ku soo celinta Wadanka.

3. Anigu waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa dadka Soomaaliyeed ee Elite ka ah (dabaqada sare ee dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo xurmadaba) ha ahaadeen kuwa dalka gudihiisa ama dibaddiisa joogaba, isla markaana nasiibka u yeeshay in ay iyaga iyo caruurtooda nolol raaxo leh oo deggan ku noolaadaan meel nabad ahna isla joogaan, Caruurtoodana Dugsiyo wanaagsan u aadayaan inay xusuustaan in dalka oo Nabad laga helo keliya ay dhameyn karto dhibaatada muragada dheer leh ee haysata dadka Qaxootiga ah iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacsanba, dadka Qurbajoogta ahna waxay ka kaalmeynaysaa inay helaan mar labaad meel inay si sharaf leh u u sheegtaan wadankoodii sidaasi darted, wadahadalka ayaa ka fiican intii ay Soomaali isdili lahayd. Rasuulkeeni Suubanaa (nabad iyo Naxariisiba korkiisa ha ahaatee) ayaa dhiirigeliyey in tanaasul la isu suubiyo khaasatan markii uu galaayey Heshiiskii Al-Xudeybiyah, waxaana heshiikaas loo arkay inuu yahay heshiis Xurmo iyo Sharaf iyo Quwad huwanaa ee uusan ahayn mid ay daciifnimo keentay, haddaba haddii uu

Rasuulka(Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisaa ahaatee) sidaas suubiyey maxay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ugu dayan la’yihiin ficilkan geesinamada leh ee uu Rasuulka (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) suubiyey ayna isula hadli la’yihiin?

4. Waraaqdeydii hore waxaan ku sheegay in uu Xafiiskayga kuguda jiro qorsheynta Arrimo badan oo muhiim ah oo khuseeya mustaqbalka, arimaha aan sheegaayna qaarka mid ah waa la qabtay.

5. Dawladu waxay dadaal ugu jirtaa waxna ka qabatay arrimaha Nabadgelyada, 25kii Luulyo, Guddigii wadajirka ahaa ee Arrimaha Nabadgelyada oo hadda ka kooban Xubnaha Muhiimka ah ee Dawlada, AU/AMISOM, UN, EU/EC, LAS iyo Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Mogadishu, kulankaasi wuxuu u googol xaaray xiriirka wada shaqeyn ee dhexmari lahaa Dawlada iyo Bulshada Caalamka. Mar labaad 12 August 2009 shirkii Labaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Arrimaha Nabdgelyada ayaa Mogadishu ka dhacay wuxuuna sameeyey 3-guddi farsamo ee xoojinayaa qeybta Nabadgelyada, waqti dhowna waxaa dib u bilaaban doona kulamadii guddiga heerka sare.

6. Inta u dhaxeysay 1 ilaa 5 Agoosto, Wasiirkii hore ee Difaaca Prof Gaandi iyo Aniga ayaa kuwada shir-gudoominay Washington DC shir aad waxtar u lahaa ayna ka soo qeybgaleen saraakiishii sare sare ee hore ee ciidamada Soomaaliyeed. Sababaha shirka loogu qabtay Saraakiishan Saresare ee hore waxay ahayd in laga faa’ideysto xusuustii iyo Waayo aragnimadii hore ee ay u hayeen arrimaha Ciidamadda taasoo nasiinaysa in si aad u wanaagsan loo lafaguro wixii guulo iyo guuldaro ahaa ee horey uga dhacay dhinaca Ciidamadda isla markaana loo dhiso siyaasad iyo hab horey u marsan ee dib loogu dhisaayo Hay’adaha Nabadgelyada Soomaaliyeed. Isla maraakana waa in dib loo xasuustaa dibna loo sheegaa in Xukuumadu ayna weligeed ka istaagin balanqaadyadii horey u suubisay ee ahaa inay mar walba ku dhegenaanayso wadada wadahadalka albaabadeeduna u furnaanayso dhamaan qeybaha kala gedisan ee Ummadda Soomaaliyeed ayna diyaar u tahay inay meelayso dhamaan Mucaaradka oo dhan. Kuwa aan sheegayno waxaa ka mid Saraakiishii hore ee Soomaaliyeed oo dhan ama nin kasta oo Soomaali ah ee doonaayo inuu ka qeybqaato inuu gacan ka geysto diu soo celinta xasiloonida iyo arrimaha dib u heshiisiinta Qarankaba.

