Home » Maqaallo »

Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah | Ahmed-Haadi

Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, [doqoni qufacday, meel laga gaarayna ma garaneyso], soomaalida intii ka horaysay dowladnimada waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, waxayna ku dagaalami jireen daaqa iyo biyaha, ninkii xoog leh baana u hari jiray daaqa iyo biyahaba, ninkii laga xoog roonaadana wuu haajiri jiray oo wuxuu aadi jiray meel taaktii iyo tabartii uu ku joogi karo.

Waxa taa xigay isticmaarkii, kaasoo u higaadiyey wax dowlad la yiraahdo, kadib markuu baxayna uu ushii ugu dhiibay dadkii waardiyaha iyo cunta kariyaha u ahaa, kuwaas oo aqoonta kaliya oo ay lahaayeen ay ahayd inay ku hadli kareen afka isticmaarka iyo xeeladihii ay ka kasbadeen, una dheerayd iyadoo habdhaqankoodu ahaa mid ku salaysan qabyaaladaysi iyo musuqmaasuq.

Waxaa taa xigay, la wareegadii wadanka ee ciidamada qalabka siday kuwaasoo wadanka ku hagay nidaamkii shuuciyadda lase dagaalamay qabiilaysigii iyo musuqmaasuqii. Waxa taasi xigay in nidaamkii markaa jiray uu ku baaqay dagaal aan natiijadiisa laga fiirsan oo lagu qaaday xabashida kaasoo ay natiijadiisu noqotay in ciidanku siduu guulo degdeg ah u gaaray u haddana khasaaro degdeg ah u gaaro dhulkii la xoreeyeyna dhamaan ay dib xabashidu u hanato.

Dagaalkaa waxyaabaha uu abuuray waxaa kamid ahaa in soomaalida musuq maasuqii uu dib u ugu soo laabto madaama uu nidaamkii daciifay waxaana bilawday boob hantidii dowlada taana waxaa ka dhashay in qofkii aanan qof ku lahayn nidaamka inuu kaba la’aan socdo qofkii kalana guri iyo gaari.

Cadaalad daradaas waxaa ay burburisay dowladii waxaana 91kii burburay dowladii soomaaliya, waxayna soomalidu dib ugu laabatay asalkeedii ahaa ninkii xoog leh xabagta ha goosto taana waxaa ka dhashay xasuuq badan iyo dulmi aanan qoraalkaan lagu soo koobi karin.

Waxaa la soo gaaray sanadkii 2000, markaa waxaa dib u bilawday in la raadiyo qaranimadii soomaalida waxaana tallaabo laga qaadi waayay hogaamiyo kooxeedkii dhulka iyo dadka xaraanta ku haystay ilaa laga soo gaaro xiligii kacdoonka Midawga Maxkamadaha oo sal kiciyay hogaamiyo kooxeedyadii hubeysnaa, waxayna mudo 6 bil ah ku soo celiyeen cadaalad iyo kala dambeyn inta badan koonfurta wadanka aysan soomaalidu intii ay jirtay waligeedba aysan harsan.

Dhamaadkii 2006 ayaa waxaa ay Itoobiya burburisay nidaamkii Maxkamadaha iyada oo ku andacooneysa iney khatar ku yihiin iyo iney taageerayso dowladii markaa Baydhabo saldhiga u ahayd oo ay xoogaga maxkamadaha weerar ku hayeen.

Kadib waxaa bilaawday dagaalo lagu hoobtay oo ujeedooyin badan lahaa, dad u dagaalamayay in Itoobiya wadanka laga xoreeyo iyo dad dano kale watay waayo markii ay Itoobiyo baxday waxay ahayd haddii caqli talinayo in dadka la wada hadlo wadankana loo sameeyo maamul iyo kala dambeyn waayo waxaa jirtay fursad dadka aan ahayn qabqablayaasha dagaal ay ku wada hadli kareen, laakin taa ma dhicin waxaana abuurmay kooxa fara badan oo mid walba leeyahay aniga ayaa sax ah ,waxaana hayaa qorsho lagu badbaadinayo dadka iyo dalka waxaana maalin walba socdo xasuuqa dadkii ka soo badbaaday intii dhib ee aan soo sheegnay.

Soomaalida waxaa muhiim ah iney ogaato in cilada haysata ay tahay cadaalad daro. Marka waxaa muhiim ah si looga baxo taasi in qof walba Alla ka baqo uuna ogaado waxa uu noolaanayo iney tahay wax mudo gaaban ah, sad bursi iyo shirqoolna ineysan aakhiro dhinac u galayn marka waxaa wanaagsan inuu qof walba ka taliyo sinnaan iyo cadaalad sidii lagu gaari lahaa, taa ayaana waxaa looga bixi karaa dhibka maanta socda.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
Odense Denmark
haadi30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah | Ahmed-Haadi "

  1. daacad says:

    waa fikir wanaagsan oo hadana ka hadlaaya xaqiiqada lakin yaa qadanaya oo ku dhaqmaayo qofkasta qabiil ayaa dhuuxa ooga jira marka ilaahay ayan ka baryaa in khayrka nawaafajiyo