Home » Warar »

Baaq Nabadeed:Somali Diaspora Support Intiative

Ururka SDSI wuxuu aad uga walwalayaa, dareen culusnna ka qabaa coladda iyo dagaalada ka soo cusboonaaday gobolka Gedo xilli ay bulshadu gobolku la daalaa dhacayso abaar ba’an iyo nolol xumo baahsan.

Waxaan u aragnaa dagaallada iyo degannaasha la’aanta gobolka ku soo noqnoqonaya in ay keeni doonaan cawaaqib xumo iyo burbur daba dheeraada . Bulshada gobolku waa ka daashay dagaal iyo barakac waxayna mudan tahay in loo turo oo dhibka iyo colaadda aan dhamaadka lahayn laga daayo.

Waxaan ku baaqaynaa:

1. In si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaallada iyo colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka, isla markaasna loo turo shacabka abaartu ku habsatay oo aan loogu darin dhib iyo barakac hor leh.

1. In kooxaha isku haya gobolka ay khilaafaadkooda ku dhameeyan wadahal ayna oggolaadaan dadaallada nabadeynta ee waxgaradka beeshu waddo.

1. In odayaasha iyo waxgaradka guduhu dardargeliyaan una istaagaan sidii loo xakamayn lahaa colaadda iyo dagaallada ku sii fidaya gobolka.

1. Waxaan dalbaynaa in gobolka laga joojiyo faragelinta joogtada ah ee lagu hayo iyo gacmaha shisheeye ee dhiirigelinaya isla markaasna abaabulaya dhinacyada gobolka isaga soo horjeeda. Waxaan aamminsannahay in dadka walaalaha ahi ay ka heeshiin karaan khilaafaadkooda haddii loo madax banneeyo.

1. Ururku, wuxuu jaaliyadda dibadda ee gobolka ugu baaqayaa in ay gacan degdeg ah ka gaystaan arrimaha nabadaynta iyo sidii colaadda gobolka ka soo cusboonaatay loo damin lahaa, sidoo kalana bulshada gobolka laga taageero dhibaatada abaareed ee la soo deristay.

SDSI Communications Director
C/risaaq Cali Carabeey(Jeesteeye)
jeesteeye@gmail.com
www.thesomalidiaspora.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.