Home » war-baahin »

Sharuur|Aadam Zaki

Xabsiga dusha ka furan ee Af-duubka loogu jiro 20 sano dhawr Afar jeeble soo maahan inaan daawadii waydiisanayno curudkii lagu dawayn lahaa ? Warbaahinta Somalia eek u dhisan Nadaamka aadka u foosha xun (Sharuur) waxay ka daran tahay Mooryaanta Xanbaarsan Qoryaha ay noogu deeqeen kuwa Neceb Inaan Nabad helno ,

Markaad shaqo siinaysid Wariye aan khibrad lahayn kana soo bixin Iskool ee aqoontiisu aysan dhaaf siisnayn xoogaa yar o oo Af Ingiriisa ah , aad ku dhiiri galisid waliba inuu Mushaarkiisa kasoo qaatto dadka uu warka ka samaynayo soo maahan inuu danbiile kasta wuxuu doono sheegto Siyaasi Aqoon yahan Dr Hogaamiye Macalin aan caadi ahayn iyo waliba Beel daaje ,adigaase ka masuul ah

Sharuur waa sheekada ay inta badan ku dhisan yihiin warbaahinta Somalia waa Soo shaxaad Dagaal ooge Dr been abuur ah Siyaasi aan kalmada Siyaasad waxay tahay aqoon Suldaan ama Beel daajiye aanay beeshiisa Aqoon meesha uu kasoo galay, dhammaan arimahaas iyo kuwa kale oo ka xanuun badan waxaa dhaliyay warbaahinta Gudaha Somalia .

Billawga Saxaafadda xorta ah ee Somalia waxay ahayd Billagii Dawlad La aanta dhawrkii Wargays ee xamar maantaa kasoo bixi jiray oo badankood jiraan haattan lagama dheehan Karin erayga Sharuur hasa ahaattee waxay arintaas soo shaac baxday bilowga idaacadaha xorta, waxay saamayn wayn ku yeesheen Wargaysyadii oo inta Badan aqoon yahankii ka shaqaynayay qaar la dilay qaarna Naftoodii la baxsaday banaanadana Qoxooti ku ah .

Waxaa booskii buuxiyay dad xuurtaysan oo usoo galay saxaafadda Reer Hebel yaan laga badin sida dhabta haddii Cayda Daanyeer Dusha looga Qori lahaa Ileen Doorshaan wuxuu yahay Kolna waanu diideen

Erayga sharuur waa shaxaad ama baryo ku dhisan Maxaan kuu qoraa ama kuu sheegaa waa Habka xayasiinta ee ay warbaahintu sharikaadka soo saara adeegga guud ay ku suuq geeyaan oo ay u badaleen dhalin aan aqoon lahayn iyo warfidiyeen aan aqoon lahayn kuna soo galay beerta warbaahinta suuq madaw, sharuur waa mushaarkii oo ay shaxaad ay casriyeeyeen warbaahinta qabiilka ku dhisan ee ka jirta Somalia guud ahaan waxayna

Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sharuur|Aadam Zaki "

  1. Umar says:

    Saaxiib Zaki ma anqaastii aa kaa dhamaatay sheekada meel fiican ayay maraysay laakiin waxaan u malaynaa anqaastii aa dhamaatay mid kale soo riiq bal naga dhamayastir waaba xiisa badan tahay sheekaduye