7. Shirkii 6dii Agoosto Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Dawlada Mareykanka, ay la yeelatay Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ahaa mid aad u dhiirigelinaaya ummadda Soomaaliyeed isla markaana wuxuu muujinaayey sida taageero buuxda loogu haayo isla markaana loo aaminsan yahay dadka Soomaaliyeed iyo Dawladoodaba iyadoo ku hadlaysa magaca dawlada Mareykanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda waxay si adag u balanqaadey in la taageerayo dadaalada ay wado Dawlada Soomaaliyeed ee ku aadan horumarinta kaalmada Beni’aadamka, Biyaha, Tacliinta iyo sidii loogu dhisi lahaa jawi nabad ah dhamaan Umadda Soomaaliyeed, haddaba arimuhu waxay ku xiran yihiin dawlada Soomaaliyeed inay ka lib keento dhamaan arimaha aan soo sheegnay iyo wixii saad iyo taageero farsamo ah ee ay bixinayaan Bulshada Caalamka taasoo laga doonaayo Xukuumada inay si dadaal iyo dhaqsi leh u hanato.

8. dhamaadkii bishii Luulyo ee aan booqashada ku joogay Washington DC waxaan yeeshay dhowr kulan ee bilateral (kulan labo dhinac ah) waxaana la hadlay Golaha Amaanka. waxaan hoosta ka xariiqay taageerada looga baahan yahay Golaha Amaanka si gacan looga geysto dib u soo celinta xasiloonida Umadda Soomaaliyeed waxaana tilmaamay talaabooyin muhiim ah oo arintaas ku aadan oo ay bulshada Caalamka laga donaayo inay qaado kuwaasoo la xiriira kaalmo laga geysanaayo dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha loona fidinaayo dawlada Soomaaliyeed, howgalka Amisom, Igad iyo Ururka Midowga Africa waxaa kale oo aan u sheegay Golaha Amaanka in Qaramada Midoway ay hadda muujiso inay ka dhab tahay u guuritaanka Soomaaliya si ugu dhowaato shacabka.

9. Kulanka Golaha Amaanka ka dib waxaanu safray Ottawa halkaas oo aan kula kulmay Wasiirka Arrimaha DIBADDA Lawrenca Cannon si aan ugala hadlo Arimihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya khuseeya. Kadibna waxaan kulamo la yeeshay saraakiisha kale ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Canada ka tirsan markaa kadibna waxaan la hadlay 30 qof oo ka mid ah Madaxda Soomaalida qurba joogta kuwaasoo intooda badan i muujiyey inay aad u danaynayaan inay ku howshoodaan Nabadda Soomaaliya.

