Home » Warar »

Liiska Magacyada Golaha Deegaanka Gobolka Mudug

Golahahaan ayaan waxaa la dhaariyey Arbacadii la soo dhaafay Aug 23 waxayna ka Koobnaayeen 31 Xubnood ku waas 5 ka mida ay ahaayeen Dumar halka tirada ragguna ay tahay 27 Dumarkaan ayaa 2 kamida waxaa soo xulay beelaha qaarkood oo ay Xubnahu ka imaan lahaayeen halka 3 kamidana Gudiga Farsamadu ay ku dareen.

Golahaan ayaa ah Mid iskugu jira Saraakiil Ganacsato iyo Nabadoono Culumo Aw diin Waxaadna Moodaa in Xubnahaan ay ka go’an tahay Xasilinta iyo xal u helida Gobalka oo dilal badan oo qorshaysan ka dhaceen Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole ayaa Dadaalkaan iyo aasaaskaan u ahaa Laf dhabar Golaha deegaanka ayaa Shaqo Joojin lagu sameeyey Xiligii Madaxweyne Cadde Muuse

Sidoo kale Golahaan Cusub oo ay isku ku Jiraan Saraakiil aad looga Qadariyo Puntland iyo Rag Aabbayaashood ay ka Mid ahaayeen Asaasayaashii Dhismaha Magaalada Gaalkacyo ayaa dad badan waxay u arkaan tilaabo wax ku ool ah iyo hormar ka mid ah Maamulka Cusub ee Madaxweyne Faroole

Waxaana laga soo dhaweeyey Waqooyiga America Yurubta Canada iyo Zambia Kenya Sacuudi Carabiya Dubai iyo Wadamo kale.

Magacyada Xubnaha Deegaanka Gobalka Mudug Hoos ka Akhri

1) kornayl Abdullahi Mohamed Hassan Abdullahi Faray

(2)Sh Nabadoon Abdirahman Mohamuud Haji Hassan

(3)Ahmed Muse Nuur Yare

(4)Mohamed Jabriil Jamac

(5) Ahmed Mohamud Cartan

(6)Ahmed Ali Salaad

(7)Mohamed Abdi Nuur Aadan

(8)Abdirisaq Dahir Afrah

(9)Osman Salaad Mohamed Fagaase

(10)Hassan Mohamed Khalaf Abgaaloow

(11)Saacid Ali Seed

(12)ENG Abdullahi Abdi Buubiye

(13) Abdullahi Ibrahim Ahmed Macruuf

(14)Hussein Ahmed Nuur

(15)Hassan Hussein Aw Mohamed Aloore

(16)Abdi Osman Farah Ciro

(17)Dahir Mohamed Muse

(18)Mohamed Mursal Abdi

(19)Farhan Ali Hirsi

(20)Ahmed Arab Yusuf

(21)Farhiyo Yusuf Hirsi ina Bilig

(22)Fadumo Yusuf gees dheer

(23)Bashiir Jamac Mohamed

(24)Abdirashiid Ali Nuur Ahmed

(25)Ahmed Mohamed Ali

(26) Abdulaahi Hassan Warsame Joorje

(27) Hawo AbdiSamad Jalaqsan

(28) Fadumo Farah Aadan

Laba Gabdhood ayaan wali Magacyadoodu na soo Gaarin

Saddex Xubnood ayaan wali magacyadoodu Nasoo gaarin

Ustaad Abdiwali Dalboon
North America Minnesota
Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Liiska Magacyada Golaha Deegaanka Gobolka Mudug "

  1. qariib baan ku ahay galaakaco waan ku dhashay says:

    war dakaan jifooyinkooda maxaa loo diidan in lasoo qoro, hadii dimuqraadiyo wax lagu soo doortay waxaan idin tusaaya micnaha dimuqradiyada putnland waa , facisimskii uu diiday in gobaladaan lagu dhaqo waxaana taas diiday alaha u naxriisti siyaad bare. waxa ay badaan qurmi doonta maalinta aay soo baxdo jifooyinka galaaha sudbursiga maalitaa ayaa la ogaan. dimuqraadiyada al caboon uu soo xulay. Bari( barida idaha) bari cune duhurku cakaaraha imaan.

