Home » Sports »

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo Hambalyo u diray Ciyaaryahan

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliya ayaa Hambalyo u direy ciyaaryahan dadaal ka muujiyay Cayaaraha Oradada Aduunka.

London 22.08.2009.Mudane Saleebaan Colaad Rooble Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Soomaaliya ayaa nagula soo xiriirey qadka Telefoonka isagoo jooga magaalada Muqdsiho , waxana u yiri ‘’waxaan sharaf weyn ii ah inaa Hambalyo u diro anigoo ku hadlaya wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo Dowlada Soomaaliya dadaalka weyn ee ka muujiyay ciyaaryahanka Soomaaliyeed Mohamed Ali Mohamed ee ka qayb galayay tartanka ciyaaraha oradada Aduunka ee ka socda dalka Germany gaar ahaan magaalada Berlin, isla markaana u jeediyay inuu dadaalkiisa halkaas ka sii wado insha Allah si mustaqbalka meel fiican uga gaaro .

Run ahaantii sharaf weyn ayay noo tahay isla markaana na farxad galinaysa inaan ka daawano Telefishinada caalamka wiil Soomaaliyeed iyo Calankii Soomaaliyeed inay nooga soo muuqdaan garoonka ay ka socdaan ciyaraaha oradada Aduunka, isagaoo matalaya dalkiisa iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ciyaaryahan Mohamed Ali Mohamed halka kuwii isaga la midka ahaa lagu baabiyay dagaalo aan dhamaanaynin oo ay dabada ka riixayaan dad shisheeye u ku adeegto ayuu yiri Wasiirka.

Ciyaaraha fudud ayaa ah ciyaarta kaliya ciyaaryahanada Soomaaliyeed ay ka gaareen guulo dhaxal gal ah isla markaana taariikhda ay kaga galeen baal dahab ah sida Ciyaaryahanada Cabdi Bile Cabdi iyo Cabdule Waasuge ( Allaha u raxmadee)

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa waxa u kale hambalyo u diraya Xoghayaha cayaaraha fudud ee dalka Soomaaliya mudane Faarax Cali Macalin iyo macalinka cayaaraha fudud ee Soomaaliya Claahi Sanay oo dhamaantood ku sugan dalka Germany.

Mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa shacabka Soomaaliya hawada salaanta Ramadaanka ee Ramadaanul Kariim isla markaana Allah uga baryaya inay Soonka fadligiisa inay ku helaan Nabad quluubtoodana isku soo jeediyo.

Waxaan rajaynayaa in dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogan inay kaga daydaan ciyaaryahan Mohamed Ali Mohamed dadaalka iyo wadaniyada uu ka muujiyay tartanka caalamka oo dhan ay ku soo bandhigayaan shucuurtooda wadaniyadeed iyo heerka ay ka joogaan Sports ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble

Yusuf Yusuf
Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.