10. dhaqanka ku dhisan isla xisaabtan la’anta waa arin dhibkeeda ay ku weyn tahay dadka Soomaaliyeed waana in wax laga qabtaa, dhaqanka ku fadhiya isla xisaabtan la’aanta (Impunity) waa sida sunta oo kale mana ogola in ruuxna ka badbaado Bulsho Nabadi ma heli karto Cadaalad la’an, iskaba daa inay barwaaqo iyo horumar gaarto e, Bishii aan soo dhaafnay ee Noveembari 2008, workshop -Kualankii- ugu horeeyey ee looga hadlaayey Cadaalad iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu qabtay Jabuuti, Ka qeybgalayaashuna waxay go’aansadeen inay bilaabaan wax ka qabashada dhaqanka ku fadhiya isla xisaabtan la’aanta iyagoo u maraaya Dawlad Midnimada Qaran. shirkii Labaad ee looga hadlaayey dhaqanka ku fadhiya isla xisaabtan la’aanta laguna hiigsanaayey Cadalaada iyo Dib u heshiisiinta ayaa la qabtay waxaana ka soo qeybgalay Xubno Dawlada Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo Xubno ka socday Bulshada rayidka ah oo ka yimid Soomaaliya, kulankaas ayaa isna hadda dhow shaqadisii dhamaatay, Qubaro caan ah oo ka socota Bulshada caalamka iyo Xubno ka socday Guddiga la socoshada Arrimaha Soomaaliya ee saldhigooda yahay Nayroobi ayaa haddalo muhiim ah halkaas ka soo jeediyey. shirka waxaa goobjoog ka ahaa tiro aad u muuqatay oo Haween iyo dhalinyaroba leh. Sidii mustaqbalka wax loo qaban lahaa ayaa la tilmaamay, habab iyo wadiiqooyin kala gedisan oo wax looga qabanaayo isla xisaabtan la’aantana ayaa la soo jeediyey.

11. Rabshadihii hubeysnaa weli waa sii socdaan. Waxayna sii socdaan iyadoo ayay ciidamada Itoobiya aysan Mogadishu joogin, arintaas oo markii hore lagu marmarsiyoon jirtey, maxaa sabab ah ee hadda loo wadaa dagaalada socda, Haddii aanan la dooneynin in si shaqsiyan ah looga faa’ideysto Nabad la’aanta? Meel walba oo aan tago ajaaniibta si gaar ah ayey ii weydiiyaan su’aashan. su’aashan waa su’aal aan doonaayo inaan si gaar ah u weydiiyo kuwa dhowaan ku hanjabay inay laba-laabi doonaan weeraradooda mudadan aan ku jirno bishan Ramadaan ee barakaysan iyadoo uu Madaxweynaha si gaar ah ugu baaqay wadahadal xilligani, maxay tahay fadliga ama Ajarka laga helaayo in la dilo qof Muslim ah oo waxba galabsan? Maxaa daliil ah ee loo haystaa in Umadda Soomaaliyeed lagu abuuro baqdin iyo argagax?

12. Waa naxaa mar kasta oo aan warbaahinta ka aqriyo in dhibaatada Soomaaliya loo arkaayo cudur argagaxin ah oo ku fidaaya aduunka intiisa kale, arinta waxay waxyeelo uleedahay dhamaan dadka Soomaaliyeed, waxayna si aad u taabanaysaa kuwiinan kunool wadanka dibadiisa inkastoo Baasaboor dhalasho aad ka haysataan wadamada reer galbeedka haddana dad tuhun laga qabo ayaa tihiin, Qofka Xoriyadiisa iyo sharaftiisa meelka dhac ayey ku tahay in isagoo aan dambi qabin laga shakiyo ama loo arko in Adunyada inteeda kale uu qatar ku tahay sababtuna ay tahay asalkiisa meesha uu ka soojeedo. Waxaa la joogaa wakhtigii wadanka laga dhameyn lahaa ama la joojin lahaa dhibaatadan aad ka udaba dheeraatay ee ku qotonta soomaalida oo isdilaysa.

13. Dawlada talaabooyin iskaashi leh ayey dhinaca siyaasada kala samaysay ururka AHLU SUNNA WALJAMAACA anaguna waxaanu taageersanahay dadaalkaasi waxtarka leh waxaana rajaynaynaa in dadaal intaa ka badan laga sameeyo Mogadishu, dadaalkaasina lala sameeyo walaalaha Soomaaliyeed ee aan weli Xukuumada Nabad la ahayn, sidoo kalena Soomaalida nafteedana lala sameeyo dadaal. Dhamaan albaabaduna waxay u furan yihiin dhinaca Nabada.