  2. qariib baan ku ahay galaakaco waan ku dhashay says:

    maskaxda ina faroole waa ina xaji xasan in uu noqdo duqa magaalada magaalada. faroole gacan bir buu ku qabtay gaalakacyo!! cajaib horaa loo yiri nin tiisa daryeela, ayaa midkale ku dara. marka faroole haduu gacan bir wax ku qaban lahaa waxaa uu ku qaban lahaa eyl, marka meshaan waala yaqaan yana murmin se meeshay ku dambeeyn la arki doona, tankale dadkaan la doortay yaa doortay. gudigaan sidee lagu xulay, hadii layiraahdo reer habel intaa ha qaateenn matiro koob anan ogeeyn miyaa jira tankale
    maxaa ilaa iyo hada loo diidan yahay in tirakoob laga sameeyo garoowe burtinle iyo gaalkacyo mise jariiban iyo goca ayaa golaha laga sooxulaa ileeyn galkacyo walays yaqaan

  3. abdiqani ali guuled says:

    WAXAAN AAD UGU FARAX SANAHAY DADKA LOO XULAY GOLAHA DEEGAANKA GOBOLKA MUDUG,
    INKASTOO AYKU JIRAAN DAD WAX QABADKOODU AAD ULIITU MARKA WAXAAN CODSANAYAA, IN AAN LOODOORAN XILKA DADKA HORAY KAGA SOO QABTAY JAGOOYINKA DEGMEDA GLKACAYO,
    GAAR,AHAAN MASUULKII UGU DANBEEYEY EE HADA HAYEY XILKA DEGMADA GLKACAYO.
    WAXAAN KALOO CODSANAYAA NIN XILKA LUGU AAMINO NIN WAX QABANKARA OO AAN LUGU XIRIN QABIIL, WALIBA IN LOODHIIBO RAGA DHALINYARADA AH EE FRISHKA AH,
    MAHADSANIDIIN

  4. hawa says:

    As wr wb,

    Waa hormar lagu tilaabsaday iyo caqabad laga gudbay ,marka qofkasta oo muwadan reer puntland ah waa faraxgalinaysaa ilayn galkacayo dhibta ka jirta wa aina wada xanuunjinaysaaye,”qofka la baxay galkacayo qariib baan ku ahay waana ku dhashay”in aadan ahayn qof mudan in hadalkiisa laga jawaabo waxaa ka maraga ah ciwaankaad la baxdya balse mid ogoowFaroole in uusan soo dooran dadkaan ee ay keensadeen reer galkacayo sharuuduna ahayd qofkii buuxiya in uu ogalaadaan gudiga loomagacabay,marka waxaa wanaagsan intaadan aflagaadayn madaxdeena in aad wax hubsato,ilaa hadda madaxwaynuhu galkacayo gacan bir ah buu ku qabtay,dadkuna haddaynsan shaqaynayn dowlad akaliya wax ma qaban karto,caqabadaha ugu wayn bay ahayd in la dhiso gole deegaan marka haddii lagu guulaystay mahayn in aad eed mila’awaala aad keento nabadey

  5. qariib baan ku ahay galaakaco waan ku dhashay says:

    Stalk waligiin waxaan idunku ogaa in aad qorijirteen xaqa waxaan jeclaan laheen in aad noo sheegtaan dadkaan ladoortay jifooyinka aay kasoo jeedaan, waxaa kadhab noqoneeysaa qaladaakii Faroole, marnaba ma aaminsani in faroole xaq waxku qabto am u qabto, marka waxaan jeclan laheen jifooyinka aay kasoo jeedaan dadkaan Isdoortay

  6. xaaji daahir says:

    Runtii waxaan ku faraxsanahay sida loo doortay Golaha deegaanka ee Gaalkacyo waxaan leenahay Mahadsanidin Faro’s Govt.

  7. axmed says:

    bismilaah ilaah baa mahad dhamaanteed u sugnaatay. halkaan waxaaa iiga cadaatay in isbadal uu ka dhacay galkacyo maxaa yeelay qofkii galkacyo yaqaanay maamulkeeda iyo waliba goloheeda deeganka waxa uu ka daalacan karaa liiskaan inay ku jiraan rag aqoon,khibrad,iyo karti u leh maamul wanaaga kuwaasoo aan dhamaan aqoon u leeyaha. waxaa ka mida raga sida gaarkaa aan u xusayo kartidooda iyo khibradoda shaqo iyo waliba daacadniamdooda kuwasoo ceeb ka saliim ka ah waxii horay uga dhici jirey galkacyo kuwaasoo aan lagu baran maamul xumo iyakoo ka gaabsaday inay xil ka qabtaan xiligii musuqmaasuqa iyo xukuumadihii cade iyo c/laahi yuusuf waxaa ka mida ragaas aan magacaabe raga aan rajaynayo inay wax ka badali doonaan arinka xun ee gobolka hareeyey
    1- kornayl c/laahi mahamed xasan c/laahi faray
    2-c/rahmaan mahamed xaaji xuseen
    3-c/rasaaq daahir afrax
    4-mahamuud jabriil jaamac bari adag
    dhamaan ragaan xusay waa rag wax ku soo kor dhin kara magaalada

  8. Codsi waxan codsanaynaa in laga saaro liiska golaha deeganka ee galkacyo Joorje iyo inna bilig, faagase na pharmcy giisi halo celiyo, aloore in geedihiisi dadka uu ku dawaynjiray abdulahi farey book shop kii halo celiyo buubiye cabdi ciis halo celiyo iyo hotel sundus, saacid cali seed Geco haloo celiyo , ahmed ali salad jariiban halagu celiyo