14. Dadka qaar ayaa Xukuumada hadda jirta raali ka ah qaarna waa ay ka soo horjeedaan laakiin waxaa la joogaa, 20 sanno kadib in la xusuusto in Xukuumada cusubi ay ka fiican tahay dawlad la’aan haddii dulqaaa la yeesho Allah idinkii waxaad heli doontaan dhamaan dawlada aad dooneysaan haddaba si arintaas loo helo, wadajirkiina ku aadan xoogeynta dawlada ayaa muhiim ah. Dawladani waa guuleysanaysaa, waana in Wadaniyiinta fursadani seegin, waxaan Allah ka baryayaa inaad dhamaantiin wada xusuusataan maankana ku haysaan arintan muhiimka ee aan idin sheegay bishan Ramadaan ee barakaysan.

Walaalkiina Qaaliska ah

Ahmedou Ould-Abdallah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Warqad ku socota Xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed (No. 17) "

  1. Muwadin Ayanle birre says:

    TIMIRBA LAF AYAA KU JIRTA NINKAAN WAXAAS KAMA HADLIJIRINE MANTA MAXAA KU DHACAY

    MIYUUSAN OGAYN IN SOMALIYA AY ISKU RAACI LA DAHAY QOF SIDAN OO KALE AH OO DANTIISA ASAGU KU WATA SOMALIDA

    FADLAN INTII KU RAACI KARTAA HA KU RAACDO LAKINSE INTAYADA AAN KU RAACI DOONIN AYAA BADAN INSHA ALLAH MARDHAWNA MUSLIMINTA SOMALIYA WAA AY KU XUKUMIDOONAN SOMALIYA DIINTA ISLAMKA NOOCAGA OO KALENA IYO KUWA RAACABA SOOMA GALIDOONAN

    ASALLAMUCALAY KUM
    AYANLE AHMED
    MALAYSIA

  2. aadan says:

    waa ku mahadsantihiin sida aad mar walba usoo bandhigtaan dadka ladamacsan sooomaaliya dhagarta iyo khiyaanada waligeed lama maqlin qaramada gaalwday oo umad wax u qabatay been iyo khiyaano ayuu la wareega allaah waxa uu yiri mar uu kahadlayay unaafaqiinta waxa uu yiri
    ((وان يقولوا تسمع لقولهم))
    hadal macaan loogama baran ee dan kale ayuu leeyahay

  3. wadanka says:

    kkkkkkkkkkkkkk war ninkan wuxuu u qudbeynayaa oo wacdinayaa inta caqliga yar ee ka leexo

  4. bashiir says:

    scww aad waxaan ugu mahad celinayaa dhalinta qorta webka somalitalk oo aan dhihi karo waa ninman isku darsaday xirfad iyo garasho dheer waxaan aad ula yabaa meesha ya warka ka soo helaan, marka sxb yaal odagan warkiisa dhadhan malaha waa khaain aan doonayn danina aysan ugu jirin in soomali heshiiso

  5. cabdi says:

    walad cabdalla waxuu ka mid noqday qabqablayaasha soomaaliyeed ! warkiis ma jirto cid doonayso oo naga mid ah , dagaaladda hadda muqdisho ka socdo asaga ayaa sabab u ah , waxuu marka noqonaya sida melez sanaawi camal shaqsi ajaanib ah kaasow , haddana qaska soomaaliya lug ku leh , kaasow aan mas’uul aan lugu tilmaami karin
    walad cabdalla waxuu qeyb ka qaatay burburinta muqaawamadda hooshaas oo maraykanka u sow xilsaartay wuuna fulshay barnaamishkaas, marka imisa ayaa ka sow gashay oo qarash in la waydiiyo ayaa fiicnaan lahayd.

  6. Jookhle Jacjacle Jacbur says:

    War ninkan hadlaayaa, mashruuc buu soo samaystay uu ugu magac daray Dowlad Midnimo Qaran, Mashruucan markuu samaynayaayey Dawlad baa dalka ka dhisnayd, inta uu dumiyey Dawaladii jirtey, Yuu hadana mashruuc la yimi uuna u xilsaartay Sh. Shariif,hadeeruu marka wacdi la wareegayaa Soomaaliyeey yey idin sirin Muslim baan ahaydu,